Skip to main content

Maxaa iiga baxay shirki dhallinyaro ee aan abid uga qayb-galo Soomaaliya


Xalay waxyar un salaadda maqrib ka dib, ayaa waxaa  acanta I qabtay wiil dhalinyaro ah oo madax u ah qalin-maalkamagaaladaWuxuu iga codsaday inaan kala qayb galo kulanxog-waraysi ah oo ay leeyihiin saacaddaas waana aqbalaylaakiin waxaan ka cudur-daartay in la igu daro dadka kalmaddaku lehHalkaan waxaan ku tuuro-goyn doonaa waxyaabihi aanis iri il-qabad togan ama taban ayay leeyihiin ee dhacay intuukulunku socday.

Kulunka waxaa ka qayb-galay lix iyo toban saddex dumar yihiiniyo aniga oo korjoogto ahaa. Mid ma ogiye inta kale waxaywada haysteen shahaadooyin ilaa heer jaamacadeed ah unabadan heerka koowaadWaxaa meesha lagu xusay inay ilaaafartanha yihiin dhalinta kasoo baxday jaamacadaha ee baladkajoogoIntii xaadirtay kulankaas afar mooyee inta kale wax un camal ah ayay gacanta ku hayaan

Arrintaasu waa mid toganWaayo horay uma dhicin in dhalinmeel kale jaamacad Garbahaarreey ooga aaday ay dib ugu soolaabtaan kuna nagaadaanSidoo kale waxaa muuqato in waxbarsho iyo waxqabad loo jeestay haba ha la socodgaabnaadee

Waxaa sidoo kale soo jiidasho lahayd goobta uu kulanku ka dhacay oo ahayd mid aad u qurux badan layr joogta ah haysatoqaboojiye aadan ka durkayna lehIsu imaadka iyo wada hadalkaayaan iyaguna aan la sahlan Karin. 

Arrimaha igu cusbaa ee aan horay dalka oogu ogayn waxaa ka mid ahaa ku casuumidda hablaha kulamada ceynkaan ah. Waxaayaab lahaa in gabdhihi kulankaas joogya oo la qayr iyo aqoonbaahaa wiilasha ay iila muuqdeen kuwa ugu hadli ogaa sidhiirranna u jeedsadeen kalmaddoodi

Hasa yeeshee waxaa jiray dhaliilo cantoobo ah oo ii muuqdayDhaliilihu maahan kuwa cusub ee waa kuwa dhaqan noo ah balse laga rabay dhalintu inay baddalaan

Kowshirku waxay ahayd inuu furmo toddobada fiidnimowuxuuse  bilowday siddeedi oo buuxdo ka qayb-galayaashinaqaar ayaa waqtigaa  ka dib yimidLabonidaamku wuxuu u muuqday mid aan horay looga fekarin oo la dajiyay intii la sugayay imaanshaha ka qayb-galayaashamalahayga waabasababta loo daahiyay waqtigi uu shirku furmi lahaaLaakiingadaal waa uu ka saxmay

Inkastoo gadaal laga saxay dadkuna intii badnaydhoggaansameenwaxaa aad loogu yara mashquulay teleefannadagacanta ee la haystay taasoo xurmo darro ku ahayd qofkahadlayaySaddex sidii soomaalidada caadada u ahayd in badanayaa dabbaalatay meelo ka baxsan qodobbadi ay ahayd i lagadoodohalka qaar ay is dhexgaliyeen qodobbadi miiska saarraaArrinta kale ee aan waxba laga baddalin habki shirarkaSoomaaliyeed waxay ahayd in la yiri ruux walba ha hadloiyadoo isku shay un laga hadlayoWaxaase bogaadin lahayd in inta badan dadki hadlay ay ilaaliyeen waqtigi la siiyay

Si koobaninkastoo aqoonta iyo inta baratayba ay badataywaxaa la dhihi karaa habdhaqanki wax badan iskama baddalin.

Ibrahim Aden Shire

Comments

Post a Comment

Popular posts from this blog

Gorfeyn: Buugga Adkaysi ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur

  Adkaysi waa buug cusub oo soo suuqa imaanaya kowda Disember 2024. Waxaan nasiib u yeeshay in aan ka mid noqdo dhowrkii qof ee ugu horreysay ee buugga la siiyo inta uusan suuqa imaan. Fiidnamdii Isniinta taariikhdu ahayd 18/11/2024 ayuu xildhibaan Cabdiraxmaan i guddoonsiiyay buugga goor aan ugu tagay gurigiisa Muqdisho. Fiidnamdii talaadada oo aan Ingiriiska safar u soo ahaa ayaan ku billaabay akhriska. Wehel waddada ila mara ayuu ii noqday. Qormadaan gaaban waxaan uga faalloon doonaa buugga.  Adkaysi oo 318 bog ah waxaa qorey xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Tafatirka iyo quraaradyntu (typesetting) waa heersare (laba meelood ayaan ka arkay wax aan is iri quraaradaynta ayaa geftay).  Waa buug xogwarran ah, xambaarsan taariikh, wacyigelin, waxbarid iyo waana-qaadasho. Waxaa uu si gaar ah u abbaarayaa waayihii Cabdiraxmaan, dhalashadiisii, korriinkiisii, waxbarashadiisii, shaqooyinkiisii ilaa siyaasadda oo uu hadda ku jiro. Sida ka muuqata ciwaankaba qoruhu b...

Hal ku dhigga halaagga noo horseeday: "Xoolaha dad weynaha ayaa ganacsi loo baddalay"

Ilaa shalay waxaa baraha bulshada lagu faafinayay in isbitaalki Jaalle Siyaad ee dagmada Garbahaareey loo rogay meel ganacsi. Saaka warki asaga ahaa waxaa qoray qaar ka mid ah mareegyada warfaafinta ee Soomaalida. Dadka qoray warkaan qaar waxay isticmaaleen erayo adag sida 'dhiig miirato', 'furasho' iyo 'boob'.  Inkastoo aan la xariiray qaar ka mid ah dadka qoray farriimahaan aana isku dayay inaan si hoose xal ugu helo warkaan aan salka lahayn, haddana waxaa ii muuqato inuu dhawaqu meel fog gaaray hoos u hadlidna aysan ku filnayn. Sidaa darteed waxaan go'aansaday in si muuqato wax ooga dhaho warkaan oo aan ahayn kii ugu horreeyay ee noociisa ah.  Muxuu yahay Isbitaalka Jaalle siyaad? Jaalle Siyaad waa isbitaal weyn oo ku yaal Garbahaareey. Waxaa dhismihiisa bilowday dowladdii dhexe isagoo qaybo ah ayayna dhacday. dhowr iyo labaatan sano ayuu qabyadaas ahaa oo arigu u xaroon jiray. Waqti aan fogayn ayay gabdho qurbajoog ah isu xilqaameen inay...

Dhalinyarada gobalka Gedo waxay la mid yihiin biyaha maro boholaha gobalka Gedo

Ayaanle Macalin Cabbeey oo ka mid ah dhalinyada firfircoon ee gobalka Gedo ayaa isoo diray farrintaan su'aasha ah ee hoos ku oqran: Masuul waxaan rabaa inaan kula wadaago dhallinyarada gobalka gedo Masiibada goonida u haysato oo naga reebtay goballada kale ama Xamarta an maanta ku suganahay aan kaga duwannahay annagoo haysanno dhul dihan oo dekad ah haddana maankeenna kuma fooraro wax la xariir o hanaqaad horumareed dhanka siyaasadana kuma jirno oo xaquuq xitaa kama helno. Adiga oo ah aqoonyahan wax badan ka qoro siyaasadda iyo arrimaha Somalia,sideen ku heli karnaa fakar mideysan oo wax baddala ama aan wax is bedal ah ku sameyn karno? Laga billaabo degmo ilaa iyo tuulo malahan wax xariir siyaasadeed ah iyo dano isku dhafan,anagoo ku dhex nool marxaladda aad marqatiga ka tahay sideen ku heli karnaa fursad an kaga gudubno meesha maanta an naalno oon ubeegsan karnaa halka nalaga doonayo inaan ka muuqanno oon ka dhallinyara ahaan ku muujin karnaa doowrka anku leen...

Contact Form

Name

Email *

Message *