Axmed Caafi wuxuu geel ku raaci jiray buuraha waaweyn ee loo
yaqaan Kaayaneey ee ku yaal gobalka Gedo. Wuxuu tababar ku tagayaa jaamacadda
caanka ah ee Kansas ee ku taal dalka Maraykanka. Arintaasu mucjiso nabi iyo
karaamo awliyaad maahan ee wuxuu ku gaaray keynaan kabaallo jabis ah.
Inta aanan billaabin qoraalka, waxaan jeclahay inaan iraahdo
ujeedka qoraalkaan maahan in lagu ammaano Axmed Maxamed Caafi (Axmed Gaaruf)
ama lagu dhaliilo. sidoo kale, maahan mid lagu caan bixinayo si uu wax ugu helo
ee ujeedka qormadaan ayaa ah in uu tusaale u noqdo dhalinta soomaaliyeed ee
duruufaha adag ay haystaan. Sidaa darteed ku aqri qormadan qalbi furan oo
diyaar u ah inuu barto casharada ficliga ah ee noloshu bixiso.
Axmed Maxamed Caafi waxuu ku dhashay meel aan ka dheerayn miyiga 'Seere'
oo ka tirsan deegaanka Ceel-gaduud ee hoostago Garbahaareey. Meesha u ku
dhashay waa miyyi, reerkooduna wuxuu ahaa reer miyyi xoolo dhaqata reer guuraa
ah. intii dalku nabadda ahaa, Axmed qaraabo badan oo wax haysata kuma uusan
lahayn magaalooyinka waaweyn ee dadku aadi jireen sida Xamar, waalidkiina
dadaal uma galin inay helaan cid ay daranyo uga dhigaan wiilkooda si uu wax ugu
soo barto.
Waalidkiis wuxuu u ahaa wiil yar oo ay u toog hayeen inuu mar un
si buuxdo ula wareegi doono dhaqidda xoolaha. Sida dadka kale ee ay ood-wadaagta
ahaayeenba, waalidkii waxay ku hammin jireen in ay mar un arkaan Axmed oo geel
kurusyo waawayn oo darmo qabo ka darmiyay dowda Diggaal.
Aabihii waa nabaddoon caan ah oo lagu tilmaamo
toosnaan iyo wanaag, hase yeeshee kuma uusan qaldanayn inuu sidaa u fakaro waayo deegaanka uu ku noolaa waxa
ugu fiican ayaa ahaa in uu wiilkiisu noqdo waxtar aysan dhiniciisu wadaanta ka
liicin, taasoo mustaqbalka u horseedi doonto tabcidda geel badan oo bahdiisu ku
faanto.
Si hadafkaasi ay uga dhabeeyaan waalidkiisa waxay Axmed oo aad u
da' yar daba-dhabe ooga dhigeen geel horweyn ah. marki uu noqday mid ku
filan qaadida dhagalka iyo dhalada sunta geela loogu kaydiyo, ayuu Axmed hir kale
u bidhaamay. wuxuu ku hamiyay inuu meesha isaga tago aadana meel uu ku baran
karo Qur'aanka kariimka ah oo aad ugu weynaa qalbigiisa.
Subax ayuu ka dhuuntay geeli lagu ogaa, safar dheer,
guuro-bahalayn iyo silic rafaad ka dibna wuxuu gaaray Buurdhuubo oo uu qaraabo
tiisa ah ku ogaa. Halkaas ayuu ka bilaabay Qur'aanka iyo iskooladdi qaxootiyada
ee loo yaqaanay AAT.
intii uu Buurdhuubo joogay Axmed waxuu la noolaa adeeradii Cabdi Caafi Mire iyo Xaaji-islaam Caafi
Mire oo geeyay malcamad Qur’aan iyo iskuul, isla markaana la wareegay noloshiisa. Adeeradii Axmed waa u dadaaleen waxayna hubiyeen inuu helo wax barasho qiimo leh oo mustaqbal wanaagsan u horseedo. Markii uu Qur’aanka dhameeyay, ayaa adeerkii Cabdi Caafi u qalqaaliyay boos waxbarasho oo uu filayay inuu ka wanaagsanyahay kuu markaas haystay.
Axmed, oo watay sahay kooban oo uu ka helay aabihii oo miyiga joogay, ayaa mar kale u safray Baydhabo sii u billaabo wax barashadii adeerki u dhameeyay. Waxuu ku biiray iskoolada Sheekh Muxyadiin
Cabdulbari iyo madaaris diimeed. Nasiib darro, mudda gaaban ka dib, ayaa waxaa
habayn soo weeraray nin waalan waxuna gaarsiiyay nabarro ba’an kuwaasoo Axmed ka dhigay bukkaan sariir jiif ah.
Isaga oo wali qaba dhaawicii oo aanan dib ugu laaban waxbarashadii,
ayay dowladdii dhacday dantuna waxay ku qasabtay inuu reerkoodi iyo miyigii dib
ugu laabto.
Sanadki 1993-di ayuu maqlay sheekh kutub ka aqriyo Ceel-cadde oo
aan ka dheerayn deegaanki uu ku noolaa. sidaas ayuu Ceel-cadde ku yimid oogana
mid noqday xertii ugu horaysay ee hoos fadhiisatay Sheekh Xuseen Ibraam
Axmed-Nuur Allaha dhowree. 1994-ti, sheekha iyo xertiisiba oo Axmed uu ku jiro
ayaa usoo wareegay dagmada Garbahaareey. Baadida kaliya ee ka maqnayd Axmed waxay ahayd
waxbarasho, waxuna u bareerayay qatar kaste oo ay hadafkiisa gaarsiin karo.
Imaatanki Garbahaareey, Axmed waxay u ahayd dhib iyo dareen kusoo
kordhay noloshiisa, sababtoo ah kuma uusan lahayn qaraabo dhow oo uu la
noolaado. Ma uusan haysan waalid maal qabeen ah oo halkiisa lacag ugu soo diro.
Sidoo kale, ma uusan lahayn qaraabo dibadda u jirtay oo taageero u fidiso.
Wuxuu wajahay nolol xerownimo ah iyo ku tiirsanaasho reero qalaad oo iyaga
qudhoodu aan jeeb waynayn.
Habayn-qadka, arradka iyo diifta dhaban ku taalka ah waxay noqotay
qayb noloshiia ka mid. Dhakkafaar iyo dhafar joogta ah oo ay keentay dhinaca
dhulka diiday, dhibaato awgeed, ayaa hareeyay noloshiisa. Hase yeeshee
walaahowgaas ma uusan noqon mid kala dhantaalo hiigsigiisi, hoosna uma dhigin
himmadiisi saraysay.
xanuunka xagaaga waxaa ilowsiiyay ujeedkiisi ahaa inuu maalin
noqdo sheekh caalim oo xambaaro cilimiga sheekha uu la joogay markaas. sidaas
ayuuna ku waday ilaa uu wada xambaaray culuumti carabiyada ee sheekhu aqrin
jiray sida naxwaha iyo sarfiga. Axmedna wuxuu ka mid noqday shaqsiyaadka faro
ku tiriska ah ee sheekhu ijaazada siiyay (u fasaxay in uu bare ka noqon karo
cilmigaas)
Sanadihii uu ku jiray barashada carabiyada, Axmed niyadiisa kama
bixin inuu helo aqoon kororsi kale. wuxuu jeclaa inuu barashada diinta ku daro
midda maadiga. Nasiib darro, deegaanka uu ku noolaa maahayn mid wax-barasho ka
jirto. waxay ahayd meel indhaha isku haysata si ba'anna ay u saameeyeen dagaaladii
sokeeye. ma lahayn iskoollo wax laga barto marki laga reebo mid hoose/dhexe oo
caruurta da’da yar lagu baro Soomaaliga. Axmed samir ayuu dugsaday halkiisi
ayuuna rabbi ku sugay ilaa laga soo gaaray 2001-di.
waxaan xasuustaa maalinti uu ii yimid horaanti 2001-di isagoo xog
doon ah. Waqtigaas waxaan qol yar ku dhigi jiray luuqada Ingiriiska oo aan
anigu naftayda aqoon badani u lahayn balse aan go’aansaday in afarta eray ee
aan aqaanay usii gudbiyo kuwa aan afartaba aqoon ee jecel inay wax bartaan maciin
kalana aanan haysan.
Axmed markii uu ii yimid, wuxuu i waydiiyay su'aal yaab leh taasoo
ahayd, Ma u malaynaysaa inaan baran karo luuqadda Ingiriiska? Su'aasha Axmed
waxaa ka muuqatay in ay barashada luuqadda Ingiriisku la ahayd mid aad u adag,
suura-galnimadda in la bartana ay tahay mid cariiri ah. Fakarka ceynkaas ah Axmed
kali kuma ahayn ee wuxuu ahaa mid si baahsan wadanka ooga jiray ilaa maantana
caqabad ku ah dad badan oo wax baran lahaa.
Duruufaha adag ee ku xeeran gayiga soomaaliyeed, waqtiga seegay
yaraanti iyo dhiiri galin la'aanta hayso dhalinta ayaa dad badan ku qasabtay in
ay aaminaan in aysan gaari karin hadafkooda inta ay ku nool yihiin deegaan
xaalkiisu sidaas yahay.
Waxaan ugu jawaabay: haa waad baran kartaa, waliba adiga oo kale
ayaa ugu fiican qof barta, waayo waxaad taqaan carabiga iyo naxwadiisa,
luuqaduhuna waa isa-shabahaan. waxaan intaas oogu daray in aan caawin doono
haddii uu diyaar yahay. Maalintaas ayuu Axmed soo diyaar garoobay, buug cad iyo
qalinna soo qaatay.
Hayyaankii dheeraa ee uu Axmed usoo galay wax barashada waxay
dhashay miro dhaxal gal ah oo u horseeday maqaam sare iyo magac taariikhda
galay. Wuxuu noqday aqoonyahayn dhinac walba ka dhisan, madax sare oo maamulo
tiro dad ah. Tusaale, Maanta wuxuu haystaa labo 'Degree' oo midna diini tahay
midna maadi tahay. wuxuu xafidsanyahay Qur'aanka kariimka ah. Wuxuu madax ka
yahay hay'ad uu isagu asaasay taaso ay u shaqayso in ka badan afartan qof isla
markaana gargaar u fidiso kumannaan dad
ah.
waxay in badan oo inaga mid ah bad iyo birriba u jeexaan inay mar
un Maraykan tagaan, wuxuu isagu tagay isagoo wato baasaaboor Soomaali ah oo
fiise looga saaray caasimadda Soomaaliya. Waxa lagu casuumay aqalka cad ee
maraykanka waxaana fursad loo siiyay in uu la kulmo madax badan oo Maraykan ah
iyo hay’ado ka badan boqol iyo konton. Dhammaan hadafyadi uu lahaa, haday ahaan
layad aqoon, maal, magac, ama dhoofid wuxuu xaqqiijiyay isagoon dhinac u
dhaafin Soomaaliya.
Sida ka muuqata fiidiyow kooban oo dhawaanahan lagu baahiyay
baraha bulshada, nin ka mid ah dadka ugu magac dheer dalka maraykanka oo la
yiraah Gen. Myres, ayaa ka sheegay shir lagu qabtay Washington oo ay kasoo qayb
galeen 1500 hoggaamiye in Axmed uu tusaale fiican u yahay aragtida fog ee
dhallinta hoggaamiyayasha da’da yare e Africa. Waxuu
yiri: ‘Axmed waxuu hadda ku hamminayaa in uu xaqiijiyo Soomaaliya oo xasilloon,
midaysan, xooggan, madax bannaan oo barwaaqa-sooran ah’’. Waxuu intaa ku daray ‘
Axmed, waan kaaga mahadcelinaynaa himmadaada iyo dadaalkaada’’. Hoos ka eeg lifaaq.
https://www.facebook.com/cnajiib.aar/videos/1128150720655494/
Maxaan ka baran karnaa?
Ka guul-gaarida ujeedooyinkaadu waxay rabaan dadaal, dulqaad iyo
adkaysi. sadex arimood ayaa sal u ah guusha uu gaaray Axmed:
Kow: in uu lahaa han sare. himmadaada oo saraysa waxay sababaysaa
inaad u adkaysato wax badan oo aan ku qaban, qaarkoodna ihaano iyo foolxumo
yihiin. Hadii aadan lahayn himma sare waxaad ku raali noqon soor maalin aad
cuntay iyo shaxaad nin kula mid ah ku siiyay.
Laba, dadaal: Dadaalku waa
saldhiga guusha. ma jiro qof xaqqiijin karo hal hadaf oo qur ah dadaal la'aan.
Dadaalka laga hadlayo maahan mid dhowr maalin aad oraday ama wax isku dayday ka
dibna aad ka caajistay ee waa inuu noqdaa mid joogta ah oo aysan joojin karin
bir iyo buur toona.
Sadex, waxaad heli karto horta meel saar. ma jirto meel aduunka ku taal
oo aysan waxba oolin, waxa aduun yaal ayaa kala badan ee Eebe meel uusan wax
dhigin ma jiraan. Axmed isma uusan oran waxbarasho meeshaan ma taal ee wuxuu ku
dadaalay inuu barto wixii yaraa ee ka ak dhawaa, iyadii ayaana u furtay waddooyin
cusub. Dadka Axmed oo kala ah waxay ahaayeen tiro aad u yar. inta badan
dhalintu waxay isku qanciyeen inuu waqtigu ka hiiliyay, waqti qaldan ay ku
dhasheen meel qaldan, noloshuna ay ka hiilisay. Sidaa darteedna aysan jirin
waxay qaban karaan, waxayna isu dhiibeen duruufaha ku xeeran.
Sideed sano ka dib, ayaan tagay Garbahaareey 2009-ki.. Waqtigaas,
Axmed wuxuu u shaqaynayay Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP waxuna qaadanayay
mushaar fiican. Waxaan la kulmay oo aan xog waraystay nin dhalinta magaalada ka
mid ah oo sidii aan ooga tagay magaalada ugu sii nagaa. Warran maxaa iiga kaa
danbeeyay ayaan waydiiyay?
Wuxuu ku jabaaway "maxaad iga waraysanaysaa wataa Axmed
Gaarufki cimaamada dhusuqa badan wadan jiray oo masaajidka gaajada kula dhici
jiray kun doolar igu dulqaadanayee! aduunka caynkaas ah ayaan ku
noolahay". Saaxiibkeey hadalkiisa waxaa ka muuqatay in uu eedaynayo
aduunka uu joogo iyo waqtiga ay kusoo aaday noloshiisa balse aysan u muuqan in
dadaal xumadiisu meesha dhigtay.
Waxaan ugu jawaabay: ‘Axmed sababta uu cimaamada dhusuqa badan u
watay carrada masaajidkana u fadhiyay ciyaar maahayn ee wuxuu isu diyaarinayay
inuu gaaro meesha uu maanta joogo, adiguna waagaasna waad joogtay howsha uu ku
jirayna waxaad u arkaysay mid lugooyo ah oo aan laga lib gaarayn. Wali fursad
ayaad haysataa ee masaajidka horay u gaar, ayaan ugu soo koobay’’.
waxaan ooga tagayaa qof walba oo farriintaan aqriyo "...
qayrkaa darajaduu helay, dayaxana ha gaartee, Rabbi kaama daahine, dadaal gaari
doontide".
Talo ku socoto Axmed Caafi
Axmed waxaan leeyahay noqo sidii Cumar Ibnu Cabdi-Caziiz. Wuxuu
yiri Cumar waxaan leeyahay naf jamasho badan waxay jamatana aan ka seexan ilaa
ay ka dhabayso. Waxaan jantay inaan guursado Faadumo Cabdi-Malik waana ku
guulaystay, ka dib waxaan jantay inaan guddomiye ka noqdo Madiina (magaaladi
nabiga SCW) waana ku guulaystay, ka dib waxaan jantay inaan noqdo khaliifka
Muslimiinta iyadiina waan ku guulaystay oo haddan hayaa, hadda waxay naftaydu
jeclaatay Janno jidki aan ku tagi lahaa ayaana ku dadaalayaa.
Axmadow Eebe waa kugu guuleeyay in badan oo ka mid ah waxaad
jamatay. waxaad xaqqijisay hadafyo badan hadana waxaad leedahy kuwo kasii
sarreeyo kuwii hore ee kan ugu sarreyo ha noqdo kuu ku khatimay Cumar. Jidka
aad u marayso Jannada ha noqdo u shaqaynta diinta, dalka iyo taakulaynta dan
yarta.
W/Q Ibrahim Aden Shire
ishire86@gmail.com
https://ibrahim-shire.blogspot.co.uk/
Comments
Post a Comment