Skip to main content

Warbixin ku Saabsan Xaaladda Gargaarka aadaninimo



Waxaa soo baxay warbixin ka warramayso xaaladda uu ku suganyahay gargaarka aadaninimo ee dunida. Maaddaama aan nahay ummad ku tiirsan gargaarka caynkaan ah, qaar badan oo dhalinteenna ka mid ahna ay ka shaqeeyaan howlaga gargaarka waxaa ila wanaagsanaatay inaan in la wadaago qodabbada ugu muhiimsan ee warbixinta.


1: Gargaarka wuxuu ku baxaa waddamo tiro yar: 60% gargaarka bini-aadamnimo waxaa lagu bixiyaa toban waddan oo kaliya. Suuriya ayaa ugu badan oo waxay heshaa 14% waxaana labeeyo Yemen oo 8% lagu bixiyo. 7 ka mid ah tobankaan waddan waa muslimiin barax la' waxayna kala yihiin: Turki, Suuriya, Yemen, Lubnaan, Ciraaq, Urdun iyo Falastiin. Waddamada Turki, iyo Urdun dhibka laga caawiyo waa xaqootiga Suuriya kasoo barakacay. Saddexda dhimman waa Itoobiya, Koofurta Suudaan iyo Giriigga oo ah meesha Yurub usoo maro qaxootiga ka imaanayo dalalka Afrika iyo Carabta. Koongo iyo Suudaan ayaa ka baxay tobanka hore marki ugu horraysay tan 2011'ki iyo 1999'ki sideey u kala horreyaan. Maahan inay xaaladdoodi hagaagtay ee waxaa soo baxay kuwo ka dhib iyo baahi badan.


2: Gargaarka Bini-aadamnimo aad ayuu u kordhay: Sanadki 2017'ki kaalmada caalamiga ee loogu talagaly xaaladaha dagdagga ah ayaa gaartay heer cusub. Waxaa loo qorsheeyay 27.3 bilyan oo doolar xaaladaha dag-dagga ah ee dunida soo wajahayo.


3: Inta badan kaalmada caalamiga ah waxaa la mariyaa hayadaha waaweyn ee caalamiga ah: sanadki 2016'ki 60% oo uu dhiganta 12.3 bilyan oo doolar waxaa la mariyay hayadaha caalamiga gaar ahaan kuwa Qaramada Midoobay. Hayadaha aan dowliga ahayn ayaa si toos ah u helay 4 bilyan oo dhiganta 20%. 94% hayadaha aan dowliga ahayn ee la mariyay kaalmadaan waa kuwo caalami ah Care International. Taasi waxay ka dhigantahay in hayadaha aan dowliga ahayn ee maxalliga ah ay soo gaaraan kaalmooyin soo maray gacmo badan oo ay iyaguna sii gacmo-gacmeeyaan. NGO-yada maxalliga ah waxay si toos ah ooga heleen  kaalmada caalamiga ah kaliya 0.4%. Arrintaasi waxay tusaysaa in dhaqaale aad u xooggan uu dib ugu laabto waddamadi soo diray sababtoo ah hayadaha fulinayo iyo dadka ka shaqaynayo ayay leeyihiin.


4: Micnihi xaaladaha dagdagga ah oo is baddalay: Awal xaaladaha dagdagga ah waxay ahaayeen kuwo ku ek waqti kooban oo si dhaqso looga gudbo si loo wajaho kuwa xigo iyo meesha ay kasoo baxaan. Sanadahaan waxaa is baddalay xaaladdi noocaas ahayd. Dhammaan arrimihii ku bilowday xaalad dag dag ah, waxay isu baddaleen kuwo daba dheeraaday oo aan dhammaad lahayn. 86% kaalmadi bini-aadamnimo ee la bixiyay 2016'ki waxay lagu bixiyay xaalado waqti dheer ama mid dhexe ah. In ku dhow laba seddexaad (74%) waxay ku baxday xaalado waqti dheer ah. 16 ka amid ah labaatanka dal ee helay kaalamada ugu badan waxay ku jireen xaalado bini-aadamnimo oo deba dheeraaday halka mid uu ku jiray xaalad dhexe, taasoo ka dhigan saddex kaliya ayaa ku jirta xaalad dagdag ah.


5: Turkiga oo kow ka galay labaatanka dal ee bixiyay deeqaha ugu badan. Sawirka hoose wuxuu tusayaa labaatanka dal ee bixiyay deeqaha ugu badan ee bini-aadamnimo. Goobooyinku waxay tusayaan dal walba inta uu bixiyay sida ay u kala wayn yihiin ayayna bixinta ugu kala badnaayeen. Liiska waxaa hareeyay waddamada Yurub iyo faracooda (waqooyiga Ameerika). Dalalka Islaamka waxaa kaga jiro Sacuudi, Imaaraat iyo Turki. Waxaa soo jiidasho leh in Turkigu noqday dalki bixiyay deeqdi ugu badnayd sanadki tagay.


Deeqda Turkugu bixiyay inteeda badan waxay ku baxday qaxootiga Suuriya ee dalkiisa ku nool. Waxay gacatiisu sidoo kala gaartay qaxootiga Ruhiingana ee Barma lagu warjeefayo iyo Soomaaliya. Maraykanka oo waligiis haysan jiray kaalintaas ayaa labo galay. Hasa ahaatee, marki laga eego dalalka deeqahooda ku bixiyay bannaanka wali waxaa hoggaaminayo Maraykanka oo 32% bixiyay deeqda guud marki laga eego dhinaca deeqda lagu bixiyay gargaarka guud.



Waxaa sidoo kale tusaalayn mudan in Imaaraatku aad u yareeyay deeqdi uu bixin jiray. Imaaraatka ayaa dhimay 434 milyan oo doolar taas oo u dhiganta 61% deeqdi uu bixin jiray. Waa dalka kaliya ee dhimay boqol milyan wax ka badan sanad gudhiis.


Arrintaan waa mid la yaab leh waayo waqtigaan Imaaraat wuxu dadaal ugu jiraa inuu isu muujiyo dal awood leh oo danaynaya horumarka adduunka. Haddii uu jaray intii yarayd ee uu bixin jiray sidee rabaa inuu adduunka isaga iibiyo. Dalalka deeqaha bixiyo dhammaan waxay leeyihiin dano siyaasadeed oo u badan inay sumcadddooda dhisaan si ay dunida oo dhan xurmo ooga helaan. Hadba dalku inta uu faraha kula jiro dalalka kale ayay ka badan tahay waxa uu bixiyo. Arrintaasu waa midda Turki ku qasabtay inuu u gurmado Muslimwalba oo dhibban maantana ka dhigtay dalka ay muslimiintu u hayaan kalsoonida ugu badan.


Turki wuxuu tartan xagga deeqda, awoodda iyo aqoonta ah kula jiraa waddamada Galbeedka, halka Imaaraatka uu rabo inuu Turki deeqadda ka saaro. Taatikada Imaaraadka ayaa ah inuu dhaqaalaha uu siin jiray masaakiinta siiyo madaxda dowladaha iyo siyaasiiyinta Muslimiinta si u iibsado xarumahana ooga xiraan Turkiga masaakiinta quudinayo.

Intaan ii kaliya maahan deeqda lagu bixiyo kaalmada aadanaha. Waxa jiro dalal badan oo si kale wax u dhiibo meelna aan ku qorin. Dalalka sidaas sameeyo waxaa u badan kuwa muslimiinta. Diiwaan galinta iyo daabicidda dhaqaalaha la siiyo masaakiinta iyo dowladaha kale maahan arrin xun. Haddii ay dalaka Carabtu diiwaan galin lahaayeen balaayiinta doolar ee ama iyaga ama dadkoodu ku bixiyaan dalalka waxay kaalin muuqato kaga gali lahaayeen waddamada abaalka loo hayo.

Diiwaan-galinta iyo daabicidda deeqaha waxay sidoo kale keenaan isla-xisaabtan iyo ka warqab waxa baxay iyo meesha ay ku baxeen. Waxay abuuraan shaqooyin ay heelaan dadka deeqda bixiyay, waxay sidoo kale suuragaliyaan hanashada quluubta kuwa wax la taray. Farqiga u dhaxeeyo qof sheegay waxa uu dhiibay iyo midka aan dan ka yeelan waa midka u dhaxeeyo Maraykanka iyo Sacuudiga. Waxaa hubaal ah inuu Sacuudigu bixiyo in ku dhow ama ka badan inta Maraykan dhiibo laakiin adduunka hortiisa kuma sinna, aakhirana waxa lala tagayo middaan kuma jirto.


Guud ahaan waxaa kordhay musiibooyinka abuurayo xaaladaha dag-dagga ah. Waxaa sidoo kale kordhay deeqaha loo qoondeeyay kaalmaynta dadka ku wax yeeloobay musiibooyinkaas. Hasa yeeshee kororka dhibka iyo midka deeqaha ma sinna oo waxaa badan midka musiibooyinka. Sidoo kale waxaa soo badanayo dalalka yaraynayo deeqaha ay ku bixin jireen barakacayaasha iyo la tacaalidda musiibooyinka rabbaaniga ah.

Inshallah qormada xigto ka filo waaxaha lagu bixiyay deeqda.

Ibrahim Aden Shire
ishire86@gmail.com
kala soco: https://ibrahim-shire.blogspot.com/








Comments

Popular posts from this blog

Taariikh Nololeedkii Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf

  28/12/2023 waxaa geeriyooday sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf oo ka mid ahaa culimada Soomaaliyeed marna ahaa hoggaamiyihii Imaaradii Gedo. Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf Aw Axmed Ismaciil Mubaarak sheekh Cabdiraxmaan sheekh Samantar,  waxaa uu ku dhashay qiyaastii 1938-kii, meel lagu magacaabo Buuro oo galbeedka uga beegan magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud. Sheekha waxaa uu ahaa Marreexaan, Cali Maxammed (Cali-dheere), reer Sheekh reer Mubaarak.  Sheekh Maxammed waxaa uu ku barbaaray guri aqoon iyo Diin. Sida aad ka arki kartaba abtirkiisa aabbihii iyo awooyaashii waxaa ay ahaayeen culimo. Sheekha Maxammed Allaha u naxariisto e (AUN),  waxaa uu Qur’aanka kariim ka ah dhammeeyay isaga oo aad u da’ yar. Intaa ka dib waxaa uu u jeestay barashada caqiidada, fiqhiga iyo Shaaficiga isaga oo kutubtaas ka qaatay aabbihii. Sidii uu dhaqanku ahaa, sheekh Maxammed  waxaa uu xiraystay sannadka markii uu ahaa 1956-kii ilaa 1961-kii  goortaas oo uu cilmi u raadsaday magaalooyinka Beledwayne,

Maxaa ka run ah warbixinnada foosha xun ee laga qoro Soomaalida Qurbaha?

Warbixin ka ay daabacday Boomerg oo looga hadlay waxtarka muhaajiriinta Maraykan  tago ayaa lagu sheegay in Kiinyaanku yihiin dadka saddexaad ee ugu shaqada iyo waxtarka badan soogalootiga Maraykanka. Gaana oo Afrika ah ayaa qaadatay kaalinta koowaad waxaan labo noqday Bulgeeriya oo Yurub ah. Waxaa sidoo kale toban hore soo galay dalalka Itoobiya oo afar gashay, Masar oo shan gashay, Nayjeeriya oo siddeed gashay iyo Laybeeriya oo sagaal gashay. Toban qowmiyadood ee ugu shaqada badan muhaajiriinta ku nool Maraykanka lix ayaa kasoo jeedda Afrika. Waxaan tobanka hore soo galin Soomaalida. Sidoo kale soomaalidu safka hore oogama jirto muhaajiriinta ugu aqoonta badan. Afrika Masar iyo Natjeeriya ayaa kaga jiro tobanka hore xagga aqoonta. Marka walba oo lasoo hadal qaado Soomaali waxaa lagu xariiriyaa, faqri, burcadnimo, aqoon la'aan, argagixisonimo iyo shaqo la'aan baahsan. Warbixin laga soo saaray waddamada Galbeed oo sawir quruxsan ka bixiso Soomaalida in la helo ma dhacd

Hal ku dhigga halaagga noo horseeday: "Xoolaha dad weynaha ayaa ganacsi loo baddalay"

Ilaa shalay waxaa baraha bulshada lagu faafinayay in isbitaalki Jaalle Siyaad ee dagmada Garbahaareey loo rogay meel ganacsi. Saaka warki asaga ahaa waxaa qoray qaar ka mid ah mareegyada warfaafinta ee Soomaalida. Dadka qoray warkaan qaar waxay isticmaaleen erayo adag sida 'dhiig miirato', 'furasho' iyo 'boob'.  Inkastoo aan la xariiray qaar ka mid ah dadka qoray farriimahaan aana isku dayay inaan si hoose xal ugu helo warkaan aan salka lahayn, haddana waxaa ii muuqato inuu dhawaqu meel fog gaaray hoos u hadlidna aysan ku filnayn. Sidaa darteed waxaan go'aansaday in si muuqato wax ooga dhaho warkaan oo aan ahayn kii ugu horreeyay ee noociisa ah.  Muxuu yahay Isbitaalka Jaalle siyaad? Jaalle Siyaad waa isbitaal weyn oo ku yaal Garbahaareey. Waxaa dhismihiisa bilowday dowladdii dhexe isagoo qaybo ah ayayna dhacday. dhowr iyo labaatan sano ayuu qabyadaas ahaa oo arigu u xaroon jiray. Waqti aan fogayn ayay gabdho qurbajoog ah isu xilqaameen inay

Contact Form

Name

Email *

Message *