Skip to main content

Maxaysan waqtigaan u shaqayn karin siyaasadda ay ku socdaan qolyaha Mooshinka keenay?


Xildhibaanno dhowr darsin ah ayaa Axaddi Mooshin xil ka qaadis ka keenay madaxweynaha dalka. Qodabada loo loo cuskaday mooshinka waxay ahaayeen kuwo cabsi, walwal iyo mugti uu galay mustaqbalka dalka lagu muujiyay. Waxay sheegeen inay go'aanka u qaateen inay badbaadiyaan madaxbannaanida Soomaaliya oo khatar ugu jirto in Itoobiya lagu daro. Xildhibaan Fiqi oo ka mid ah ragga indhaha u ah kuwa mooshinka keenay ayaa yiri "gaari fariin la'aan ayaa shacabki la saaray marka inta uusan la gaddoomin inaan badbaadinno waaye". 

khiddada mooshinka lagu dhisay, idaacadda laga sheegay dadkana loo akhriyo waxaa mid caan ah adduunka oo dhanna ka jirta. Waa kaarto ay isticmaalaan xagjiriinta iyo dadka siyaasadda dibad joogta ah inta badanna waxay sahashaa inay hantaan hoggaanka dalka iyagoon dhib badan u marin. Waa farsamada Taraam kursiga saartay. Afka qalaad waxaa lagu yiraahdaa "politics of fear and anger". Waxay ku dhisantahay in dadka laga cabsiiyo, loo muujiyo in dhulka kharar ugu jiro inuu gacanta ka baxo, shisheeyo kusoo duulay, dhaqanki iyo habnololeedkoodi la baddalayo badbaadaduna ay ku jirto in baddalo dadki talin jiray (elites).

Hasa ahaatee waxaad mooddaa arrintaan inaysan hadda ka gadmayn dadka Soomaaliyeed. Falcelinti ka timid mooshinka maahayn dhiig kacay, qiiro iyo taaggeero loo moojiyay mooshinka ee wuxuu noqday isgarabtaag iyo rabitaan la tusay madaxweynaha mooshinka laga keenay. Inta bannaanka usoo baxday ka sakow, baraha bulshada iyo dadka ka qayb galay doodaha lagu falanqeeyo arrimaha siyaasadda way ku yarayd cid beer jileec tustay mooshinka. Sababtu maxay tahay?

Dhowr arrimood ayaa sabab u ah baa isleeyahay. Kow, cabsida lasoo bandhigay meesha kama muuqato. Ittobiyada la sheegay inay dalka la wareegayso waxaad moodda inuu xaalkeedu lidka u socdo. Labaatanki sano ee lasoo dhaafay waa marki ay Itoobiya ugu faro-galinta yarayd arrimaha Soomaaliya si toos ah iyo si dadban ba. Wax caddayn ah oo la taaban karo oo muujinayo inay Itoobiya farogalin ku hayso iyo inay qorshaynayso inay Soomaaliya la wareegto ma jiraan.

Labo, dadka isteerinka u hayo mooshinka maahan kuwo lagu bartay waddaniyad iyo cadow nacayb. Tusaale, Mahad Salaad wuxuu ka mid ahaa raggii Jigjiga ka dhaanteeyay, ONLF argagixso ku tilmaamay, madaxtooyada oo ay Amxaaro dagantahayna maamumuli jiray. Inuu ninka madxatooyada ka saaray saafaraddi Itoobiya kana dhigay meel gooni u ah madaxda Soomaaliya ku tilmaamo caamil Itoobiya in fahmo way adagtahay!

Saddex ma muuqdo waji cusub oo dadka laga iibiyo. Labada xisbi ee hadda ugu qaylada badan mucaaradka waxaa madax ka ah rag horay loo soo tijaabiyay. MD Xasan Sheekh afar sano ayuu joogay Villa Soomaaliya. Waxtarkiisa waa la bartay waxa uu keeni karana cidna daah kama saarra. Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxaa loo aqoonsanyahay masuul siyaasadda ku haftay. Sidaas darteed dadka waxaa u cad haddii Farmaajo maanta la tuuro inaysan jirin cid hadda xilka u taagan oo lagu baddalo taasoo keeni karto dalku inuu galo marxalad u eg tii sagaashamaadki. Taasi kama dhigna inaysan jirin cid Farmaajo ka fiican laakiin waxay tilmaamayaa dadka hadda bannaanka usoo baxay ee raba kurisga.

Afar, dadku wuuu daalay. Soddon sano ka badan ayaa maalin walba huuhaa dhiiggooda lagu kicinayay si fududna colaad loogu abuurayay. Waxay soo gaareen hadda heer ay eektaan danahooda gaarka ah ruux walbana uu ka fakero saamaynta gaargka ah ee uu ku yeelan karo mooshinku. Arrintaas waxaa tusaale u ah qoraalka ay soo saartay rugta ganacsiga taasoo ay ku xustay in mooshinku saamayn ba'an ku yeelan doono howlaha ganacsiga iyo maalgashiga sidaas darteed ay codsadeen in laga laabto.

Ugu danbayn, waxaa habboon in mucaaradku la yimaado siyaasad aanan cabsi galin iyo caraabin ahayn. Inay cashar ka bartaan khaladaadka hadda dowladdu ku jirto siyaasaddooda mustaqbalkana ku dhisaan dhaqaale, horumarin iyo hagaajin xaaladda nolosha shacabku ku jirto. Itoobiya na qaadanayso marbaa lagu soo caano maalay laakiin hadda waxay soo xirantay. Waxaa kaloo habboon inay sugtaan labada sano ee dhimmaan taasoo ah muddo yar oo aan ka badnayn inta la diyaagaroobayo iyo isbaridda dadka.

Ibrahim Aden Shire
ishire86@gmail.com
kala soco: https://ibrahim-shire.blogspot.com/


Comments

Popular posts from this blog

Gorfeyn: Buugga Adkaysi ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur

  Adkaysi waa buug cusub oo soo suuqa imaanaya kowda Disember 2024. Waxaan nasiib u yeeshay in aan ka mid noqdo dhowrkii qof ee ugu horreysay ee buugga la siiyo inta uusan suuqa imaan. Fiidnamdii Isniinta taariikhdu ahayd 18/11/2024 ayuu xildhibaan Cabdiraxmaan i guddoonsiiyay buugga goor aan ugu tagay gurigiisa Muqdisho. Fiidnamdii talaadada oo aan Ingiriiska safar u soo ahaa ayaan ku billaabay akhriska. Wehel waddada ila mara ayuu ii noqday. Qormadaan gaaban waxaan uga faalloon doonaa buugga.  Adkaysi oo 318 bog ah waxaa qorey xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Tafatirka iyo quraaradyntu (typesetting) waa heersare (laba meelood ayaan ka arkay wax aan is iri quraaradaynta ayaa geftay).  Waa buug xogwarran ah, xambaarsan taariikh, wacyigelin, waxbarid iyo waana-qaadasho. Waxaa uu si gaar ah u abbaarayaa waayihii Cabdiraxmaan, dhalashadiisii, korriinkiisii, waxbarashadiisii, shaqooyinkiisii ilaa siyaasadda oo uu hadda ku jiro. Sida ka muuqata ciwaankaba qoruhu b...

Maxaa ka run ah warbixinnada foosha xun ee laga qoro Soomaalida Qurbaha?

Warbixin ka ay daabacday Boomerg oo looga hadlay waxtarka muhaajiriinta Maraykan  tago ayaa lagu sheegay in Kiinyaanku yihiin dadka saddexaad ee ugu shaqada iyo waxtarka badan soogalootiga Maraykanka. Gaana oo Afrika ah ayaa qaadatay kaalinta koowaad waxaan labo noqday Bulgeeriya oo Yurub ah. Waxaa sidoo kale toban hore soo galay dalalka Itoobiya oo afar gashay, Masar oo shan gashay, Nayjeeriya oo siddeed gashay iyo Laybeeriya oo sagaal gashay. Toban qowmiyadood ee ugu shaqada badan muhaajiriinta ku nool Maraykanka lix ayaa kasoo jeedda Afrika. Waxaan tobanka hore soo galin Soomaalida. Sidoo kale soomaalidu safka hore oogama jirto muhaajiriinta ugu aqoonta badan. Afrika Masar iyo Natjeeriya ayaa kaga jiro tobanka hore xagga aqoonta. Marka walba oo lasoo hadal qaado Soomaali waxaa lagu xariiriyaa, faqri, burcadnimo, aqoon la'aan, argagixisonimo iyo shaqo la'aan baahsan. Warbixin laga soo saaray waddamada Galbeed oo sawir quruxsan ka bixiso Soomaalida in la helo ma dhac...

Hal ku dhigga halaagga noo horseeday: "Xoolaha dad weynaha ayaa ganacsi loo baddalay"

Ilaa shalay waxaa baraha bulshada lagu faafinayay in isbitaalki Jaalle Siyaad ee dagmada Garbahaareey loo rogay meel ganacsi. Saaka warki asaga ahaa waxaa qoray qaar ka mid ah mareegyada warfaafinta ee Soomaalida. Dadka qoray warkaan qaar waxay isticmaaleen erayo adag sida 'dhiig miirato', 'furasho' iyo 'boob'.  Inkastoo aan la xariiray qaar ka mid ah dadka qoray farriimahaan aana isku dayay inaan si hoose xal ugu helo warkaan aan salka lahayn, haddana waxaa ii muuqato inuu dhawaqu meel fog gaaray hoos u hadlidna aysan ku filnayn. Sidaa darteed waxaan go'aansaday in si muuqato wax ooga dhaho warkaan oo aan ahayn kii ugu horreeyay ee noociisa ah.  Muxuu yahay Isbitaalka Jaalle siyaad? Jaalle Siyaad waa isbitaal weyn oo ku yaal Garbahaareey. Waxaa dhismihiisa bilowday dowladdii dhexe isagoo qaybo ah ayayna dhacday. dhowr iyo labaatan sano ayuu qabyadaas ahaa oo arigu u xaroon jiray. Waqti aan fogayn ayay gabdho qurbajoog ah isu xilqaameen inay...

Contact Form

Name

Email *

Message *