Amuuraha ugu waaweyn ee diinteennu la
timid waa horumarinta nolosha aadanaha iyo sare u qaadidda wada noolaanshaha
bulshada. Eebe wuxuu Suuratul Al_ancaam aayadda 108aad ku reebay in la caayo ilaahyada
gaalada sababta loo reebayna waa in ay ka falceliyaan oo ay iyaguna Eebe
caayaan.
Sidoo kale wuxuu suuratul Xujuraad
aayadda 11aad ku reebay in la isugu yeero naanaysyo la dhibsanayo. Suubanaha
SCW ayaa isaguna ficil ahaan iyo hadalba ku sheegay inaan ilaalinno quluubta
walaalaheen oo aannan ku dhihin hadal ay dhibsadaan. Axaadiis badan ayaa
tilmaamayso in kalmadda wanaagsan ay sadaqo tahay.
Sababta sidaan loogu caddeeyay looguna
adkeeyay inaan la is dhihin hadallo la isku dhibsado ayaa ah in la helo wada
noolaansho daggan oo aan colaad iyo naceyb xambaarsanayn. Waxaa la wada ogyahay
inuusan jirin qof ka aamusayo hadal qalloocan oo lagu yiri. Ka falcelinta hadallada
xunna waxay u gudbi gacan-qaad iyo colaad uurka la isugu qaado.
Shucuubta ku nool adduunyada Galbeed
waxaa aad loo baraa sida loo wada hadlo. Waxaa ilmaha lagu tarbiyeeyaa
doorashada erayada ku habboon dadka uu la macaamilayo iyo inuusan hadal xun ku
dhihin qof maqlayo. Marar badan arrintaan waan ku durnaa waxaana ku eedaynaa
munaafaqad iyo labo wajiilayn.
Goobaha waxbarashada mid sare iyo
hoosaba waxaa had iyo jeer ardayda la xasuusiyaa ilaalinta qalbiyada jaalkooda.
Waxaan xasuustaa asbuucii iigu horraysay ee aan waxbarasho ka billaabay
wadankaan in madaxa kolejka uu ku wareegay fasal walba.
Qiyaasti kolejkaas waxaa dhiganayay
sagaal kun oo arday. Fasal walba mar ayuu galay wuxuu xasuusiyay in dhammaan
ardayda meeshaan timid yihiin dad aan ceeb lahayn. Erayada aan ka xasuusto hadalkiisi
waxaa ka mid ahaa “qofka caadiga waxaa lagu tilmaamaa inuu yahay midka yaqaan
meesha uu baska ka raaco iyo jidka uu gurigiisa u maro”. Taasu waxay ka
dhigatan tahay qof ceeb leh kolejkaan ma imaan.
Hasa ahaatee, soomaalidu waxaad mooddaa
inay khilaafeen jidka toosnaa ee islaamka iyo caqliga fayowba keenayaan. Erayada
ammaanta noo ah waxaa ka mid ah: hadalka lama gabbado, dadka gadaashooda kama
hadlo, waxaan qabo ma qarsado, iyo kuwo la mid ah.
Marka aan nimaadno waddamada Galbeed
waxaa nagu jiro dhiiraraan iyo turid la’aan aan laga fakerin saamaynta ay ku
yeelan karto qofka lala hadlayo iyo dhibka ay abuuri karto. Marar dib u jalleeco sidaan u hadli jiray ayaamahan qurbaha ku cusbaa qalbigaa i xanuuno.
Marki aan Yurub imid, anigoo joogo
muddo ka yar bil ayaan waxaan marti ku noqday xaafad uu dagganaa nin aan
qaraabo nahay. Ninka guriga leh shaqo ayuu aadaa sagaalka subaxnimo shantana
ayuuna soo laabtaa. Anigu habaynki ayaan fiidsadaa sidaa darted subixii horay
uma kaco.
Markaan barqadi soo kaco waxaan
fadhiga ugu imaadaa wiil dhalin yaro ah oo tiifiiga daawanayo. Wiilku isha kama
qaado waxa uu daawanayo, aad ayuu ula socdaa borogaraamka ugu jiro, mararka qaar wuu
la qoslayaa, ilama hadlo, haddaan wax waydiiyana jawab kooban ayuu i siiyaa.
Waxa isoo baxday inuusan fiyoobayn. Anigoon
wax cabsi ah qabin ayaan ku iri Caliyow (magaciisa runta ah maahan) wax miyaa
kaa qaldan? Si fudud ayuu igu yriri “haa”. Kama harine waxaan ku iri “oo maxaa
kaa qaldan? Wuxuu iigu jawaabay “waan durnahay” daawashadiisi ayuuna iska sii
watay, anna waan ka aamusay.
Caqligu wuxuu keenayaa in haddii aan
fahmay inuusan ninkaan maskixiyan fiyoobayn aan iska ilaaliyo hadalkana ooga
turo. Haddii aan u baahday inaan wax ka ogaado waxay ahayd inaan waydiiyo ninka
guriga leh oo xaaladda wiil aad u og siduu gadaal iiga sheegi doonaba. Laakiin dhaqanki
aan kusoo koray ee ku dhisnaa waxaad qabto sheeg ayaa igu xambaaray inaan
wiilka ku iraahdo hadallo naftayda khatar galin karay, isagana dhawaac
maskaxeed u gaysan karay.
Turid la’aanta hadalka ee aan caruurteenna ku barbaarinno
waxaa i xasuusiyay dhacdo 2 bil ka hora an la kulmay. Gabar shan jir ah ayaa
iskool ii aaddo. Labis caadi ah ayaan u xiraa madaxana wuu bannaanaan jiray (hadda
khimaar ayay saarataa). Ku tala gal ayaan u sameeyay inaan madaxa u banneeyo.
Iskoolki waxaa la keenay wiil soomaali
ah oo 8 jir ah oo hadda waddanka yimid. Aniga oo gabadhi soo waday iyo isagii
oo hooyadii waddo ayaa albaabka laga soo baxayo ku kulannay. Markaan Afsoomali
kula hadlay ayuu lasoo booday “oo middaanna ma muslimbaa?” ani iyo gabadhaydi
waan ku qosolnay laakiin hooyadii oo is ceebsatay ayaa tiri waxbo muu yaqaan
hadduu waddanka yimid.
Wiilku gabadha timaha bannaan markuu
arkay wuxuu ku darsaday liiska gaalada illeen caradi uu ka yimid ayaa sidaa
ahayde kumana ceebaysno aamintaanka arrintaas, laakiin haddii la bari lahaa in
aan dadka lagu dhihin hadal ay dhibsan karaan sidaas uma hadleen.
Dhowr asbuuc ka dib, hooyadii wiilka
lahayd waxbo muu yaqaan ayaa ku kacday mid ka daran tuu wiilku galay. Iyadoo caruurta
waddo ayay la kulantay hooyo soomaaliyeed oo aan daris nahay oo canug sadex jir
ah iskoolka u waddo. Qoftii cusbayd waxay ula muuqatay inay hooyadaan aysan
dhali Karin canuga sidaan u yar. Cabsi la’aan ayay ku tiri “wiilkaan ma ayeey
baad u tahay” hooyadii oo anfariirsan ayaa ugu jawaabtay “anaa isla haray”.
Qofka kasta wuu dareemi karaa inta
erayadaas kasii dhawaaqi doonaan dhaqaha hooyadaas. Qiimayn iyo miisaamid iyo
hadalkaadu muxuu dhimi karaa toonaa ma leh. Qofkaan waa adoo kale’e waxaad
dhibsan lahayd ha ku dhihin ma leh.
Waa lagama maarmaan inan xoogga saarno
wanaajinta hadalka iyo xulashada erayada aan isticmaalno. Waxa aan u maqalno
waayeel af adag iyo qof wanaag u socdo oo isticmaalayo erayo gaf ah, waa barid la’anta
hadalka iyo dhaqanka ku dhisan ‘is giiji’.
Ibrahim Aden Shire
Comments
Post a Comment