Skip to main content

Maxay tahay sababta Ciidamada ajaanibtu u Laayaan shacabka soomaaliyeed

Bishan gudaheeda waxaa dhacday sadex dhacdo oo si arxan darro ah loogu xasuuqay dad rayid ah oo aan waxba galabsan. sadexdaan fal waxay ka kala dhaceen sadex gobal oo kala duwan waxayse wadaagaan in dhibku ay gaysteen ciidamo aan soomaali ahayn. 

Waxaa la is waydiin karaa ciidamada Soomaalidu kuwaan ma dhaamaan maxaase keenay inay kuwa aan soomaalida ahayni dadka iska laayaan. si aan u fahano in ciidamadeenu ka anshax wanagsan yihiin kuwa ajaanibta ah, kana fiican yihiin sida dadku u haysto waxaan jeclaystay inaan idinla wadaago dhacdooyin ay qayb ka ahaayeen ciidamo soomaaliyeed.


01/07/2013 ayaa ciidama isugu jiro Itoobiyaan iyo soomaali lagu weeray deeganka Quraan googoo ee duleedka tuulada  maykaareebey. Ciidanka dowlada Soomaaliya wuxuu u qeybsanaa labo ciidan: Dhibbow kasoo baxay tababar loosoo xirey iyo ciidan ka tagay Garbahaareey oo howlgal u aaday Daawo ( luuq Dolow iyo Beledxaawo).

 Dagaalku wuxuu kubilowday si gaadmo ah oo ciidanka dowlada ee uu hogaaminayay abaan-duulaha  guutada sagaalaad ee ciidanka xooga dalka Cisman Cabdi Qorax ayaa lagu qaaday. wuxuu ka dhex qarxay meel dad reer baadiye dagan yihiin waxaana lagu dilay talihii ciidan ka dhibbowga kasoo baxay, taliye Baashi, waxaa ladhaawacay, talihii howlagalka degdega ah ee guutada sagaalaad Ali Jiijiile, waxa lagubay laba gaari oo kuwa dagaalka ah dhimashada ciidanka Somaliya waxay gaartay 9 askari.

Dagaalka kadib waxaa la qab qabtay dad badan oo  xoola dhaqato ah. Waxaa looga shakiyay in ay aqbaar siiyeen ALshabaab ilaa 10 qof ayaa la qabtay. Markii la ogaaday in ay yihiin dad aan waxba la galabsan oo lafahoooda u sigtay meeshana horay daganaa ayaa la iska siidaayay iyadoo xagtin la gaarsiin.

Maalinti xigtay (02/07/2013) ayaa hadana dagaal labaad wuxuu ka qarxa tuulada Maykaareebeey, wuxuu ahaa mid gaadmo ah sidii kii hore oo kale, markaan si siman ayuu u heleelay ciidan Itoobiya iyo kan Somaaliya, waxaa la dilay 5 Ethiopian ah 2 askarta Somalida ah waliba Itoobiyaanka qoryohoodii waa laqaatay, waxaana lagu soo bandhigay degmada Buurdhuubo 4/7/2013.

Dagaalkaan labaad wax badan ayuu socday meeshii uu ka bilowday maahane, wuxuu gaarey meelo ka fog oo dad aan waddo u dhaweyn oo aan fileyn in uu soo gaarayo dagaalku ayaa la isla galay. ka dib, ciidanku waxay baareen guryaha dadka deegaanka ilaa sariiraha hoostooda, waxaana la qabqabtay qofkasto oo loo meesha ka dhawaa. waxaa labaaryayay habeenkii labaad ilaa 3/07/2013 ayaa la joogay.

 Makra laga tago argagaxa, cabsiada iyo qaqabashada, ma jirin hal qof oo wax la yeelay. Markii la xaqiijiyay  in ay shacab yihiin waa la sii daayay. Dadka qaar markiiba waa la aqoonsaday, qaarna waqti badan bay qadatay in la xaqiijiyo inay rayid yihiin iyo in kale.

Dadka lama jirdilin ee waa la wereysanayay, ugu danbeyna waxaa la raadinayay qof asaga yaqaano islamarkaana ciidanku garanayaan oo xaqiijiyo in uusan aheyn nimankii laraadinayay.

Inkastoo ciidamada dowladda dad badan laga dilay oo ay ku jireen saraakiil sare hadana kama aysan aargoosaan dadka rayidka ah ee ay qabteen, sababtoo ah way u damqanayeen waxayna ogaayeen inaysan jirin wax u ogalaan karo laynta dadkaan aan Shabaab ku shuqul lahayn.

Arrimaha aan kor kusoo xusay waxay tilmaamayaan inuu jiro ciidan Soomaaliyeed oo damiir leh, ka naxo dadkiisa dalkiisana u adeego.waxaa cad in dalkaan ay difaaci karaan kaliya ciidan dhiigiisa u bixin karo dadkiisana badbaadsan karo.

Maxay AMISOM iyo Maraykanka sidaan u diiday?

Labo arimood ayaa ugu muhiimsan sababta ay ciidamada ajaanibtu dadka u laynayaan. kow, waa cabsi iyo argagax ay qabaan. waxay baqayaan dhulka oo dhan geedaha ayaa shabaab ula muuqdo sidaa darteed shimbirti buubtaba yaysan kaala hormarin ayay xabad ugu ridaan. arintaas ayaa horseedo inay le'daan dad rayid ah oo beerahooda iska falanayo


Labo, waxay ogyihiin inaysan jirin cid wax ka waydiinayso tacadiyada ay gaysanayaan sidaa darteed uma aaba yeelayaan falalkooda. Dabcan haddi aysan jirin cid ay ooga cabsadaan iyo hilib u danqanayo toona waa inay u dhaqmaan siday doonaan.

Maxaa la Gudboon dowladda?

Dowladdu waxay madax u tahay shacabkeeda. waajibka koowaad oo saarana waa ilaalinta bad-qabidda dadkeeda sidaa owgeed waa inay xil iska saartaa ilaalinta nafta dadka rayidka ah iyo sharafkooda. waa inay hubisaa in ciidamo soomaaliyeed hogaanka howl-gallada qabtaan. Sidoo kale waa inaan la fulin howlgal aan la sii ogaysiin maamulka deegaanka weerarka lagu yahay.

ugu danbayn dowladdu waa inaysan dayicin dhiiga dadka soomaaliyeed ee dhamaaday. waa  inay magdhow iyo raali galinba ka bixisaa dhibaatooyinka soo gaarayo dadka rayidka.

Eebe ayaa waafajinta leh

Ibrahim Aden Shire
ishire86@gmail.com
https://ibrahim-shire.blogspot.co.uk/


Comments

Popular posts from this blog

Taariikh Nololeedkii Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf

  28/12/2023 waxaa geeriyooday sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf oo ka mid ahaa culimada Soomaaliyeed marna ahaa hoggaamiyihii Imaaradii Gedo. Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf Aw Axmed Ismaciil Mubaarak sheekh Cabdiraxmaan sheekh Samantar,  waxaa uu ku dhashay qiyaastii 1938-kii, meel lagu magacaabo Buuro oo galbeedka uga beegan magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud. Sheekha waxaa uu ahaa Marreexaan, Cali Maxammed (Cali-dheere), reer Sheekh reer Mubaarak.  Sheekh Maxammed waxaa uu ku barbaaray guri aqoon iyo Diin. Sida aad ka arki kartaba abtirkiisa aabbihii iyo awooyaashii waxaa ay ahaayeen culimo. Sheekha Maxammed Allaha u naxariisto e (AUN),  waxaa uu Qur’aanka kariim ka ah dhammeeyay isaga oo aad u da’ yar. Intaa ka dib waxaa uu u jeestay barashada caqiidada, fiqhiga iyo Shaaficiga isaga oo kutubtaas ka qaatay aabbihii. Sidii uu dhaqanku ahaa, sheekh Maxammed  waxaa uu xiraystay sannadka markii uu ahaa 1956-kii ilaa 1961-kii  goortaas oo uu cilmi u raadsaday magaalooyinka Beledwayne,

Hal ku dhigga halaagga noo horseeday: "Xoolaha dad weynaha ayaa ganacsi loo baddalay"

Ilaa shalay waxaa baraha bulshada lagu faafinayay in isbitaalki Jaalle Siyaad ee dagmada Garbahaareey loo rogay meel ganacsi. Saaka warki asaga ahaa waxaa qoray qaar ka mid ah mareegyada warfaafinta ee Soomaalida. Dadka qoray warkaan qaar waxay isticmaaleen erayo adag sida 'dhiig miirato', 'furasho' iyo 'boob'.  Inkastoo aan la xariiray qaar ka mid ah dadka qoray farriimahaan aana isku dayay inaan si hoose xal ugu helo warkaan aan salka lahayn, haddana waxaa ii muuqato inuu dhawaqu meel fog gaaray hoos u hadlidna aysan ku filnayn. Sidaa darteed waxaan go'aansaday in si muuqato wax ooga dhaho warkaan oo aan ahayn kii ugu horreeyay ee noociisa ah.  Muxuu yahay Isbitaalka Jaalle siyaad? Jaalle Siyaad waa isbitaal weyn oo ku yaal Garbahaareey. Waxaa dhismihiisa bilowday dowladdii dhexe isagoo qaybo ah ayayna dhacday. dhowr iyo labaatan sano ayuu qabyadaas ahaa oo arigu u xaroon jiray. Waqti aan fogayn ayay gabdho qurbajoog ah isu xilqaameen inay

Maxaa ka run ah warbixinnada foosha xun ee laga qoro Soomaalida Qurbaha?

Warbixin ka ay daabacday Boomerg oo looga hadlay waxtarka muhaajiriinta Maraykan  tago ayaa lagu sheegay in Kiinyaanku yihiin dadka saddexaad ee ugu shaqada iyo waxtarka badan soogalootiga Maraykanka. Gaana oo Afrika ah ayaa qaadatay kaalinta koowaad waxaan labo noqday Bulgeeriya oo Yurub ah. Waxaa sidoo kale toban hore soo galay dalalka Itoobiya oo afar gashay, Masar oo shan gashay, Nayjeeriya oo siddeed gashay iyo Laybeeriya oo sagaal gashay. Toban qowmiyadood ee ugu shaqada badan muhaajiriinta ku nool Maraykanka lix ayaa kasoo jeedda Afrika. Waxaan tobanka hore soo galin Soomaalida. Sidoo kale soomaalidu safka hore oogama jirto muhaajiriinta ugu aqoonta badan. Afrika Masar iyo Natjeeriya ayaa kaga jiro tobanka hore xagga aqoonta. Marka walba oo lasoo hadal qaado Soomaali waxaa lagu xariiriyaa, faqri, burcadnimo, aqoon la'aan, argagixisonimo iyo shaqo la'aan baahsan. Warbixin laga soo saaray waddamada Galbeed oo sawir quruxsan ka bixiso Soomaalida in la helo ma dhacd

Contact Form

Name

Email *

Message *