Skip to main content

Reer Rag Leeyahay Roob Saan Ma u Galaa: Saxariirta Taallo Waddada Xiriiso Gedo

                                        
Sanadkaan waxaa da'ay roobab xoog badan. Inkastoo roobabkaan baahi badan loo qabay in badanna Eebbe laga baryay, waxay la yimaadeen xoogaa qasaare ah. Dhibka ugu ballaaran ee hadda muuqdo waa in gobalka Gedo qarka u saaran yahay inuu kal xirmo maadaama jidka ugu muhiimsan ee isku xiro gobalka uu noqon rabo lama maraan. Warbixintaan hoose waxaan ila wadaagay Xasan Axmed Nuur oo shalay maray jidka isku xiro inta badan gobalka Gedo: Waa kan Baardheere iyo Balad-xaawo u dhexeeyo.



Waxaan ka baxnay degmada garbahaarey shalayto saacaddu markay ahay 11am, annagoo ah shan nin oo xoog leh. Waxaan wadannay gaari suzuki vitara ah oo aad u xoog badan. Waxaan wadannay badeello iyo xargo waawayn oon ugu talo galnay inaan gaariga ku jiidno hadduu dhiiqo galo. Waxaan ku baxnay waddada aaddo godey kadib markii jidkii waynaa ee Balad-xaawo ay ka qodmeen boholo, meelana ay fariisteen dhagxaan taasoo ka dhigtay lama maraan.


Waxay nagu qaadatay waqti dheer inaan u daganno Gogolka , maadaama uu jidka si xun u jeexjeexay roobkii waynaa ee habeen sadexaad kaasoonan arkin waligay roob la xoog ah, xataa dayr qulqul (1997).


Waxaan u dagannay hoos iyo gogol, waxaanna kor istaagnay bohoshii qodaxleey ama jeedalaa, tassoo aanan laga sheekayn karin waxa ku dhacay sida ay u baddalmeen malkooyinki iyo meelihi laga korsan jiray. Waxaan istaagnay malkadii Maracadde, waxayna noqotay dabaq hoostiis oon hawo dambe lahayn. Waxaan aadnay Qooxle oo ku xigay, waaba sidi iyo si ka daran, waxaan ugu dambayn istaagnay malkadi Masalle-Adduun, taasoo aan si dirqi iyo is biimayn ah isugu tuurnay, waxaana ilaahay nooga bixiyay si mucjiso ah.
Bohosha aan ka gudubnay biyaha ay qaadday tiradooda qof nool oo soo gaaray maanan arkin, xataa biyo xirkii 1980kii oon anigaanu goobjoog u ahaa, waana waagi ay biyuhu la tageen aqalladannadi iyo xoolo badan. Waxaan xasuustaa inay hooyaday Allaha u naxariistee aniga iyo sadexda iga yaryar iyo faynuus iyo kubeerto ay ka badbaadisay aqalkeeda ayna nagu qaadday dusheeda, ilmihii kalana ay isasoo qaadeen, sidaasna ay nagu gaysay jiraxa Golhuur ka korreeyo.
Bohoshu waxay habeen sadexaad ka fakatay Malkadii Jeedalaa waxayna qabsatay buurta Qodaxleey waxayna la tagtay xoolo fara badan iyo aqallo ilaahayna wuu ka badbaadiyay dadkii, waxay dhulka dhigtay geedihii quracda ahaa ee waawaynaa oo caanka ku ahaa dhulka Gogolka.


Halkaas markaan ka gudubnay ayaan walaac iyo cabsi isu keennay, waxa naga horreeyo waa bohoshii burguduud oo isu badashay wabigi aduunka u waynaa, ama wax ka daran, waxay isku ballaarisay
Waqdi fiid danbe ah ayaaan kusoo dhacnay Tuulo-Barwaaqo oo caadiyan nusaac ka yar aan u socon jirnay. Halkaas ayaan habayn ki barinnay. Aroor hore subixii xigay ayaan ka kallahnay, waxaana Baladxaawo gaarnay 2pm maalinti danbe. Safarkaas ayaa isku dar nagu qaatay in badan 24 saac halki uu awal nagu qaadan jiray saddex saacadood kaliya.
Horay way dhici jirtay in waqtiga roobku jidadku xirmaan safarraduna dheeraadaan laakiin midkaan waa ka duwan yahay waayo waxaa muuqato in dhaawaca gaaray malkooyinki ay ka gudbeen dacay tir.
Jidka laga hadlayo waa midka kasoo baxo Baardheere kuna dhamaado Balad-xaawo. Wuxuu maraa msaaafo 250km ah. Wuxuu sii maraa magaalooyin dhowr ah oo ay ku jirto caasimadda (Garbahaareey) iyo tuulooyin tiro badan. Inuu xirmo waxay ka dhigan tahay inuu istaago isu socodka dadka ku nool deegaanka sidaas u ballaaran taasoo la imaan doonto burbur dhaqaale iyo mid nololeed.
Sida muuqato jidkaan damac danbe ma lahan. Wuxuu u baahan yahay buundooyin labo ah oo la saaro labada boholood ee ugu daran (Qodoxleey iyo Burguduud). Muddo badan ayay socotay qaylo -dhaantu laakiin marna lama qaadin tallaabo wax ku ool ah. Waxaa loo baahan yahay in si dhaqso ah loogu istaago badbaadinta dadka noloshoodu ku xiran tahay jidkaan.
Maamulka Jubbaland oo masuul ka ah carradaan waxaa laga rabaa inuu hormuud ka noqdo xal u helidda mushkiladdaan. Sidoo kale, ganacsatada iyo qurba-joogta ayaa iyana laga codsanayaa inay gacan ka gaystaan sidii jidkaan loo furi lahaa. Waxaa taal fursad ganacsi oo muhiim ah maadaama ay suura gal tahay in si gaar ah loo maalgashado.

Xaaladda jidka intiisa kale mar kale ayaan idinla wadaagi doonnaa hadduu Eebbe idmo.

Ibrahim Aden Shire
ishire86@gmail.com
kala soco: https://ibrahim-shire.blogspot.co.uk/





Comments

Post a Comment

Popular posts from this blog

Gorfeyn: Buugga Adkaysi ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur

  Adkaysi waa buug cusub oo soo suuqa imaanaya kowda Disember 2024. Waxaan nasiib u yeeshay in aan ka mid noqdo dhowrkii qof ee ugu horreysay ee buugga la siiyo inta uusan suuqa imaan. Fiidnamdii Isniinta taariikhdu ahayd 18/11/2024 ayuu xildhibaan Cabdiraxmaan i guddoonsiiyay buugga goor aan ugu tagay gurigiisa Muqdisho. Fiidnamdii talaadada oo aan Ingiriiska safar u soo ahaa ayaan ku billaabay akhriska. Wehel waddada ila mara ayuu ii noqday. Qormadaan gaaban waxaan uga faalloon doonaa buugga.  Adkaysi oo 318 bog ah waxaa qorey xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Tafatirka iyo quraaradyntu (typesetting) waa heersare (laba meelood ayaan ka arkay wax aan is iri quraaradaynta ayaa geftay).  Waa buug xogwarran ah, xambaarsan taariikh, wacyigelin, waxbarid iyo waana-qaadasho. Waxaa uu si gaar ah u abbaarayaa waayihii Cabdiraxmaan, dhalashadiisii, korriinkiisii, waxbarashadiisii, shaqooyinkiisii ilaa siyaasadda oo uu hadda ku jiro. Sida ka muuqata ciwaankaba qoruhu b...

Maxaa ka run ah warbixinnada foosha xun ee laga qoro Soomaalida Qurbaha?

Warbixin ka ay daabacday Boomerg oo looga hadlay waxtarka muhaajiriinta Maraykan  tago ayaa lagu sheegay in Kiinyaanku yihiin dadka saddexaad ee ugu shaqada iyo waxtarka badan soogalootiga Maraykanka. Gaana oo Afrika ah ayaa qaadatay kaalinta koowaad waxaan labo noqday Bulgeeriya oo Yurub ah. Waxaa sidoo kale toban hore soo galay dalalka Itoobiya oo afar gashay, Masar oo shan gashay, Nayjeeriya oo siddeed gashay iyo Laybeeriya oo sagaal gashay. Toban qowmiyadood ee ugu shaqada badan muhaajiriinta ku nool Maraykanka lix ayaa kasoo jeedda Afrika. Waxaan tobanka hore soo galin Soomaalida. Sidoo kale soomaalidu safka hore oogama jirto muhaajiriinta ugu aqoonta badan. Afrika Masar iyo Natjeeriya ayaa kaga jiro tobanka hore xagga aqoonta. Marka walba oo lasoo hadal qaado Soomaali waxaa lagu xariiriyaa, faqri, burcadnimo, aqoon la'aan, argagixisonimo iyo shaqo la'aan baahsan. Warbixin laga soo saaray waddamada Galbeed oo sawir quruxsan ka bixiso Soomaalida in la helo ma dhac...

Hal ku dhigga halaagga noo horseeday: "Xoolaha dad weynaha ayaa ganacsi loo baddalay"

Ilaa shalay waxaa baraha bulshada lagu faafinayay in isbitaalki Jaalle Siyaad ee dagmada Garbahaareey loo rogay meel ganacsi. Saaka warki asaga ahaa waxaa qoray qaar ka mid ah mareegyada warfaafinta ee Soomaalida. Dadka qoray warkaan qaar waxay isticmaaleen erayo adag sida 'dhiig miirato', 'furasho' iyo 'boob'.  Inkastoo aan la xariiray qaar ka mid ah dadka qoray farriimahaan aana isku dayay inaan si hoose xal ugu helo warkaan aan salka lahayn, haddana waxaa ii muuqato inuu dhawaqu meel fog gaaray hoos u hadlidna aysan ku filnayn. Sidaa darteed waxaan go'aansaday in si muuqato wax ooga dhaho warkaan oo aan ahayn kii ugu horreeyay ee noociisa ah.  Muxuu yahay Isbitaalka Jaalle siyaad? Jaalle Siyaad waa isbitaal weyn oo ku yaal Garbahaareey. Waxaa dhismihiisa bilowday dowladdii dhexe isagoo qaybo ah ayayna dhacday. dhowr iyo labaatan sano ayuu qabyadaas ahaa oo arigu u xaroon jiray. Waqti aan fogayn ayay gabdho qurbajoog ah isu xilqaameen inay...

Contact Form

Name

Email *

Message *