Skip to main content

Idaacada Dowladda mise Idaacada Qaranka?

Dowladda Soomaaliya waxay leedahay idaacad ka kooban arag-baahiye iyo maqal-baahiye. Idaacadaahan waxay ku hadlaan afka dowladda, waxay faafiyeen wax tarkeeda iyagoo waliba buun-buuniyo, ma dhaliilaan dowladda iyo shaqada ay hayso. Sidoo kale, waxaa ka hadlo madaxda dalka si ay waxaan rabaa shacabkooda oogu soo gudbiyaan. Si kooban waa idaacad ka turjunto rabitaanka dadka xukunka hayo balse waxaa lagu magacaabaa Telefishinka Qaranka ama warbaahinta qaranka.

Maxaa ku jaban magaca?

Wax weyn ayaa ku jaban. Si aan u fahanno waxa ka qaldan waa inaan fahannaa farqiga u dhexeeyo 'dowlad iyo qaran'. Dowlad waxaa la yiraahdaa dadka talada hayo markaas oo la isku daray. waxay ka koobantahay hay'ado kala duwan waxaana ugu sareeyo madaxweynaha. Baarlamaanku kuma jiro dowladda. 

Dowladdu waa mid is badasho. mid tagto midbaa timaado. waa adiga yiraahdo dowladdi Cabdullahi yuusuf ama tii Xasan. Dadku uma dhamma, qaar waa shacab mucaarad iyo muxaafid leh. Qaar waa siyaasiyiin si adag ooga soo horjeedo dowladda markaas talada hayso. Inta muxaafidka ah waxay ku qanacsantahay sida ay dowladu wax u waddo, afkaarta ay aaminsantahay iyo wax la mid ah. Halka inta mucaaradka ah ay la qalloocantahay sida dowladdu wax u waddo  iyo waliba afkaarta ay ku shaqayso, waxay jecelyihiin in iyadoo dhan la badalo si loo saxo qaladaadka ay ku jirto. 

Qaranku sidaa waa ka duwan yahay. ma lahan waqti uu ku ekyahay balse waa mid waligiis jiro ciddi rabto ha maamushee. Shacabka, dowladda iyo xisbiyadda mucaaradka ahba waa wada leyihiin qaranka waxayna si siman ugu adeegaan jiritaankiisa. Qof qof ka xigo ma jiro, dhibtiisa iyo dheeftiisa dadku waa u simanyahay. 

Haddi aynu niri idaacadu waxay ku hadashaa afka dowladda, dowladduna ay tahay mid aysan dadku u dhamayn sidee ku qaadan kartaa magaca qaranka? warka ay tabinayso maahan mid matalo xisbiyadda mucaaradka ah, maahan mid matalo inta badan shacabka soomaaliyeed mana matalo cid walba oo dowladda aan ku jirin sidaa darteed magaca saxda ee mudan in loogu yeero waa 'idaacada dowladda' lagana reebo erayga 'Qaran'. 

Haddiise lagu wado magaca idaacada qaranka waxay ka dhigan tahay inay tahay idaacadda kaliya ee qaranka u adeegto, dhammaan idaacadaha kale ee dalka ka jirana waxaa lagu asteeyay inaysan qaranka u adeegin. 

Ka waran haddiba la madax baneeyo?

waxaase ka sii haboon inaysan dowladdu xattaa idaacad u gaar ah yeelan. Haddii aad u fiirsato wadamada leh idaacad u hadasho afka dowladda waxay wadaagaan maamul kaligi talis ah. Madaxda dadkooda aan hordhaafin ee ama boqortooyo ku joogo ama xoog iyo xeelad ku joogo ayaa isticmaalo idaacado ay dadka ku qulaamiyo waxa madaxdu rabto. 

waddamada dimuquraadiyaddu ka jirto malahan idaacad ku hadasho afka dowladda. waxaa jiro warbaahino maqal ama muuqal ah iyo wargayso badan oo kala taageersan xisbiyada ka jiro dalalkaas. Balse taageradaas maaham mid dhaqaalo lagu siiyo ee mid ku salaysan iswaafaqid ka dhex-dhacday mabaadida ay aaminsanyihiin axsaabta iyo dadka leh warbaahinta. 

Tusaale, dalka Ingiriiska waxaa kasoo baxo wargayso aad u badan. wargaysyadaas waxay u kala qaybsanyihiin taageeridda xisbiyadda ka jira dalka. The Guardian, tusaale ahaan, wargayska la yiraahdo wuxuu ka turjumaa dadka aaminsan maadida liberalism-ka sidaa darteed wuxuu taageeraa xisbiga Liberalka. 

BBC-du iyadu waa idaacad u dhaxayso dhamaan dadka dagan Ingiriiska kamana turjunto xisbi ama aragti gooni ah (waa sida ay sheegato). Sababta sidaas loo yeelay ayaa ah in BBC-da qarashkeedu ay bixinyaan dhammaan dadka ku nool Ingirriska xattaaa kuwa leh idaacadaha kale; sidaa owgeed ma jirto cid gooni u sheegan karto ama xisbi ay gooni u taageeri karto. 

Si kastaba ha ahaatee, dhamaan wargaysyada iyo warbaahinta kalaba hal mowqif ayay ka joogaan u shaqaynta qaranka balse waxay ku kala duwan yihiin yaa ku haboon maamulka. sidaa darteed si warbaahintu ugu sinnaato dalka waa in midda dowladda magaca laga badalaa loona bixiyaa idaacada dowladda haddii aan gabigeedaba la madax banayn karin. 

Ibrahim Aden Shire
ishire86@gmail.com

https://ibrahimshire.blogspot.co.uk/

Comments

Popular posts from this blog

Taariikh Nololeedkii Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf

  28/12/2023 waxaa geeriyooday sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf oo ka mid ahaa culimada Soomaaliyeed marna ahaa hoggaamiyihii Imaaradii Gedo. Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf Aw Axmed Ismaciil Mubaarak sheekh Cabdiraxmaan sheekh Samantar,  waxaa uu ku dhashay qiyaastii 1938-kii, meel lagu magacaabo Buuro oo galbeedka uga beegan magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud. Sheekha waxaa uu ahaa Marreexaan, Cali Maxammed (Cali-dheere), reer Sheekh reer Mubaarak.  Sheekh Maxammed waxaa uu ku barbaaray guri aqoon iyo Diin. Sida aad ka arki kartaba abtirkiisa aabbihii iyo awooyaashii waxaa ay ahaayeen culimo. Sheekha Maxammed Allaha u naxariisto e (AUN),  waxaa uu Qur’aanka kariim ka ah dhammeeyay isaga oo aad u da’ yar. Intaa ka dib waxaa uu u jeestay barashada caqiidada, fiqhiga iyo Shaaficiga isaga oo kutubtaas ka qaatay aabbihii. Sidii uu dhaqanku ahaa, sheekh Maxammed  waxaa uu xiraystay sannadka markii uu ahaa 1956-kii ilaa 1961-kii  goortaas oo uu cilmi u raadsaday magaalooyinka Beledwayne,

Hal ku dhigga halaagga noo horseeday: "Xoolaha dad weynaha ayaa ganacsi loo baddalay"

Ilaa shalay waxaa baraha bulshada lagu faafinayay in isbitaalki Jaalle Siyaad ee dagmada Garbahaareey loo rogay meel ganacsi. Saaka warki asaga ahaa waxaa qoray qaar ka mid ah mareegyada warfaafinta ee Soomaalida. Dadka qoray warkaan qaar waxay isticmaaleen erayo adag sida 'dhiig miirato', 'furasho' iyo 'boob'.  Inkastoo aan la xariiray qaar ka mid ah dadka qoray farriimahaan aana isku dayay inaan si hoose xal ugu helo warkaan aan salka lahayn, haddana waxaa ii muuqato inuu dhawaqu meel fog gaaray hoos u hadlidna aysan ku filnayn. Sidaa darteed waxaan go'aansaday in si muuqato wax ooga dhaho warkaan oo aan ahayn kii ugu horreeyay ee noociisa ah.  Muxuu yahay Isbitaalka Jaalle siyaad? Jaalle Siyaad waa isbitaal weyn oo ku yaal Garbahaareey. Waxaa dhismihiisa bilowday dowladdii dhexe isagoo qaybo ah ayayna dhacday. dhowr iyo labaatan sano ayuu qabyadaas ahaa oo arigu u xaroon jiray. Waqti aan fogayn ayay gabdho qurbajoog ah isu xilqaameen inay

Maxaa ka run ah warbixinnada foosha xun ee laga qoro Soomaalida Qurbaha?

Warbixin ka ay daabacday Boomerg oo looga hadlay waxtarka muhaajiriinta Maraykan  tago ayaa lagu sheegay in Kiinyaanku yihiin dadka saddexaad ee ugu shaqada iyo waxtarka badan soogalootiga Maraykanka. Gaana oo Afrika ah ayaa qaadatay kaalinta koowaad waxaan labo noqday Bulgeeriya oo Yurub ah. Waxaa sidoo kale toban hore soo galay dalalka Itoobiya oo afar gashay, Masar oo shan gashay, Nayjeeriya oo siddeed gashay iyo Laybeeriya oo sagaal gashay. Toban qowmiyadood ee ugu shaqada badan muhaajiriinta ku nool Maraykanka lix ayaa kasoo jeedda Afrika. Waxaan tobanka hore soo galin Soomaalida. Sidoo kale soomaalidu safka hore oogama jirto muhaajiriinta ugu aqoonta badan. Afrika Masar iyo Natjeeriya ayaa kaga jiro tobanka hore xagga aqoonta. Marka walba oo lasoo hadal qaado Soomaali waxaa lagu xariiriyaa, faqri, burcadnimo, aqoon la'aan, argagixisonimo iyo shaqo la'aan baahsan. Warbixin laga soo saaray waddamada Galbeed oo sawir quruxsan ka bixiso Soomaalida in la helo ma dhacd

Contact Form

Name

Email *

Message *