Skip to main content

Wax-baridda iyo wacyi-galintu waa furaha hirgalinta iyo fulinta sharciga

Dowlad walba oo aduunka ka jirto ama horay usoo martay masuuliyadda kowaad ee saaran waa ilaalinta danaha iyo maslaxada shacabkeeda. Si loo xaqqiijiyo hadafka aan soo xusnay waxaa la soo saaraa sharciyo kala duwan oo lagu qaado kuwa dhibaateyo shacabka iyo nidaamka ay ku nool yihiin. Sharciyadaan inta badan waa ciqaab la mariyo xad-gudbayaasha, waxayna noqon karaan xabsi, ganaax ama dil.

sharciyada waxa loo soo saaro maahan in dadka la ciqaabo ee waa in laga hortago, la joojiyo ama la yareeyo xad-gudubyada ay gaysanayaan. Sidaa darteed ujeedku waa in helo nabad iyo nolol shiddo iyo dhib la'aan ah. Balse su'aashu waxay tahay sidee ugu fudud oo lagu xaqqiijin karaa hadafkaas? ciqaabka oo la adkeeyo xal waara ma keenaa? ma jiraan wadooyin ka sahlan oo lagu joojin karo gar-darrada?

Eebe wuxuu soo dajiyay Qur'aanka kariimka oo loogu talagalay aadanuhu inay ka qaataan sideey u noolaan lahaayeen. waxaa lagu cadeeyay wadooyinka ay tahay in la raaco, waxa banaan iyo waxa la reebay iyo sida loo ciqaabayo kuwa jabiyo sharciyadda dowladda. 

Qur'aanka aayadihiisa kaliya maahan kuwa tusaaleeyo ee qaabka loo soo dajiyay iyo nidaamka uu ku socday ayaa qudheedu wax barid iyo tusaale ah loogu talagalay in la raaco. Tusaale, waxyigu wuxuu dagayay 23 sano. Tobanki sano ee hore dadka wax barid iyo wacyi galin ayay ku jireen. waxaa la toosinayay caqiidadooda. waxaa la kala barayay samaanta iyo xumaanta. waxaa lagu beerayay jeceylka nidaamka islaamiga ah iyo u hogaansanka sharciga. 

Inta howshaasi socotay marnaba laguma soo qaadin kan waa xaaraam ee joojiya. wax walba sidii ay awal u ahayd ayay u wateen. Sababtu waxay ahayd sharci lama hir galin karo haddii dadku aysan ku qanacsanayn. 

Hooyadeen Caaisha waxay leedahay "Qur'aan waxaa loo soo hor dajiyay subac Khamiisaad (afarta juz ee hoose). dhamaan suuradahaan kuma jirto mid ka hadashay xalaal iyo xaraam. haddii lagu dhihi lahaa waxaa waa xaraame daaya waqtiyadii hore waxay oran lahaayeen dayn mayno". 

Marki la hubiyay inay bislaadeen, iimaanku maankoodu dagay, wadaniyadda iyo u hogaansanka madaxda ay ku weyn tahay ayaa lagu bilaabay in lagu yiraahdo kanaa idiin banaan kanna waa idinka reeban yahay. ka dib wareer la'aan iyo shiddo la'aan ayay qaateen.

waxay leedahay hooyadeen Caaish "Allaha u naxriisto haweenka Ansaareed. marki ay soo dagtay aayada xajiaabka waxaan arkay iyagoo mar qur ah isku boobay hagoog. waxaan arkay iyadoo qaarkood inta waayeen waxay wajiga ku xirtaan maryahooda faygooda jeexday oo indho-shareer ka dhigtay".

sida ka muuqato halkaas sharciga fulintiisu kaliya wuxuu ku xirnaa in la sheego oo yiraahdo 'waxaas ayaa la iska rabaa'. ma muuqato boolis wadooyin lagu daadiyay si u hubiyaan meel marinta sharciga mana muuqato xabsiyo loo sameeyay kuwa u hogaansami waayo sharciga. 

Marki uu Abuu-Bakar allaha ka raali noqdee khilaafada qabtay ayuu Cumar u magacaabay inuu noqdo qaaliga Madiino. marki Cumar muddo xilki hayay ayuu ku soo noqday madex-weynihiisi kuna yiri "shaqo ayaan u baahanahay. inaan shaqeeyo ayaan rabaa ee inaan meel iska fadhiyo ma doonayo. Reer Madiino qaalli uma baahna. waa meel qof walba xaqqiisa yaqaan, waxa lagu leeyahayna yaqaan sidaa darteed ma jirto labo is qabato oo loo kala gar-qaado".  

Haddii aad tiraahdo kuwaas waa saxaabadi aduun kale ayay noolaayeen ee midka aan ku noolnahay ul iyo baaruud mooyee dadkaan si kale wax kuma maqlaan aan ku siiyo tusaalooyin kale.

Wadanka Maraykanku wuxuu aaminsanyahay in xoog kaliya sharicga lagu ilalin karo. Boolisku hub culus ayuu siddaa. wuxuu amar u qabaa inuu toogto qof walba oo ay u arkaan inay munaasib tahay in la toogto. Boolisku waxay dileen 590 qof oo shacab ah lixdii bilood ee sanadkaan u horaysay (janaayo-Juun 2017). Sidoo kale tirida uu dilay booliska Ingiriiska muddo 24 sano ah iyo waxaa isla ekkaaday tirada uu booliska Maraykanku dilay 24ki bari ee u horaysay sanadki 2015ki.

Sidoo kale, xabisyadu waa buux dhaafeen. Sanadii 2013ki waxaa xabsiyadaha gudahooda ku jiray  2,220,300 (labo milyan, laba boqol iyo labaatan kun iyo sadex boqol) oo qof oo da'doodu ka weyn tahay 18 sano. Dadkaan waa kuwa la xukumay oo ay tahay inay xabsi maraan. Sidoo kale waxaa xabsi banaan joog ah (parole/suspension) ku jiray 4,751,400 (afar milyan, todobo boqol iyo konton iyo kow kun iyo afar boqol) taaso wadarta ka dhigayso 6,851,000 (lix milyan sideed boqol iyo konton iyo kow kun). 

waxaan oo dil iyo xabsi ah wax nabad ah maraykan uma keenin. wuxuu noqday wadanka ugu ammaan xun wadamada reer Galbeedka. Maalin walba waxaa lagu dilaa magaalada New york oo kaliya  cel-celis 11 ruux oo ay dhagar-qabayaal dilaan. shacabku waa cabsi ku nool booliskuna waa keeb la yuurur.

Garab dhig wadanka Norway. Booliska hub looma ogola marki laga rebo kuwo gaar ah, iyagu naftoodu qof iskama toogan karaan. sanadki 2015ki oo dhan booliska Norway wuxuu riday 2 xabadood oo kaliya iyaguna cidina wax kuma noqon. 

Sanadki 2014ki waxaa xabsiyada Norway ku jiray 4000 (afar kun oo qof) oo kaliya. dadkaan xataa xabsiga aynu naqaan kuma jiraan waxay dagan yihiin guryo caadi ah oo u gooni ah. kaliya xorriyadda ay banaanka ku aadi lahaayeen ayaa laga qaaday. Xoriyada waxaa loogu soo celiyaa si tartiib-tartiib ah ugu danbayna isagoo xabsiga dagan ayuu shaqo aadi habaynkina issa soo xiri. xabisiga waa Norway guryo tarbiyo iyo wax-barid ee maahan god ciqaabeed sida kuwa maraykanka iyo soomaaliya oo kale.

Tani waxay keentay inay Norway noqoto wadanka ugu danbiyada yar dalalka reer Galbeedka. 448 jeer ayay ka danbi yartahay Maraykanka. 

Sababta ugu muhiimsan ee keentay guusha ay gaartay Norway ayaa ah inay dowladu aaminsantahay haddii uu ruux danbi galo qaladka dowladda ayaa iska leh waayo waxay ahayd inay dowladu wax ka qabato arinta ruuxaan falkaan ku xambaartay. Dowladu waxay xoogga saartaa inay shacabkeeda barto xaqqooda iyo meel ay u doontaan waxa ka maqan. 

Qulaasada hadalka ayaa ah xoog iyo ciqaab dad laguma tarbiyeeyo. fal-danbiyeedka oo la yareeyo wuxuu u baahanyahay shacabka oo la wanaajiyo iyo in la baro wadooyinkooda. wuxuu u baahanyahay wacyi galin joogta ah iyo barida cawaaqibta ka dhalan karto fal-danbiyeedka ay galayaan. 

Gaar ahaan innagu wadankeenu 30 sano ayuu nidaam la'aan ahaa. shacabka hadda joogo ma yaqaan sharci iyo dhowridiisa toona. wuxuu kusoo jiray muddo badan oo ah "ninkii xoog lahoow xabagta gooso" sidaa darteed waxaa lagama maarmaan ah in waqti badan iyo qarash badanba la galiyo waano iyo wacyi galin ka hor inta aan dadka xabsiyada laga buuxin ama aan gacmaha laga jarin. 

Qof aan aqoon sharci waxa uu yahay marnaba ka cabsan mahayo lagana sugi mahayo inuu ilaaliyo. Horaa loo yiri "Libaax nimaan aqoon ayaa lax ka ritto"

Comments

Popular posts from this blog

Taariikh Nololeedkii Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf

  28/12/2023 waxaa geeriyooday sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf oo ka mid ahaa culimada Soomaaliyeed marna ahaa hoggaamiyihii Imaaradii Gedo. Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf Aw Axmed Ismaciil Mubaarak sheekh Cabdiraxmaan sheekh Samantar,  waxaa uu ku dhashay qiyaastii 1938-kii, meel lagu magacaabo Buuro oo galbeedka uga beegan magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud. Sheekha waxaa uu ahaa Marreexaan, Cali Maxammed (Cali-dheere), reer Sheekh reer Mubaarak.  Sheekh Maxammed waxaa uu ku barbaaray guri aqoon iyo Diin. Sida aad ka arki kartaba abtirkiisa aabbihii iyo awooyaashii waxaa ay ahaayeen culimo. Sheekha Maxammed Allaha u naxariisto e (AUN),  waxaa uu Qur’aanka kariim ka ah dhammeeyay isaga oo aad u da’ yar. Intaa ka dib waxaa uu u jeestay barashada caqiidada, fiqhiga iyo Shaaficiga isaga oo kutubtaas ka qaatay aabbihii. Sidii uu dhaqanku ahaa, sheekh Maxammed  waxaa uu xiraystay sannadka markii uu ahaa 1956-kii ilaa 1961-kii  goortaas oo uu cilmi u raadsaday magaalooyinka Beledwayne,

Maxaa ka run ah warbixinnada foosha xun ee laga qoro Soomaalida Qurbaha?

Warbixin ka ay daabacday Boomerg oo looga hadlay waxtarka muhaajiriinta Maraykan  tago ayaa lagu sheegay in Kiinyaanku yihiin dadka saddexaad ee ugu shaqada iyo waxtarka badan soogalootiga Maraykanka. Gaana oo Afrika ah ayaa qaadatay kaalinta koowaad waxaan labo noqday Bulgeeriya oo Yurub ah. Waxaa sidoo kale toban hore soo galay dalalka Itoobiya oo afar gashay, Masar oo shan gashay, Nayjeeriya oo siddeed gashay iyo Laybeeriya oo sagaal gashay. Toban qowmiyadood ee ugu shaqada badan muhaajiriinta ku nool Maraykanka lix ayaa kasoo jeedda Afrika. Waxaan tobanka hore soo galin Soomaalida. Sidoo kale soomaalidu safka hore oogama jirto muhaajiriinta ugu aqoonta badan. Afrika Masar iyo Natjeeriya ayaa kaga jiro tobanka hore xagga aqoonta. Marka walba oo lasoo hadal qaado Soomaali waxaa lagu xariiriyaa, faqri, burcadnimo, aqoon la'aan, argagixisonimo iyo shaqo la'aan baahsan. Warbixin laga soo saaray waddamada Galbeed oo sawir quruxsan ka bixiso Soomaalida in la helo ma dhacd

Hal ku dhigga halaagga noo horseeday: "Xoolaha dad weynaha ayaa ganacsi loo baddalay"

Ilaa shalay waxaa baraha bulshada lagu faafinayay in isbitaalki Jaalle Siyaad ee dagmada Garbahaareey loo rogay meel ganacsi. Saaka warki asaga ahaa waxaa qoray qaar ka mid ah mareegyada warfaafinta ee Soomaalida. Dadka qoray warkaan qaar waxay isticmaaleen erayo adag sida 'dhiig miirato', 'furasho' iyo 'boob'.  Inkastoo aan la xariiray qaar ka mid ah dadka qoray farriimahaan aana isku dayay inaan si hoose xal ugu helo warkaan aan salka lahayn, haddana waxaa ii muuqato inuu dhawaqu meel fog gaaray hoos u hadlidna aysan ku filnayn. Sidaa darteed waxaan go'aansaday in si muuqato wax ooga dhaho warkaan oo aan ahayn kii ugu horreeyay ee noociisa ah.  Muxuu yahay Isbitaalka Jaalle siyaad? Jaalle Siyaad waa isbitaal weyn oo ku yaal Garbahaareey. Waxaa dhismihiisa bilowday dowladdii dhexe isagoo qaybo ah ayayna dhacday. dhowr iyo labaatan sano ayuu qabyadaas ahaa oo arigu u xaroon jiray. Waqti aan fogayn ayay gabdho qurbajoog ah isu xilqaameen inay

Contact Form

Name

Email *

Message *