Skip to main content

Ma Ogtahay in Darajada ugu Sarayso ee la gaaro ay tahay in Bulshada loo adeego?

Dhammaan aadanuhu wuxuu ka simanyahay jeceylka darajo sare iyo sumcad. Qof walba wuxuu rabaa in la ammaano, la xasuusto, magaciisuna uu jiro qaruumo badan. Sidoo kale, wuxuu ka simanyahay, marki laga reebo in naadir ah, inay u maraan hadafkaas sare waddo aan ahayn tii ay ku gaari lahaayeen. 

Waxaan dadaal badan u galnaa sidaan maal ku tabci lahayn kaasoo aan filayno inuu na gaarsiin doono maqaam sare. Qaarkeen waxay dhiig u daadiyaan, maal u dhacaan ama maato u laayaan inay gaaraan hadafkaas sare. Qaar si nabad ah oo xeelad iyo xikmad la isku daray ah ayay kursi ku doontaan si ay xaqiijiyaan hadafka ugu danbeeyo oo ah inay magac sare yeeshaan, xasuusna reebaan. 

Intaas oo dadaal ah marki la maro, cimrigu horay u batto, lafahu jilcaan, wax tarkuna koobnaado ayaan fahannaa waddadi saxda ahayd inaysan ahayn middi aan wax kuu doonaynay. Markaas ayay qaarkeena iska quustaan, qaarna is daba qabtaan oo is badal sameeyaan. 

Waddada ugu sahlan ee lagu gaaro magaca ugu sarreeyo aduunka waa in dadka bilaash loogu shaqeeyo, waqtigaada aad ku bixiso caawin, taakulayn, horumarin iyo hagaajinta aadanaha. Jidkaan waa midkii ay qaadeen dhamaan Nabiyadii Eebe soo diray. Waxaad in badan Qur'aanka ku arkaysaa iyagoo leh maal idin waydiinsan mayno. kuwa badan oo ka mid ah sida Nabi Daauud, dhinac way ka xamaalan jireen, dhinacna dacwada ayay si bilaash ah uga wadeen. 

Suubaheena SCW waad taqaanaan siiradiisa iyo siduu dadka ugu shaqyn jiray. Mar waa isagii yiri hadal macnihhisu ahaa "inaan bil masaajidka ku dhex cibaadaysto, aan soomo ama aan salaad u taagnaado waxaan ka jeclahay hal maalin oo aan qof muslim ah caawiyay". Sidaas ayay saxaabadii iyo kuwii wanaagsanaana ka barteen. 

Haddaan eegno dunida aan maanta ku noolnahay ee gaaladu ugu tun weyntahay, waxaad arkaysaa in dhammaan kuwii ugu maalka badnaa ay yaqiinsadeen in maalkoodu xasuus ka reebi doonin. Tusaale, Bil Gate oo ahaa mar ninka ugu taajirsan aduunka ilaa hadana ka mid ah kuwa ugu lacagta badan inta nool, waa uu ka tagay shaqadiisi wuxuuna u jeestay inuu si bilaash ah ugu shaqeeyo aadanaha.

Wuxuu aasaasay hay'ad samafal oo magaciisa wadato taasoo u adeegto la dagaalanka Malaariyadda. Bil Gate wuxuu ogaaday haddii u dhinto isagoo shaqo bilaash ah aan qaban in magaciisu meesha ku hari doono laakiin haddii uu ka tago wax tar uu u sameeyay aadanaha muddo la xasuusan doono.

Adiguba caqligaada isticmaal. Waligaa ma maqashay hebal taajir ahaan jiray kun sano ama badan ka hor oo laga sheekeeyo? anigu waa ii dhimantahay. Isagoo arintaas ka duulayo ayuu Richard Bradson oo ah maal qabeen Ingiriis ah oo diyaarado iyo tareeno leh yiri "ma jiro qof lagu xasuusan doono maal uu tabcay, ee qofka waxaa lagu xasuusan doonaa waxa uu u qabtay aadanaha". 

Dhinaca madaxda bal aan eegno. Bil Clinton oo ka mid ah madaxda ugu caansan qarnigaan soo martay wuxuu xaqiiqsaday inay lagama maarmaan tahay ku shaqaynta mushaar la'aan sidaa darteed ayuuna u aasaasay hay'ad magaciisa leh. Sidoo kale, Tony Blair wuxuu dhawaan sheegay inuusan lacag danbe ku qaadan doonin shaqooyinka uu qabanayo wixii soo galana ku siin doono hay'adaha samafalka. Ogow dadkaan waxay intaan oo dhan u samaynayaan waa in taariikhdu xusto. 

Hadii aad tiraahdo kuwaanu waa kuwo xoolo ka dhargay oo rabo madadaalo kale, aan ku siiyo tusaale kale. Abdul Sattar Edhi wuxuu ahaa nin Pakistani ah oo isagoo aan waxba hayn go'aansaday inuu caawiyo dadka masaakinta ah ka dib markuu arkay inaysan jirin dowlad caawinayso. 1951 ayuu furay xarun dadka lagu daweeyo ugu danbayna hay'adiisi waxay noqotay hay'adda ugu weyn Pakistan ee dadka maasaakiinta ah caawiso. waxay furtay, iskoolo, madaaris, isbitaalo, guryo dadka masaakiinta la dajiyo. Isaguna wuxuu noqday dadka ugu caansan aduunka wuxuuna ku guulaystay abaal marino badan. 

Waxaa uu yiri wariye  u shaqeeyo joornaal kasoo baxo Ingiriiska oo la yiraahdo The Telegraph "waxaan la kulmay madaxweynayaal, raysul-wasaarayaal, wasiiro iyo madaxda ugu caansan aduunka, la kulmin qof karaamo leh ilaa aan la kulmay AbdulSattar Edhi. Markaan gacanta is galinay waxaan qalbigayga ka dareemay naxariis iyo dareen ruuxaani ah". 

Cabdisattaar darajadi loo wada socday wuxuu gaaray isagoon waddo dheer iyo war-wareeg marin. Intii lixdan jir ku billaabi lahaa u shaqaynta ummada wuxuu go'aansaday inuu labaatan jir ku billaabo. Allaha u raxmadee wuxuu dhintay isagoo 82 jir ah cimrigiisina ku idlaystay sadaqo iyo u khidmaynta muslimiinta. 

Haddi guushu ku xiran tahay waqtigeeda, aqoontaada iyo maalkaada hadba kaad hayso oo aad ooga faaiidayso dadkaada, maxaad meel kale u qarda-jeexi? Maxaa noo diidayo inaan hadaba bilowno howl aan billaabi doono mar aanan tabar hayn?

Comments

Popular posts from this blog

Taariikh Nololeedkii Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf

  28/12/2023 waxaa geeriyooday sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf oo ka mid ahaa culimada Soomaaliyeed marna ahaa hoggaamiyihii Imaaradii Gedo. Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf Aw Axmed Ismaciil Mubaarak sheekh Cabdiraxmaan sheekh Samantar,  waxaa uu ku dhashay qiyaastii 1938-kii, meel lagu magacaabo Buuro oo galbeedka uga beegan magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud. Sheekha waxaa uu ahaa Marreexaan, Cali Maxammed (Cali-dheere), reer Sheekh reer Mubaarak.  Sheekh Maxammed waxaa uu ku barbaaray guri aqoon iyo Diin. Sida aad ka arki kartaba abtirkiisa aabbihii iyo awooyaashii waxaa ay ahaayeen culimo. Sheekha Maxammed Allaha u naxariisto e (AUN),  waxaa uu Qur’aanka kariim ka ah dhammeeyay isaga oo aad u da’ yar. Intaa ka dib waxaa uu u jeestay barashada caqiidada, fiqhiga iyo Shaaficiga isaga oo kutubtaas ka qaatay aabbihii. Sidii uu dhaqanku ahaa, sheekh Maxammed  waxaa uu xiraystay sannadka markii uu ahaa 1956-kii ilaa 1961-kii  goortaas oo uu cilmi u raadsaday magaalooyinka Beledwayne,

Maxaa ka run ah warbixinnada foosha xun ee laga qoro Soomaalida Qurbaha?

Warbixin ka ay daabacday Boomerg oo looga hadlay waxtarka muhaajiriinta Maraykan  tago ayaa lagu sheegay in Kiinyaanku yihiin dadka saddexaad ee ugu shaqada iyo waxtarka badan soogalootiga Maraykanka. Gaana oo Afrika ah ayaa qaadatay kaalinta koowaad waxaan labo noqday Bulgeeriya oo Yurub ah. Waxaa sidoo kale toban hore soo galay dalalka Itoobiya oo afar gashay, Masar oo shan gashay, Nayjeeriya oo siddeed gashay iyo Laybeeriya oo sagaal gashay. Toban qowmiyadood ee ugu shaqada badan muhaajiriinta ku nool Maraykanka lix ayaa kasoo jeedda Afrika. Waxaan tobanka hore soo galin Soomaalida. Sidoo kale soomaalidu safka hore oogama jirto muhaajiriinta ugu aqoonta badan. Afrika Masar iyo Natjeeriya ayaa kaga jiro tobanka hore xagga aqoonta. Marka walba oo lasoo hadal qaado Soomaali waxaa lagu xariiriyaa, faqri, burcadnimo, aqoon la'aan, argagixisonimo iyo shaqo la'aan baahsan. Warbixin laga soo saaray waddamada Galbeed oo sawir quruxsan ka bixiso Soomaalida in la helo ma dhacd

Hal ku dhigga halaagga noo horseeday: "Xoolaha dad weynaha ayaa ganacsi loo baddalay"

Ilaa shalay waxaa baraha bulshada lagu faafinayay in isbitaalki Jaalle Siyaad ee dagmada Garbahaareey loo rogay meel ganacsi. Saaka warki asaga ahaa waxaa qoray qaar ka mid ah mareegyada warfaafinta ee Soomaalida. Dadka qoray warkaan qaar waxay isticmaaleen erayo adag sida 'dhiig miirato', 'furasho' iyo 'boob'.  Inkastoo aan la xariiray qaar ka mid ah dadka qoray farriimahaan aana isku dayay inaan si hoose xal ugu helo warkaan aan salka lahayn, haddana waxaa ii muuqato inuu dhawaqu meel fog gaaray hoos u hadlidna aysan ku filnayn. Sidaa darteed waxaan go'aansaday in si muuqato wax ooga dhaho warkaan oo aan ahayn kii ugu horreeyay ee noociisa ah.  Muxuu yahay Isbitaalka Jaalle siyaad? Jaalle Siyaad waa isbitaal weyn oo ku yaal Garbahaareey. Waxaa dhismihiisa bilowday dowladdii dhexe isagoo qaybo ah ayayna dhacday. dhowr iyo labaatan sano ayuu qabyadaas ahaa oo arigu u xaroon jiray. Waqti aan fogayn ayay gabdho qurbajoog ah isu xilqaameen inay

Contact Form

Name

Email *

Message *