Skip to main content

Reer Rag Leeyahay Roob Saan Ma u Galaa: Saxariirta Taallo Waddada Xiriiso Gedo

                                        
Sanadkaan waxaa da'ay roobab xoog badan. Inkastoo roobabkaan baahi badan loo qabay in badanna Eebbe laga baryay, waxay la yimaadeen xoogaa qasaare ah. Dhibka ugu ballaaran ee hadda muuqdo waa in gobalka Gedo qarka u saaran yahay inuu kal xirmo maadaama jidka ugu muhiimsan ee isku xiro gobalka uu noqon rabo lama maraan. Warbixintaan hoose waxaan ila wadaagay Xasan Axmed Nuur oo shalay maray jidka isku xiro inta badan gobalka Gedo: Waa kan Baardheere iyo Balad-xaawo u dhexeeyo.



Waxaan ka baxnay degmada garbahaarey shalayto saacaddu markay ahay 11am, annagoo ah shan nin oo xoog leh. Waxaan wadannay gaari suzuki vitara ah oo aad u xoog badan. Waxaan wadannay badeello iyo xargo waawayn oon ugu talo galnay inaan gaariga ku jiidno hadduu dhiiqo galo. Waxaan ku baxnay waddada aaddo godey kadib markii jidkii waynaa ee Balad-xaawo ay ka qodmeen boholo, meelana ay fariisteen dhagxaan taasoo ka dhigtay lama maraan.


Waxay nagu qaadatay waqti dheer inaan u daganno Gogolka , maadaama uu jidka si xun u jeexjeexay roobkii waynaa ee habeen sadexaad kaasoonan arkin waligay roob la xoog ah, xataa dayr qulqul (1997).


Waxaan u dagannay hoos iyo gogol, waxaanna kor istaagnay bohoshii qodaxleey ama jeedalaa, tassoo aanan laga sheekayn karin waxa ku dhacay sida ay u baddalmeen malkooyinki iyo meelihi laga korsan jiray. Waxaan istaagnay malkadii Maracadde, waxayna noqotay dabaq hoostiis oon hawo dambe lahayn. Waxaan aadnay Qooxle oo ku xigay, waaba sidi iyo si ka daran, waxaan ugu dambayn istaagnay malkadi Masalle-Adduun, taasoo aan si dirqi iyo is biimayn ah isugu tuurnay, waxaana ilaahay nooga bixiyay si mucjiso ah.
Bohosha aan ka gudubnay biyaha ay qaadday tiradooda qof nool oo soo gaaray maanan arkin, xataa biyo xirkii 1980kii oon anigaanu goobjoog u ahaa, waana waagi ay biyuhu la tageen aqalladannadi iyo xoolo badan. Waxaan xasuustaa inay hooyaday Allaha u naxariistee aniga iyo sadexda iga yaryar iyo faynuus iyo kubeerto ay ka badbaadisay aqalkeeda ayna nagu qaadday dusheeda, ilmihii kalana ay isasoo qaadeen, sidaasna ay nagu gaysay jiraxa Golhuur ka korreeyo.
Bohoshu waxay habeen sadexaad ka fakatay Malkadii Jeedalaa waxayna qabsatay buurta Qodaxleey waxayna la tagtay xoolo fara badan iyo aqallo ilaahayna wuu ka badbaadiyay dadkii, waxay dhulka dhigtay geedihii quracda ahaa ee waawaynaa oo caanka ku ahaa dhulka Gogolka.


Halkaas markaan ka gudubnay ayaan walaac iyo cabsi isu keennay, waxa naga horreeyo waa bohoshii burguduud oo isu badashay wabigi aduunka u waynaa, ama wax ka daran, waxay isku ballaarisay
Waqdi fiid danbe ah ayaaan kusoo dhacnay Tuulo-Barwaaqo oo caadiyan nusaac ka yar aan u socon jirnay. Halkaas ayaan habayn ki barinnay. Aroor hore subixii xigay ayaan ka kallahnay, waxaana Baladxaawo gaarnay 2pm maalinti danbe. Safarkaas ayaa isku dar nagu qaatay in badan 24 saac halki uu awal nagu qaadan jiray saddex saacadood kaliya.
Horay way dhici jirtay in waqtiga roobku jidadku xirmaan safarraduna dheeraadaan laakiin midkaan waa ka duwan yahay waayo waxaa muuqato in dhaawaca gaaray malkooyinki ay ka gudbeen dacay tir.
Jidka laga hadlayo waa midka kasoo baxo Baardheere kuna dhamaado Balad-xaawo. Wuxuu maraa msaaafo 250km ah. Wuxuu sii maraa magaalooyin dhowr ah oo ay ku jirto caasimadda (Garbahaareey) iyo tuulooyin tiro badan. Inuu xirmo waxay ka dhigan tahay inuu istaago isu socodka dadka ku nool deegaanka sidaas u ballaaran taasoo la imaan doonto burbur dhaqaale iyo mid nololeed.
Sida muuqato jidkaan damac danbe ma lahan. Wuxuu u baahan yahay buundooyin labo ah oo la saaro labada boholood ee ugu daran (Qodoxleey iyo Burguduud). Muddo badan ayay socotay qaylo -dhaantu laakiin marna lama qaadin tallaabo wax ku ool ah. Waxaa loo baahan yahay in si dhaqso ah loogu istaago badbaadinta dadka noloshoodu ku xiran tahay jidkaan.
Maamulka Jubbaland oo masuul ka ah carradaan waxaa laga rabaa inuu hormuud ka noqdo xal u helidda mushkiladdaan. Sidoo kale, ganacsatada iyo qurba-joogta ayaa iyana laga codsanayaa inay gacan ka gaystaan sidii jidkaan loo furi lahaa. Waxaa taal fursad ganacsi oo muhiim ah maadaama ay suura gal tahay in si gaar ah loo maalgashado.

Xaaladda jidka intiisa kale mar kale ayaan idinla wadaagi doonnaa hadduu Eebbe idmo.

Ibrahim Aden Shire
ishire86@gmail.com
kala soco: https://ibrahim-shire.blogspot.co.uk/





Comments

Post a Comment

Popular posts from this blog

Warbixin Kooban. Safarkaygi Gobalka Gedo. Q4

Waxaa ku jirnaa arrimaha bulshada. Tii inoogu danbaysay waxaan soo taabannay adeegga caafimaadka kaas oo sawir taban aan ka bixinnay. Hasa yeeshee meelo badan oo waxaa jiro horumar fiican uu ka jiro sida isboortiska. Garbahaareey waxaa ka dhisan siddeed naadi oo heer koowaad ah. Si joogta ah ayaa loo cayaaraa oo markuu xilli dhammaadaba dib ayaa loo billaabaa. Kooxaha koob ayaa loo dhigaa lacag ah. Inta badan waa $100 qiimaha abaalmarintu marmarna inuu ka bato ayaa laga yaabaa. Kooxdi qaaddo koobka ayaa meel fagaare ah lagu guddonsiiyaa abaal marinta. Ciyaarahaan waxay ka dhacaan garoonki kubbadda kacta ee dagmada oo saddex sano ka hor la dayac tiray. Garoonka oo loo dhisay darbi daawadayaashu fadhiistaan ayaa aad loo soo cammiraa. Maalinta ay jirto cayaarta kama danbaysta ah waa la buux dhaafiyaa. Waxaa xusid mudan in dad ugu badan ee cayaaraha daawado ay ka mid yihiin ciidanka. Waxaad arkaysaa iyagoo tuutahooda xiran qoryana sito oo shacabka dhex fadhiya. Dadka u...

Hal ku dhigga halaagga noo horseeday: "Xoolaha dad weynaha ayaa ganacsi loo baddalay"

Ilaa shalay waxaa baraha bulshada lagu faafinayay in isbitaalki Jaalle Siyaad ee dagmada Garbahaareey loo rogay meel ganacsi. Saaka warki asaga ahaa waxaa qoray qaar ka mid ah mareegyada warfaafinta ee Soomaalida. Dadka qoray warkaan qaar waxay isticmaaleen erayo adag sida 'dhiig miirato', 'furasho' iyo 'boob'.  Inkastoo aan la xariiray qaar ka mid ah dadka qoray farriimahaan aana isku dayay inaan si hoose xal ugu helo warkaan aan salka lahayn, haddana waxaa ii muuqato inuu dhawaqu meel fog gaaray hoos u hadlidna aysan ku filnayn. Sidaa darteed waxaan go'aansaday in si muuqato wax ooga dhaho warkaan oo aan ahayn kii ugu horreeyay ee noociisa ah.  Muxuu yahay Isbitaalka Jaalle siyaad? Jaalle Siyaad waa isbitaal weyn oo ku yaal Garbahaareey. Waxaa dhismihiisa bilowday dowladdii dhexe isagoo qaybo ah ayayna dhacday. dhowr iyo labaatan sano ayuu qabyadaas ahaa oo arigu u xaroon jiray. Waqti aan fogayn ayay gabdho qurbajoog ah isu xilqaameen inay...

Maxaa laga filan karaa Imaaraatka, ka dib xariirka xumaaday ee Soomaaliya

Dalka Imaaraadka Carabtu waa dal bad ahaan aad u yar, dadkiisu dhowr milyan uusan dhaafsiisnayn, xadaarad hooseeye ilbaxnimadiisuna boqol sano aysan ka shishayn. Saas oo ay tahay sanadahaan danbe awoodiisa aad ayay usoo shaac baxay. Isaga iyo dalalka kale ee Khaliijkuba waxay ku amar taagleeyaan dowlado waaweyn, una yeeriyaan waxa ay doonaan. Dhawaan ayay ahayd marki ay soo baxday in Imaaraatku codsaday in la baddalo wasiirka arrimaha dibada ee Maraykanka, codsigoodina dagdag ayaa loo ajiibay. Kaligood maahaan. Sacuudiga ayaa dalbaday in wasiirka arrimaha dibada loo magacaabo kolin Bowel waqtiguu Buushki yaraa waana laga yeelay si qasab ah. Sidoo kale, waxay dowladaha waaweyn ee reer Galbeedka ku qasbaan inay u hadlaan sida ay iyagu rabaan. Sanadki hore Taraam oo ku hadlayo afka waddamada Khaliijka ayaa sheegay inuu jabin doono heshiishki Nukliyeerka ee Iiraan kala dhaxeeyay. dowlado dhowr ah oo arkayay sida masuuliyad darrada ah ee ay wax u socdaan Faransiiskuna ka mi...

Contact Form

Name

Email *

Message *