Xalay waxyar un salaadda maqrib ka dib, ayaa waxaa acanta I qabtay wiil dhalinyaro ah oo madax u ah qalin-maalkamagaalada. Wuxuu iga codsaday inaan kala qayb galo kulanxog-waraysi ah oo ay leeyihiin saacaddaas waana aqbalaylaakiin waxaan ka cudur-daartay in la igu daro dadka kalmaddaku leh. Halkaan waxaan ku tuuro-goyn doonaa waxyaabihi aanis iri il-qabad togan ama taban ayay leeyihiin ee dhacay intuukulunku socday.
Kulunka waxaa ka qayb-galay lix iyo toban saddex dumar yihiiniyo aniga oo korjoogto ahaa. Mid ma ogiye inta kale waxaywada haysteen shahaadooyin ilaa heer jaamacadeed ah unabadan heerka koowaad. Waxaa meesha lagu xusay inay ilaaafartanha yihiin dhalinta kasoo baxday jaamacadaha ee baladkajoogo. Intii xaadirtay kulankaas afar mooyee inta kale wax un camal ah ayay gacanta ku hayaan.
Arrintaasu waa mid togan. Waayo horay uma dhicin in dhalinmeel kale jaamacad Garbahaarreey ooga aaday ay dib ugu soolaabtaan kuna nagaadaan. Sidoo kale waxaa muuqato in waxbarsho iyo waxqabad loo jeestay haba ha la socodgaabnaadee.
Waxaa sidoo kale soo jiidasho lahayd goobta uu kulanku ka dhacay oo ahayd mid aad u qurux badan layr joogta ah haysatoqaboojiye aadan ka durkayna leh. Isu imaadka iyo wada hadalkaayaan iyaguna aan la sahlan Karin.
Arrimaha igu cusbaa ee aan horay dalka oogu ogayn waxaa ka mid ahaa ku casuumidda hablaha kulamada ceynkaan ah. Waxaayaab lahaa in gabdhihi kulankaas joogya oo la qayr iyo aqoonbaahaa wiilasha ay iila muuqdeen kuwa ugu hadli ogaa sidhiirranna u jeedsadeen kalmaddoodi.
Hasa yeeshee waxaa jiray dhaliilo cantoobo ah oo ii muuqday. Dhaliilihu maahan kuwa cusub ee waa kuwa dhaqan noo ah balse laga rabay dhalintu inay baddalaan.
Kow, shirku waxay ahayd inuu furmo toddobada fiidnimowuxuuse bilowday siddeedi oo buuxdo ka qayb-galayaashinaqaar ayaa waqtigaa ka dib yimid. Labo, nidaamku wuxuu u muuqday mid aan horay looga fekarin oo la dajiyay intii la sugayay imaanshaha ka qayb-galayaasha, malahayga waabasababta loo daahiyay waqtigi uu shirku furmi lahaa. Laakiingadaal waa uu ka saxmay.
Inkastoo gadaal laga saxay dadkuna intii badnaydhoggaansameen, waxaa aad loogu yara mashquulay teleefannadagacanta ee la haystay taasoo xurmo darro ku ahayd qofkahadlayay. Saddex sidii soomaalidada caadada u ahayd in badanayaa dabbaalatay meelo ka baxsan qodobbadi ay ahayd i lagadoodo, halka qaar ay is dhexgaliyeen qodobbadi miiska saarraa. Arrinta kale ee aan waxba laga baddalin habki shirarkaSoomaaliyeed waxay ahayd in la yiri ruux walba ha hadloiyadoo isku shay un laga hadlayo. Waxaase bogaadin lahayd in inta badan dadki hadlay ay ilaaliyeen waqtigi la siiyay.
Si kooban, inkastoo aqoonta iyo inta baratayba ay badataywaxaa la dhihi karaa habdhaqanki wax badan iskama baddalin.
Ibrahim Aden Shire
planocin_po Matt Palma click
ReplyDeletetralentome