Skip to main content

Dhib noocee ah ayuu soo kordhiyay mashruucii "Aada Dugsiyada"



Sanadi 2013ki, hayadda UNICEF iyo dowladda dhexe ayaa si wada jir ah u daahfuray mashruuc loogu magac daray Aada Dugsiyada. Mashruucaan oo loogu talagalay inuu socdo muddo saddex sana ah, ujeedka laga lahaa ayaa lagu sheegay dugsiyaynta caruurta dan-yarta ah ee aan tagi karin iskoollada lacagta ah.

Sidoo kale, mashruucu wuxuu qayb ka ahaa tallaabooyin lagu xoojinayay wasaaradda waxbarashada iyo hayadaha dowliga ah ee ka waxbarshada ka shaqeeyo. Waxaa la qiyaasay in hal milyan oo caruur soomaaliyeed ah uu mashruucu iskuuulayn doono. Mashruuca waxaa fulinaysay UNICEF oo dhaqaalaha lasoo marsiiyay laakiin waxaa maalgaliyay waddamada Maraykanka, Ingriiska iyo Nederland. 

Maadaama Soomaalidu musuq iyo xatooyo caan ku noqotay, deeq-bixiyayaashuna aysan aaminin, waxaa caqabad noqotay sidii macallimiintu mushaarkooda ku heli lahaayeen iyadoo aan wax lagala harin. Xalka kaliya ee muuqday wuxuu noqday in la yiraahdo macallin walba isaga koontadiisa toos lacagta ha loogu diro, iskuulka uu ka shaqeeyana yaan loo marin. 


Macallimiinta mashruucaan loo howl galiyay saddex qaybood ayay kala yihiin. Qaybta koobaad waa macallimiin cusub, iskuullo cusub iyo arday cusubna lagu billaabay. Arrinkaan wuxuu ka dhacay caasimadda waddanka Muqdisho kaliya. Dawladda ayaa dayac tirtay dugsiyadiidii dawladdii hore lahayd. Kadib waxay u qabteen macallimiintaan ardayna waa la geeyey si bilaash ah wax lagu barayo. Maaddaama lacagtu ay yartahay, tan kasii daranna ay joogto noqon weyday oo ay dhawr bilood maqnaanayso, waxaa dhacday labo dhibaato: b) iskoolladaas masii shaqayn ee waa xirmeen, t) macallimiintii iyaga oo aan wax shaqo ah qaban ayay lacagtu usoo dhacdaa dhawrkii biloodba mar.

Qaybta labaad waa macalimiin cusub markii lacagta loo qorayey wax iskuul ah oo ay macalim ka ahaayeen ma jirto, markii lacagta loo qorayna badankoodu kuma aysan biirin iskoollo horay ujiray, kuwo cusubna ma aysan billaabin ee iyaga oo danahooda kale wato ayay lacagtan amin la'da ah isaga soo dhacdaa.

Qaybta saddexaad waa macallimiin ka shaqaynayey iskoollo si gaar ah ay umaamulaan dad isxilqaamay oo bulshada ka tirsan, ama ganacsi ha u abuureen ama si mutadawacnimo ah ha u abuureene. Waxay ahaayeen macallimiin horay mushaar u qaadan jiray.  Maamulka iskuulka iyo wasaaradda waxbarashadu waxay ku heshiiyeen in ay qabtaan arday danleey ah oo aysan lacag ka qaadan macallintana lacataas la siiyo.

 Macallimiintii lacagta telka ayay ugu soo dhacdaa. Maamulkii iyo macallimiintii waxa ay isku qabteen lacagtaan telka macallinka ku dhacayso yaa iskaleh. Iskuuladii noocaan ahaa siyaabo kala duwan oo dhib ah ayay u saamaysay. Qaar waxay ku qasbanaadeen in lacagta macallinka qaar loo daayo inta kalena uusoo celiyo. Macallimiinta qayb ka mid ah heshiiska waa diideen waxaana halkaa ka billaamay dagaal keenay in macalinkii ardada wax u faaiidaynayey iskuulkii laga cayriyo lacagtiina uu duurka ku qaato ama laga jaro. Macallimiin badanna waysii shaqaynayaan iyaga oo heshiiskan aan ku qanacsanayn uur fayoobaanna aysan ka dhaxayn iyaga iyo maamullada iskoollada. Waxaa jiro macallimiin iyo iskuullo aad uyar oo si wanaagsan arinkooda ku dhamaystay.

Inkastoo habka lacag bixintu uu u muuqday tallaabo hufan oo daahfuran, waxay noqotay mid furtay jid cusub iyo musuq iyo isdaba marin waji kale leh. Waaxda waxbarashada oo ahayd meelaha ugu roon dalka ayay galisay mugdi musuq oo aan la dareemi karin.


Waxay dhalisay macallimiin iyaga oo aan shaqayn mushaar qaato, kuwo heshiis aan sax ahayn la galay maamullada iskoollada, kuwa joogid iyo maqnan u dhaxeeyo oo wali mushaarkoodu usoo dhaco. Waxaa jiro kuwo waddanka ka tagay oo wali xisaabti aysan ka go’in.


Intaas waxaa dheer, in la gaaray hadafki laga lahaa mashruuca iyo in kale lama oga. Wax xariir ah oo ka dhaxeeyo UNICEF iyo iskoollada ma jiraan. Cid kale oo la xisaabtan u kormeerto iskoollada ma jirto. Lama yaqaan in caruur dan-yar ah loo ogolaaday iskoollada iyo in kale. Waqti aan galiyay inaan helo wax qiimayn ama warbixin ah oo laga qoray mashruucaan kuma guulaysan inaan helo. Mid ka mid ah maamullada dugsiyada mashruucaan ka faaiidaystay oo aan waydiiyay inay jirto cid kula xisaabtanto lacagta la siiyo, wuxuu yiri, "maalinti macallimiinta la qoray ayaa noogu danbaysay cid ka hadlayso mashruuca Aada Dugsiyada".  

Soomaaliya waxaa loo qaybiyaa saddex marki mashariic horumarineed laga hadlayo. Somaliland, Puntland iyo Bartammaha iyo Koonfurta Soomaaliya. Waxaan ka hadlayo waa midda danbe. Labada hore wax xog ah kama hayo cid aan kala xariirayna ma jirto.

Lama dhihi karo gabi ahaanba waa lagu qasaaray mashruuca waayo ma jirto cid baaritaan madaxbannaan ku samaysay. Sidoo kale waxaa laga yaabaa inay jiraan meelo si wanaagsan looga faaiidaystay mashruuca oo aan anigu ka warqabin. Laakiin waxaa hubaal in mashruucu dib u eegid uu rabo.

Waxaa muhiim ah inay dowladdu arrintaan eegto saxdana wixii khaldan. Waxaa habboon in wixii la bixinayo la mariyo maamullada iskuullada iyagana lagala xisaabtamo fulinta waxa lagu heshiiyay. Xataa haddii wali lagu qanacsanyahay sida hadda loo bixiyo mushaarka, waxaa muhiim ah in maamullada iskuullada ay noqdaan kuwa soo gudbinayo cidda joogto iyo midda maqan, warbixin joogta ah oo ku saabsan macallimiinta iyo shaqadoodana ay soo diraan. Sida uu hadda xaalku yahay cidna faaiido kuma qabto, qarashna wuxuu baxaa, caruurti Soomaaliyeedna waa “dawacooy af ku dufanleey”.

Ibrahim Aden Shire
Kala soco: https://ibrahim-shire.blogspot.co.uk/

Popular posts from this blog

Xasuustaydi Halyeey Maxamuud Xasan Cilmi

14ki Octobar waxaa dhacay musiibo nagu dhacdo tii ugu weynayd. Maahan kaliya tirada dadka ku dhintay badnaanteeda waxa qalbiga na gubay ee sidoo kale qiimaha iyo tayada dad ka naga dhintay sarraynteeda ayaa ah mid aan laga gam'i karin. Waxaan is iri ma xulkii ummaddeena ayaa meesha la isugu geeyay mise Soomaali oo dhan ayaan kala dhicin. Dareenkaygu wuxuu i siinayaa inay jawaabtu tahay midda danbe. 
waxaa naga baxay dad aan la kala fadili karin xagga tayada iyo xagga muhiimmada ay dalka iyo dadka u lahaayeen. Bal fiiri Maryan, ardayadii caafimaadka ee maalin ka hor qalin jabinteedi la laqmiyay, hooyo Caasho, ogoonlaydi banaanka bur shiishiilka ku gadaysay si ay caruurteeda tuugsi uga kaafiso, wiilkii iyo gabadhii uu dhalay aabaha naafada ah ee wax waxtar ah qabo labadaas ka haystay, afartii wiil ee walaalaha ahaa ee isku meesha lagu dubay. mid walba waxaa la dilay waqtigii loogu baahida badnaa. kaad eegtaba kan kale ka xanuun badan. Mid walbana wuxuu mudan yahay qormo gooni ah. H…

Toban Sano oo Xasillooni Nololeed ah: Toban Guuradii Guurkayga

Maanta oo kale Toban sano ka hor (23/02/2008) ayuu Sheekh Xasan Axmed Nuur qabbiltu yiri Laylo Aadan Maxamed isagoo aniga iga wakiil ah. Guntinta xirantay maalinkaas, waxay ahayd natiijo ka dhalatay sideed sano oo shukaansi iyo haasaawe jeceyl ah. Lix sano oo ka mid ah siddeeddaas sano,  waxaan ku kala noolayn dhul aad u kala durugsan,farriimaha jeceylkana haadka samada duuliyo haatufkaa siday. 
Maalintaas waxaa furmay bog cusub waxaana bilowday geedigii lagu ogaan lahaa dhadhanki mirihii siddeedda sano la kobcinayay. waxaa la guda galay markaan kala ogaan lahayn inaan sun iyo wabaanyo huursanaynay iyo inaan sabuul gallay iyo saan wacan waraabsanaynay.

Sacdiyo Xawaash ayaan ka guntay hadalkaan soo socdo, mar ay ka warraymaysay saygeeda fiicnaantiisa "guurku waa god madow oo aad gacanta u dirto. In abeeso ka qaniintana waa suura gal in dahab kaa soo raacana waa suura gal. anigu dahab ayaa iga soo raacay" ayay tiri.

Sida Sacdiya oo kale, ayaa aniguna godkii aan gacanta u dira…

Labo iyo Tobanki sano ee lagu Qalleeyay 12-ki ka horeeyay. Ku Wacyi Qaado Sooyaalkii warsame Shiidleey.

Warsame waa 24 jir. Waa qoraa afka soomaaliga wax ku qoro horayna u daabacay buug ku guulaystay abaal marin sare. Qur’aanka waa uu xafidsanyahay. Dhawaan ayuu qaatay shahaadada darajada kowaad ee jaamacada. Sidaas oo ay tahay magaalo waxa uu joogaa 12 sano kaliya. Ma run baa mise waa riyo mise waa sidaan jeclaan lahayn? Ma shahaadadi Cabdalla Shideeyaa mise cilmigii Cabdi-wali ee baadiniga ahaa (wadaadki Gaalkacyo)? Intaba midna mee waa dadaal rageed iyo doonitaan Eebe iyo tusmo u furan qof walba oo doono inuu guul ka gaaro hadafkiisa.
Inta aanan billaabin sheekada aan mar kale sheego in ujeedka qoraalkaan uusan ahayn ammaan iyo dhaliil toona balse ujeedku yahay cashar barasho, tusmayn iyo tusaalayn kuwa jecel inay naftooda horumariyaan, dhiirri galin kuwa uu gaariga dadaalku meel dhexe kula jabay, baraarujin kuwa aan arag awoodda Alle siiyay iyo fursadaha ay haystaan. Sidaa darteed ku aqri qalbi fayow oo diyaar u ah wacyi qaadasho iyo ku dayasho.
Imaamul Ghazali Eebe ha u raxmadee ayaa…

Contact Form

Name

Email *

Message *