Skip to main content

Maxaa Sabab u ah Hijrada Dhalinyarada Gobalka Gedo Sideese lagu xallin karaa?


Qormadaan tii ka horraysay waxaan ku tilmaamay in dhibka ugu weyn ee dhalinyarada gobalka Gedo qayb ooga noqon la'dahay noocyada kala duwan ee horumarka inay tahay hijrada ay dhalintu ka hijroonayso dhammaan deegaannada gobalku ka kooban yahay. Haddaba maxaa sabab u ah hijradaan maxaase xal u ah?

Dadki faallooyinka fakerkooda ku dhiibtay iyo qaar farriimo gaar ah isoo dirayba waxay xuseen dhowr arrimood oo ay yiraahdeen ilaa xal loo helo hijradu dhammaan mayso. Saddex arrimood oo loogu badnaa ayaan halkaan kaga faalloon doonaa iyo hal kale oo qof kaliya uu isoo diray laakiin macquul iila muuqatay. Saddexda arrimood ayaa kala ah: Ammaan la'aan, jaamacad la'aan iyo fursad shaqo la'aan. 

Ammaan la'aan

Gobalka Gedo wuxuu ka mid yahay meelaha ugu ammaanka xun guud ahaan dalka Soomaaliya. Dagmooyinkiisa intooda badan way adag tahay in gaari loogu kala safro cabsi la'aan. Dagmooyin dhowr ah gudahooda joogitaankiisa ayaaba halis ah. Sidaa darteed dood kama taagno in ammaan la'aan ay gobalka ka jirto.

Hase ahaatee waxaan qabaa ammaan xumadu waa qayb yar oo dhibka ka mid ah ee maahan sababta rasmiga ah ee dhalintu u hijroonayaan. Waxaan qabaa inaysan xataa ka mid ahayn sabaha waaweyn ee dhalintu u hijroonayso. Doodaydu waxay ku salaysan tahay in nabad kaliya aysan keenin nolol fiican. 

Haddii caawa Gedo xagga ammaanka kala mid noqoto Mako, waxaan qabaa inaysan yaraanayn dhalinta haajirasyo. Waxaan wada ognahay in ammaan xumado ay timid dagaalki sokeeyo ka dib. Sidoo kale waxaan ognahay in hijradu ka horraysay dagaalki sokeeyo. Sida qaar ka mid ah dadkii faallooyinka qoray ay sheegeenba dhalinyaradu markay dusgi sare dhammeeyaan Xamar ayay u wareegi jireen dibna uma soo noqon jirin, ilaa haddana waa sidi. 

Labo, guud ahaan Soomaaliya waxaa ugu ammaan fiican Soomaaliland, haddana dhalinyada ugu badan ee dhimato iyagoo haajirayo waxay ka yimaadaan deegaannada Soomaaliland. Waxaysan dood ka taagnayn in celcelis ahaan dhalinta ugu badan ee Soomaaliya ka tahriibto ay ka kala yimaadaan Soomaalind, Puntland iyo Banaadir. 

Dhalinyarada ka timaado deegaanadaan waxay u tahriibaan dibadda halka kuwa Gedo ay u tahriibaan deegaannada ay kuwa hore ka haajireen. Hasa yeeshee hijro waa hijro waxaana fiican midda qatarta yar ee ah in dalka dhexdiisa lagu haajiro. Waxaase jirto in dhalinta Xamar aaddo aysan intooda badan shaqo helin. Haddii nabad kaliya ay keenayso in dhalintu nagaato kuwa Soomaaliland ayaa nagaan lahaa. Sidaa awgeed waxaan qabaa inuusan dhibku ahayn nabad la'aan kaliya. 

Jaamacad la'aan

Waxaa lasoo jeediyay in haddii gobalku jaamacado lahaan lahaa aysan dhalintu aadeen meelo kale. Dhalintu waxay wax ka baran lahayd gudaha gobalka isaga ayayna dhex joogi lahayd oo baahi ay meelo kale u aadaan ma jirteen. Doodaan waxay u muuqataa in loola jeedo dhalintu waxbarsho ayay u doontaan deegaannada kale haddii meel u dhow loogu keenana way nagaan lahaayeen.

Waa xaqiiq in dhalinyaro badan Xamar u aadaan aqoon kororsi. Aniga qudhayda ayaa qaar u diray, tobannaan sidaas u aadayna waan aqaan. Laakiin dhibku maahan in meelo kale wxabarasho loo raadsado. Haddii baahida loo baxay ay ahayd waxbarasho sare marki lasoo bartay maxaa loo soo laaban la'yahay? Kuwa tooska ooga baxo Gedo oo aado waddamo kale marki ay soo qalin jabiyaan xataa salaan uma yimaadaan gobalka. 

Intaas waxaa dheer in inta waxbarasho raadsato ay ka badan tahay inta si kale u haajirto. Kuwa aanan waligood buug qaadan ayaa marki ay hanaqaadaan Xamar ha la ii diro lasoo istaago. Sidoo kale, Soomaalind dhalinta ka tahriibto waa kuwa waxbartay intooda badanna ugu yaraan dugsi sare ayay ka baxeen markay tahriibayaan. Sidaas darteed waxaan qabaa in xataa haddii jaamacado badan la furo aysan istaagayn hijradu. Dhalinta gobalka ka haajirto Xamar ayaa ugu badan meel ay aadaan. Haddii ay aadi lahaayeen Kismaayo oo caasimadi Jubaland ah jaamacadna leh loo qaateen ayay noqon laahyd.

Fursad la'aan

Fakerka saddexaad waa gobalkau inuusan lahayn fursado badan oo dhalinta dhiiri galiyo si ay ugu nagaadaan deegaannadooda ama kuwa u dhow. fakerkaan waa mid macquul ah aniguna aan u janjeero. Haddii nabad la helo, waxbarasho sarana la helo ilaa la abuuro fursado shaqo iyo horumareed hijrado istaagi mayso. 

In dhalintu ka hijrooto tuulooyinka iyo dagmooyinka una haajiraan caasimadaha si ay nolol iyo horumar u sameeyaan waa mid la diiwaan galiyay. Sidaan qormadi hore ku xusnayba rubac ka mid ah dhainta ka yar 24 sano ee ku nool dunida inay haajiraan ayay cindiga ku hayaan. 

Sababaha ay dhalintu u hijroto waa mid kagan, murugsan hal jidna aan lahayn. Waxaa soo galo jidad badan oo irrid muuqato oo laga baxo aan lahayn. Labada deegaan ee isku dhaggan dhalinta ka hijrooto isku ujeeddo maahan isku waxna ma qanciyaan. Sababta loo hijrooday waxay noqon kartaa mid shaqsiyadeed, mid qoys, mid deegaanku keenay, mid horumarka dalku keenay, mid musiibooyin rabbaani ah keeneen. Liisku waa dheer yahay, waqtiga, duruufaha iyo deegaanka ayaana ka wada qayb qaato.  Hasa ahaatee calmi-baarisyo badan oo la sameeyay waxay heleen arrimo dhowr ah oo intooda badan la xariiraan doonidda nolol wacan. 

Biyo dhaca dhammaan doodahaan waa nolol wanaagsan oo ka dhigan helidda fursadihii suura galin lahaa helidda noloshaas. Laakiin su'aasha ugu adag ayaa ah sidee lagu heli karaa fursadaas? yaa laga rabaa inay abuuraan? Marka hore fursadaha miyaa la abuuri mise dhalintu hadday nagaato fursadahu way abuurmi? Xaqiiqdi arrintaan waa xujadi digaag iyo ukun kee horreeyay. 

Dadka qaar ayaa dhihi marka hore waa in la abuuraa fursado shaqo, waxbarasho, amni iyo madadaalo. Intaas marki la helo dhalintu way soo noqon kuwa jogana way nagaan. Qolo kale waxay dhihi haddiiba dhalintu sii yaacayso carradina cidla tahay yaa loo furi waxbarshada iyo goobaha madaddaalada sideese loo abuuri shaqooyin dadka ka shaqayn lahaaba tageen iyo ganacsi ciddii wax ka gadan lahaydba aysan joogin. 

Anigu waxay ila tahay in dhibku yahay madaxda iyo masuulyiinta gobalka ee iyagu hijroodo ka hor inta aysan dhalintu bixin. Dhalintu waa shaqo iyo nolo doon waxayna ka doonayaan meesha uu joogo qofka madaxda u ah. Furasadaha shaqo way abuurmi lahaayeen haddii xubnaha laga soo doorto gobalka ay ku nagaadaan gurayahooda, kuwa hayadaha u shaqeeyana reerahooda dajiyaan dagmooyinka ay ka shaqeeyaan.

Tusaale, Garbahaareey waxaa baarlamaanka dhexe ka galay afar xubnood. Haddii afartaan qof joogaan Garbahaareey, xafiisyo furtaan, biyo iyo koronto isticmaalaan, bartool iyo raashin iibsadaan, shaxaad iyo shaah bixiyaan imisa qof ayaa heli lahayd fursad horumarineed, dhaqaale intee la ek ayayse abuuri lahayeen. Ka warran haddii kuwa u matalo Jubalandna lagu daro, wasiiraddu yimaadaan, madax kala soo booqato? Gobalka barasaabkiisi hijrada ku maqan yahay maxa laga filan karaa dhalintiisa camal la'aanta ah? 

Dhalinta Xamar shaqo kama helaan ee shaxaad iyo dhacdhac ayay ka helaan. Cidda ay shaxaadaan waa siyaasiyiinta Gedo ee xilka hayo iyo kuwa xil doonka ah ee Xamar tuban. Hadba meesha ay madaxdu joogto ayay lacagtu taalaa, dhalintuna waxay hiraadaysaa lacagtaas. Sababaha ugu weyn ee aan u taageeray faderalka waa in dalku uusan ku koomin hal magaalo. Laakiin waxaa muuqato in madaxda Gedo iyo guud bulshada gobalku aysan fahmin taas walina u qabaan in la joogo 80ki. Waxaa tusaale kuugu filan marki baraha bulshada lagu doodayo ree Gedo waxay u doodaan dowlad dhexe kaliya. Arki maysid iyagoo ka hadlayo dantooda hoose iyo xubinta kaga maqan Jubaland. Arki maysid iyagoo leh sidee kula xisaabtannaa madaxda gobalka iyo kuwa maamulka Jubaland. Baddalkeedi eed oo dhan waxaa la saari dowladda dhexe loo qabo inay gobalka ka masuul tahay.

Dhalintu waxay u baahantahay cid ay ku dayato, tiiksato, aqoon iyo waayo-aragnimana ka qaadato marki ay rabaan inay soo galaan siyaasadda. Cidda kaalintaas buuxinayso waa masuuliyiinta hadda xilka hayso iyo kuwii ka dagay. Hadba meesha ay joogaan masuuliyiintaas ayay dhalintu aadi. Haddii qofki rabo inuu Luuq matalo Xamar aado si booskaas uu helo, wiil iyo gabadha soo korayo ee rabo inay xilkaas hadhow qabtaan waxay u talagali inaan Xamar looga hormarin si ay ugu sii diyaar garoobaan qabashada xilkaas.

Hadalki Ayaanle ee ahaa dhalintu kama dhex muuqato saaxada siyaasadda gobalka waa xaqiiq aan dhawaan laga gudbayn ilaa xal loo helo madaxda duur wareegga ah. Dhalinta iyagaa laga rabaa inay raadiyaan sideey xaqooda ku heli lahaayeen ulana xisaabtami lahaayeen madaxdooda. Eedda loo jeedinayo dowladda dhexe waa inay u wareegtaa madaxda matasho gobalka ee ku jiro Jubaland iyo dowladda dhexe. Waa dadaal dheer la galiyaa sidii loo xasuusin lahaa kuwa Kismaayo naga aaday ee aan dib noo soo jalleecin in meesha ay matalaan aysan Kismaayo ahayn. Xaqiiqdi arrintaan kacdoon nabdoon ayay rabtaa.



Halka afraad ee akhriste goni ila wadaagay anna macquul ila noqotay waa in dhalinta iyo guud ahaan dadka deegaankuba ay saaran tahay Axad. Lo'da waxaa waqtiyada xagaaga ku dago caajis yaduun badan korkeeda ka muujiyo. Ma jiro xanuun muuqdo oo hayo haddana fahmada iyo firfircoonida  ayaa ka maqan. Marki ay saas noqoto ayaa la yiraahdaa Axad ayaa hayso. Dhalinta Gedo Axad ayaa hayso. Waxaa uu yiri akhristahaan: 

Ma maqashay qayladu masajidkay ka timid, arrinka waxan ula jeeda dhalinta qurbaha ku nool waxay ka ixtimal(probability) badan yihin kuwa gudaha ku jira . Qof ayaga ka mid ah diyar uma ah inuu hal daqiiqo ku lumiyo dan guud  ama  uu ka qaybgalo talo looga arriminayo danta guud.. Haddi ay noqoto ha la bixiyo lacag  ama arrin la xariira dhaqaale intuu doona ha la ekado  kumaba sii jirto. Kuwa gudaha in ay waqti bixiyan ama dhaqale wax ku saabsan bixiyan waxay ka hal darajo xagga foganta ka hooseeyan kuwaas an kor kusoo sheegay (qurbo Joogta).

Hadalka akhristahaan wax badan ayaa ka jiro. Qurbe iyo gudaba dhalintu way kala daadsan tahay, taag daran tahay, waxtarna yartahay marki loo eego soomaalida kale. Laakiin marki dhalinta Gedo ay ka hadlayaan howlo caam ah ama ay qayb ka yihiin mid Soomaali oo dhan u dhaxayso waxay usoo dhalaalaan sida dayaxa oo kale. Waxaan ku matali karaa xulka kubbada kacta ee Ingriiska. Marki la isu keeno wareegga labaad ma dhaafaan, markise ay kooxo kali kali ugu cayaarayaan caadi maahan. Waxaan isleeyahay sababta ree Gedo sidaas ugu wacan waa in ilaa hadda madaxooda ku qalifan tahay dowlad dhexe walina aysan fahmin in la qaatay faderal.

Waxay iila muuqataa in xal u helidda dhibkaan ay ku xiran tahay toosinta dhaqanka siyaasiyiinta gobalka. Inta madaxdu rabaan inay ku noolaadaan deegaanno kale, cakna aysan soo dhigayn deegaannadi ay matalayeen, way adag tahay in la hirgaliyo fursado shaqo oo wax ku ool ah. Waxaa laga yaabaa in akhristaashu yiraahdeen meelaha madaxdu ku nagidadahay sida Soomaalinad iyo Puntland soo tan hijradu wali socoto maahan. 

Waa sax laakiin deegaannaas laftuudu madaxdu waxay tuban yihiin dhowr magaalo. Dhalinta tahriibayso had iyo jeer waxay ka yimaadaan gobollada iyo dagmooyinka ka durugsan caasimadaha iyo magaalooyinka waaweyn. Kuwa ka tahriibo caasimadaha waaweyn waxa ay rabaan ayaa ka duwan waxa kuweennu rabaan. Kuweennu meel hoose ayay tiigsanayaan. Doodaydu waxay tahay shaqo abuurku waa inuu ka bilowdaa xafiiska guddoomiyaha dagmada iyo kan barasaabka. Hadii laduba safar ku maqan yihiin waayo cidda laga sugayo inay fursad abuuraan?

Ibrahim Aden Shire
ishire86@gmail.com

kala soco: https://ibrahim-shire.blogspot.co.uk/






Comments

Popular posts from this blog

Taariikh Nololeedkii Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf

  28/12/2023 waxaa geeriyooday sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf oo ka mid ahaa culimada Soomaaliyeed marna ahaa hoggaamiyihii Imaaradii Gedo. Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf Aw Axmed Ismaciil Mubaarak sheekh Cabdiraxmaan sheekh Samantar,  waxaa uu ku dhashay qiyaastii 1938-kii, meel lagu magacaabo Buuro oo galbeedka uga beegan magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud. Sheekha waxaa uu ahaa Marreexaan, Cali Maxammed (Cali-dheere), reer Sheekh reer Mubaarak.  Sheekh Maxammed waxaa uu ku barbaaray guri aqoon iyo Diin. Sida aad ka arki kartaba abtirkiisa aabbihii iyo awooyaashii waxaa ay ahaayeen culimo. Sheekha Maxammed Allaha u naxariisto e (AUN),  waxaa uu Qur’aanka kariim ka ah dhammeeyay isaga oo aad u da’ yar. Intaa ka dib waxaa uu u jeestay barashada caqiidada, fiqhiga iyo Shaaficiga isaga oo kutubtaas ka qaatay aabbihii. Sidii uu dhaqanku ahaa, sheekh Maxammed  waxaa uu xiraystay sannadka markii uu ahaa 1956-kii ilaa 1961-kii  goortaas oo uu cilmi u raadsaday magaalooyinka Beledwayne,

Maxaa ka run ah warbixinnada foosha xun ee laga qoro Soomaalida Qurbaha?

Warbixin ka ay daabacday Boomerg oo looga hadlay waxtarka muhaajiriinta Maraykan  tago ayaa lagu sheegay in Kiinyaanku yihiin dadka saddexaad ee ugu shaqada iyo waxtarka badan soogalootiga Maraykanka. Gaana oo Afrika ah ayaa qaadatay kaalinta koowaad waxaan labo noqday Bulgeeriya oo Yurub ah. Waxaa sidoo kale toban hore soo galay dalalka Itoobiya oo afar gashay, Masar oo shan gashay, Nayjeeriya oo siddeed gashay iyo Laybeeriya oo sagaal gashay. Toban qowmiyadood ee ugu shaqada badan muhaajiriinta ku nool Maraykanka lix ayaa kasoo jeedda Afrika. Waxaan tobanka hore soo galin Soomaalida. Sidoo kale soomaalidu safka hore oogama jirto muhaajiriinta ugu aqoonta badan. Afrika Masar iyo Natjeeriya ayaa kaga jiro tobanka hore xagga aqoonta. Marka walba oo lasoo hadal qaado Soomaali waxaa lagu xariiriyaa, faqri, burcadnimo, aqoon la'aan, argagixisonimo iyo shaqo la'aan baahsan. Warbixin laga soo saaray waddamada Galbeed oo sawir quruxsan ka bixiso Soomaalida in la helo ma dhacd

Hal ku dhigga halaagga noo horseeday: "Xoolaha dad weynaha ayaa ganacsi loo baddalay"

Ilaa shalay waxaa baraha bulshada lagu faafinayay in isbitaalki Jaalle Siyaad ee dagmada Garbahaareey loo rogay meel ganacsi. Saaka warki asaga ahaa waxaa qoray qaar ka mid ah mareegyada warfaafinta ee Soomaalida. Dadka qoray warkaan qaar waxay isticmaaleen erayo adag sida 'dhiig miirato', 'furasho' iyo 'boob'.  Inkastoo aan la xariiray qaar ka mid ah dadka qoray farriimahaan aana isku dayay inaan si hoose xal ugu helo warkaan aan salka lahayn, haddana waxaa ii muuqato inuu dhawaqu meel fog gaaray hoos u hadlidna aysan ku filnayn. Sidaa darteed waxaan go'aansaday in si muuqato wax ooga dhaho warkaan oo aan ahayn kii ugu horreeyay ee noociisa ah.  Muxuu yahay Isbitaalka Jaalle siyaad? Jaalle Siyaad waa isbitaal weyn oo ku yaal Garbahaareey. Waxaa dhismihiisa bilowday dowladdii dhexe isagoo qaybo ah ayayna dhacday. dhowr iyo labaatan sano ayuu qabyadaas ahaa oo arigu u xaroon jiray. Waqti aan fogayn ayay gabdho qurbajoog ah isu xilqaameen inay

Contact Form

Name

Email *

Message *