Skip to main content

Garbahaareey: Tallaabo kale oo ku dayasho mudan

Tan iyo marki ay dowladdi dhacday, dadka soomaaliyeed waxaa aabo iyo hooyo ay u dhib sheegtaan u noqday hay'adaha samafalka. Haddii abaaro dhacaan ama duufaano iyo daadad na wax yeelaayaan, halki aan ka fakari lahayn sidaan biyaha isaga moosi lahayn waxay noqotay inaan ka dhursugno hay'ad dibada ka timaado oo wax noo qabato ilaa ay ku dhawaatay in ninka koorta geela oogu xiran hadii ay ka jabto uu isku dayo inuu hay'adaha caalamiga ah u qayshado si ay koorta ugu qodbaan.

Laakiin waxaa hadda muuqdo ifafaalo wanaagsan oo muujinayo inaan fahamnay in dhisida dhulkeena inaga un na sugayso. Isbadalkaan cusub ayaa ka bilowday dagmada Garbahaareey oo dhawaanahaanba meelo badan hormuud ku ahayd.

Labo iyo toban bilood gudahood waxaa la marayaa in la dhiso sadex buundo oo dhammaantood ay maal galiyeen gudiga dagmada iyo shacabka oo iskaashanayo. Buundooyiinkaan maahan kuwo waaweyn ee waa kuwo la saaray farraqyo yaryar oo ninkeed dhiba ahaa. 

Hadda waxaa gacanta lagu hayyaa sadexdaan buundo tii ugu danbeeyay. waxaa ku baxayo qarash gaarayo 13 kun oo doolar. lacagtaan inteeda badan waxay ka timid canshuurti laga qaaday magaalada. Arintaan ayaa ah mid ugub ah oo ku cusub guud ahaan dalka soomaaliyeed gaar ahaana Gedo. Awal wixii qarash ah ee dadka laga qaado waa lagu qayili jiray waxna oogama soo noqon jirin dadki laga qaaday iyo deegaanka toona.

Isbadalkaan waa mid lagu farxo oo ku dayasho mudan. waa mid madaxda gobalka iyo maamulka dagmadu ay ku mutaysteen in lagu amaano. Waa mid dhiiri galin u ah dadki canshuurta bixiyay, sidoo kalana horseedi doonto inay mid ka badan bixiyaan kuna raali noqdaan bixinta canshuurta oo ah mid soomaalidu nacebtahay.

Talo ku Socoto Maamulka dagmada Gar ahaan gudoomiye Iimaan

Dhacdadi dhawaan lagu laayay dadki xoolo dhaqatada ahaa wuxuu sababay niyad jab badan iyo dhaleecayn loo jeediyay gudoomiye Iimaan. Waxaan anigu shaqsiyan ka mid ahay dadka aaminsan inuu gudoomiyihu si laga fiican yahay ooga jawaabay dhacdadaas. Laakiin Rasuulku SCW wuxuu yiri "ha wada nicin walaalkaa/walaashaa, haddii uu meel u xun yahay meel kale ayuu ku fiicanyahay". 

Sidaa owgeed, inkastoo dhacdadaas nasiib darrada ah dhaawac keentay, tallaabooyinka aad xaga horumarka u qaaday waa kuwo ammaan mudan, adigana waxay ku yihiin fursad aad mar kale ku kasban karto shacabkaadi kuu calool xumaaday.

Marki aad xusto wanaagi kuwii kaa horeeyay ayaa wanaagaada ka xussaa. Qiimaha aad u yeesho dadkii dalkaan iyo dagmadaan magaca ku lahaa ayaa noqon doono kuwa lagugu xasuusto haddii aad fursadaan ka faaiidaysato. Fursadda aan ka hadlayo waa inaad furto waddo cusub oo ilaa hadda aanan ogayn cid kale oo ka mid ah maamulada dagmooyinka gobalka oo kaaga horaysay. Arintas ayaa ah inaad buundooyinka la dhisayo lagu maamuuso dadkii magaca ku lahaa dagmada.

Adeerkay ha loogu magac daro, mayee awoowgay ha loogu magac daro!

Xasadka iyo xinka xad-dhaafka ah ee dadka dhex yaal wuxuu keeni karaa in la isku qabsado cidda loogu magac darayo waddo ama buundo la dhisay. Haddii maamul adag oo aragti fog la helo waa laga gudbi karaa caqabadaas.

Naguma cusba in deegaan miyyi ama magaalo ah loogu magac daro shaqsiyaad dhibna kama dhici jirin. Magac bixintaan waxay ku timaadaa labo arrimood midkood. Kow: in qof meel uu dagi jiray ama uu deegaankeeda bilaabay loogu magac daro sida, Buulo-Xaawo, Qawaaf, Tuulo-Gordo, Hareeriga Nuur Shareeco ama Cadayga Cabdi Aadan. Labo, inay dhacdo caan noqotay ay ka dhacday sida Barriiqada Xasan Ileey.

Anigoo ka qiyaas qaadanayno magac bixinadaas waxaan soo jeedin lahaa in buundada horay loo dhisay ee garoonka diyaardaha loo maro loogu magac daro Cabdifitaax Maygaag oo ahaa muwaadin ku dhintay gacan ka xaqdaran oo shisheeye. Magac bixintaan waxay noqon mid magac iyo sumcad u ah marxuumka, innagana waxay noo noqon tacsi iyo laab qabowsi.

Sidoo kale, waxan soo jeedin lahaa in midda hadda la dhisayo loogu magac daro Allaha u raxmadee Jaamac Xassan oo ahaa oday magac weyn ku lahaa dagmada, gurigiisana ay tahay meesha buundadu marayso. 

Gunaanadkii waxaa ii muuqdo horumar xagga maskaxda ah. waxaad moodaa inuu dadku soo bislaanayo danahoodana ay garan doonaan. Haddii sidaan lagu wado waxaan dhisan karnaa dalkeena inagoo cidna nooga imaan Talyaani Sacuudi. 

Ibrahim Aden Shire
ishire86@gmail.com
https://ibrahim-shire.blogspot.co.uk/


Comments

Popular posts from this blog

Taariikh Nololeedkii Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf

  28/12/2023 waxaa geeriyooday sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf oo ka mid ahaa culimada Soomaaliyeed marna ahaa hoggaamiyihii Imaaradii Gedo. Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf Aw Axmed Ismaciil Mubaarak sheekh Cabdiraxmaan sheekh Samantar,  waxaa uu ku dhashay qiyaastii 1938-kii, meel lagu magacaabo Buuro oo galbeedka uga beegan magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud. Sheekha waxaa uu ahaa Marreexaan, Cali Maxammed (Cali-dheere), reer Sheekh reer Mubaarak.  Sheekh Maxammed waxaa uu ku barbaaray guri aqoon iyo Diin. Sida aad ka arki kartaba abtirkiisa aabbihii iyo awooyaashii waxaa ay ahaayeen culimo. Sheekha Maxammed Allaha u naxariisto e (AUN),  waxaa uu Qur’aanka kariim ka ah dhammeeyay isaga oo aad u da’ yar. Intaa ka dib waxaa uu u jeestay barashada caqiidada, fiqhiga iyo Shaaficiga isaga oo kutubtaas ka qaatay aabbihii. Sidii uu dhaqanku ahaa, sheekh Maxammed  waxaa uu xiraystay sannadka markii uu ahaa 1956-kii ilaa 1961-kii  goortaas oo uu cilmi u raadsaday magaalooyinka Beledwayne,

Maxaa ka run ah warbixinnada foosha xun ee laga qoro Soomaalida Qurbaha?

Warbixin ka ay daabacday Boomerg oo looga hadlay waxtarka muhaajiriinta Maraykan  tago ayaa lagu sheegay in Kiinyaanku yihiin dadka saddexaad ee ugu shaqada iyo waxtarka badan soogalootiga Maraykanka. Gaana oo Afrika ah ayaa qaadatay kaalinta koowaad waxaan labo noqday Bulgeeriya oo Yurub ah. Waxaa sidoo kale toban hore soo galay dalalka Itoobiya oo afar gashay, Masar oo shan gashay, Nayjeeriya oo siddeed gashay iyo Laybeeriya oo sagaal gashay. Toban qowmiyadood ee ugu shaqada badan muhaajiriinta ku nool Maraykanka lix ayaa kasoo jeedda Afrika. Waxaan tobanka hore soo galin Soomaalida. Sidoo kale soomaalidu safka hore oogama jirto muhaajiriinta ugu aqoonta badan. Afrika Masar iyo Natjeeriya ayaa kaga jiro tobanka hore xagga aqoonta. Marka walba oo lasoo hadal qaado Soomaali waxaa lagu xariiriyaa, faqri, burcadnimo, aqoon la'aan, argagixisonimo iyo shaqo la'aan baahsan. Warbixin laga soo saaray waddamada Galbeed oo sawir quruxsan ka bixiso Soomaalida in la helo ma dhacd

Hal ku dhigga halaagga noo horseeday: "Xoolaha dad weynaha ayaa ganacsi loo baddalay"

Ilaa shalay waxaa baraha bulshada lagu faafinayay in isbitaalki Jaalle Siyaad ee dagmada Garbahaareey loo rogay meel ganacsi. Saaka warki asaga ahaa waxaa qoray qaar ka mid ah mareegyada warfaafinta ee Soomaalida. Dadka qoray warkaan qaar waxay isticmaaleen erayo adag sida 'dhiig miirato', 'furasho' iyo 'boob'.  Inkastoo aan la xariiray qaar ka mid ah dadka qoray farriimahaan aana isku dayay inaan si hoose xal ugu helo warkaan aan salka lahayn, haddana waxaa ii muuqato inuu dhawaqu meel fog gaaray hoos u hadlidna aysan ku filnayn. Sidaa darteed waxaan go'aansaday in si muuqato wax ooga dhaho warkaan oo aan ahayn kii ugu horreeyay ee noociisa ah.  Muxuu yahay Isbitaalka Jaalle siyaad? Jaalle Siyaad waa isbitaal weyn oo ku yaal Garbahaareey. Waxaa dhismihiisa bilowday dowladdii dhexe isagoo qaybo ah ayayna dhacday. dhowr iyo labaatan sano ayuu qabyadaas ahaa oo arigu u xaroon jiray. Waqti aan fogayn ayay gabdho qurbajoog ah isu xilqaameen inay

Contact Form

Name

Email *

Message *