Skip to main content

Aabbo qaado Masuuliayadda Caruurtaada


Waxaa aad u badanayo caruuraha ay korinayaan hooyo kaliya. Dhammaan dacallada dunida waxaa sameeyay masuuliyadda sii yaraanayso ee aabaha. Dalalka Afrikaan ah ayaa ugu daran. Koonfur Afrika, in ku 40% caruurta waxaa korsado hooyo kaliya. Musambiik, wax yar unbay dhaantaa oo 36% ayaa hooyo kaliya ka hoos ooyayo. Kenya iyo Laybeeriya ayaa iyaguna 30% iyo 31% kala haysto sida ay u kala horreeyaan.

Dunida sheegato inay hormartay qudheedo ilmaha hooyo kaliya ay koriso aad ayay ugu soo bateen. Maraykan, matalan, waxaa sadex laabmay boqollayda caruurta hooyo kaliya la nool. 1960ki waxay ahaayeen 8%, 2016kina waxay gaareen 23%. 

Guud ahaan addunyada waxaa la sheegay inay ku nool yihiin 2.3 bilyan oo canug. 14% (320 milyan) caruurtaan ayaa  hal waalid kaliya la nool. 

Aabayaasha dhalay caruurtaan ma dhiman mana dheero ee intooda badan waxay kula nool yihiin waddanka ay dagan yihiin ama hal magaalo. Arrimo dhowr ah ayaa huriyay dhibkaan. Inta badan waddamada Afrikaanka aabuhu camal la'aan ayaa hayso. Si ay ooga indha qarsadaan oohinta caruurta ayay aadaan meelo kale iyagoo leh shaqo iyo nolol ayaan doonanaynaa. Intooda badan masoo noqdaan. Qaar waaba iska guursadaan oo kuwa kale ayuu dhalaa. Qaar waayo danbe ayay soo sheegtaan. 

Kuwa badan, gabdho badan ayay ka ilmo dhalaan mid ayuuna la dagaa isagoo xariirka u jaro inta kale. kuwa noocaan ah waa kuwa dalkeenna ku badan. Waxaad arki aabbo afar ama shan gabdhood ilmo u hayaan oo aan waligiis maxaad sheegteen dhihin. Haddii uu dadaalo, marmar ayuu wax u tuuraa.

Caruurtu uma baahno beeso iyo cunno kaliya ee waxay u baahan yihiin la joogitaanka aabahood iyo wehelkiisa. Waxay u baahan yihiin sheekadiisa iyo la hadalkiisa, meelo geyntiisa iyo cayaarsiintiisa. Ugu yaraan waxan u baahan yihiin inay ogyihiin meesha uu jiro iyo waxa uu ku maqan yahay.

Maqnaanshaha aabbaha ayaa saamayn weyn ku leh dabeecadda ay ilmuhu yeeshaan markay waynaadaan. Cilmi-baarisyo waqtiyo kala duwan la sameeyay waddamo kala duwanna lagu sameeyay ayaa lagu ogaaday, in wiilasha koro aabbo la'aanta ay noqdaan kuwa dagaal badan, fowdo jecel ayna ku adag tahay la noolaanshaha bulshada.

Dabcan middaan maahan mid naga qarsoon, laakiin nasiib darro sifada noocaas ayaa ahayd middii aan ka rabnay wiilasheenna. Duruufaha adkaa ee dadkeenna hayn jiray, ayaa na baray in dagaalka iyo naxariis la'aantu ay noqdaan sifaadka ugu wacan ee wilasha laga doonayo.

Waxaa sidoo kale, cilmi-baaristu isku raacday in ilmaha hooyo kaliya ay koriso ay ka waxbarasho hooseeyaan kuwa labada waalid ay koriyaan. Waxbarashada ay ka haraan ayaa u horseeddo ku noolaanshaha saboolnimo iyo faqri aan harin. Sidoo kale, ilmaha ay hooyo kaliya koriso waxay u badan tahay inay u dhaqmaan sidii aabahood. Wiilka aan waligiis aabihii wax u tarin, markuu reer yeesho isna sidii aabihii ayuu noqon. Laakiin midkii aabbo la joogo uu koriyay, reerkiisu wuxuu noqon midkii uu kusoo koray oo kale.

Haddii aad u yara fiirsato dadkii aad taqaannay iyo kuw hadda kugu xeeran waxaan ka arkaysaa dhammaan waxa ay tilmaamayaan cilmi-baarisyadaan. Bal u fiirso caruurta hooyo kaliya ay la xarbinayso biilkooda iyo waxbariddooda iyo kan aabbo iyo hooyaba ay gacanta ku hayaan. Waxaa markiiba kusoo baxayo kala duwanaanshaha u dhexeeyo iyo sida uu kala noqon doonno mustaqbalkooda.

Waxaa laga yaaba inaad is tiraahdo waxaa kuwo badan oo hooyo kaliya koriso oo ka fiican kuwo labo waalid koriyeen. Haa dabcan waa jiraan. Laakiin waxa laga qiyaas qaadanayo maahan qof iyo labo ilaahay karti kale siiyay ee waxaa la eegayaa sida badan, had iyo goorna dhacdo.

Aabayasshu ilaahay ooga baqaan caruurrtooda. Inta tabartooda ah ha ka qayb qaateen korinta caruurtooda. Haddii aysan wax heli karin, hadalka macaan, xariirinta, madax salaaxa iyo wareejinta yaysan ka baqaylin. Addunki kii hore maahan. Caruurta waxaan ka rabno way ka duwan tahay waxaan ka rabnay 20 sano ka hor. Nolasha aan rabno iyo qaabka aan rabno inaan u noolaano labaduba way ka duwan tahaty middii aan rabnay.

 Haddii hab nololeedki iyo noloshiiba ay is badaleen waalidkuna waa inuu is baddalaa

Ibrahim Aden Shire
ishire86@gmail.com
https://ibrahim-shire.blogspot.co.uk/

Comments

Popular posts from this blog

Taariikh Nololeedkii Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf

  28/12/2023 waxaa geeriyooday sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf oo ka mid ahaa culimada Soomaaliyeed marna ahaa hoggaamiyihii Imaaradii Gedo. Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf Aw Axmed Ismaciil Mubaarak sheekh Cabdiraxmaan sheekh Samantar,  waxaa uu ku dhashay qiyaastii 1938-kii, meel lagu magacaabo Buuro oo galbeedka uga beegan magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud. Sheekha waxaa uu ahaa Marreexaan, Cali Maxammed (Cali-dheere), reer Sheekh reer Mubaarak.  Sheekh Maxammed waxaa uu ku barbaaray guri aqoon iyo Diin. Sida aad ka arki kartaba abtirkiisa aabbihii iyo awooyaashii waxaa ay ahaayeen culimo. Sheekha Maxammed Allaha u naxariisto e (AUN),  waxaa uu Qur’aanka kariim ka ah dhammeeyay isaga oo aad u da’ yar. Intaa ka dib waxaa uu u jeestay barashada caqiidada, fiqhiga iyo Shaaficiga isaga oo kutubtaas ka qaatay aabbihii. Sidii uu dhaqanku ahaa, sheekh Maxammed  waxaa uu xiraystay sannadka markii uu ahaa 1956-kii ilaa 1961-kii  goortaas oo uu cilmi u raadsaday magaalooyinka Beledwayne,

Maxaa ka run ah warbixinnada foosha xun ee laga qoro Soomaalida Qurbaha?

Warbixin ka ay daabacday Boomerg oo looga hadlay waxtarka muhaajiriinta Maraykan  tago ayaa lagu sheegay in Kiinyaanku yihiin dadka saddexaad ee ugu shaqada iyo waxtarka badan soogalootiga Maraykanka. Gaana oo Afrika ah ayaa qaadatay kaalinta koowaad waxaan labo noqday Bulgeeriya oo Yurub ah. Waxaa sidoo kale toban hore soo galay dalalka Itoobiya oo afar gashay, Masar oo shan gashay, Nayjeeriya oo siddeed gashay iyo Laybeeriya oo sagaal gashay. Toban qowmiyadood ee ugu shaqada badan muhaajiriinta ku nool Maraykanka lix ayaa kasoo jeedda Afrika. Waxaan tobanka hore soo galin Soomaalida. Sidoo kale soomaalidu safka hore oogama jirto muhaajiriinta ugu aqoonta badan. Afrika Masar iyo Natjeeriya ayaa kaga jiro tobanka hore xagga aqoonta. Marka walba oo lasoo hadal qaado Soomaali waxaa lagu xariiriyaa, faqri, burcadnimo, aqoon la'aan, argagixisonimo iyo shaqo la'aan baahsan. Warbixin laga soo saaray waddamada Galbeed oo sawir quruxsan ka bixiso Soomaalida in la helo ma dhacd

Hal ku dhigga halaagga noo horseeday: "Xoolaha dad weynaha ayaa ganacsi loo baddalay"

Ilaa shalay waxaa baraha bulshada lagu faafinayay in isbitaalki Jaalle Siyaad ee dagmada Garbahaareey loo rogay meel ganacsi. Saaka warki asaga ahaa waxaa qoray qaar ka mid ah mareegyada warfaafinta ee Soomaalida. Dadka qoray warkaan qaar waxay isticmaaleen erayo adag sida 'dhiig miirato', 'furasho' iyo 'boob'.  Inkastoo aan la xariiray qaar ka mid ah dadka qoray farriimahaan aana isku dayay inaan si hoose xal ugu helo warkaan aan salka lahayn, haddana waxaa ii muuqato inuu dhawaqu meel fog gaaray hoos u hadlidna aysan ku filnayn. Sidaa darteed waxaan go'aansaday in si muuqato wax ooga dhaho warkaan oo aan ahayn kii ugu horreeyay ee noociisa ah.  Muxuu yahay Isbitaalka Jaalle siyaad? Jaalle Siyaad waa isbitaal weyn oo ku yaal Garbahaareey. Waxaa dhismihiisa bilowday dowladdii dhexe isagoo qaybo ah ayayna dhacday. dhowr iyo labaatan sano ayuu qabyadaas ahaa oo arigu u xaroon jiray. Waqti aan fogayn ayay gabdho qurbajoog ah isu xilqaameen inay

Contact Form

Name

Email *

Message *