Skip to main content

Laba-kaclaynta Mowliidka iyo Xadrada maxaa keenay?

                                                                               Image result for mowliidka
Afeef

Qormadaan kuma saabsana xugunka Mowliidka iyo xadrada. Sidoo kale kama faaloonayso waxa ay yihiin iyo qeexiddooda. Intaas waxaa dheer, qormadu kuma salaysana cilmi-baaris ee waa fikir shakhsiyadeed oo sax iyo khaladba qaabilo. Sidaa darteed yaanan lala aadin meel aysan u socon, wayse u furantahay naqdin.

Soomaalida iyo Mowliidka

Soomaalidu waxay ahaayeen dad wada Sunni ah. Caqiido Ashaaciro barax la’ ah. Mad’hab shaafici aan la tarrixin ah. U dababaal dagidda mowliidka iyo xadradu ma ahaan jirin wax qariib ah balse waxay ahaayeen astaamaha ugu caansan ee lagu muujiyo diinta suubban ee dadku haysteen.

 Inkastoo culimo iyo caamo intaas ka sinnaayeen, culimadu waxay ahaayeen labo jaad. Mid waxa loo yaqaanay fuqaho. Fuqahadu tiro ahaan aad ayay u yaraayeen. Waxay ahaayeen culimo ku taqasusta fiqhiga shaaficiga aqoon fiicanna leh. Kuma badnayn inay xadreeyaan ama ay yeeshaan xer meel ugu xaraysan iyo siyaaro joogta ah.

Dhinaca kale waxaa jiray koox kale oo dariiqooyin ku abtirsata. Kooxdaan aqoon ahaan waa ka hooseeyeen fuqahada, xooggana waxay saari jireen dahirinta nafta iyagoo isticmaalayo digri iyo cibaadooyin kale duwan oo xadradu ka mid tahay. Kooxdaan ayaa tiro ahaan badnayd, caansanayd, dadkana aad ugu dhaweyd sabab keentayba.

Imaatinkii Wahaabiyada

Iyadoo xaalku siaasi yahay, xurguf aan weynayna ay ka dhaxayso fuqahada iyo dariiqooyinka, ayaa waxaa dalka soo gaaray afkaarti Wahaabiyada ee ka timid Sacuudiga. Dhammaadki 70naadki, oo dhalin yaro Sacuudiga wax kusoo baratay dalka kusoo laabteen, ayay soo xoogaysatay afkaartaas.

Kooxdaan cusub waxay billaabeen olo-ole xoog badan oo ay doonayeen inay ku baddaalaan hab-dhaqankii soomaalida gaar ahaan dhaqamadi diinta laga dhaxlay. Meelaha ay aad u weerareen waxaa ka mid ahaa xadrada iyo Mowliidka. Joojinta labadaan waxay u isticmaaleen wax walbo oo ay awoodeen: xoog, xabbad, xeel iyo lacag intaba.

Halgankaas ilaa xad waa ay ku guulaysteen wahaabiyadu. Horraanti 90maadki laga soo billaabo ilaa waa dhow, waxaa yaraaday dhigidda mowliidka iyo xadrada. Dadku waa iska illaaween intooda badan. Tusaale, Garbahaareey oo aan anigu ku koray waligeed fakerka Wahaabiga lagama qaadan waxayna kala dhaxeeyay col iyo cadaawe gaamuray. Saas oo ay tahay waayo dhexe waxaa gabi ahaanba ay iska daysay u dabbaal-dagga Mowliidka si wada jir ah iyo xadro la isu ballansado.

Waxaan xasuustaa horraanti 2000kunnadi mar ay yimaadeen koox dariiqo ahayd in lala galay dagaal culus saamayntoodina aad loo yareeyay. Dadka dagaalka la galay maahayn wahaabiyo, siyaasiyiin iyo camo toona ee waxay ahaayeen culimo aqoon-yahanno ah caqiido Ashaaciro ah. Sababta iska riixidaas keentay waxay ahayd in culimadu u arkayeen ku mashquulka xadrada waqti lumis horseedayo waxbarasho la’aan. Midda Mowliidka, waa jireen dad dhigi jiray laakiin maahayn mid ay culimada hormuud ka ahayeen magaaladuna kawada qayb gali jirtay

Kororka dhigista Mowliidka

Dhowrki sano ee la soo dhaafay waxaa aad u kordhay u dabbaal-dagidda dhalashada suubanaha SCW. Dhammaan gobollada dalka waxaa la sameeyay isusoobaxyo waaweyn. Waxaa lasoo bandhigay shicaar qurux badan iyo tabo kale duwan oo aannan horay u arak. Dowladdii Xasan Sheekh waxay u aqoonsatay Mowliidka maalin fasax qaran. Sidoo kale maamulka Soomalilaan, qaarka mid ah madaxda ayaa hormuudka ah qabqaabada iyo diyaarinta mowliidka. Hadaba maxaa is badalay oo keenay labokacayntan? Waxaa is leeyahay sadex arrimood ayaa kabaalinayo arrintaan.

1:Gadood: dhibaatooyinka ay dadku kala kulmeen dhaxalki afkaarta wahaabiyada waxay keentay inay muujiyaan diidmo ku aaddan wacdigoodi iyo siyaasaddoodi. Waxaa loo arkay inta ku abtirsati fakerkaas dad ka abuuran shiddo iyo adkayn wax aan ilaahba adkayn. Si ay dadku u muujiyaan inaysan raali ka ahayn afkaarta ay faafiniyaan wahaabiyadu, waxay u wareegeen dhinici ay islahaayeen way ka xanaaqi doonaan.

In hab noocaan ah loo muujiyo diidmo waa mid ku badan nolosha aadanaha. Tusaale, dadyowga reer Galbeedku waxay qaatir ka istaageen siyaasadda lagu hago dalalkooda waxna waa ka badali waayeen. Si ay u muujiyaan niyad-jabkooda, uguna gudbiyaan siyaasiyiintooda waxa ay tabanayaan, waxay u codeeyaan kooxaha xagjirka ah iyagoon intooda badan la qabin afkaarta siyaasadeed ee ay xambaarsan yihiin. Taasi waa sababta keentay in reer Maraykan Taraam u codeeyaan, Holan, Jarmal, Faransiis iyo Osriyana ay soo baxan xisbiyo xagjir ah oo shacabka cod badan ka haysto.

Sidaaas oo kale, dadka Soomaliyeed waxay gadoodkaan ku muujinayaan inay qaatir ka istaageen afkaarta xagjirnimada ku dhisan ee noloshoodi burburisay iyadoo laga yaabo inaysan si buuxdo u taageersanayn habka loogu dabaal dagayo dhalashada Suubahana.

2:Xagjirnimo dhinac kale ah: soo bixiddii Shabaab waxy keentay inay soo baxaan kooxo dagaal kula jiro. Kooxahaas wax aka mid noqday qaar ka mid ah dariiqooyinka oo hubka u qaatay inay naftooda ku difaacdaan. Isdifaaciddi waxaa ka tarmay xagjirnimo ay ku abuurantay koox yar oo ka mid ah kuwii hubka qaatay. Had iyo jeer kooxda xagjirka ah, haba tiri yaradeene, waxay ka xoog badan yihiin tirada badan. Kooxdaan suufiyada xagjirka ah waxay billaabeen inay dadka ku qasbaan ka qayb galidda xadrada iyo ku xadgudbidda qofki su’aal ka keeno.

Waxaa la ii sheegay in 2011ki wadaad isteeshinka Garbahaareey lagu geeyay kaliya inuu cawday taleefannada codka looga dhigay xadrada ee soo dhacayo waqtiyada jameecada lagu jiro. Sidoo kale waxaa marar badan dhacday in dad maqaayado iska fadhiyo lagu daaro xadro, qofki yiraahdo naga gaabiyana xabsi loo taxaabo iyadoo lagu eedaynayo inuu Shabaab yahay. Tani waxaa laga yaabaa inay tahay sababta qaar bdan oo madaxda soomaalida ka mid ah oo awal ka mid ahaan dadka diidi jiray mowliidka ay hadda si muuqato ooga qayb galaan dhigitiisa.

3:baahidda Internetka: Midda sadexaad ee sii hurisay soo noolaynta Mowliidka waa internetka oo sahlay in la ogaado wixii yar’e meel ka jiraba. Mowliid waa la dhigi jiray, xadrana waa socotay haba yaraatee laakiin cidna war kama hayn oo inta dhigayso iyo inta la joogto ayuu ku ekaa. Laakiin hadda hadii labo meel ku kulanto, waxay iska duubi fiidiyow ka dibna waxay soo dhigi baraha bulshada adduunka oo dhan ayaana laga daawan.

 Haddi toban muuqaal oo tobam magaalo laga soo galiyay aad aragto waxaad u qaadanaysaa in addunkiba mowliid qabsaday. Sidaa awgeed waxaa badan in kuwa kale sidaas ugu daydaan oo ay ku tala galaan in sanadka danbe iyaguna sidoo kale sameeyaan. Sidaas ayaa dad badan oo iska illaaway ama aan awal xiiso badan u hayn ay ku bilaabaan caadaysiga u dabbaal-daga dhalashada Suubanaha SCW.

Gabagabo

Si kastaba ha ahaatee, waxaa xusid mudan inuusan wax dhiig ah ku daadan dhacdooyinki la xariiray u dabaal-dagidda Suubanaha. Waxaan aad ooga cabsi qabay sida ka dhacdo Bakistaan iyo dalal kale kuwa isleh munkar ayaad reebaysaan, inay isku qarxiyaan dadka mowliidsanayo.

Kan diidan ee muddo badan halgan ugu jiray inuu joojiyo mowliidka, maanta waxaa uu u baahanyahay inuu dib u eegis ku sameeyo dacwadiisi iskuna dayo inuu fahmo waxa keenay inay dadku kala wareegaan.
Kan ogal waxaa la gudboon inuu howshiisa wato asagoon dadka ku dhibin iskana ilaaliyo inuu maro jidkii ay horay u mareen kuwii rabay inay isaga ka joojinyaan.

Ibrahim Aden Shire

05/12/2017

Comments

Popular posts from this blog

Taariikh Nololeedkii Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf

  28/12/2023 waxaa geeriyooday sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf oo ka mid ahaa culimada Soomaaliyeed marna ahaa hoggaamiyihii Imaaradii Gedo. Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf Aw Axmed Ismaciil Mubaarak sheekh Cabdiraxmaan sheekh Samantar,  waxaa uu ku dhashay qiyaastii 1938-kii, meel lagu magacaabo Buuro oo galbeedka uga beegan magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud. Sheekha waxaa uu ahaa Marreexaan, Cali Maxammed (Cali-dheere), reer Sheekh reer Mubaarak.  Sheekh Maxammed waxaa uu ku barbaaray guri aqoon iyo Diin. Sida aad ka arki kartaba abtirkiisa aabbihii iyo awooyaashii waxaa ay ahaayeen culimo. Sheekha Maxammed Allaha u naxariisto e (AUN),  waxaa uu Qur’aanka kariim ka ah dhammeeyay isaga oo aad u da’ yar. Intaa ka dib waxaa uu u jeestay barashada caqiidada, fiqhiga iyo Shaaficiga isaga oo kutubtaas ka qaatay aabbihii. Sidii uu dhaqanku ahaa, sheekh Maxammed  waxaa uu xiraystay sannadka markii uu ahaa 1956-kii ilaa 1961-kii  goortaas oo uu cilmi u raadsaday magaalooyinka Beledwayne,

Maxaa ka run ah warbixinnada foosha xun ee laga qoro Soomaalida Qurbaha?

Warbixin ka ay daabacday Boomerg oo looga hadlay waxtarka muhaajiriinta Maraykan  tago ayaa lagu sheegay in Kiinyaanku yihiin dadka saddexaad ee ugu shaqada iyo waxtarka badan soogalootiga Maraykanka. Gaana oo Afrika ah ayaa qaadatay kaalinta koowaad waxaan labo noqday Bulgeeriya oo Yurub ah. Waxaa sidoo kale toban hore soo galay dalalka Itoobiya oo afar gashay, Masar oo shan gashay, Nayjeeriya oo siddeed gashay iyo Laybeeriya oo sagaal gashay. Toban qowmiyadood ee ugu shaqada badan muhaajiriinta ku nool Maraykanka lix ayaa kasoo jeedda Afrika. Waxaan tobanka hore soo galin Soomaalida. Sidoo kale soomaalidu safka hore oogama jirto muhaajiriinta ugu aqoonta badan. Afrika Masar iyo Natjeeriya ayaa kaga jiro tobanka hore xagga aqoonta. Marka walba oo lasoo hadal qaado Soomaali waxaa lagu xariiriyaa, faqri, burcadnimo, aqoon la'aan, argagixisonimo iyo shaqo la'aan baahsan. Warbixin laga soo saaray waddamada Galbeed oo sawir quruxsan ka bixiso Soomaalida in la helo ma dhacd

Hal ku dhigga halaagga noo horseeday: "Xoolaha dad weynaha ayaa ganacsi loo baddalay"

Ilaa shalay waxaa baraha bulshada lagu faafinayay in isbitaalki Jaalle Siyaad ee dagmada Garbahaareey loo rogay meel ganacsi. Saaka warki asaga ahaa waxaa qoray qaar ka mid ah mareegyada warfaafinta ee Soomaalida. Dadka qoray warkaan qaar waxay isticmaaleen erayo adag sida 'dhiig miirato', 'furasho' iyo 'boob'.  Inkastoo aan la xariiray qaar ka mid ah dadka qoray farriimahaan aana isku dayay inaan si hoose xal ugu helo warkaan aan salka lahayn, haddana waxaa ii muuqato inuu dhawaqu meel fog gaaray hoos u hadlidna aysan ku filnayn. Sidaa darteed waxaan go'aansaday in si muuqato wax ooga dhaho warkaan oo aan ahayn kii ugu horreeyay ee noociisa ah.  Muxuu yahay Isbitaalka Jaalle siyaad? Jaalle Siyaad waa isbitaal weyn oo ku yaal Garbahaareey. Waxaa dhismihiisa bilowday dowladdii dhexe isagoo qaybo ah ayayna dhacday. dhowr iyo labaatan sano ayuu qabyadaas ahaa oo arigu u xaroon jiray. Waqti aan fogayn ayay gabdho qurbajoog ah isu xilqaameen inay

Contact Form

Name

Email *

Message *