Skip to main content

Gorfayn iyo Milicsi Buuga Hanqadh

waxaan hadda dhameeyay aqrinta buuga Hanqadh oo dhawaan uu qoray Muxamed-Haykal. Halkaan waxaan idin kula wadaagayaa sidaan u arko buuga.

Buugu waa sheeko faneed xajmigiisu yaryahay. Waxaa dhex taal u ah oo ku saabsanyahay wiil la oran jiray Haybe oo isagoo 8 sano jiro ka ambaday reerkooda. Haybe ma uusan habaabin kaliya ee wuxuu u galay reer ay qoladiisu col xiire-xiire ah yihiin, wixii intaas ka dib dhacay waa sheeko cajiib ah oo aad u baahantahay inaad buuga ka aqriso.

Sheekada buugu xambaarsanyahay waxaad moodaa sheekooyin dhowr ah oo dhab oo hal meel la isugu keenay. Intaan aqrinayay buuga meelo waxaad moodaa inay aniga iga hadlayaan oo waxay si toos u taabanayaan waayo aragnimo isoo martay, qaar waxay la mid yihiin kuwo dad aan aqaan ku dhacay ama aan goob joog ka ahaa, qaar waxay la mid yihiin kuwa la iiga sheekeeyay dad ay qabsadeen sidaa darteed buugu wuxuu dabaqayaa nolosha dhabta ee soomalida maanta.

Intaa oo kali ah maaha. Sidoo kale, buugu wuxuu kulmiyay dhammaan hab-nololeedka Soomaalida miyyi iyo magaalo, dal iyo dibadba. Tusaale, qaybta hore ee buuga wuxuu ku saabsanyahay reero ree miyyi ah taasoo aad ka arki karto sida reer miyigu ugu nool yahay, colaadaha sabab la'aanta ah, harraad iyo gaajo, raffaad iyo dhib-u-joogid. wuxuu ku tusayaa naxariis la'aanta reer miyigu ay ka dhexleen nolosha qalafsan ee ay ku nool yihiin.

Wuxuu sidoo kale ka waramayaa sida caruurta loogu habo nacaybka reeraha ay ood wadaagta yihiin iyadoo looga sheekooyin dagaalo waa hore dhacay, dad la laayay iyo xoolo la qaaday. Caruurta waxaa lagu habaa in reerkoodu aduunku ugu sareeyo, qolo walba oo is qabtaana birta uu ka aslo libintana ka qaato. Sidaas oo tahay dhinaca kale, reerkoodu waa dhibane dadkiisi la gumaaday, hablahoodi la kufsaday xoolahoodina la dhacay. Marki la tabinayo warkaan is khilaafsan ma jirto cid su'aan ka keento oo tiraahdo sidee ayay ku dhacday in reerka aduunka ugu xoog weyn, cid kastana ka adkaatay inuu dhibane noqdo? Arinkaan ayuu buugu inagu tusayaa duuduub u liqida sheekooyinka aan meelna haysan hadana dadka kala geyay ee soomaalida ku badan.

qaybaha danbe ee buugu wuxuu kulmiyay nolosha magaalada. gaar ahaan kuwii danbe ee qaxa iyo qaxootinimada. Wiilki howd ku ambaday iyo qaar ka mid ah reerkooda  waxay isu marayaan wadamo badan sida Jabuuti, Kiinya, Itoobiya iyo Ingiriiska. waxay kula kulmayaan waddamadaas kala duwan ee ay tageen dhacdooyin uurkutaallooyin reebay iyo waayo-aragnimo ninkeed anfacda ah.

Buugu wuxuu sidoo kale tusaaleeyay sida soomaalidu marki ay waxoogoo diinta yara barato isugu daydo inay dadka oo dhan dhaqan ahaan carabiyeeyaan, ayna isugu qaldaan diinta islaamka iyo luuqada carabiga. Tusaale, farduus oo ah Haybe walaashii oo xilli danbe miyyi laga keenay goorti malcamad la geeyay ee ay Qur'aanka wax ka baratay carabiyaduna u kacday waxay bilowday inay raacraacdo magacyada dadka ay taqaanay.

Magac walba icraab iyo bushi ayay ku qabatay. waxaa usoo baxay magacyo badan oo carabi ahaa oo soomaalidu laxniyeen, markaas ayay bilwoday inay saxdo dadkana ku tiraahdo mgacu sidaan mahee sidaan ayuu sax ku yahay. Tusaale, iyadu waxay keedi u badashay Firdoosa, eedadeed oo Cibaado la oran jiray waxay ku tiri magacaadu waa 'Cibaadah' sidoo kale aayadeed oo Yusur la oran jirayna waxay ku tiri magacaadu waa 'Yusrah'. kuwa badan oo ay magacyadoodu carabi noqon waayeen sida aabaheed la oran jiray Hurre Maydal iyo hooaydeed oo magaceedu ahaa Ugaaso, waxay ku fakartay inay kaba badasho magacayada

Buugu wuxuu tusaalaynayaa in noloshu Soomaalidu tahay mid murugsan (complex) il-roorkeeduna aan la hayn meesha uu ka bilowday. Dadku wuxuu wadaagaa deegaan, dhalasho iyo xididdinimo. sidaa darteed ma kala maarmo mana kala miirmi karo. Yusur waxaa qabo reer Duullane oo ah beesha uu Haybe ka dhashay balse waxay u dhalatay beesha reer Dayax-weerar oo ah beesha ay cadaawada qarni jirsatay kala dhaxayso reer Duullane.

Inkastoo beelaha cadaawad ka dhaxayso la isuguna sheekooyo inaysan naxariis iyo is-bixin ka dhaxayn, hadana dadku wuxuu isu dhex-yaal qaar xun iyo qaar wanaagsan. tusaale, oday Deyr iyo suldaan Sarreeye waa isku beel hasa yeeshee midna nolosha Haybe ayuu quus geeyay midna qiimaheeda kor geeyay. sidaa darteed buugu wuxuu ina barayaa in aan shaqsina loo colaadin beesha uu ka dhashay ee lagula dhaqmo dabcigiisa iyo dadnimadiisa.


Si kooban buugu waa mid xiiso badan. waa macaan iyo qaraar isku dhafan. Mar waa uu kaa oohinsiin oo sheeko tiiranyo iyo murugo badan ayuu ku taabsiin, marna waa uu kaa qoslin oo sheeko madadaalo iyo macaan leh ayuu kula wadaagi, mar waa rajo iyo mustaqbal ifayo marna murugo iyo quus aduun. Hasa ahaatee, wuxuu ku khatimayaa rajo tilmaamayso inaysan soomaali kala tagin, kala go'in kala maarmin, mugdi kasta iyo mad-madow soo kala dhex galayba wali kala guursato isna caawiso.

Comments

Popular posts from this blog

Gorfeyn: Buugga Adkaysi ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur

  Adkaysi waa buug cusub oo soo suuqa imaanaya kowda Disember 2024. Waxaan nasiib u yeeshay in aan ka mid noqdo dhowrkii qof ee ugu horreysay ee buugga la siiyo inta uusan suuqa imaan. Fiidnamdii Isniinta taariikhdu ahayd 18/11/2024 ayuu xildhibaan Cabdiraxmaan i guddoonsiiyay buugga goor aan ugu tagay gurigiisa Muqdisho. Fiidnamdii talaadada oo aan Ingiriiska safar u soo ahaa ayaan ku billaabay akhriska. Wehel waddada ila mara ayuu ii noqday. Qormadaan gaaban waxaan uga faalloon doonaa buugga.  Adkaysi oo 318 bog ah waxaa qorey xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Tafatirka iyo quraaradyntu (typesetting) waa heersare (laba meelood ayaan ka arkay wax aan is iri quraaradaynta ayaa geftay).  Waa buug xogwarran ah, xambaarsan taariikh, wacyigelin, waxbarid iyo waana-qaadasho. Waxaa uu si gaar ah u abbaarayaa waayihii Cabdiraxmaan, dhalashadiisii, korriinkiisii, waxbarashadiisii, shaqooyinkiisii ilaa siyaasadda oo uu hadda ku jiro. Sida ka muuqata ciwaankaba qoruhu b...

Maxaa ka run ah warbixinnada foosha xun ee laga qoro Soomaalida Qurbaha?

Warbixin ka ay daabacday Boomerg oo looga hadlay waxtarka muhaajiriinta Maraykan  tago ayaa lagu sheegay in Kiinyaanku yihiin dadka saddexaad ee ugu shaqada iyo waxtarka badan soogalootiga Maraykanka. Gaana oo Afrika ah ayaa qaadatay kaalinta koowaad waxaan labo noqday Bulgeeriya oo Yurub ah. Waxaa sidoo kale toban hore soo galay dalalka Itoobiya oo afar gashay, Masar oo shan gashay, Nayjeeriya oo siddeed gashay iyo Laybeeriya oo sagaal gashay. Toban qowmiyadood ee ugu shaqada badan muhaajiriinta ku nool Maraykanka lix ayaa kasoo jeedda Afrika. Waxaan tobanka hore soo galin Soomaalida. Sidoo kale soomaalidu safka hore oogama jirto muhaajiriinta ugu aqoonta badan. Afrika Masar iyo Natjeeriya ayaa kaga jiro tobanka hore xagga aqoonta. Marka walba oo lasoo hadal qaado Soomaali waxaa lagu xariiriyaa, faqri, burcadnimo, aqoon la'aan, argagixisonimo iyo shaqo la'aan baahsan. Warbixin laga soo saaray waddamada Galbeed oo sawir quruxsan ka bixiso Soomaalida in la helo ma dhac...

Hal ku dhigga halaagga noo horseeday: "Xoolaha dad weynaha ayaa ganacsi loo baddalay"

Ilaa shalay waxaa baraha bulshada lagu faafinayay in isbitaalki Jaalle Siyaad ee dagmada Garbahaareey loo rogay meel ganacsi. Saaka warki asaga ahaa waxaa qoray qaar ka mid ah mareegyada warfaafinta ee Soomaalida. Dadka qoray warkaan qaar waxay isticmaaleen erayo adag sida 'dhiig miirato', 'furasho' iyo 'boob'.  Inkastoo aan la xariiray qaar ka mid ah dadka qoray farriimahaan aana isku dayay inaan si hoose xal ugu helo warkaan aan salka lahayn, haddana waxaa ii muuqato inuu dhawaqu meel fog gaaray hoos u hadlidna aysan ku filnayn. Sidaa darteed waxaan go'aansaday in si muuqato wax ooga dhaho warkaan oo aan ahayn kii ugu horreeyay ee noociisa ah.  Muxuu yahay Isbitaalka Jaalle siyaad? Jaalle Siyaad waa isbitaal weyn oo ku yaal Garbahaareey. Waxaa dhismihiisa bilowday dowladdii dhexe isagoo qaybo ah ayayna dhacday. dhowr iyo labaatan sano ayuu qabyadaas ahaa oo arigu u xaroon jiray. Waqti aan fogayn ayay gabdho qurbajoog ah isu xilqaameen inay...

Contact Form

Name

Email *

Message *