Skip to main content

Bog ka mid ah Taariikh Nololeedki Sheekh cabdi-salaam Cilmi

Allaha u raxmadee Sheekh Cabdisalaam waxaa ku dhashay dhul-daaqsimeedka loo yaqaan Diir-haro ee gobalka Gedo qiyaasti 1930-ki. Waqitiga uu dhashay sheekhu Gedo waxay u badnayd dhul miyi ah Baardheere iyo Luuq kaliya ayaana magaalo kaga yaalay. Sidaas oo ay tahay sheekhu wuxuu indhaha ku kala qaaday barashada diinta Islaamka. Arintaas waxaa sabab u ahaa inuu sheekhu ka dhashay reer diimeed oo waqti walba ay joogaan ku dadaalo inay ubadkooda baraan diinta islaamka. Sida darteed barashada Qur'aanka wuxuu ka bilaabay dugsigii qoyskooda u oodnaa. 

Marki uu kuray xoog le ah noqday ayuu u xaraysay Baardheere iyo tuulooyinka u dhow ee gobalka Baay ka tirsan. Halkaas ayuu Sheekhu ku xafiday Qur'aanka. Sidoo kale wuxuu soo bartay tafsiirka iyo fiqhiga Shaafiga oo uu ilaa Minhaajka daraaseeyay. Ka dib, wuxuu dib ugu noqday deegaanki uu ka yimid oo uu ka billaabay barida diinta kuna guursaday. 

Allaha u raxmadee sheekhu maahayn mid ku nool hawadiisa iyo hawaawi balse wuxuu ahaa qof yaqaan tabartiisa iyo qadarkiisa, jecelna inuu kabo wixii ka dhiman, aqoon kororsigana aan ka xishoon. Isagoo ka sheekaynayo sababti keentay inuu arday u noqdo sheekh Maxamed Macalin iyo sheekh Cali Suufi Allaha u wada raxmadee waxa uu yiri.

waxaan Xamar imid anigoo reer leh, arday aan Qur'aanka iyo tafsiirka barana meel iigu xaraysantahay. Intii aan Xamar joogay ayaan maqlay wadaad dhawaan yimid oo Tafsiir ka billaabay masaajid. Waxaan is iri bal soo fiiri waa intaasoo aad wax kaa faaiidaaye. Waxaan soo fadhiistay Sheekh Maxamed oo Tafsiir aqrinaya. Anigi mufasirka ahaaba waxaan noqday nimaan waligiis tagin meel tafsiir lagu aqrinayo. Maalintaas ayaan mar kale noqday arday alifleey ah. Ninkayki safarka ahaa waxaan xerti iyo reer dib ugu noqday sadex sanadood ka dib, intaasna waxaan dib u baranayay tafsiirki iyo Qur'aanka oo mar kale aan Tajwiid ooga qaatay sheekh Cali suufi.

Sheekhu, sidaas darteed, waxaa uu xertiisa ooga digi jiray inay is yiraahdaan fannigaan waad barataye waxba sheekh kale ha u ak fadhiisan. waxaa u dhihi jiray meeshi lagu aakhinayba tag waxaa laga yaabaa in meelo sheekhaadi uusan ku wanaagsanayn uu midkaan cusub ku fiicanyahaye. 

Sidoo kale wuxuu ooga digi jiray inay waxaysan aqoon isku dayaan inay dadka baraan oo naftooda iyo midda xertoodaba khiyaamaan. isagoo siinayo tusaalooyin ayaa wuxuu dhihi jiray

Waxaa jiray labo nin oo malcamadii Qur'aanka aan wada dhigan jirnay. labadan nin iskaba daa taxfiide carabkooda ayaa la toosin waayay. Muddo markay meeshi joogeen ayay iyagoo Qur'aanka kitaabka ka ki-kicinayo dib ugu laabteen deegaanadoodi dugsiyana ka waabteen. Muddo dheer ka dib ayaan Xamar midba gooni ugu arkay. Mid waxaa uu ii sheegay inuu dugsigii isaga tagay oo askarta qortay hadana darajooyin qaatay. Kii kale wuxuu yiri wali waxaan dhigaa dugsi. waxaan ku iri ma sidiibaa mise aqoon kororsi ayaad samaysay? wuxuu iigu jawaabay intaad igu ogayd waxba kuma darin. waxaan ku iri inkaar qabe, waxaan u haystay in macalinnimadu duruuf kuu gaysaye illeen inaad Qur'aan taqaan baad is moodaysay! Haddii wadankii is fur-furay maxaad camal kale u doonan wayday oo aad caruurta u lugaysay?

Allaha u raxamdee sheekhu wxuu ahaa nin cibaado badan oo aduunka iska nacay (saahid) sidaas oo ay tahay ma uusan illaawin inuu aduun ku noolyahay masuuliydna ka saarantahay horumarinta dalka iyo dadka. Wuxuu ahaa shaqsi siyaad ahaan soo jeedo oo leh aragti siyaasadeed. Wuxuu ka mid ahaa culimadi sida weyn u aaminsanayd in carabigu noqdo luuqadda dalka, markii danbana ka soo horjeestay qoridda farta Soomaaliga, dadaal ayuuna u galay inuu joojiyo (ma saxba ma qaladbaa waa arin kale). Marki laga xoog batay ee la meel mariyay qoridda farta isma dhiibine wuxuu isku dayay inuu yareeyo saamaynteeeda. 

Tusaale, marki lagu dhawaaqay olo-olihii barashada farta waxa uu u tagay wasiirki wax-barashada ee dalka. waxa uu ku yiri meelaha barayaasha loo dirayo yaan Bay iyo Bakool lagu darin. sabab ayuu yiri wasiirki? Sheekha ayaa ku jawaabay dadkaas dugsiyo ayaa u oodan ay Qur'aanka ku bartaan sida wax loo qorana waa yaqaanaan, adinkuna dugsi kale waabi maysaan. macalinka aad dirtaan wuxuu booska ka qaadan midka Qur'aanka. Wasiirki ayaa yiri ka qaadan maayee way wadaagi oo way isku garab dhigi Qur'aanka iyo Soomaaliga. Sheekha ayaa ku jawaabay "ma labo Xaq-baa marka la isku garab dhigayo?".

waayadii danbe sheekhu waxaa u dhihi jiray, waxaan ka digaynay waa tan. kuwii Ingiriis wax ku bartay waa ku shaqaytaan, kuwii carabi wax ku bartayna diinna waa hayaan nolol kalana waa ku heleen ee kuwii afsoomaali kaliya wax ku bartay maanta maxay la joogaan!

Sidoo kale sheekhu wuxuu aragti ka lahaa horumarinta bulshada. wuxuu aad ooga soo horjeeday nolosha miyiga waxaa uuna dhiiri galin jiray in magoolyyinka lasoo galo. Wuxuu ku cel-celin jiray "dadkii magaalooyinka yimid ama adduun ayay heleen ama Akkhiro oo diin ayay barteen ee kuwii miyiga ku haray labadaba midna ma hayaan."

Wuxuu tusaale usoo qaadan jiray AUN ninka mid ahaa golihii kacaanka (waa la ii magacaabay ee anaan reebay magaciisa sababo anshaxa qoraalka la xariiro darteed). wuxuu dhihi jiray hebal isku xer ayaan ahayn. marki xoriyadda la qaatay ayaa loo baahday dad wa akhrin karo. dadka ugu badan ee wax aqrin karay waqtigaasna waxay ahaayeen dadki diinta baran jiray. Sidaas darteed mudanahaas wuxuu ka mid ahaa dadki ku biiray dowladdi cusbayd. Muddo isma aanan arag. Maalmo ka dib, marki uu kacaanki dhashay ayaan arkay oo ku iri bal warran xageed ku danbaysay? wuxuu iigu jawaabay. Cabdisalaam habayn dhaweyd wixii dhacay ma maqlaysay, raggii hoggaaminayay ayaan ka mid ahaa. waxaa uu dhihi jiray sheekhu kuwii dowlaha galyna heerkaas ayay gaareen intii masaajidda ku hartayna meel ka sarayso ayay gaareen ee intii aanu geela ooga nimid meeshi ayay joogaan.

Eebe ayaa dhamays tiran oo aan cillad lahayn. ma jiro aadane cillad la'aan balse dadku qaar waxay isku dayaan inay cilladahooda faaiido u badalaan halka qaar ay nusqaan iyo khasaaro ku noqoto cilladaha ay leeyihiin. Allaha u raxmadee Sheekhu wuxuu ka mid ahaa dadka cilladahooda faaiido u badalay. Allaha u raxmadee sheekhu wuu safar badnaa sidaas darteed cilladda safarka ee haysatay wuxuu uga faaiidaysatay inuu meeshi uu tagaba uu darsi tafsiir ah ka billaabo ama uu isagu wax ka kororsado. Ma dhicin sheekh cabdisalaam inuu meel joogo bil iyo wax ka badan oo uusan tafsiir ka aqrin masaajid koley mowlac ku tahay. Haddii uu joogayo maalmo wuxuu ku taxmi jiray wixii darsi ah ee markaas masaajidda ka socdo walow safiino-salaadna ha ahaadee.

Sheekhu casharada uu aqrinayo wuxuu ku dabaqi jiray nolosha bulshada iyo waqtiga markaas la joogo. Wuxuu ardaydiisa u sheegi jiray u dhug lahaadaan wax walba oo ay maqlaan, akhriyaan ama arkaan  oo aysan duuduub u liqin.

wuxuu dhihi jiray isagoo rabo inuu tusaaleeyo khayaanooyinka madaxda iyo kuwa danaha gaarka ah leh. kuwa u baqo mansabkooda, ma yiraahdaa anaa la ii jeedaa ee waxay dantooda shaqsiyadeed ka dhigaan mid caam ah oo bulshada oo dhan saamaynayso. Marki Nabi Muuse CS u yimid Fircoon ee u ku yiri war Rabbigaa usoo noqo oo hoggaansan, Fircoon ma uusan dhihin ninkaan kursigayga ayuu u jeedaa iyo inuu dumiyo boqortooyadayda ee wuxuu yiri Muuse wuxuu rabaa inuu diintiinna badalo, dhulka fasahaadiyo, bulshada oo dhanna uu qarribo ee wada jir aynu isaga qabano.

Arimahaas aan kas oo sheekaynay waxay ku tusaynaa tayada sheekha iyo sida uu ooga duwanaa aynigiisa. waxay cadaynaysaa caqli badnaanti ku jirtay iyo xigmadii Eebe ku manaystay. waxay daliil u tahay inuu guttay waajibaadkiisi shaqo mid diimeed iyo mid aduunyaba.

Allaha u raxmadee sheekhu wuxuu shaqayn jiray hay'adda isku-xirka islaamka, wuxuuna ka mid ahaa culimadii faro ku tiriska ahayde waajibkooda sidii laga filayay u guttay. wuxuu ahaa Caalim, saahid, caabid ah. Wuxuu noloshiisi oo dhan ku dhameeyay Qur'aanka Eebe aqriskiisa, baridiisa iyo fasiridiisa. Waxaa ka aflaxay culimo badan. Isagoo noolna waxaa uu arkay ardaydi tafsiirka isaga ka qaadatay ardaydoodi oo tafsiir masaajido waaweyn ka aqrinayso. wax la tamanniyo maxaa ooga qiimo badan!!!

waxaa la oofsaday Maqribki jumcada 15/09/2017. wuxuu ifka ooga tagay 17 qof oo isagu dhalay iyo in ka badan 100 qof oo caruurtiisu dhaleen. Allaha u raxmado, qabrigiisa ha u waasiciyo Qur'aanki u jeclaana ha ka dhigo wehelkiisa qabriga. innaga ayaa tabi doono ee isagu, ilahay idankii, meel naga fiican ayuu tagay. 


Popular posts from this blog

Xasuustaydi Halyeey Maxamuud Xasan Cilmi

14ki Octobar waxaa dhacay musiibo nagu dhacdo tii ugu weynayd. Maahan kaliya tirada dadka ku dhintay badnaanteeda waxa qalbiga na gubay ee sidoo kale qiimaha iyo tayada dad ka naga dhintay sarraynteeda ayaa ah mid aan laga gam'i karin. Waxaan is iri ma xulkii ummaddeena ayaa meesha la isugu geeyay mise Soomaali oo dhan ayaan kala dhicin. Dareenkaygu wuxuu i siinayaa inay jawaabtu tahay midda danbe. 
waxaa naga baxay dad aan la kala fadili karin xagga tayada iyo xagga muhiimmada ay dalka iyo dadka u lahaayeen. Bal fiiri Maryan, ardayadii caafimaadka ee maalin ka hor qalin jabinteedi la laqmiyay, hooyo Caasho, ogoonlaydi banaanka bur shiishiilka ku gadaysay si ay caruurteeda tuugsi uga kaafiso, wiilkii iyo gabadhii uu dhalay aabaha naafada ah ee wax waxtar ah qabo labadaas ka haystay, afartii wiil ee walaalaha ahaa ee isku meesha lagu dubay. mid walba waxaa la dilay waqtigii loogu baahida badnaa. kaad eegtaba kan kale ka xanuun badan. Mid walbana wuxuu mudan yahay qormo gooni ah. H…

Toban Sano oo Xasillooni Nololeed ah: Toban Guuradii Guurkayga

Maanta oo kale Toban sano ka hor (23/02/2008) ayuu Sheekh Xasan Axmed Nuur qabbiltu yiri Laylo Aadan Maxamed isagoo aniga iga wakiil ah. Guntinta xirantay maalinkaas, waxay ahayd natiijo ka dhalatay sideed sano oo shukaansi iyo haasaawe jeceyl ah. Lix sano oo ka mid ah siddeeddaas sano,  waxaan ku kala noolayn dhul aad u kala durugsan,farriimaha jeceylkana haadka samada duuliyo haatufkaa siday. 
Maalintaas waxaa furmay bog cusub waxaana bilowday geedigii lagu ogaan lahaa dhadhanki mirihii siddeedda sano la kobcinayay. waxaa la guda galay markaan kala ogaan lahayn inaan sun iyo wabaanyo huursanaynay iyo inaan sabuul gallay iyo saan wacan waraabsanaynay.

Sacdiyo Xawaash ayaan ka guntay hadalkaan soo socdo, mar ay ka warraymaysay saygeeda fiicnaantiisa "guurku waa god madow oo aad gacanta u dirto. In abeeso ka qaniintana waa suura gal in dahab kaa soo raacana waa suura gal. anigu dahab ayaa iga soo raacay" ayay tiri.

Sida Sacdiya oo kale, ayaa aniguna godkii aan gacanta u dira…

Labo iyo Tobanki sano ee lagu Qalleeyay 12-ki ka horeeyay. Ku Wacyi Qaado Sooyaalkii warsame Shiidleey.

Warsame waa 24 jir. Waa qoraa afka soomaaliga wax ku qoro horayna u daabacay buug ku guulaystay abaal marin sare. Qur’aanka waa uu xafidsanyahay. Dhawaan ayuu qaatay shahaadada darajada kowaad ee jaamacada. Sidaas oo ay tahay magaalo waxa uu joogaa 12 sano kaliya. Ma run baa mise waa riyo mise waa sidaan jeclaan lahayn? Ma shahaadadi Cabdalla Shideeyaa mise cilmigii Cabdi-wali ee baadiniga ahaa (wadaadki Gaalkacyo)? Intaba midna mee waa dadaal rageed iyo doonitaan Eebe iyo tusmo u furan qof walba oo doono inuu guul ka gaaro hadafkiisa.
Inta aanan billaabin sheekada aan mar kale sheego in ujeedka qoraalkaan uusan ahayn ammaan iyo dhaliil toona balse ujeedku yahay cashar barasho, tusmayn iyo tusaalayn kuwa jecel inay naftooda horumariyaan, dhiirri galin kuwa uu gaariga dadaalku meel dhexe kula jabay, baraarujin kuwa aan arag awoodda Alle siiyay iyo fursadaha ay haystaan. Sidaa darteed ku aqri qalbi fayow oo diyaar u ah wacyi qaadasho iyo ku dayasho.
Imaamul Ghazali Eebe ha u raxmadee ayaa…

Contact Form

Name

Email *

Message *