Skip to main content

Bolooggaan oo Maanta Gu jirsaday. Sidee ku billaabay Maxaanse faaiiday?



Hal sano ayaa kasoo wareegtay maalinti aan billabay inaan boggaan wax ku qoro. Aroorti 28 July 2017'ki kuma soo toosin inaan boloog billaabo. Iskaba daa inaan billaabee maba aqoon inaan heli karo mid bilaash oo diyaarsan hal dhufasho kaliyana ay iga xigto inaan arigtayda saaxiibayday kula wadaago.

Sababti ma xaussuto laakiin goor galin danbe ah ayaan is maqalnay Isxaaq Cabdullahi Climi-Sahal oo asxaabta ka mid ah. Sheeko ka dib wuxuu igu yiri qoraallada aad soo dhigto Facebook-ga waa fiicanyihiin laakiin waxaa kasii fiicnaan laahyd inaad boloog kusoo qorto si ay u noqdaan kuwo rasmi ah oo laga faaiidi karo. Markaan muujiyay inay igu adag tahay samynta bog iyo gacan ku hayntiisa ayuu ii sheegay inuu jiro mid iigu diyaarsan akoontiga aan ku leeyahay google-ka. Saacad ka dib markan jaray telkiisi ayaan soo dhigay midki ugu horreeyay aan ku tijaabiayay.

Walow aannan isu soo wicin wadatashi, hadalkeenni wuxuu ku dhamaaday talo i anfacday abaal weyna aan uga hayo lagana yabo inaan waligayba heleen. Taasi waxay muujinaysaa faaiidada hadalka wanaagsan. Kalmado kooban oo aad qof ku tiraahdo ayaa noqon karo kuwa baddalo noloshiisa oo dhan.

Muddaas sanadka waxaan boggaan aan ku daabacay 116 ciwaan. Celcelis bishii waxaan daabacay 9.7 ciwaan taasoo noqonayso asbuucii in 2.2 ciwaan aan soo bandhigayay. Ciwaanadaas waxaa la akhriyay 59630 goor sida ka muuqato jaantuska hoose  oo ka dhigan celcelis in kiba la akhriayay 514 oo jeer. Todobo ka mid ah ciwaannadaas waxaa qoray oo isoo diray qaar ka mid ah saaxiibada. 109'ka soo haray anaa qoray.




Waxaa laga soo booqday dunida oo dhan. Waddamada ugu badan ee laga soo booqday waxaa ka mid ah: Maraykanka, Soomaaliya, Ingiriiska iyo Kiinya Jaantuska hoose waxa uu tusayaa tobanka waddan ee akhristayaasha ugu badan kasoo booqdeen. Sawirkaan ayaa ka turhumaya sida soomaalidu dunida oo dhan u filiqsantahay.



Muddaas sanadka ah ee aan boggaan wax ku qorayay waxay ii ahayd mid xiiso badan. Waxaa ku jiray waxbarasho toos ah. Waxaa bartay waxbadan oo aan si kale ku barteen waxaana ii kordhay aqoon iyo xirfad. Waxaan, sidoo kale, bartay dad badan, waxaan yeeshay saaxiibbo cusub, waxaan helay talooyin badan, sidoo kale waxaan helay farriimo dhaliilo, diidmo, canbaarayn iyo caga-juglayn intaba leh.

Dadka ila soo xariirayay waxay u badnaayeen kuwo isoo dirayay bogaadin iyo ammaan. Ma soo koobi karo farriimihi dhiirri galinta ahaa ee aan helay laakiin dhowr aan halkaan ku xuso. "Waad ku mahadsantahay maqaalka qiimaha badan eed ka qortay Qalbi dhagax" mid kale ayaa ahaa "aad baad ugu mahadsan tahay qoraalkaan aad ugu magac dartay " Maxaa sabab u ah Isbaddalka waddanka Itoobiya ka socda "Runtii waa qoraal muujinaya in maskax aqoon iyo feejignaan ku dheehan tahay qortay!!" Mid kale ayaa sidaan yiri "asc walalkey shire waxan aqriyay qoralkada ad ku cabirtay arimaha geeska Africa gaar ahan heshiski somalia  & Ethiopia 

> waxan ad ula dhacay qor madada xig mada ku dhisan 
> waxa in badan wax so qora dad labada dhinac mid u jalbeysan 
> ama si kale hadan u dhigo dad arinta dhanka xumanta kaliya ka hadlaya ama kuwa kale o maxabo uba qaba dadka deriska an nahay 
> waxan ku le yahay aragtida suban haka daalin inad umadada u gudbiso welina raadi kuwa kale o kugu aragti ah 
> waxan ku rajeynaya guul". Qaar ayaa muujiyay inay wax ka barteen sida kan: "Cilmi iyo caqliba waa iiziyaday tan iyo markan bilabay aqrinta bloggan"

Farriimaha aan helayay, qaar waxay ahaayeen kaftan iyo kajan sida kan "yaaa maandhow isku ekaadey, sow ma ogid in uu Darood wadanka xakumo yaaaa maxaad waqtiga isak lumineysaa maandhow! Dawladuhu Gaas iyo Madoobe bey la xiriiraan. farmaajan waa lala [m]socodsiiyaa. Waqtiga aboowe ha iska qaadin. sheekadan dheer ee Wang iyo Su iyo Mao....................jamacadaha u baahan ee walaalo ka dhig. Jow".



Qaar waxay ahaayeen hanjabaad sida middaan "Ibrahim waxa kuu fiican inaad xaqiiqda waajahdo oo waxaasaa jiri jiray aad ka qaadato wixii dhici karaya oo keliya.  Ciyaal Soomaaliyeed oo la majara-habaabiyaa Somaliland xaqeeda ma duudsiyi karto,  Somaliland-na kuma dirqiyi karto inay Soomaaliya ka mid ahaato,  sheekooyinkaasina waa taariikh la soo dhaafay ee wakhtigaaga haku luminin Somaliland.  Wixii hada ka dambeeya waa inoo qalinka iyo website-yada aad wax ku qorqorto marka lagu daro yaryarka jooga BBC somali iyo VOA Somali,  awgaa ayaan u fasax qaadan doonaa Insha Allah."  Nasiib wanag hanjabaaddu maahan waan ku dili iyo waan xiri ee mid qabow oo dheef mooyee dhib keenayn.

Qaar waxay ahaayeen kuwa ka yimid dad igu diiday sidaan wax u arko sida kuwaan: "Mahadsanid talada iyo tusalaha, waxaana muhiima in la fahmo hardanka socda. Iyo hadii la qaldamayo oo meel la racayo in la raaco meel shacabka aan qasaaro uga imaneyn. Aniga qurbo joogtii hore ee yurub Ayaan ahay 14 sano Qaliijka carabta ayaan ka shaqeynayay. Waxaana ogahay in marinka imaraatka muhiim u yahay isku socodka dadka iyo dhaqaalaha. Waxaana lagu xujeyn karay in ay noo furan wado shaqo abuuris ah oo shacabka loogu furo  Visa shaqo taas bedelkeedana aan sku soo dhawaano siyasada ahaan. Cidii noo heysa wax intaan ku qabno ka fiicana Dowlada ayaa laga rabaa iney Umada u sheegto".






Mid kale wuxuu yiri: "...Haddii aad ogtahay iyo haddi kalaba UAE waxa ay Taageero lacageed oo gaareysa 6 Milyan Bishiiba ku bixisaa Taageerada Ciidamada soomaalida (SNA iyo PMPF ee Puntland). Intaas waxaa dheer Howlaha kale ee Mashaariicda bani'aadamnimada.... Dagaalka aan loo baahneyn ee Madaxda Villa Soomaaliya Jooga ay la galeen UAE waxa lagu tilmaami karaa aragti-gaabni siyaasadeed iyo Fullinta Rabitaanka Qadar. Bal aan wada sugno Cawaaqibta ay Soomaaliya ka dhaxasho arrintaan!!!." (Maxamuud Burci Suxufi ahna Qoraa Soomaaliyeed.)




Mid kale ayaa yiri "Runtii fikir ka duwan kaas Ayaan qabaa waxaadna hoos ka aqrisataa sida saxda ah ee wax u jiraan. Waana ineysan ku saleysnaan kaliya Imaraatka iyo Somaliya. Dagaalkaan waxow u dhaxeeyaa

1.       (Qatar iyo Iiraan) Turky iyo Ruush oo dhinac wada ah iyo

2.       Imaradka iyo Reer galbeedka oo dhinac ah
Waxa hada meesha ku hardamaya
1.       Qatar oo Turky Waardieynayo oo Ruush iyo iiraan gadaal ka taaganyihiin
2.       Iyi  Imaraadka oo gadaal ay ka taaganyhihiin reer galbeedka
Waxa xusid mudan tariiqda I soo jireenka ah ee dadeed waxaa xaqiiq ah in Xariir ganacsi iyo Kaalmo u dhaxeyn jiray Somaliya iyo Imaraadka ilaa 150 sano ka badan."

Qaar ayaa ahaa cafis iiga yimid dad caloosha wax iigu hayay aniguna aananba ogayn, laakiin i cafiyay ka dib mrkay akhriyeen qoraallada qaar ka mid ah tusaale kan: "...Anigoo  fb ku falaadayo baan arkey maqaal aad qorey oo ruux reer gabrahaarey nala wadaagay, waa sii riixay ka dibna waxaan arkey blogger-kaaga iyo maqaalo badan arrimo kala duwan ku saabsan.... Maqaaladaada inti aan aqriyay mar baan is tiri Ibraahim Qalbi ma hadduu qaan-gaarey? Ma isqasbi jirey mise waad jeclaan jirtay fuduydka? Ma matali jirtay inaad iska dhigto wadaadada-is-adkeeya?... Mudda dheer baan kuu cuqdadaysnaa balse si qalbi xab-xababaysan baa kuu cafiyay..."


In boloog la qoro maahan shaqo sahlan. Waa inuu ka mid noqdaa howl maalmeedkaada. Wuxuu rabaa baarid, tafatirid, iyo sugid waxa aad qorayso. Sidoo kale waxaa muhiim ah naad raali galiso akhristayaashaada. Maahan inaad qorayso waxay iyagu rabaan ee waa inaad qortaa wax marki ay akhriyaan aysan ka shallaayin waqtigi ka galay hadduu rabo ha noqdo  mid diidayo rabitaankoodee. Haddii aan si kale u iraahdo, waa inaad qortaa wax nacfi leh qofkii akhriyna wax un uu kaa fiidi karo.


 Intaas waxaa dheer, qoraalku wuxuu rabaa in la joogteeyo oo uu noqdo mid akhristayaashu ku xisaabtami karaan. Haddii dhowr biloodba mar aad wax so qorto waxaa dhacayso in boggaadu noqdo mid gibbaan ah oo aan haruub weyn loo culan.

Waxaa ugu muhiimsan aan ka bartay qormooyinkaas muddada sanadka ah ayaa ah in wixii aad qorto wax u dhigmo aad helayso. Haddii aad qorto cay iyo aflagaaddo farriimaha kusoo gaarayo waxay noqon kuwo jawaab u ah hadalkaadi qalloocnaa balse haddii aad arigtidaada u cabbirto si aan cidna ku xadgudbayn, farriimaha aad helayso waxay noqon kuwo asluubaysan oo iyagoo kugu xadgudbin kuu sheego waxa ay kugu diidanyihiin. 

Ugu danbayn waxaan u mahadcelinayaa dhammaan akhristayaasha meel ay joogaanba. Waxaan idin leedahay intaan inka faaiiday ayaa ka badan inta aad iga faaiideen. Waxaan ka cudurdaaranayaa wixii gaabis ah ee xagayga ka yimid iyo haddii tayada qormooyinkaan ay noqdaan kuwo ka hooseeyo intii laga rabay. 

Sidoo kale waxaan jeclahay inaan u sheego dhalinta jecel inay wax qoraan inuu boggaan u furanyahay aana soo gudbin doono haddii ay ila wadaagaan qoraallo. Ha is dhihin barbarad ayaa tahay oo qoraalkuudu cidna soo gudbin mayso. Aniguba kula mid ayaan ahay oo barbarad ayaan ahay, boggaana in lagu barbarto ayuuba u furanyahay. 

Ibrahim Aden Shire
ishire86@gmail.com
kala soco: https://ibrahim-shire.blogspot.com/








Comments

Post a Comment

Popular posts from this blog

Taariikh Nololeedkii Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf

  28/12/2023 waxaa geeriyooday sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf oo ka mid ahaa culimada Soomaaliyeed marna ahaa hoggaamiyihii Imaaradii Gedo. Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf Aw Axmed Ismaciil Mubaarak sheekh Cabdiraxmaan sheekh Samantar,  waxaa uu ku dhashay qiyaastii 1938-kii, meel lagu magacaabo Buuro oo galbeedka uga beegan magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud. Sheekha waxaa uu ahaa Marreexaan, Cali Maxammed (Cali-dheere), reer Sheekh reer Mubaarak.  Sheekh Maxammed waxaa uu ku barbaaray guri aqoon iyo Diin. Sida aad ka arki kartaba abtirkiisa aabbihii iyo awooyaashii waxaa ay ahaayeen culimo. Sheekha Maxammed Allaha u naxariisto e (AUN),  waxaa uu Qur’aanka kariim ka ah dhammeeyay isaga oo aad u da’ yar. Intaa ka dib waxaa uu u jeestay barashada caqiidada, fiqhiga iyo Shaaficiga isaga oo kutubtaas ka qaatay aabbihii. Sidii uu dhaqanku ahaa, sheekh Maxammed  waxaa uu xiraystay sannadka markii uu ahaa 1956-kii ilaa 1961-kii  goortaas oo uu cilmi u raadsaday magaalooyinka Beledwayne,

Maxaa ka run ah warbixinnada foosha xun ee laga qoro Soomaalida Qurbaha?

Warbixin ka ay daabacday Boomerg oo looga hadlay waxtarka muhaajiriinta Maraykan  tago ayaa lagu sheegay in Kiinyaanku yihiin dadka saddexaad ee ugu shaqada iyo waxtarka badan soogalootiga Maraykanka. Gaana oo Afrika ah ayaa qaadatay kaalinta koowaad waxaan labo noqday Bulgeeriya oo Yurub ah. Waxaa sidoo kale toban hore soo galay dalalka Itoobiya oo afar gashay, Masar oo shan gashay, Nayjeeriya oo siddeed gashay iyo Laybeeriya oo sagaal gashay. Toban qowmiyadood ee ugu shaqada badan muhaajiriinta ku nool Maraykanka lix ayaa kasoo jeedda Afrika. Waxaan tobanka hore soo galin Soomaalida. Sidoo kale soomaalidu safka hore oogama jirto muhaajiriinta ugu aqoonta badan. Afrika Masar iyo Natjeeriya ayaa kaga jiro tobanka hore xagga aqoonta. Marka walba oo lasoo hadal qaado Soomaali waxaa lagu xariiriyaa, faqri, burcadnimo, aqoon la'aan, argagixisonimo iyo shaqo la'aan baahsan. Warbixin laga soo saaray waddamada Galbeed oo sawir quruxsan ka bixiso Soomaalida in la helo ma dhacd

Hal ku dhigga halaagga noo horseeday: "Xoolaha dad weynaha ayaa ganacsi loo baddalay"

Ilaa shalay waxaa baraha bulshada lagu faafinayay in isbitaalki Jaalle Siyaad ee dagmada Garbahaareey loo rogay meel ganacsi. Saaka warki asaga ahaa waxaa qoray qaar ka mid ah mareegyada warfaafinta ee Soomaalida. Dadka qoray warkaan qaar waxay isticmaaleen erayo adag sida 'dhiig miirato', 'furasho' iyo 'boob'.  Inkastoo aan la xariiray qaar ka mid ah dadka qoray farriimahaan aana isku dayay inaan si hoose xal ugu helo warkaan aan salka lahayn, haddana waxaa ii muuqato inuu dhawaqu meel fog gaaray hoos u hadlidna aysan ku filnayn. Sidaa darteed waxaan go'aansaday in si muuqato wax ooga dhaho warkaan oo aan ahayn kii ugu horreeyay ee noociisa ah.  Muxuu yahay Isbitaalka Jaalle siyaad? Jaalle Siyaad waa isbitaal weyn oo ku yaal Garbahaareey. Waxaa dhismihiisa bilowday dowladdii dhexe isagoo qaybo ah ayayna dhacday. dhowr iyo labaatan sano ayuu qabyadaas ahaa oo arigu u xaroon jiray. Waqti aan fogayn ayay gabdho qurbajoog ah isu xilqaameen inay

Contact Form

Name

Email *

Message *