Skip to main content

Faaiidooyin ayaa ku Jiro Jaamacadaha Tirada Badan


Waxaa si xowli ah waqti kooban gudahiis waddanka u maansheeyay jaamacado. Toban sano gudahood waxaa lagu furay in ka badan boqol jaamacadood oo waddanka ku baahsan. Tartanka ku saabsan in jaamacad la furto ayaa gaaray heer hal dagmo oo Xamar ku taal laga furay 27 jaamacadood.

Jaamacadahaan waa kuwo si gaar ah loo leeyahay qarashka ku baxana ardayda laga qaado, waa ganacsi faaiido laga rabo sidaa darteed muhiimaddu maahan yaa dhigan karo ee waa yaa iska bixin karo. Taasi waxay keentay walaac badan iyo cabsi laga qabo soo bixidda kumannaan arday oo shahaadooyin bilaa aqoon ah wato. Waxaa lagu heesay, tayo ayaa la rabaaye tiro lama rabo. Waxaa la gaarsiiyay in ardayda dalkeenna wax ku baratay loo arko inaysan waxbo soo dhigan. Khasaaro mooyee lama saadaalin wax faaiido ah oo ka imaan karo tirada badan ee jaamacadaha. Laakiin aniga waxaa ii muuqato in faaiidooyinka laga helayo tirada badan ay badan yihiin khasaaraha laga baqayo.

Sida aan hadda wada ognahay jaamacadaha, isbitaalada iyo dhammaan adeegyada muhiim ah waxaa la isugu geeyay Xamar oo ah caasimadda ugu dadka badan dalka. Maanta qofkii rabo inuu furto isbitaal ama jaamacad wuxuu la aadi Xamar, qofkii rabo inuu meel ka shaqeeyo wuxuu ka raadin Xamar. Taasi waxay keentay in gobollada dalka laga waayo cid aqoon leh oo ka shaqayso.

Dhibkaan maahan mid nagu gaar balse waxaa nala qabo waddamo badan gaar ahaan kuwa ku yaal qaaradda Afrika. Shaqooyinka ka bannaan waaxda caafimaadka ee dagmada Mandera 94% waa bannaan yihiin oo cid soo dalbato waa la waayay. Waxa la mid ah goballada Turkana oo 88% ay bannaan yihiin iyo Wajeer oo 87% ay bannaan yihiin. Sababta keentay in la waayo dad buuxiyo boosaskaan shaqada ayaa ah in dadka xirfaddaas leh ay yaryihiin, tiradaas yarna ay shaqooyin ka helayaan magaalooyinka waaweyn sida Nayroobi iyo Mombasa.

Taasi waxay keentay in farqi weyn u dheexeyo adeegyada caafimaad ay helayaan bulsho ku wada nool hal dal. Tusaale, gobalka Kirinyaga oo Nayroobi u jiro 120KM kaliya, 80% caruurta ku dhalato waxay ku dhashaan goob caafimaad, halka 5% kaliya caruurta ku dhalato Wajeer ay ku dhashaan goob caafimaad. Kala fogaanshahaas  saamayn ballaaran ayuu ku yeelanayaa nolasha dadka waxayna horseeday in hal dal dhinacna, dadku 100 sano ku dhinto dhinacna uusan 50 gaarin. Saboolnimada iyo aqoon la’aanta iyadana haba sheegin. Aakhirna waxay horseedi kacdoonno iyo xasilooni darro. Dalkeennu waa sidaas si kasii xun laakiin xog sugan lagama hayo oo cidna baaritaan kuma samayn la isku hallayn karo.

Jaamacadaha badan waxay awdi dhibkaas na haysto. Tusaale, haddii sanad walba soo baxdo 3000 oo arday oo caafimaad soo baratay waxaa xaqiiq ah inaysan shaqooyin ka wada heli karin Xamar iyo caasimadaha waaweyn. Sanadaha hore, kuwa shaqo caadi ah waayo waxay furan meelo ay gaar u leeyihiin taaso keeni doonto inay tirada ka bataan goobaha caafimaadka ka dibna suuqa isku fallisaan ugu danbayna waxay horseedi in shacabku helo adeeg raqiis ah iyo tayo wanaagsan oo ka dhalatay tartarka goobaha caafimaadka.

Marki ay soo xirmaan magaalooyinka waaweyn waxay ku qasbanaan dhaqaatiirta tirada badan ee camal la’aanta ah inay tagaan tuulooyinka iyo dagmooyinka caasimadda ka fog. Arintaas waxaa horay u tijaabiyay dalka Shiinaha. Shiinaha waa dal aad u weyn una dad badan, inta badan dadkiisuna wuxuu ku noolaa tuulooyin iyo miyaga maadaama ay beeraleey u badnaayeen. Shiinaha ma uusan soo saarayn dhaqaatiir ku filan dadka, sidaa awgeed waxaa la waayay cid u shaqo tagto meelaha fogfog iyo tuulooyinka.

1930, waxaa la billaabay in dad la siiyo tababar caafimaad oo aasaasi ah ka dibna la geeyo meelaha fogfog si ay u daboolaan baahiyaha caafimaad ee ay dadkaas qabaan. Dhaqaatiirtaas ayaa loo baxshay “dhaqaatirta caga-cad” (barefoot doctors). Hase yeeshee dadaalkaas wax badan kama badalin dhibki jiray. 1965, waxaa khudbo adag jeediyay madexweynihii markaas talada hayay ahaana aabihii Shiinaha Moa.

Wuxuu si adag u cambeereeyay dulmkiga reer magaalku ku hayo reer miyiga iyo sida arxan darrada ah ee la isaga indho tirayo baahiyaha caafimaadka ee ay qabaan reer miyigu. khudbadaas ka dib, waxaa la balaariyay mashruucii dhaqaatiirta caga-cad, waxaana lagu daray adeegoodi midka ay bixiso wasaaradda caafimaadka. Waxaa la kordhiyay tababarki la siinayay iyo tiradoodi ilaa meeshi dhowr qoys ay daganeydba laga helay qof leh xirfad caafimaad haba yaraatee.

Sidaas ayaa lagu waday ilaa 1981-di oo Shiinuha ay suura gashay inuu yeesho dhaqaale ku filan daboolidda baahiyaha caafimaadka dadkiisa. Dabcan ilaa maanta dhib weyn waa ka jiraa laakiin waxaan tilmaamaynaa sida tallaabooyinki waqtigaas la qaaday ay u badbaadisay kumannaan u dhiman lahaa adeeg la’aan. Haddii aanan la heleen tiro sidaas u badan oo tababar caafimaad qabto waligeed adeeggu ma dhaafeen Bakiin iyo Shangahaay.

Hayadda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa casharkaas wax ka baratay ka dibna ku dabaqday meelo badan oo aan innagu ka mid nahay. Waa laga yaabaa inaad xasuusato buug afsoomaali ku qornaa oo shagaashamaadki dalkeenna aad loo keenay kuwaas oo loo baxshay “Halkaan Dhaqtar Joogin” (where is no doctor). Buugtaas iyo tababarradi la socday ee ay bixin jirtay WHO waxay ku fadhiyaan cashar laga bartay dhaqaatiirta caga-cad ee shiinaha. Baahidi uu markaas Shiinihu qabay miyaannan innagu hadda qabin?

Faaiido kale ayaa in ugu danbayn ay soo hari doonaan jaamacado tayo sare leh. Jaamacadaha naftoodu waxay dhawaan gali doonaan ku tartamidda xagga tayada ah mid walba waxay ku dadaali inay noqoto midda tayadeeda lagu soo raaco, marka ugu danbaysana waxaa soo hari tiro yar oo ku filan dalka tayo wanaagsanna leh, walibana ay u dheertahay inay ku yaallaan gobollo kala duwan oo looga baahan yahay.

Badashada kadiska ah ee jaamacaduhu maahan mid nogu kooban ee waa dufaan mararka kacdo dalal badanna ku dhufato. Tusaale, dalka Ingiriiska oo ka mid ah dalal ugu dadka badan qaaradda Yurub, uguna da’da weyn adduunka xadaarad ahaan, wuxuu lahaa 22 jaamacadood wixii ka horeeyay lixdanki waa middi u horraysay la aasaasay 1167-di. Intii u dhaxaysay lixdanki iyo todobaatanki ayaa la furay 23 jaamacadood taaso tirada ka dhigtay 45. Nasiino ayaa la galay ilaa laga soo gaaray 1992. Laakiin kororka jaamacadaha Ingriiska ayaa xargaha gooystay marki lasoo gaaray sanadi 2000, inti u dhaxaysay 2000 ilaa sanadki hadda naga dhamaaday waxaa la furay ku dhawaad boqol jaamacadood.

Korarka jamaacadaha waa sabab u ah kororka baahida loo qabo dadka xirfadaha sare leh oo aad u kobocday. Waxaa jirtay xilli dadku shaqayn jireen iyagoon waligood iskool dhigan. Waxaa loo gudbay in qofki shahaado dugsi sare haysto uu noqdo aqoonyahannada dalka ugu sarrayso shaqooyin muhiim ahna uu helo. Laakiin maanta digrii xataa waxlbo kuma filno. Kumannaan jaamacado kasoo baxay ayaa waddan walbo shaqo la’aan ku ah.

Si looga soo dhalaalo tartarnka adag ee loogu jiro suuqa shaqada waalid walba wuxuu warasadiisa la rabaa aqoon sare, taas ayaana keentay dalabka jaamacadaha ee kordhay intaasna kuma hari doonee wuu sii labalaami mustaqbalka dhow. Tusaale, 1960-aadki ardayda ka baxdo dugsiyada sare ee Ingiriiska waxaa jaamacad aadi jiray 5% kaliya maanta waxaa aaddo 43%. Taasi waxay ku tusaysaa in wali inta badan dadku aysan aadin jaamacad laakiin fanaxdu way soo yaraanaysaa maadaama baahidu sii kordhayso.

Isku soo wada duuduuboo, badashada dugsiyada iyo jaamacaduhu waxaan faaiido ahayn keeni mahayaan. Ma lihi sida ay yihiin ha lagu faraxsanaado laakiin waxaa qabaa inay tayadu hagaagi doonto waqtiba ha qaadatee. Ugu danbayna aqoon kororto oo dacallada dalka gaarto iyo adeeg baaho oo dadka wada baahi tiro ayay noo horseedi ilahay idamkii.
Ibrahim Aden Shire

Popular posts from this blog

Toban Sano oo Xasillooni Nololeed ah: Toban Guuradii Guurkayga

Maanta oo kale Toban sano ka hor (23/02/2008) ayuu Sheekh Xasan Axmed Nuur qabbiltu yiri Laylo Aadan Maxamed isagoo aniga iga wakiil ah. Guntinta xirantay maalinkaas, waxay ahayd natiijo ka dhalatay sideed sano oo shukaansi iyo haasaawe jeceyl ah. Lix sano oo ka mid ah siddeeddaas sano,  waxaan ku kala noolayn dhul aad u kala durugsan,farriimaha jeceylkana haadka samada duuliyo haatufkaa siday. 
Maalintaas waxaa furmay bog cusub waxaana bilowday geedigii lagu ogaan lahaa dhadhanki mirihii siddeedda sano la kobcinayay. waxaa la guda galay markaan kala ogaan lahayn inaan sun iyo wabaanyo huursanaynay iyo inaan sabuul gallay iyo saan wacan waraabsanaynay.

Sacdiyo Xawaash ayaan ka guntay hadalkaan soo socdo, mar ay ka warraymaysay saygeeda fiicnaantiisa "guurku waa god madow oo aad gacanta u dirto. In abeeso ka qaniintana waa suura gal in dahab kaa soo raacana waa suura gal. anigu dahab ayaa iga soo raacay" ayay tiri.

Sida Sacdiya oo kale, ayaa aniguna godkii aan gacanta u dira…

Maktabadda garbahaarrey (Garbahaarrey library- مكتبة جربهاري)

Maktabbaddu waa maskaxda kaydiyaha qarsoon sida qofka uleeyahay maskax wax ku kaydsada ayaa makatabadduna ummad waliba ku kaydsataa aqoonteeda, afkaarteeda iyo dhammaan macluumaadka bulshada wax tarka u leh,waxaase u dheer in ay tahay muraayadda koobaad ee laga fiirsho bulshada, gaar haan markii larabo in la cabiro heerka aqooneed ee waddan-ka ama magaalada waxaa isha laga buuxsadaaa nidaaam-ka waxbarasheed iyo in ay leedahay goobo wax lagu akhrista sida Makatabadaha iyo matxafyada waa-weyn ee lagu kaydiya raad-raaca iyo dhaqanka dal-ka.
Tusaale ahaan sanadihii1960-1970 yadii waxaa tijaabo lagu sameeyay in laga yagleelo maktabado  dal-ka Ciraaq si loo qaado heerka waxbarasho iyo wax akhris ee dal-ka, natiijadi soo baxaday ayaa ahayd mid aad loogu riyaaqaay, iyadoo ay soo baxeen jiil wax badan fahmasan, oo kaalin weyn ka qaatay isbedlka aqooneed ee dal-ka. Dhanka kale dawaladah reer galbeedka ayaa aad oogu dadaalo in ay u sameeyaan goob waliba oo dad isugu yimaado goob yar oo wax lagu ak…

Qof Wax ma Baddalo ee Qalin iyo Qoraal ayaa wax Baddalo

Aadanuhu waa is baddal u joog. Wuxuu tartan kula jiraa isbadalka Rabbaniga ah ee ku dhacayo bii’ada uu ku noolyahay. Qowmiyaddi la socon waydo xawaaraha isbaddalku ku socdo waxaa ku dhaco dib u dhac ka reebo dunida kale.
Guud ahaan caalamka islaamka waxaa ku yimid dib u dhac xagga horumarka iyo hoggaanka dunida ah. Dalalka saboolka ah ee dalkeennu ka mid yahay ayaa ugu sii daran. Waxay u ilmaynayaa isbaddal siyaasadeed, mid bulsho, mid dhaqaale, mid aqooneed iyo mid hoggaan. Qof walba oo aad waydiiso waxa naga dhimman wuxuu si fudud kuu dhihi isbaddal ayaa loo baahan yahay.
Hasa ahaatee wax mushkilad noqotay in la fahmo cidda laga sugayo inay isbaddalka keenaan. Dadka intiisa badan waxay eegayaan madaxda iyo siyaasiyiinta oo ay ka sugayaan isbaddal dhinac walba ah. Laakiin qof wax ma baddali karaa iyada oo aysan bulshadu is baddalin? Bulshaduse yaa baddali karo yaase saamayn wax baddali karto yeelan karo?
Dabcan duunyo iyo dugaag isbaddal horumarineed laga sugi mahayo ee dad iyo sha…

Contact Form

Name

Email *

Message *