Skip to main content

Tacliin sare Dumarka Dan ma ugu jirtaa?



Inta la ogyahay waayihii hore, gabdhuhu waa ku qatanaayeen goobaha waxbarashada. Gaalo iyo islaan dhammaan dhaqammadi jiray waxay ka sinnaayeen in wiilasha la hormariyo marki la joogo waxbarshada. Hab dhaqankaas si guud waa isu baddalay. Dadaal dheer iyo dagaal xooggan ayaa loo galay in dhaqankaas wax laga baddalo. Si weyn ayaa loogu guulaystay. Waddamada horumaray tirada gabdhaha ee waxbarato ayaa ka badan midda wiilasha. Marki la gaaro heer jaamacadeed farqigu wuu sii kordhaa. Tusaale, dalka Ingriiska 27.3% wiilasha dugsiga sare ka baxay ayaa jaamacad ka aaday sanadki hore (2017) halka midda gabdhuhu ay ahayd 37.1%. Tira ahaan 30,000 ayay gabdhuhu dheer yihiin tirada wiilasha jaamacad galay sanadkaas. Maraykanka gabdhaha haysto shahaado heer kolej ah ee da'doodu u dhaxayso 22-29 waxay gaarayaan 5.5 milyan halka wiilasha la midka ah ay yihiin 4.1 milyan.  Dunida inteeda kale waa un sidaas ama si u dhow.




Waxbarshada gabdhaha waxay ka mid tahay halbeegyada lagu cabbiro horumarka, waana tiir ka mid ah tiirarka Qaramada Middoobay ay hiigsanayso sanada 2030'ka. Waxaa la qiray in waxbarshada gabdhuhu sees u tahay horumarka bulshada midda dhaqaalaha iyo midda dhaqanka intaba. Dood kama taagna kaalinta dumarka aqoonta leh horumarka dal ka jiraan iyo waxa ay soo kordhiyaan. Hasa ahaatee, dumar ahaan dani ma ugu jirtaa waxbarshaso sare oo ilaa heer jaamacadeed ah? Maya ayaan qabaa!


Ha dag dagin ee yara sug! waxaan aaminsanahay inay gabdhuhu la xuquuq yihiin wiilasha. Fursad walba oo wiilka la siiyo waa waajib in la siiyaa gabadha meelaha qaarna siyaado ayay leedahay. Marki la joogo waxbarashada waa in isku si loogu hagar-baxaa si simanna logu caddaalad sameeyaa. Hasa yeeshee waajibka waalidka iyo masuulyiinta saaran ayaa ah in laga fakero mustaqbalka gabdha si la mid ah sida looga fakerayo midda wiilka. Mustaqbalkaas waxaa ka mid faaiidooyinka ay gabdhu ka heli karto waxbarashada lagu dadaalayo inay barato iyo shahaadooyinka ay qaadan doonto.








Si aan u helno sawir sax ah oo si cad looga fahmi karo qadiyadda aan ka doodayo waxaan tusaale ka dhigaynaa waddamada Galbeedka. Sababta an u doortay ayaa ah inay iyagu yihiin kuwa ugu badan ee gabdhaha wax baray iyo inay yihiin meesha ugu dhow inay ragga iyo dumarka isku xuquuq nodqaan marki la joogo waxbarashada, shaqo doonka iyo shaqaalaysiinta.






Dhowr mushikiladood oo waaweyn saamayn ba'anna ku leh nolosha dumarka ayay dhaxleen hablihii watiga galiyay tacliinta sare. Kow, guur daaho. Ruuxu inuu ilaa jaamacad ka baxo waqti badan uma baahna oo isagoo labaantanka un wali ku jira ayuu dhammeeyaa jaamacadda. Laakiin qasadka wax loo baranayo maahan shahaadada ee waa miraha dadaalkaas in la gurto. Taasi waxay u baahan tahay dhowr sano ama ilaa toban sano oo kale in lagu jiro shaqo iyo khibrad helid. Oo taasi maxay dhib ah oo leedahay?






Dhibka ay arrintaasu keentay ayaa ah guurka qof aan ku habboonayn gabdhaaas. Marki ay aragto iyadoo soddonki ka tallowday ayay gabadhu billaabi walwal ay ka qabto inay ilmo dhali waydo haddii ay sii sugto. Inta ay xulashada iyo walaaca ku jirto waxay gaari 32-35 sano markaas ay xaqiiqsan inuusan waqti ku filan u harin. Arrintaasi waxay khasabtay inay guursadaan ninow nin ma tahay iyagoo un doonayo canug ama labo inta aysan dhalma dayn.






Nimanka noocaas ah inta badan oo waa kuwo aan aqoon lahayn, nolol hoose ku nool lagana yaabo inuusan shaqayn. Maadaama ay gabadhu ka aqoon iyo xirfad badan tahay iyada ayaa ka mushaar badan sidaa darteed waxaa talo lagu goyn inuu isagu caruurta hayo iyaduna soo shaqayso. Nasiib darro ninki shaqadi guriga kasoo uus bixi mahayo. Gabadha ayaa subixii shaqo tagi, casarki ayay guriga kuso laaban iyadoon walashi is dhexyaalaan, sariihi sidii xalay logu seexday yihiin, canugi il -go' iyo rafaad badan ka muuqdo. Iyadoon kabaha iska bixin ayay gali shaqo kale ilaa fiid danbana ay ku gaari.






Waxaa daraasad lagu sameeyay qoysaska haysto caruurta cunyaannimada (disability) ku dhalato ee xanaanada badan u u baahan. Ujeedka diraasadda wuxuu ahaa in la ogaado labada waalid midka masuuliyadda koowaad isa saaro ee xannaanada dusha ka saaran tahay. Diraasaddaan oo London lagu sameeyay waxay tustay in hooyadu tahay ruuxa koowaad ee canugga curyaanka ah xannaanadiisa u taagan. Diraasaddaasi waxay tiri "xataa reeraha hooyada kaliya shaqayso aabbuhuna uu camal la'aanta yahay, hooyada ayaa dusha u ridato xannaanada caruurta curyaanka ah". Wixii dadaalka loogu jiray maahayn in haweenka ragga biilkana ka dhiibaan gurigana ooga shaqeeyaan! haddase middaas ayaa muuqato.






Ragga tacliinta leh ma rabaan gabar la mid ah oo ay wada shaqo tagaan waxayna tammadiyaan mid ku filan shaqada gurigeeda. Muslimiinta ku nool Galbeedka waxay dib ugu noqdan dalalki ay asal ahaan kasoo jeedeen si ay gabadha ay rabaan usoo guursadaan. Mushliddaan waa mid la wada ogyahay loogana dodo madalaha aqoon is waydaarsiga muslimiintana qaas Kuma aha.






Sanadkaan horraantiisa ayaa idaacadda BBC-da raadiaheeda looyaqaan "Radio 4" wuxuu qabtay dood arrintaan ku saabsan, Waxaa doodda marti ku ahaa saddex dumar oo aqoon sare leh. Mid muslimad ah, mid Yuhuud ah iyo mid Masiixi ah. Labada hore waxay isku raaceen in gabdhihi dhibban yihiin, dadaalki tacliinta loo galayna uusan soo kordhin farxad guur iyo guri barwaaqo ah. waxay isla qireen raggi ree Ingriis diinta iyo dhaqanka uu rabo ha hasytee ay doorbiyaan gabar aan shaqayn ama aan tacliin sare lahayn. Midda Masiixiga waxay ku doodaysay in guushu aysan ahayn guri kaliya. Dooddeedu waxay ahayd dhib waa jiraa laakiin ragga ha la iska dhacsho oo yaan la tusin in guurku yahay yoolka haweenka balse laga maarmi karo.






Inta aan ogahay Soomaalida ku nool qurbaha ee isguursato iyagoo xirfad leh, labo ayay noqdaan: koox guurku ka burburo waqti yar ka dib. Burburkaas waxaa keeno in marki hore lagu heshiiyay in qofna uusan ka tanaasulin shaqadiisa iyo maheraddiisa. Marki caruur timid, daalki batay mashquulkina siyaaday la isku wadi waayay labo shaqo iyo caruur cammiran, taasin ay keentay furriin. Kooxda  labaad gabadha ayaa ka tanaasushay shaqadi bannaanka ahayd una go'day middi guriga. Sax iyo khalad kay tahay dooddu maahan!




Xagga shaqaalaysiinta dumarka waxaa lagu hayaa dhib weyn. Inkastoo gabdhaha jaamacadaha galayo ay ka badan yihiin midda wiilasha, suuqa shaqada marka la yimaado gabdhaho looma caddaalad sameeyo. Halka tirada gabdhaha jaamacadaha galayo ay sii kordhayso, tirada gabdhaha galayo suuqa shaqada Koror badan ma leh. Intaas waxaa dheer, ninka iyo haweenayda isku aqoonta ah ee isku shaqada hayo waxaa mushaar badan ninka dadkana waa laga qariyaa. Tusaale fiican waxaa inoo ah BBC-da. lifaaqa jug sii.




Sidoo kale, gabdhaha waxaa lagu qasbaa inay ka tanaasulaan ilmo-dhalid haddii ay rabaan inay meel sare ka gaaraan shirkadaha ay u shaqeeyaan halka wiilka aan wax shardi lagu xirin. Shirkaduhu marka ay shaqaale dhimayaan waxay ka billaabaan gabdhaha iyagoo ragga ugu waxtar yar ka hormariyo dumarka ugu wanaagsan shaqaalaha.


Ujeedka oo kooban: Waxbarashada gabdhaha waxay ka qayb weyn ka tahay horumarka dalka iyo midda qoyska. Gabdhuhu waxay ka qayb weyn ka yihiin kobaca dhaqaahala iyo awoodda shaqaalaha. Habluhu waxay la xuquuqyihiin wiilasha sinnaba oogama hoosayn karaan marki laga hadlayo waxbarasho iyo tacliin sare. Sidaas darteed waa in la siiyaa fursad walba oo ay ku gaari karaan meesha ay hiigsanayaan. Waxbarshada aasaasiga ah waa inay khasab noqotaa si loo xaqiijiyo in gabar aan dugsi sare ka bixin aysan reer yeelan. Waliba waxaan qabaa in loo diido ragga guursado gabdhaha wali iskoolka ku jirto shardina looga dhigo inuu sugo inta ay ka dhammaynayso dugsiga sare.


Hasa yeeshee waxaa muhiim ah in loo sheego xaqiiqooyinka qarsoon ee saameeyo nolosha gabadha tacliinta sare leh iyo waxa sugayo marki ay soo qalin jabiso. Wixii ka sarreeyo dugsi sare waa kororsi ee aasaasi maahan, waana midda saamaynta taban ku leh haweenka. Waxaan qabaa in marki gabadhu dhammayso dugsiga sare loo xog warramo iikhtiyaarna la siiyo ay ku doorato sida ay rabto. Sida hadda lagu wado waxaan u arkaa raggi oo u tashaday dumarka kuna heshiiyay dumarka aan ku nasanno.


Ibrahim Aden Shire
ishire86@gmail.com
kala soco: https://ibrahim-shire.blogspot.com/











Comments

Popular posts from this blog

Taariikh Nololeedkii Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf

  28/12/2023 waxaa geeriyooday sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf oo ka mid ahaa culimada Soomaaliyeed marna ahaa hoggaamiyihii Imaaradii Gedo. Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf Aw Axmed Ismaciil Mubaarak sheekh Cabdiraxmaan sheekh Samantar,  waxaa uu ku dhashay qiyaastii 1938-kii, meel lagu magacaabo Buuro oo galbeedka uga beegan magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud. Sheekha waxaa uu ahaa Marreexaan, Cali Maxammed (Cali-dheere), reer Sheekh reer Mubaarak.  Sheekh Maxammed waxaa uu ku barbaaray guri aqoon iyo Diin. Sida aad ka arki kartaba abtirkiisa aabbihii iyo awooyaashii waxaa ay ahaayeen culimo. Sheekha Maxammed Allaha u naxariisto e (AUN),  waxaa uu Qur’aanka kariim ka ah dhammeeyay isaga oo aad u da’ yar. Intaa ka dib waxaa uu u jeestay barashada caqiidada, fiqhiga iyo Shaaficiga isaga oo kutubtaas ka qaatay aabbihii. Sidii uu dhaqanku ahaa, sheekh Maxammed  waxaa uu xiraystay sannadka markii uu ahaa 1956-kii ilaa 1961-kii  goortaas oo uu cilmi u raadsaday magaalooyinka Beledwayne,

Hal ku dhigga halaagga noo horseeday: "Xoolaha dad weynaha ayaa ganacsi loo baddalay"

Ilaa shalay waxaa baraha bulshada lagu faafinayay in isbitaalki Jaalle Siyaad ee dagmada Garbahaareey loo rogay meel ganacsi. Saaka warki asaga ahaa waxaa qoray qaar ka mid ah mareegyada warfaafinta ee Soomaalida. Dadka qoray warkaan qaar waxay isticmaaleen erayo adag sida 'dhiig miirato', 'furasho' iyo 'boob'.  Inkastoo aan la xariiray qaar ka mid ah dadka qoray farriimahaan aana isku dayay inaan si hoose xal ugu helo warkaan aan salka lahayn, haddana waxaa ii muuqato inuu dhawaqu meel fog gaaray hoos u hadlidna aysan ku filnayn. Sidaa darteed waxaan go'aansaday in si muuqato wax ooga dhaho warkaan oo aan ahayn kii ugu horreeyay ee noociisa ah.  Muxuu yahay Isbitaalka Jaalle siyaad? Jaalle Siyaad waa isbitaal weyn oo ku yaal Garbahaareey. Waxaa dhismihiisa bilowday dowladdii dhexe isagoo qaybo ah ayayna dhacday. dhowr iyo labaatan sano ayuu qabyadaas ahaa oo arigu u xaroon jiray. Waqti aan fogayn ayay gabdho qurbajoog ah isu xilqaameen inay

Maxaa ka run ah warbixinnada foosha xun ee laga qoro Soomaalida Qurbaha?

Warbixin ka ay daabacday Boomerg oo looga hadlay waxtarka muhaajiriinta Maraykan  tago ayaa lagu sheegay in Kiinyaanku yihiin dadka saddexaad ee ugu shaqada iyo waxtarka badan soogalootiga Maraykanka. Gaana oo Afrika ah ayaa qaadatay kaalinta koowaad waxaan labo noqday Bulgeeriya oo Yurub ah. Waxaa sidoo kale toban hore soo galay dalalka Itoobiya oo afar gashay, Masar oo shan gashay, Nayjeeriya oo siddeed gashay iyo Laybeeriya oo sagaal gashay. Toban qowmiyadood ee ugu shaqada badan muhaajiriinta ku nool Maraykanka lix ayaa kasoo jeedda Afrika. Waxaan tobanka hore soo galin Soomaalida. Sidoo kale soomaalidu safka hore oogama jirto muhaajiriinta ugu aqoonta badan. Afrika Masar iyo Natjeeriya ayaa kaga jiro tobanka hore xagga aqoonta. Marka walba oo lasoo hadal qaado Soomaali waxaa lagu xariiriyaa, faqri, burcadnimo, aqoon la'aan, argagixisonimo iyo shaqo la'aan baahsan. Warbixin laga soo saaray waddamada Galbeed oo sawir quruxsan ka bixiso Soomaalida in la helo ma dhacd

Contact Form

Name

Email *

Message *