Skip to main content

Warbixin Kooban. Safarkaygi Gobalka Gedo. Q3


Qormadi inoo danbaysay waxay ku saabsanayd amniga. Laakiin waxay inaga soo dhexgashay qodobbo arrimaha bulshada ahaa oo inoo socday. Waxbarshada ayaan si kooban ooga hadalnay. Iskoollada maadiga lagu barto iyo goobaha diinta loo diraaseeyaba inay buuxaan ayaan soo sheegnay. Waxaan ka daba gaynayaa in goobaha diinta lagu barto ay aad u ballaaranayaan. Tusaale, waxaa soo socda qorsha ballaarinta machadka Imuumu Dahabi ee Garbahaareey oo dhawaan inuu bilowdo la filayo. Haddii lagu guulaysto waxa uu qorshuhu yahay in la dhiso dhismo dabaq ah oo mati galin karo kun arday ka badan hal mar.

Waxaa sidoo kale lagu wadaa in masjikd jaamica ee Garbahaareey gabi ahaanba dhulka la dhigo si loo waasicyo. Masjidku waa udub dhexaadka aqoonta islaamka ee gobalka. Waa meesha ay fadhido xerta kunka ku dhow ee kutubta raacato. Waa meesha salaadda jumacaad sidoo kale lagu oogo. Haddaa waa uu qaadi la'yahay baahiyahaas, waxaana u ilmaynayaa ballaarin taasoo howsheedi lagu jiro.

Caafimaadka ayaa ah meelaha dad badan ciil qabaan inay wax ka ogaadaan. Gobalku guud ahaan aad ayuu ugu hooseeyaa adeegyada caafimaadka. Magaalooyinka waaweyn sida Baladxaawo xataa ka heli maysid adeeg tayo leh oo aad lacagtaada ku iibsato. Garbahaareey iyadu wayba ka daran tahay. Isbitaalka wali waxaa gacanta ku hayso hay'ad shaqo fiican qabato. Laakiin adeegyada ay bixiso waa kuwa aasaasiga ah oo waliba kooban.

Xanuunnada karoonigga ah ee wayeelku la noonyahay sida sonkorta iyo dhiig-karku xisaabta uguma jirto hayadda gacanta ku hayso isbitaalka waloo xanuunnadaan ay yihiin kuwa ugu daran ee dunida dhibka ku hayo. Sidoo kale cudurrada beerka ku dhaca sida cagaarshowga oo iyguna ah kuwo si ba'an u jira ayaanba la is waydiin in loo baahanyahay. Nin igu yiri xanuunkaas ayaan qabaa, marki ay noqotay in laga tallaalo xaasikiisa waxaa lagu qasbanaaday in uu Xamar u doonto oo tallaalka Habitaatis Bii magaciisuba dadku ma maqal in loo baahanyahayna maba oga.

Kuwaas waxaa ka daran dadkuna u wada baahanyahay saqiir iyo kabiir haddana meelna aadan ka halayn waa dhaqtarka ilkaha. Garbahareey adoo joogo haddii ilig lagaa qabto waxay u badantahay inaad safar u gesho inaad iska saarto. Sidoo kale guud ahaan gobalku ma leh dhaqtar indhaha iyo meel ookiyaalaha arag-badiyaha ah laga iibsado. Haddii aad xirato ookiyaalo oo uu kaa jabo adoo Gedo joogo waa Xamar ama meel ka fog diyaarad u raac.

Intaas oo dhan waxaa kasii daran oo niyad-jab kugu ridayo waa in cid rabtaa inay barataba aysan jirin. caruuraha iskoollada dhigto ee raba inay aqoonsare gaaraan kuma jirto waxay doonayaa inay bartaan ilkaha iyo indhaha. Malaha waxay u arkaa shaqo saanac (oday ree baadiye ah oo aan iskool u galin ilko bixinta). Mar aan isku dayay inaan ogaado sababta loo furan waayay dhaqtar-indho waxaa la igu yiri dadkuba ma fahamsana inay baahi u qabaan oo iyagoo ay dhib ku tahay arkidda shaaxida kitaabka uu akhristo ayuu isu qabaa inuu fiicanyahay. Qaar badan waxayba aaminsanyihiin ookiyaalaha inta aad aragto ayuu kasii ridi.

Si kastaba ha ahaatee, dhinac waxaa jiro aan is iri waa la hagaajiyay. Waa dhalmada hooyada. Isbitaalka Jaalle Siyaad oo hadda xarun u ah caafimaadka dagmada oo dhan wuxuu soo kordhiyay adeeg fiican oo umuliso. Waa laga raystay Mandera iyo gabar ayaa dhex ku go'day iyadoo lala sii cararayo. Umulisadu waxay shaqaysaa 24 saac. Saacad walba oo gabari fool qabato isbitaalka waa la keeni karaa.

Gaari ayaa jiro u shaqeeyo soo qaadidda qofki si kale lagu keeni waayo. Magaalada oo habaynki aan loo ogolayn gaari socdo midka bukaanka qaado fasax ayuu qabaa. Hadii hooyadu fooshu ku dheeraato oo ay muuqato inay qatar ku jirto, waxaa joogo dhaqtar qalo oo si sahal ah ilamaha ooga soo saaro hadduu Eebbe yasiro. Dhabtii adeeggaan waa mid dagmadu baahi weyn ay u qabtay. Waxay ahayd iin ku taallay bahda caafimaadka ee Garbahareey. Waxay sidoo kale ahayd mid keento dhimasho laga maarmi karay. Hadda baahidaas jidbaa u baxay laakiin sii xoojin iyo horumarin waa u baahanyahay.

So kooban gobalku caafimaadkiisu waa ka hooseeyaa sidii la rabay. Dhaqaatiir u dhalatay oo goobo ganacsi ka furto waa ay yaryihiin. Baahiyaha caafimaadka ee la qabo dadka qabo ma fahamsana. Hay'adaha adeegyada caafimaadka gacanta ku hayo maahan aad ugu hagarbaxo caawinta dad weynaha, lagana yaabo in aysan hagar jirine dhibku yahay miisaaniyad yaraan.

La soco qaybta xigta oo aan ku eegi doono isboortiska iyo dhalinyarada. Waxaa sidoo kale xigi doona haddu Eebbe idmo meelaha aan dhaliilay ee daldaloollada leh.

Ibrahim Aden Shire

Comments

Popular posts from this blog

Taariikh Nololeedkii Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf

  28/12/2023 waxaa geeriyooday sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf oo ka mid ahaa culimada Soomaaliyeed marna ahaa hoggaamiyihii Imaaradii Gedo. Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf Aw Axmed Ismaciil Mubaarak sheekh Cabdiraxmaan sheekh Samantar,  waxaa uu ku dhashay qiyaastii 1938-kii, meel lagu magacaabo Buuro oo galbeedka uga beegan magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud. Sheekha waxaa uu ahaa Marreexaan, Cali Maxammed (Cali-dheere), reer Sheekh reer Mubaarak.  Sheekh Maxammed waxaa uu ku barbaaray guri aqoon iyo Diin. Sida aad ka arki kartaba abtirkiisa aabbihii iyo awooyaashii waxaa ay ahaayeen culimo. Sheekha Maxammed Allaha u naxariisto e (AUN),  waxaa uu Qur’aanka kariim ka ah dhammeeyay isaga oo aad u da’ yar. Intaa ka dib waxaa uu u jeestay barashada caqiidada, fiqhiga iyo Shaaficiga isaga oo kutubtaas ka qaatay aabbihii. Sidii uu dhaqanku ahaa, sheekh Maxammed  waxaa uu xiraystay sannadka markii uu ahaa 1956-kii ilaa 1961-kii  goortaas oo uu cilmi u raadsaday magaalooyinka Beledwayne,

Maxaa ka run ah warbixinnada foosha xun ee laga qoro Soomaalida Qurbaha?

Warbixin ka ay daabacday Boomerg oo looga hadlay waxtarka muhaajiriinta Maraykan  tago ayaa lagu sheegay in Kiinyaanku yihiin dadka saddexaad ee ugu shaqada iyo waxtarka badan soogalootiga Maraykanka. Gaana oo Afrika ah ayaa qaadatay kaalinta koowaad waxaan labo noqday Bulgeeriya oo Yurub ah. Waxaa sidoo kale toban hore soo galay dalalka Itoobiya oo afar gashay, Masar oo shan gashay, Nayjeeriya oo siddeed gashay iyo Laybeeriya oo sagaal gashay. Toban qowmiyadood ee ugu shaqada badan muhaajiriinta ku nool Maraykanka lix ayaa kasoo jeedda Afrika. Waxaan tobanka hore soo galin Soomaalida. Sidoo kale soomaalidu safka hore oogama jirto muhaajiriinta ugu aqoonta badan. Afrika Masar iyo Natjeeriya ayaa kaga jiro tobanka hore xagga aqoonta. Marka walba oo lasoo hadal qaado Soomaali waxaa lagu xariiriyaa, faqri, burcadnimo, aqoon la'aan, argagixisonimo iyo shaqo la'aan baahsan. Warbixin laga soo saaray waddamada Galbeed oo sawir quruxsan ka bixiso Soomaalida in la helo ma dhacd

Hal ku dhigga halaagga noo horseeday: "Xoolaha dad weynaha ayaa ganacsi loo baddalay"

Ilaa shalay waxaa baraha bulshada lagu faafinayay in isbitaalki Jaalle Siyaad ee dagmada Garbahaareey loo rogay meel ganacsi. Saaka warki asaga ahaa waxaa qoray qaar ka mid ah mareegyada warfaafinta ee Soomaalida. Dadka qoray warkaan qaar waxay isticmaaleen erayo adag sida 'dhiig miirato', 'furasho' iyo 'boob'.  Inkastoo aan la xariiray qaar ka mid ah dadka qoray farriimahaan aana isku dayay inaan si hoose xal ugu helo warkaan aan salka lahayn, haddana waxaa ii muuqato inuu dhawaqu meel fog gaaray hoos u hadlidna aysan ku filnayn. Sidaa darteed waxaan go'aansaday in si muuqato wax ooga dhaho warkaan oo aan ahayn kii ugu horreeyay ee noociisa ah.  Muxuu yahay Isbitaalka Jaalle siyaad? Jaalle Siyaad waa isbitaal weyn oo ku yaal Garbahaareey. Waxaa dhismihiisa bilowday dowladdii dhexe isagoo qaybo ah ayayna dhacday. dhowr iyo labaatan sano ayuu qabyadaas ahaa oo arigu u xaroon jiray. Waqti aan fogayn ayay gabdho qurbajoog ah isu xilqaameen inay

Contact Form

Name

Email *

Message *