Skip to main content

Erayadii Hurdada ii diiday



Waa xagaagi 2003di. Waddanka waxaan joogaa dhowr bilood kaliya. Waxaan aadaa meel lagu maaweeliyo dhalinta ka saaqidday iskoollada shaqana aan doonan. Dadka dhigo iyo kuwa maalgaliyo barnaamijka waxay ku andacoodaan in dhalintaan maankooda iyo muraalkooda la dhisayo si ay shaqo u raadsadaan dadkana ula mid noqdaa. Laakiin aniga iyo inta ila mid ah waxaan u tagnaa lacag yar oo soddon gini ah taasoo asbuuci la isa siiyo iyo kaar baska lagu raaco oo isna asbuucle ah.

Dhammaan dhalinta aan meesha ku bartay oo midkoodna uusan labaantanki gaarin waa wada muslimiin Soomaali badanna ku jirto. Waxaa ka mid ah wiil asal ahaan Pakistaan kasoo jeeda laakiin ku dhashay Ingriiska. Wuxuu jiraa 17 sano oo kaliya. Ma tukado wax astaan diimeed ahna kama muuqato. Runti da’da uu jiro ayaaba ah tii dhalintu diinta ku dhaqankeeda ka weecan jireen. Laakiin isaga waxaa usii dheer howlo kale.

Mar walba waxaa dhagaha ugu jiro sameecado uu muusitigo ka dhagaysto kuna jaaso. Waqtiga biririfta, isaga gooni ayuu u istaagaa, raadiyaha yare e jeebka ugu jiro ayuu daartaa cayaartiisa ayuuna bilowdaa. Waxaan u kuur galay waxa sidaan u jecleesiiyay muusigga. Wuxuu ii sheegay inuu rabo inuu shaqo ka dhigto qoob-kacayaarka. Wuxuu igu yiri waxaan rabaa inaan Maykal Jaksan cayaarta kaga badiyo masracyada adduunkana aan maalin kasoo muuqdo.

Qalbigaa i xanuunay. Waan naxay waxaana u walwalay aakhirada wiilka. Waxaan is waydiiyay waalid wax u sheego ma lahan miyaa, wadaad wacdiya ma arag miyaa, jidka uu ku socdo xumaantiisa ma arko miyaa?

Marka aan sidaas isaga ooga naxayo anigu waxba isaga ma dhaamo marki laga reebo inaan tukado inkastoo mararka qaar ay iga tagto. Muusigga intuu ka dhagaysto in ku dhow ayaan ka dhagaystaa waxaase ii dheer inaan aqaan inay xumaan tahay. Kama reebin kamana wacdin wixii aan kula yaabay balse waan u camiray anoo hoos iska leh kani wuu tagay.

Maalin ayaan bas soo wada raacnay. Sidiisi ayuu xargihi dhagaha gashaday muusiggisina daartay. Aniga oo garab fadhiyay ayaa xargihi middod dhagta surtay si aan ula dhagaysto muusigga. Inkastoo aan heesaha aad u dhagayso haddana Soomaali iyo Hindiga ayaan dhagaystaa sidaas awgeed Maraykanka waxba iigama bilowno. Sidii nin la socdo muusigga ayaan madaxa gundhiyay oo isla ruxay sida wiilkaba.

Waxaan soo gaarnay xaafadda Small Heath oo ah meesha aan ku soconnay. Wax yar istaanki aan baska ooga dagi lahayn, waxaa ku yaal masaajid weyn oo qurux badan inay dariiqada Qaadiriyada leedahayna aan filayo maadaama calanki cagaarnaa ee ay Qaadiriyadu ka hor babbado. Waligey ma galin wax lagu dhigo iyo wax lagu bartana war kama hayn. Innagoo ku jirno jawi mashquul una muuqda mid dhaguhu iyo qalbigu ku raaxaysanayaan muustiggada ayuu hal mar isagoo ii sheegin damiyay raadiyihii xariggiina dhagta ka saaray mar aan ku beegannahay masaajidka hortiisa.

Xaggiisa ayaan soo jalleecay waxaana waydiiyay waxa dhacay. Iima uusan jawaabin isla markiba anna waan ka aamusay. Waxyar ka dib ayuu ila hadlay oo igu yiri ma taqaan meesha aan maraynay? Waxaan iri maya. Wuxuu yiri Waxaan hormaraynay madaraso Qur’aanka lagu xafido, ma doonayn anigoo muusik dhagaysanayo inaan hormaro meel kalaamka Eebbe lagu xafido. Ma ogtahay inuusan qof walba Qur’aanka xafidin ayuu ku daray hadalkiisi. Anoo yaabban wuxuu ooga jeedo ayaa iri yaa xafido? Wuxuu igu in yar oo Eebbe doortay ayaa Qur’aanka xafiddo ee qof walba Qur’aanka ma qaybo.

Hadalkiisi tummaati ayuu igu noqday iyo eebaa igu dhacday oo qalbiga labo iga dhigtay. Waan naxay oo dhididay oo hadli kari waayay. waan qajilay oo waxaan mooday inay dadku ogyihiin xaaladayda. Waxaa igu labo-dhacay hadalki wiilka oo qalbigayga gilgilay. Qur’aanka waxaan xafiday oo dusha ka qaybay anigoo 13 sano jiro. 14 iyo 15 jirkaygi taraawiix iyo tahajud tujintooda waan ka qayb qaatay.

Laakiin in dhowayd Qur’aan waan is daynay. Kitaab aan kala furo sanad ka hor ayaa iigu danbaysay. Marki laga reebo bisha Ramadaan. Ma xasuusto bil aan soon ahayn oo aan Qur’aanka wada akhriyo. Maalinta uu wiilka sidaas igu leeyahay xataa kitaab Qur’aan ah iima yaallo meesha aan dagganahay. Haddii la imtixaami lahaa, u malayn mahayo inaan Juz Cammo ku baasi lahaa! Wax kale iska daaye xurmada uu wiilka u hayo Qur’aanka iyo diinta uma hayo. Wuxuu ka xishooday inuu hormaro madaraso taxfiid isagoo ku jiro danbi waliba isagoo bas saaran oo daqiiqad ku dhaafayo. Aniguse anoo xambaarsan ayaan sidaan doona u dhaqmaa, waxaan rabo halleeyaa,cabsi la’aanna seexdaa.

Inkastoo aanan isla markiiba ku dhaqaaqin toobad, erayadi wiilka waa iga hari waayeen. Waxay noqdeen kuwa i horyimaada marki aan seexo maago. Adoo Alle kuu doortay inaad Qur’aankisa xambaarto miyaad iska diiday ayaan naftayda kula dooda mar walba oo aan isla kali noqonno. Muddo ka dib ilaahay waa i hadeeyay, xaalladi hore mid ka fiican ayuuna iigu baddalay xagga Qur’aan akhriska iyo hayntiisa laakiin waxa Alle aktiisa ii yaal uma ogaan lihi.

Hadalka wiilka ee ahaa dad gooni ah ayuu Eebbe u doortay xambaaridda Qur'aanka sugnaanteeda ma aqaan, laakiin waxaan hubaa inuusan qof walba Qur'aanka xafidin. Kumannaan dadaal u gashay inay bartaan ayaa tahli waayay, Kuwo iyagooy u sahlantahay ayaa culays laga saaray. Kuwa inta barteen ayaa ka tageen oo aysan dib u jalleecin. Qof Qur'aan xambaaray oo ku camal falay in loo dhigo ma jirto.

Waxaan yaraystay wiilkaas muslimka ah anoo eegay hab dhaqankiisa balse aan fiirin tayda isagoo iga qalbi fiican. Waxaan hubaa maalintaas aniga iyo isaga isagaa qalbi nool uu ku jiray. Erayadaa uu ogaal la’aanta ii yiri waxay noqdeen kuwa saamayn weyn ku yeeshay naftayda xasuustaydana ka go’i waayay. Waxaa laga yaabaa inuu Eebbe ugu naxariisto kuna hanuuniyo. Waxaa ku caddanayo macanaha ku jiro markuu Eebbe leeyaahy qofna yuusan qof kale xaqirin inuu ka fiican yahay ayaa laga yaabaaye.

Ha yaraynsan ruuxa muslimka ah, wax walba oo uu ku jiro inuu kaa fiican yahay ayaa laga yaabaa. Ha yaraysan kalmadda wanaagga ah laga yaabo inay si weyn u saamayso ruuxa kala joogo. Sida uu noo sheegay Suubbanuhu SCW hadal aad iska tiri ayaa jannada ku galiyo ama naar kugu tuuro. Afkaada u badi mid wanaagsan si adoon ku talagalin uu janno kuugu kaxeeyo.

Ugu danbayn waxaa laga yaabaa inaad ila mid tahay oo sideeydi oo kale Qur’aanki aad yaraanti ku baratay iska xoortay. Haddii aadan adiga ila mid ahayan kuwa ila ila mid ah oo saaxiibadaa ah inay jiraan ayaa laga yaabaa ee gaarsii farriinta.

Ka faaidayso bishaan barakaysan kitaabkiina boorka ka jaf. Nafta qasab una jihee xagga badbaadada. Ku mashqull naftaada Ceebaheedana baro inti aad kuwa dadka ku daali lahayd adoon iyaga dhaamin ama ka liito.

Farrintaan dadka la wadaag laga yaabo inuu Eebbe qof ku hanuuniyee

Ibrahim Aden Shire
ishire86@gmail.com
kala soco: https://ibrahim-shire.blogspot.co.uk/

Comments

Popular posts from this blog

Taariikh Nololeedkii Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf

  28/12/2023 waxaa geeriyooday sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf oo ka mid ahaa culimada Soomaaliyeed marna ahaa hoggaamiyihii Imaaradii Gedo. Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf Aw Axmed Ismaciil Mubaarak sheekh Cabdiraxmaan sheekh Samantar,  waxaa uu ku dhashay qiyaastii 1938-kii, meel lagu magacaabo Buuro oo galbeedka uga beegan magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud. Sheekha waxaa uu ahaa Marreexaan, Cali Maxammed (Cali-dheere), reer Sheekh reer Mubaarak.  Sheekh Maxammed waxaa uu ku barbaaray guri aqoon iyo Diin. Sida aad ka arki kartaba abtirkiisa aabbihii iyo awooyaashii waxaa ay ahaayeen culimo. Sheekha Maxammed Allaha u naxariisto e (AUN),  waxaa uu Qur’aanka kariim ka ah dhammeeyay isaga oo aad u da’ yar. Intaa ka dib waxaa uu u jeestay barashada caqiidada, fiqhiga iyo Shaaficiga isaga oo kutubtaas ka qaatay aabbihii. Sidii uu dhaqanku ahaa, sheekh Maxammed  waxaa uu xiraystay sannadka markii uu ahaa 1956-kii ilaa 1961-kii  goortaas oo uu cilmi u raadsaday magaalooyinka Beledwayne,

Hal ku dhigga halaagga noo horseeday: "Xoolaha dad weynaha ayaa ganacsi loo baddalay"

Ilaa shalay waxaa baraha bulshada lagu faafinayay in isbitaalki Jaalle Siyaad ee dagmada Garbahaareey loo rogay meel ganacsi. Saaka warki asaga ahaa waxaa qoray qaar ka mid ah mareegyada warfaafinta ee Soomaalida. Dadka qoray warkaan qaar waxay isticmaaleen erayo adag sida 'dhiig miirato', 'furasho' iyo 'boob'.  Inkastoo aan la xariiray qaar ka mid ah dadka qoray farriimahaan aana isku dayay inaan si hoose xal ugu helo warkaan aan salka lahayn, haddana waxaa ii muuqato inuu dhawaqu meel fog gaaray hoos u hadlidna aysan ku filnayn. Sidaa darteed waxaan go'aansaday in si muuqato wax ooga dhaho warkaan oo aan ahayn kii ugu horreeyay ee noociisa ah.  Muxuu yahay Isbitaalka Jaalle siyaad? Jaalle Siyaad waa isbitaal weyn oo ku yaal Garbahaareey. Waxaa dhismihiisa bilowday dowladdii dhexe isagoo qaybo ah ayayna dhacday. dhowr iyo labaatan sano ayuu qabyadaas ahaa oo arigu u xaroon jiray. Waqti aan fogayn ayay gabdho qurbajoog ah isu xilqaameen inay

Maxaa ka run ah warbixinnada foosha xun ee laga qoro Soomaalida Qurbaha?

Warbixin ka ay daabacday Boomerg oo looga hadlay waxtarka muhaajiriinta Maraykan  tago ayaa lagu sheegay in Kiinyaanku yihiin dadka saddexaad ee ugu shaqada iyo waxtarka badan soogalootiga Maraykanka. Gaana oo Afrika ah ayaa qaadatay kaalinta koowaad waxaan labo noqday Bulgeeriya oo Yurub ah. Waxaa sidoo kale toban hore soo galay dalalka Itoobiya oo afar gashay, Masar oo shan gashay, Nayjeeriya oo siddeed gashay iyo Laybeeriya oo sagaal gashay. Toban qowmiyadood ee ugu shaqada badan muhaajiriinta ku nool Maraykanka lix ayaa kasoo jeedda Afrika. Waxaan tobanka hore soo galin Soomaalida. Sidoo kale soomaalidu safka hore oogama jirto muhaajiriinta ugu aqoonta badan. Afrika Masar iyo Natjeeriya ayaa kaga jiro tobanka hore xagga aqoonta. Marka walba oo lasoo hadal qaado Soomaali waxaa lagu xariiriyaa, faqri, burcadnimo, aqoon la'aan, argagixisonimo iyo shaqo la'aan baahsan. Warbixin laga soo saaray waddamada Galbeed oo sawir quruxsan ka bixiso Soomaalida in la helo ma dhacd

Contact Form

Name

Email *

Message *