Skip to main content

Ma Dhabbaa in Soomaaliya ay Guumaysi Ku jirto?

waxaa maalinti shalay ahayd (24/08/2017) lagu daabacay qaar ka mid ah shabagadaha wararka ee soomaalida warbixin ciwaan looga dhigay Soomaaliya oo ku jirto guumaysi nooc kala ah. qoraha warbixinta ayaa tilmaamay in lix qaybood oo muhiim ah soomaaliya laga guumaysto kuwasoo kala ah: Ciidanka, dhaqaalaha, Diinta, Ganacsiga, Waxbarashada iyo Maskaxda. Hadaba ma jiraan arimahaan hadiise ay jiraan ma lagu tilmaami karaa guumaysi? 

ka dib markaan aqriyay war bixintaan waxaa isoo baxday inay muhiim tahay in aan wax ka iraahdo. Sababtoo ah warbixinada noocaan haddii sidooda loo daayo dhaawac weyn ayay u gaysan karaan dareenka shacabka waxayna saamayn ku yeelan karaan harumarka dalka iyo dadka. sidaa darteed waxaa lagama maarmaan ah in la iftiimiyo meelaha qaar. 

Si guud waxaan dhihi karaa dhamaan inta uu qoruhu sheegay waan jiraan. waa jirtaa in Soomaaliya aysan lahayn ciidan sugi karo ammaankeeda, ilaalin karo xudduudaheeda difaacina karo haddii la soo weeraro. Sidoo kale waa jirtaa in dowladda iyo hay'adaheedaba ay biilaan dalal shisheeyo. sidoo kale waa jirtaa in intii dalku burbursanaa waxbarashadu ku tiirsanayd dalal shisheeye manhajka la dhigayayna ay ahaayeen kuwa laga soo dheegtay ama sidooda looga soo qaatay dalal shisheeye. Hasa ahaatee taasi kama dhigno guumaysi ee waa arimo ay keeneen duruufo markaas taagna heerar kala duwana soo maray.

Maanta soomaaliya waxay maraysaa heer lagu faani karo horumarka socdo. horumarkaan maahan mid uu keenay Farmaajo ama Kheyro ee waa mid socday sanadihii lasoo dhaafay, maamulba maamulka ka danbeeyay kasii qaaday meel ka wanaagsan kii ka horeeyay. 

Haddaan eegno arimaha ciidamada ee qoruhu ku sheegay inay magac u yaal yihiin, miyaan ilownay inaysan jirin wax ciidan soomaaliyeed la yiraahdo muddo 16 sano ah. miyaan ilownay in ciidamada kaliya ee Soomaaliya ka jiray ay ahaayeen mooyaan ka amar qaato dagaal oogayaal magaca loogu yeeri jiray uu ahaa sida ciidanka Muuse Suudi, ciidankan Moorgan, ciidanka, Barre Hiiraale, ciidaanka Cabdi qaybdiid iyo wax la mid ah oo aanan maqli jirin ciidanka dowladda?

Miyaan ilownay inay Muqdisho ahayd meel lama galaan ah, dakadda iyo garoonkuba shaqsiyaad u xirnaayeen muddo 16 sano ahna aan la isticmaalin? miyaanan arkayn in maanta ay tahay caasimad bilicsan oo looga soo shaqo tago ilaa Itoobiya, Kiinya waddamada yurub iyo America. Miyaynan arkayn inay jiraan ciidamo kumanaan ah oo soomaaliyeed oo ka howl galo meelo badan oo wadanka ah iyagoo xiran tuute ku astaysan calanka soomaaliya? Haddii ay doonaanba ha tabar yaraadeene miyaynan arkayn inay jiraan ciidamo si gaar ah loo tababaray kuwaasoo fuliyo howl gallo gaar ah inta badana ay ku guulaystaan?

Haddi aan maanta guumaysi ku jirno ma waxaan xor ahayn markii ay na haysteen dagaal oogayaasha xamarka khadka cagaaran kala qaybin jiray?

muran kama taagna in wadamada u qoraagu sheegay ay lacago aad u tiro badan ku bixiyaan Soomaaliya. sidoo kale muran kuma jiro inay dano u gaar ah ka leeyihiin bixinta lacagtaas laakiin iyagu dan ayay leeyihiin innaguna mid ayaan leenahay inta aan isku qasbanahay waa inaan kala faaiidaysana innagoo il gooni isaga eegayno ee maahan inaan dad weynaha qalbi jabino sawir fool xunna ka bixinno waxa aan haysano.

Qoruhu wuxuu sheegay in wasiir uu soo jeediyay in la mabnuuco soo dajinta alaabaha laga heli karo dalka si loo dhiiri galiyo wax soo saarka dalka. Arintaan waa mid la yaab leh. haddi ay wasiir ka soo yeertayna waa mid waalli ah waayo wax ha mamnuuco iyo wax ha la ciqaabo mooyee maxaa inoo diiday inaan si kale u fakarno? dowladdu awood ay ku meel mariso sharciga ay wax ku mamnuucday ma leedahay? dhib intee la eg ayaa soo gaari maanta dadka dan yarta ah haddii la mamnuuco alaabaha ay iibsan jireen ee dibada laga keeni jiray? Cashar miyaanan ka baranayn dhibkii uu keenay qaadki Siyaad Barre AUN oo dowladdaan ka xoog badnaa uu mamnuucay? Maxaa ku dhacay dalka Zimbabwe marki wadanka laga eryay dadki caddaanka ahaa ee beeraha lahaa iyadoo marmarsiyo laga dhigtay dadka wadanka leh ayaa beeraha isticmaali? sanadi 2000 Zimbabwe cuntada ka baxdo ayaa dibada loo dhoofin jiray, 2 sano gudahood maalinti caddaanka beeraha lahaa la eryay Zimbabwe iyadaa cunto cawimaad ah loo soo dirayay. Intaas ayaa u yar dhibaatada ay leedahaygo'aamada laab lakaca ah ee dag-dagga lagu qaato.

Haddii ay ka dhabtahay oo dowladdu ay rabto inay dhiiri galiso wax soo saarka dalka waddooyin kale oo badan ayaa furan. waxay u baahantahay inay marka hore dhisto awooda wax soo saarka soomaalida oo hadda ah mid aad u liidato. beeralaydu ma leh aqoon ku filan xagga tabaca, ma haystaan qalab ay u isticmaalaan kordhinta wax soo saarka, sidoo kale ma jiro isku xir iyo iskaashi ka dhaxeeyo beeralayda ku kala nool gobalada dalka. sidaa owgeed wax badan ayay dowladdu qaban kartaa iyadoon mamnuuc iyo xoog la soo ordin ayaa jiro.

Ma doonayo inaan ka jawaabo nudqo walba oo qoraalkaas ka mid ah waxaanse kusoo koobayaa dalku horay ayuu u socdaa tartiibba ha ahaatee. waxaan aragnaa inay dowlladi sheekh Shariif ka fiicnayd middi cabdullahi, tii Xasana ka fiicnayd tii sheekh Shariif, tan Farmaajana ka fiicantahay tii xasan inshallahu midda ka danbaysana way kasii fiicnaan ugu danbayna dalku isagaa isku filnaan. sidaa darteed waxaa loo baahanyahay niyadsan, wada shaqayn, dhiiri galin iyo taakulayn. 

Sidoo kale wax dhib ah kuma jiraan in la iftiimiyo meelaha qaladaadku ka jiro ama u baahan hagaajin laakiin waxaa muhiim ah in la hubiyo luuqadda la isticmaalayo. Erayada la isticmaalayo waa inay noqdaan kuwa wax dhisayo ee aysan noqon kuwa wax duminayo ama niyad jab iyo walaac ku abuurayo bulshada

Eebe ayaa waafajinta leh!

Ibrahim Aden Shire
ishire86@gmail.com

https://ibrahim-shire.blogspot.co.uk/

Comments

Post a Comment

Popular posts from this blog

Gorfeyn: Buugga Adkaysi ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur

  Adkaysi waa buug cusub oo soo suuqa imaanaya kowda Disember 2024. Waxaan nasiib u yeeshay in aan ka mid noqdo dhowrkii qof ee ugu horreysay ee buugga la siiyo inta uusan suuqa imaan. Fiidnamdii Isniinta taariikhdu ahayd 18/11/2024 ayuu xildhibaan Cabdiraxmaan i guddoonsiiyay buugga goor aan ugu tagay gurigiisa Muqdisho. Fiidnamdii talaadada oo aan Ingiriiska safar u soo ahaa ayaan ku billaabay akhriska. Wehel waddada ila mara ayuu ii noqday. Qormadaan gaaban waxaan uga faalloon doonaa buugga.  Adkaysi oo 318 bog ah waxaa qorey xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Tafatirka iyo quraaradyntu (typesetting) waa heersare (laba meelood ayaan ka arkay wax aan is iri quraaradaynta ayaa geftay).  Waa buug xogwarran ah, xambaarsan taariikh, wacyigelin, waxbarid iyo waana-qaadasho. Waxaa uu si gaar ah u abbaarayaa waayihii Cabdiraxmaan, dhalashadiisii, korriinkiisii, waxbarashadiisii, shaqooyinkiisii ilaa siyaasadda oo uu hadda ku jiro. Sida ka muuqata ciwaankaba qoruhu b...

Maxaa ka run ah warbixinnada foosha xun ee laga qoro Soomaalida Qurbaha?

Warbixin ka ay daabacday Boomerg oo looga hadlay waxtarka muhaajiriinta Maraykan  tago ayaa lagu sheegay in Kiinyaanku yihiin dadka saddexaad ee ugu shaqada iyo waxtarka badan soogalootiga Maraykanka. Gaana oo Afrika ah ayaa qaadatay kaalinta koowaad waxaan labo noqday Bulgeeriya oo Yurub ah. Waxaa sidoo kale toban hore soo galay dalalka Itoobiya oo afar gashay, Masar oo shan gashay, Nayjeeriya oo siddeed gashay iyo Laybeeriya oo sagaal gashay. Toban qowmiyadood ee ugu shaqada badan muhaajiriinta ku nool Maraykanka lix ayaa kasoo jeedda Afrika. Waxaan tobanka hore soo galin Soomaalida. Sidoo kale soomaalidu safka hore oogama jirto muhaajiriinta ugu aqoonta badan. Afrika Masar iyo Natjeeriya ayaa kaga jiro tobanka hore xagga aqoonta. Marka walba oo lasoo hadal qaado Soomaali waxaa lagu xariiriyaa, faqri, burcadnimo, aqoon la'aan, argagixisonimo iyo shaqo la'aan baahsan. Warbixin laga soo saaray waddamada Galbeed oo sawir quruxsan ka bixiso Soomaalida in la helo ma dhac...

Hal ku dhigga halaagga noo horseeday: "Xoolaha dad weynaha ayaa ganacsi loo baddalay"

Ilaa shalay waxaa baraha bulshada lagu faafinayay in isbitaalki Jaalle Siyaad ee dagmada Garbahaareey loo rogay meel ganacsi. Saaka warki asaga ahaa waxaa qoray qaar ka mid ah mareegyada warfaafinta ee Soomaalida. Dadka qoray warkaan qaar waxay isticmaaleen erayo adag sida 'dhiig miirato', 'furasho' iyo 'boob'.  Inkastoo aan la xariiray qaar ka mid ah dadka qoray farriimahaan aana isku dayay inaan si hoose xal ugu helo warkaan aan salka lahayn, haddana waxaa ii muuqato inuu dhawaqu meel fog gaaray hoos u hadlidna aysan ku filnayn. Sidaa darteed waxaan go'aansaday in si muuqato wax ooga dhaho warkaan oo aan ahayn kii ugu horreeyay ee noociisa ah.  Muxuu yahay Isbitaalka Jaalle siyaad? Jaalle Siyaad waa isbitaal weyn oo ku yaal Garbahaareey. Waxaa dhismihiisa bilowday dowladdii dhexe isagoo qaybo ah ayayna dhacday. dhowr iyo labaatan sano ayuu qabyadaas ahaa oo arigu u xaroon jiray. Waqti aan fogayn ayay gabdho qurbajoog ah isu xilqaameen inay...

Contact Form

Name

Email *

Message *