Skip to main content

Ma Haweenki ayaa xero-taraaray mise Raggi ayaan la socon isbaddalka Dhaqan-dhaqaale




Waxaa aad usoo batay furrinka qoysaska Soomaaliida ee qurbaha ku nool. Furriinku wuxuu ahaa mid horay u jiray sababo kala duwan ay keeni jireen. Dhowrki sano ee noo dambeeyay waxaa sabibhi kusoo biiray mid cusub oo aan dhaqanka soomaalida ka mid ahayn. Hooyooyinka Soomaaliyeed ee haysta caruur baaluq ah haddana habaynki u baxayo casho iyo maqaayad fadhiisi ayaa si xowli ah u korodhay.


Dhaqankaan wuxuu raggi ay qabsatay ku noqday ceeb iyo wajigabax ku qasbay inuu tallaabo qaado ama bulshada dhexdeeda kuu ceebaysnaado, taasoo horseeddo furrin dag-dag ah iyo qoys burburo. Haddaba ma gabdhihii ayaa hallaabay mise ragga ayaa ka haray isbaddalka nololsha ku yimid? qormadaan gaaban ayaan isku day donta inay su'aashaas ka jawaabto.


Aadanuhu waa rabid badane. Marki uu shay helo wuxuu u baahan mid kale. Waa halkii Suubbanuhu ka yiri "aadane calooshiisa waxaa buuxiyo oo aan carro ahayn ma jiraan". Mar kale waxaa isagii yiri SCW "haddii aadane la siiyo waadi dahab ah mid kale, ayuu sii rabaa". Baahidaan aan dhammaan maahan mid ku ek maalka kaliya ee waxay si buuxda u saamaysaa dhinac walba nolosha ah mansab iyo maal noqotayaa, shahwo iyo sumcad noqtayaaba, qof gaaro yool dhammays tiran oo aysan waxba ka danbayn ma jiro.




Abraham Maslow waa aqoonyahan ree Maraykan ahaa noolaa qarnigii naga tagay. Wuxuu aad wax ooga qoray maamulka shaqaalaha wuxuuna leeyahay arigtida loogu cuskasho badan yahay marki la joogo hanashada shaqaaha. Wuxuu ku dooday in baahida aadanuhu aysan dhammaan laakiin darajooyin kala leedahay. Marki uu uu xasiliyo baahi wuxuu u gudbaa mid kale.




Tusaale, haddii ay gaajo ku hayso ilaa aad hesho cunto wax kale kugu soo dhic maayaan. Dadaalkaada oo dhan oo waxaad galin sidaad cunto ku heli lahayd. Marki nolosha aasaasiga sida cuntada, cabitiaanka iyo hoyga aad hesho waxaad u gudbi raadinta gudashada shahwada oo shukaansi iyo guud firasho ayaad gali. Sidaa ayay ku socon inta qofku noolyahay.




Qoysku marba heer ayuu joogaa waxaa u yaallo xallinta culayska taagan. Marki culayskaas laga gudbo waa in la helaa mid kale oo lagu mashquulo, haddii la waayo howl kale oo reerka muhiim u ah oo xoogga la saaro waxaan imaan in la samaysto qorshe nafta u roon. Waa halkaas meesha la isku hayo.




Tusaale, marki reerka la dhiso labada qof ee wada dhisatay sanadaha u horeeyo waxay ku jiraan caruur dhalid iyo korin. Caruurta yaryar mashquul iyo culays aan lasoo koobi Karin ayay hooyada u yihiin dhibka ay u hayaan dartdiis waxaa suuragal ah inay xataa tagi aydo arooska walaalkeed/sheed.



Noloshi hore ee lagu noolaa waxay ahayd mid adag oo wax walba gacan lagu qabto. laga soo billaabo dhaqidda dharka, xaaqidda guriga ilaa qaxinta burjikada howl walba oo guriga laga qabto waxay ahayd mid u baahan waqti badan iyo enerji xad dhaaf ah. Dhammaan howlahaas waxaan qaban jiray dumarka. Oogta waabari ilaa gabbalku dhaco marki hooyadu intaas oo howl ah ay qabanaysay fiidki dhinac ayay daal ula dhici jirtay oo waxay ka gaari jirtay "naag ladan baa wacallo dhasho" marki lagu so qaado caways iyo cawaysin.




Intaas waxaa dheer, waagi hore caruur dhaliddu ma joogsan jirin ilaa gabadhu dhalmo dayso. Waqtigaas hooyadu curadkedi waa qaangaar oo uu guur ayuu diyaar u yahay. Waxay horay ka gali jirtay u diyaar garowga dhisidda qoys cusub iyo korintiisa. Sidaas ayayna nolosha hooyadu ku dhammaan jirtay koris un.


Xagga faalalka, gabdhuhu waxay heli jireen fursado badan oo ay guriga kaga baxaan kuwaas oo ku filnaa inay saaxiibbadood kula kulmaan, kula warqaataan, xanta iyo arrihama markaas socdana isku dhaafsaadaan. Tusaale, gabadhu, aroorti suuqa ayay qudaar iyo hilib u doonan jirtay ay quraac ka dhigato. Taasi waxay siin jirtay fursad socod iyo jimicsi yar oo jirkeedu ku dhaqaaqo. Barqadi adeegga reerka ayay suuqa ka dooni jirtay iyadoo sallad iyo jeeg wadato waxay guriga kusoo laaban jirtay waxyar duhur hortiis. Waqtigaan intiisa badan waxay ku bixin jirtay la kulmidda saaxibadeed iyo dukaamaysi. Sidoo kale waxaa Jiri jiray xaflado dhaqankeenna waafaqsanaa oo hooyooyinku ku kulmi jireen sida xuska abayda, iyo kuraysiga.



Arrimahaas oo dhan hadda waa is baddaleen. Maanta iska daa dibaddee, magaalooyinka yar yar ee Soomaaliya guryaha waxaa ku jiro qasaalado, cuntada waxaa kariso makiinad, guurigana waa shammiito oo bilbil iyo boor dhajis uma baahna, asbuuciinna hal mar ayaa biyo la mariya inta kale iskoobbe ayaa lagu boor qaadaa. Magaalooyinka waaweyn huufer ayaa wada yaal. Shaqadi gabdha u taalay waxay kusoo aruurtay cuntada caruurta iyo inyar oo kale. Marki middii guriga sidasi usoo yaraatay waxaa raacay middi ilmo-dhalidda. Ayaamahaan waxaa soo kordhay waxyaabo badan oo casri ah. qoysku wuxuu ku heshiin in ay dhalmada iska xiraan hooyadi oo wali 30 un jirta.


 Arrinti adeegga meesha waa ka baxday marki qurbaha la yimid. Waxaa loo dukaamaysi tagaa dukaamo waaweyn oo ay adag tahay in soomaali isku aragto. Asbuuci ama bishi ayaa hal mar lasoo adeegaa inta bandanna ragga ayaa soo adeego. Sido kale, waxaa lagu noolyahay guryo xiran oo aan daris iyo ehel toona isugu imaan karin marki lagu daro duruufaha qof walba u yaallo oo diidayo faalal maalinki ah.


Caruurtu waxay aadi iskool. Abbihi shaquu aadi waqtiyada uu firaaqada leeyahay ama maqayadaha ayuu tagi ama asxaab iyo meelo kale ayuu u sheeko doonan. Hooyadi oo kaligeed ah ama hal canug oo yar haysto ayaa la dhihi guriga 24 sacaa asbuuca oo dhan jog!


Marki howshi gurigana yaraatay, caruur dhaliddi meesha ka baxday, adeeggi iyo kulanku suuqa meesha ka baxay, caruurti koreen waxbarasho iyo shaqana kula mashquuleen, gaajo meesha ka baxday, odagiina sheeko tagay, dumarki kaligood gurigi ku noqdeen hooyooyinki waxaa soo wajahay culays badan iyo cariiri ay ku qabaan joogidda guriga cidlada ah. Taasi waxay keentay in dumarku doonaan nafis.




Inta badan hooyoyina ayaa codsado inuu aabbuhu ilmaha ka hayo waqti kooban oo ay saaxibadood kula soo shaahaan. Inta badan tani axay dhacdaa fiidki. Gabdhuhu uma baxaan ballan iyo xumaan toona ee waxay tagaan maqaayado caadi ah oo ay kula kulmaan gabdho iyaga la mid ah. Laakiin dhaqanka soomalaiga waxaa ku ceeb ah gabar habayn baxday. Su'aashu waxay ka taagan tahay dhaqankaas inuu sii Jiri karo?


Raggi wuxuusanba dhug u lahayn isbaddalka nololeed ee dhacay. iyadoo wax walba oo haweenka madadaalo u ahaa meesha ka baxeen ayuu rabaa wali in loo noolaado sidii awoowgii u noolaa. Wuxuu rabaa isagu inuu hadba sida naftu ku nafisi karto uu yeelo. In badan dalka ayay dib oogu laabtaan si ay ehelkoodi ooga ak dhawaadaan, qaar siyaasadda ayay galaan, qaar waa shaqo tageen, qaar magaalda ayay saacado badan ku maqnaadaan, qaar marki ay guriga soo galaan iyagoo shaqo ka yimid wuxuu u xero dhaafaa maqaayadaha. Intaas oo dhan waxay ka simanyihiin raadinta farxad iyo waxa nafta u roon haddana dumarka uma ogala!!


Ujeedkaygu maahan in gabdhaha oodda laga qaado laakiin waxaan indhaha laga qarsan karin isbaddalka dhaqan-dhaqaale ee dhacay. Waa in lagu baruurugaa waqtiga la noolyahay meesha lagu noolyahay si loo helo xal waafaqsan dhaqanka iyo diinta aan rumaysannahay. Meesha xoogga la saarayo ciqabidda gabdhaha iyo duminta guriga waa in la raadiyaa sidii gurigu ku noqon lahaa mid had iyo goor mashquul ah oo marki gool la gaaraba la billaabaa mid kale oo reerku wada hiigsado. Nafta waxa u roon haddaan lagu mashquulin waxay ku mashquuli waxa dhib u keeno


Ibrahim Aden Shire
ishire86@gmail.com
kala soco: https://ibrahim-shire.blogspot.com/



Comments

Post a Comment

Popular posts from this blog

Taariikh Nololeedkii Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf

  28/12/2023 waxaa geeriyooday sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf oo ka mid ahaa culimada Soomaaliyeed marna ahaa hoggaamiyihii Imaaradii Gedo. Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf Aw Axmed Ismaciil Mubaarak sheekh Cabdiraxmaan sheekh Samantar,  waxaa uu ku dhashay qiyaastii 1938-kii, meel lagu magacaabo Buuro oo galbeedka uga beegan magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud. Sheekha waxaa uu ahaa Marreexaan, Cali Maxammed (Cali-dheere), reer Sheekh reer Mubaarak.  Sheekh Maxammed waxaa uu ku barbaaray guri aqoon iyo Diin. Sida aad ka arki kartaba abtirkiisa aabbihii iyo awooyaashii waxaa ay ahaayeen culimo. Sheekha Maxammed Allaha u naxariisto e (AUN),  waxaa uu Qur’aanka kariim ka ah dhammeeyay isaga oo aad u da’ yar. Intaa ka dib waxaa uu u jeestay barashada caqiidada, fiqhiga iyo Shaaficiga isaga oo kutubtaas ka qaatay aabbihii. Sidii uu dhaqanku ahaa, sheekh Maxammed  waxaa uu xiraystay sannadka markii uu ahaa 1956-kii ilaa 1961-kii  goortaas oo uu cilmi u raadsaday magaalooyinka Beledwayne,

Hal ku dhigga halaagga noo horseeday: "Xoolaha dad weynaha ayaa ganacsi loo baddalay"

Ilaa shalay waxaa baraha bulshada lagu faafinayay in isbitaalki Jaalle Siyaad ee dagmada Garbahaareey loo rogay meel ganacsi. Saaka warki asaga ahaa waxaa qoray qaar ka mid ah mareegyada warfaafinta ee Soomaalida. Dadka qoray warkaan qaar waxay isticmaaleen erayo adag sida 'dhiig miirato', 'furasho' iyo 'boob'.  Inkastoo aan la xariiray qaar ka mid ah dadka qoray farriimahaan aana isku dayay inaan si hoose xal ugu helo warkaan aan salka lahayn, haddana waxaa ii muuqato inuu dhawaqu meel fog gaaray hoos u hadlidna aysan ku filnayn. Sidaa darteed waxaan go'aansaday in si muuqato wax ooga dhaho warkaan oo aan ahayn kii ugu horreeyay ee noociisa ah.  Muxuu yahay Isbitaalka Jaalle siyaad? Jaalle Siyaad waa isbitaal weyn oo ku yaal Garbahaareey. Waxaa dhismihiisa bilowday dowladdii dhexe isagoo qaybo ah ayayna dhacday. dhowr iyo labaatan sano ayuu qabyadaas ahaa oo arigu u xaroon jiray. Waqti aan fogayn ayay gabdho qurbajoog ah isu xilqaameen inay

Maxaa ka run ah warbixinnada foosha xun ee laga qoro Soomaalida Qurbaha?

Warbixin ka ay daabacday Boomerg oo looga hadlay waxtarka muhaajiriinta Maraykan  tago ayaa lagu sheegay in Kiinyaanku yihiin dadka saddexaad ee ugu shaqada iyo waxtarka badan soogalootiga Maraykanka. Gaana oo Afrika ah ayaa qaadatay kaalinta koowaad waxaan labo noqday Bulgeeriya oo Yurub ah. Waxaa sidoo kale toban hore soo galay dalalka Itoobiya oo afar gashay, Masar oo shan gashay, Nayjeeriya oo siddeed gashay iyo Laybeeriya oo sagaal gashay. Toban qowmiyadood ee ugu shaqada badan muhaajiriinta ku nool Maraykanka lix ayaa kasoo jeedda Afrika. Waxaan tobanka hore soo galin Soomaalida. Sidoo kale soomaalidu safka hore oogama jirto muhaajiriinta ugu aqoonta badan. Afrika Masar iyo Natjeeriya ayaa kaga jiro tobanka hore xagga aqoonta. Marka walba oo lasoo hadal qaado Soomaali waxaa lagu xariiriyaa, faqri, burcadnimo, aqoon la'aan, argagixisonimo iyo shaqo la'aan baahsan. Warbixin laga soo saaray waddamada Galbeed oo sawir quruxsan ka bixiso Soomaalida in la helo ma dhacd

Contact Form

Name

Email *

Message *