Skip to main content

Maraykanku yuu wax siyaa sideese wax u siiyaa?

                                                                                 Image result for usaid
Dhowr bari ka hor ayuu Maraykunku ku hanjabay inuu cayrta ka jari doono waddanki ka codeeyo. Bootadi ma shaqayn oo adduunka intiisa badan oo dalkeennu ku jiro waa ka codeeyay. Ilaa shalay dhowr qof oo aan isku soo qaadnay arrintaas ayaa walaac ka muujiyay in Maraykanku biilka ka jaro dowladda. Balse su’aashu waxa ay tahay marki hore wax ma siin jiray? Waxaan isku dayay inaan wax ka ogaado inay jirto cid ku nool cayrta Maraynka, waxaana la kulmay warbixin ay daabacday Aljazeera sadex cisho ka hor iyadii ayaana halkaan idin kula wadaagayaa.

Sanadki 2015ki waxa uu Maraykanku sadaqo u bixiyay adduun gaarayo $58.6 bilyan taasoo u dhiganto 1.3% miisaaniyadda dalkaas. 43% adduunka uu bixiyay Maraykanku waxay ku baxday borogaaramyada horumarinta dhaqaalaha ah ee labo geesood ah (bileral economic developmet programmes). 35% waxay ku baxday caawin xagga amniga iyo militiriga ah, 16% waxaa lagu sheegay gargaar bini aadamnimo, 6% waxay la marsiiyay hayadaha dalalka badan ka dhexeeyo (multilateral institution). Xoolahaas ay bixin jireen, Taraam waxaa uu jarayaa 28% laga billaabo sanadka danbe. Sidaa darteed, sanadka cusub waxaa uu xaqiijiyay inuu bixinayo $25.8 bilyan sidaan ayuuna ugu qaybin doonaa caruurtiisa bariga dhexe.

Yuhuudda waxaa uu siin doonaa $3.1 bilyan waana dalka helo cawimaadda ugu badan. Dhammaan deeqdaan waa mid militiri caddaanna kuma jiro. Dhammaan qalabka militiri ee uu siinayo waxaa laga iibinayaa shirkadaha Maraykanka, ama waxay noqon tababarro ay bixiyaan saraakiil Maraykan ah. Labada dhinacba isaga unbaa qaadanayo waxaa u bixinayo.

Waxaa kusoo xigo Masar iyo Urdun oo kala helayo $1.3 bilyan iyo $1 bilyan. Iyaguna waxay helaan waxay la mid yihiin waxa Yuhuudu helayso. Waxaa iyaga lidkooda ah xigta uu siiyo Falastiiniyiinta taas oo dhan $251 milyan, dhammaanteedna waa cunno iyo qashin kale. Iyaga hub iyo tababar toona looma ogala.

Waddamadaan waxaa soo raaca kuwaan: Lubnaan $104 milyan, Yemen $35, milyan, Ciraaq $348 milyan, Suuriya $191 milyan, Tuunisiya $55 milyan, Morooko $16 milyan, Liibiya $31 milyan, Cummaan $3.5 milyan, Aljeeriya $1.8 milyan iyo Baxrayn oo hesho $800000.

Dhammaan waddamadaan waa kuwo uu isaga burburiyay oo uu baahida ku jarrabay sida Ciraaq iyo Liibiya ama waa qaar uu dusha ka ilaashado oo qashinka ugu qubo inaysan ka fogaan sida Masar. Waxa uu siiyo waxaa ku tiirsan shirkado Maraykan ah sidaas darteed waxay dantu ugu jirto maahan kuwa la siiyo ee waa isaga. Masar waxaa la siiyaa sanad walba heelokobtarro cusub, kuwii hore oo loo la’layahay meel la dhigo sidaas darteed waxaa lagu xareeyaa baqaaro ay ugu danbayn ku bas beelaan.

Dalkeena ma jiraan wax u go’aan oo uu siiyo laakiin waaxda horumarinta adduunka u qaabilsan (USAID) ayaa mashaariic yaryar oo ku go’ ah soo marsiiso hayado kale. Mashaariicdi ugu horraysay ee ay si toos ah ula gasho Soomaaliya tan markii ay dhacday dowladdii dhexe, waa tan bishaan ay la saxiixdeen dowladdaan iyaduna kuma jirto wax ay caddaan u bixin doonaan ama ay miisaaniyadda dalka ku kabayaan.

Ugu danbayn waddamada codeeyay waa ogaayeen waxa uu bixiyo iyo cidda ay dantu ugu jirto sidaas awgeedna hanjabaaddiisi cidna dhag jalaq uma siin.
Ibrahim Aden Shire


Comments

Popular posts from this blog

Gorfeyn: Buugga Adkaysi ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur

  Adkaysi waa buug cusub oo soo suuqa imaanaya kowda Disember 2024. Waxaan nasiib u yeeshay in aan ka mid noqdo dhowrkii qof ee ugu horreysay ee buugga la siiyo inta uusan suuqa imaan. Fiidnamdii Isniinta taariikhdu ahayd 18/11/2024 ayuu xildhibaan Cabdiraxmaan i guddoonsiiyay buugga goor aan ugu tagay gurigiisa Muqdisho. Fiidnamdii talaadada oo aan Ingiriiska safar u soo ahaa ayaan ku billaabay akhriska. Wehel waddada ila mara ayuu ii noqday. Qormadaan gaaban waxaan uga faalloon doonaa buugga.  Adkaysi oo 318 bog ah waxaa qorey xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Tafatirka iyo quraaradyntu (typesetting) waa heersare (laba meelood ayaan ka arkay wax aan is iri quraaradaynta ayaa geftay).  Waa buug xogwarran ah, xambaarsan taariikh, wacyigelin, waxbarid iyo waana-qaadasho. Waxaa uu si gaar ah u abbaarayaa waayihii Cabdiraxmaan, dhalashadiisii, korriinkiisii, waxbarashadiisii, shaqooyinkiisii ilaa siyaasadda oo uu hadda ku jiro. Sida ka muuqata ciwaankaba qoruhu b...

Maxaa ka run ah warbixinnada foosha xun ee laga qoro Soomaalida Qurbaha?

Warbixin ka ay daabacday Boomerg oo looga hadlay waxtarka muhaajiriinta Maraykan  tago ayaa lagu sheegay in Kiinyaanku yihiin dadka saddexaad ee ugu shaqada iyo waxtarka badan soogalootiga Maraykanka. Gaana oo Afrika ah ayaa qaadatay kaalinta koowaad waxaan labo noqday Bulgeeriya oo Yurub ah. Waxaa sidoo kale toban hore soo galay dalalka Itoobiya oo afar gashay, Masar oo shan gashay, Nayjeeriya oo siddeed gashay iyo Laybeeriya oo sagaal gashay. Toban qowmiyadood ee ugu shaqada badan muhaajiriinta ku nool Maraykanka lix ayaa kasoo jeedda Afrika. Waxaan tobanka hore soo galin Soomaalida. Sidoo kale soomaalidu safka hore oogama jirto muhaajiriinta ugu aqoonta badan. Afrika Masar iyo Natjeeriya ayaa kaga jiro tobanka hore xagga aqoonta. Marka walba oo lasoo hadal qaado Soomaali waxaa lagu xariiriyaa, faqri, burcadnimo, aqoon la'aan, argagixisonimo iyo shaqo la'aan baahsan. Warbixin laga soo saaray waddamada Galbeed oo sawir quruxsan ka bixiso Soomaalida in la helo ma dhac...

Hal ku dhigga halaagga noo horseeday: "Xoolaha dad weynaha ayaa ganacsi loo baddalay"

Ilaa shalay waxaa baraha bulshada lagu faafinayay in isbitaalki Jaalle Siyaad ee dagmada Garbahaareey loo rogay meel ganacsi. Saaka warki asaga ahaa waxaa qoray qaar ka mid ah mareegyada warfaafinta ee Soomaalida. Dadka qoray warkaan qaar waxay isticmaaleen erayo adag sida 'dhiig miirato', 'furasho' iyo 'boob'.  Inkastoo aan la xariiray qaar ka mid ah dadka qoray farriimahaan aana isku dayay inaan si hoose xal ugu helo warkaan aan salka lahayn, haddana waxaa ii muuqato inuu dhawaqu meel fog gaaray hoos u hadlidna aysan ku filnayn. Sidaa darteed waxaan go'aansaday in si muuqato wax ooga dhaho warkaan oo aan ahayn kii ugu horreeyay ee noociisa ah.  Muxuu yahay Isbitaalka Jaalle siyaad? Jaalle Siyaad waa isbitaal weyn oo ku yaal Garbahaareey. Waxaa dhismihiisa bilowday dowladdii dhexe isagoo qaybo ah ayayna dhacday. dhowr iyo labaatan sano ayuu qabyadaas ahaa oo arigu u xaroon jiray. Waqti aan fogayn ayay gabdho qurbajoog ah isu xilqaameen inay...

Contact Form

Name

Email *

Message *