Skip to main content

Saddex waxyaalood oo aan ka bartay ururrada samafalka ee Soomaalida


2007di ayay ahayd marki aan si buuxdo u billaabay ka shqaynta safalka. 10ki sano ee u danbaysay waxaan ka qayb qaatay howlo badan oo ixsaan fal ah. Qaar aniga ayaa abuubulkooda lahaa intooda badanna qabtay, qaar dadka kale ayaa howl wadeen ka ahaa aniguna caawiye korjooge ah ayaan ka ahaa halka qaar aan xubin firfircoon  ka noqday kuwana aan tabarrucaadda kaliya aan ku leeyahay.

Ururrada kala duwan ee aan la shaqeeyay ilaa haddana aan qaarkod la shaqeeyo dadka howl wadeenka ka ah waxay ka kala yimaadeen noocyada kala duwan ee bulshada: Culumo, aqoonyahanno iyo dad wanaagga iska jecel intaba. Inkastoo ay kala duwan yihiin afkaar ahaan, hadaf ahaan iyo walibo aqoon ahaan, haddana sadex arrimood oo ay ka simanyihiin ayaan arkay. 

Si aan ooga fogaanno wareer iyo isfaham la'aan, marka hore aan qeexo waxa aan ooga jeedo samafale. Samafale ama Urur samafal, waa shaqsi ama urur u istaagay ama loo yagleelay in lagu caawiyo dad, deegaan ama dan guud. waxaa soo galayo maamullada gacanta ku hayo masaajidda gaar ahaan kuwa qurbaha, hayadaha caawiyo agoonta, masaakiinta kale, iskoollada iyo malcamadaha. Waxaa ka baxayo hayadaha loo yaqaan NGO-yada oo marki horaba loo aasaasay in wax lagu helo. 

1: Waxtar waxay u yaqaannaan lacag kaliya

Howwadeennada samafalku waxtar waxay u arkaan lacag caddaan ah ama agab loogu deeqo. Intaasi wixii kasoo haro kuna waydiisan mahayaan haddii aad usoo jeedisana qaadan mahayaan iyadoo laga yaabo in baahida loo qabo lacagtu inay ka badan tahay midda looq qabo waxaad bixinayso. Tusaale, urur samafal ayaa furi iskool lagu caawiyo caruur kasoo jeeddo qoysas danyar ah. Waxaa uu aruuriyaa lacag mushaar loo siisyo macalimiin dhigto iskoolkaas. waqti badan iyo wareer badan ayuu ka mari raadinta lacagta balse dhici mayso inuu raadiyo macalin ku shaqeeyo bilaash iyadoo lacagtaba loo raadinayo in la siiyo macalin. 

Haddii aad tiraahdo maxaad baahi qabtaan marnaba ka maqli maysid waxaan u baahanahay macalimiin mutadawiciin ah oo caruurtaan wax barto ee waxay ku dhihi lacag iyo agab ayaa noogu daran. Waxaa laga yaabaa inaad is tiraahdo miyaa la heli karaa macalimiin bilaash ku shaqayso? jawaabtu waa wax diidayo ma jiraan in helo waayo lacagtuba waxaa loo bixinayaa in ajar laga helo, qof waqtigiisa sadaqaysto wax diidayo ma jiraan haddii laga dalbado. 

Waxa la raadin karaa dad meelo kale ka shaqeeyo oo maalmaha ama waqtiyada qaar firaaqo leh, haddii loo bandhigo baahida loo qabana si fudud ku aqbali lahaa laakiin waligeedba cidi iskuma daydo. Inta jeer ee aan si ku tala gal ah u su'aalay samafalayaal baahida la qabo xisaab ma leh. Had iyo jeer jawaabtu waa isku nooc: Qarash la'aan ayaa jirto, haddi qarash la helo wax badan ayaa qabsoomi lahaa. 

Tani waa hal tusaale laakiin xirfadaha loo baahan karo way badan yihiin. Waxaa la raadin karaa dad si bilaash ah dadka ku wacyi galiyo, kuwo qabto howlaha joogtada ah ee ururku u baahanyahay, waxaa la raadin karaa dad xirfadahooda bulshada ugu adeego. 

Inta aan ogahay ururrada samafalka ee dadyawga kale sideenna maahan. Tusaale, waxaa isoo martay marar badan oo ururo samafal ila soo xariireen ama aan la kulmay iyagoo shaqo ku jiro ay ku doonayaa mutadawiciin. waxa ay waydiisanayaan dad diyaar u ah inay waqtigooda bixiyaan. Tusaale, waxaad arki hayad fadhigeedu yhay Ingiriiska oo leh waxaan taageernaa iskool ku yaallo Indunuusiya waxaana doonaynaa dad wax kasoo dhigo waqtiyada fasaxa, sadex bilood, labo bilood, asbuucyo xataa hal asbuuc. 

Waxaad arki qaar doonayo dad muddo kooban u shaqeeyo si bilaash oo xirfad gooni ah leh sida xisaabiye, kaakaaliso/liye, dakhtar ama maamule. Waxaad arki qaar doonayo dad dariiqyada ku soo marmaro oo dadka lacag ooga soo aruuriyo. Dadkaan ay doonayaan oo dhan kuma jiro wax ay rabaan inay muddo la joogaan ama ay mid noqdaan howlaha ay hayaan ee waqtigooda iyo xirfadooda ayay rabaan inay ka faaiidystaan.

2: Howlahoodu waa sir

Ha noqdaan kuwa masaajid gacanta ku hayo, ha maamulo xoolo agoomeed ama ha aruuriyo qaaraan, dhammaan intaan ka xog hayo samafalayaasha Soomaalidu howlahoodu ma daah furna. Waxay ku shaqeeyaan xaalad sir ah oo xisaab ahaan iyo maamul ahaanba ay adag tahay in la ogaado. Intooda badan ma lahan meelo lagu soo bandhigo waxa soo galo iyo sida ay u baxday, ma qabtaan shirar ayay taageerayaashooda kula wadaagayaan xogta la xariirto dhaqaalaha soo galay iyo sida loo maamulay. Lama yaqaan waxay gunno ahaan u qaataan howl wadeennadooda mana soo bandhigaan qarashaadka ku baxo hwol maalmeedkooda.

Ma beeqaamiyaal qarashaadka ku baxo howlaha ururka ama hayadda sida ay u tashiilaan kuwa ku baxo guryahooda. Tusaale, haddii daabacaha masaajidka ay ka dhamaadaan waraaqaha, maamulku wuxuu soo gadi kuwa ugu dhow. Waqti galin mahayo inuu helo kuwa ugu jaban halka marka uu gurigiisa u gadanayo uu waqti galiyo inuu helo kan ugu raqiisan ee uu heli karo. Sidoo kale, waxaan marar badan arkay in qarashaad badan oo laga maarmo si fudud lagu galo laguna qoro xisaabta ku baxdo howlaha ururka.

Waa taas ayaan is leeyahay sabata ay u diidaan inay dadka la wadaagaan waxa ku baxo. waayo dadku wuu niyad jabi haddii ay arkaan sida xad dhaafka ah ee loo qarash gareeyo lacag ay naftooda oo u baahan bixiyeen.

Bal u fiirso dhammaan inta aad aragto urur samafal sida ay u shaqeeyaan. Haddii ay jiraan kuwo aad xubin wax bixiso ka tahay wali ma laguu soo diray warbixin ku saabsan waxa lagu qabtay lacagtaad bixiso iyo sida la yeelay? Marar badan oo aan isku dayay inaan kala hadlo arrihama daahfurnaanta kuwo aan la shaqeeyay dhib badan oo ugu danbayn inaan iska casilo howshaan hayay keenay ayaa kala kulmay.

Arrintaan waxaa aad ugu sii dheer kooxaha hayo masaajidda oo ay ahayd inay noqdaan hormuudka daahfurnaanta iyo muraayadda laga isku eego. Nasiib darro masaajidda gaar ahaan kuwa qurbaha waxay ka mid yihiin meelaha ugu musuqa badan ee bulshada loogu adeego. Haddii aad tiraahdo sidaan wax ha laga baddalo waxaa hal hays ah "sirta masaajidka ha faafin iyo xumaanta lama sheeg sheego".

3: Cid kale ma ogala

Marka hore ee lagu jiro aasaaska, dadka waxaa loo sheegaa in ujeedku yahay waxqabad howshuna bulshadu leedahay. Mar haddii waxa loo shaqaynayo ay tahay horumarinta bulshada waa loo qaateen in warka hore run yahay dadkuna sidaas ayay aaminaan. Waxaa lagu xisaab tamaa in ujeedka ururku yahay horumarin sidaas darteedna cid walba oo wax hagaajin karto uu u furan yahay.

Laakiin taasi ma dhacdo. Marki uu ururku xoogaa shaqeeyo waxaa ku imaan habacsanaan iyo dib u dhac. Wuxuu u baahan dhiig cusub oo dhaqaajiyo. Halki la raadin lahaa ciddii horay u wadi lahayd, aasaasayaasha ayaa jeebka ku ridan. Kuwa qalbi-samida kula socday ee sawaxanka soo raacay marki ay dhahaan dad cusub oo shaqada dhaqaajiyo aan keenno, waxay helaan jawaab keento niyad jab.

Aasaasayaashu waxay isku koobaan dhammaan howlaha maamulka iyo go'aan gaaridda. Waxay dadka ka xiraan inay qaataan door wax ku ool ah oo ururka iyo bulshadaba anfici lahaa. Xataa haddii ay u muuqato in ururki xirmayo ma aqbalaan badbaado cid kale waddo ee inay xiraan ayay ka door bidi. Marka ugu danbaysana dhowrki aasaastay ayaa isku qabato oo mid walba isku dayaa inuu kan kale cira u fiiriyo.

Arrintaan xataa kuwa masaajidda hayo kama badbaadin. Masaajidda qurbaha waa la kala dhacaa. Sida loo wada socdo ayaa la isu qayilaa ilaa mid walba ku dadaalo inuu tuuro midka kale. Midki la saaro meel fog ma aadee jidka dhiniciisa ayuu mowlac cusub ka aduudaa. Masaajidda dalki ku yaal arrintan kuma badna sababta waa inaan laga helin wax lacag ah. Kuwa dakhliga leh kuwa qurabaha ayay la mid yihiin maamulkooduna waa sir.

Mid aan anigu isku bartay

Qodob afraad ayaa ah inaan anigu is bartay intaan la shaqaynayay ururradaan. Waxaan bartay inaan ka mid noqon karin xisbi noocuu rabo ha noqdee. Ka mid noqoshada urur, xisbi ama koox waxay rabtaa daacadnimo qaas ah oo keenayso inaad ka tanaasusho wax badan oo aad aaminsan tahay. Maslaxada ururka ama kooxda ayaa loo baahan yahay inaad ka hormariso waxa aad adigu u aragto xaqa. khaladaad badan oo kuu muuqdo waa inaad iska indho tirtaa. Madaxda kooxda waa inaad sax iyo khaladba ku difaacdaa. Waa inaad noqotaa darbiga ilaaliyo danaha kooxda ama ururka.

Dhammaan arrimaha aan soo sheegay ee laga rabo qofka xisbi galayo waxay noqdeen kuwo igu adag. Uma dul qaadan karo laba wajiilayn ah dadkana wax loo sheego mid kala lagu dhaqmo. Aaad ayay iigu adkaatay inaan sax iyo khaladba koox aan ku jiro ku garab istaago. Ammaanta madaxda kuma fiicni, khidmayntana waaba la iga habaaray. Sidaas darteed koox walba oo aan galo waxaan noqonayaa safka danbe (back bench).

Inaan naftayda sidaas u bartay waxay ka mid tahay faaiidooyinka aan ka helay la shaqaynta ururrada samafalka. Ma dayn doono inaan la shaqeeyo dad wanaag wado. Laakiin waxaan kula shaqayn sida na wada anfacayso anigoon beeco iyo heshiis tacasub keenayo galin.

Khaladaad walba oo jiro samafalayaashu waxay hayaan shaqo aan caadi ahayn. Waxaa ku tiirsan nolosha kumannaan caruur, waayeel iyo dan yar kale ah. Waxay hormuud ka yihiin goobaha waxbarashada iyo kuwa cibaadada. Waxay u istaageen howlo dadka intiisa badan aysan rabin inay qabtaan sidaas darteed mar walba waa ammaanan yihiin. Waxayse u baahan yihiin inay wax ka bartaan khaladaad shaqada la xariiro. Waxay rabaan horumarin xagga shaqada ah iyo hufnaan xagga nidaamka ah.

Eebe ayaa waafajinta leh

Ibrahim Aden Shire
ishire86@gmail.com
https://ibrahim-shire.blogspot.co.uk/



Comments

Popular posts from this blog

Taariikh Nololeedkii Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf

  28/12/2023 waxaa geeriyooday sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf oo ka mid ahaa culimada Soomaaliyeed marna ahaa hoggaamiyihii Imaaradii Gedo. Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf Aw Axmed Ismaciil Mubaarak sheekh Cabdiraxmaan sheekh Samantar,  waxaa uu ku dhashay qiyaastii 1938-kii, meel lagu magacaabo Buuro oo galbeedka uga beegan magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud. Sheekha waxaa uu ahaa Marreexaan, Cali Maxammed (Cali-dheere), reer Sheekh reer Mubaarak.  Sheekh Maxammed waxaa uu ku barbaaray guri aqoon iyo Diin. Sida aad ka arki kartaba abtirkiisa aabbihii iyo awooyaashii waxaa ay ahaayeen culimo. Sheekha Maxammed Allaha u naxariisto e (AUN),  waxaa uu Qur’aanka kariim ka ah dhammeeyay isaga oo aad u da’ yar. Intaa ka dib waxaa uu u jeestay barashada caqiidada, fiqhiga iyo Shaaficiga isaga oo kutubtaas ka qaatay aabbihii. Sidii uu dhaqanku ahaa, sheekh Maxammed  waxaa uu xiraystay sannadka markii uu ahaa 1956-kii ilaa 1961-kii  goortaas oo uu cilmi u raadsaday magaalooyinka Beledwayne,

Maxaa ka run ah warbixinnada foosha xun ee laga qoro Soomaalida Qurbaha?

Warbixin ka ay daabacday Boomerg oo looga hadlay waxtarka muhaajiriinta Maraykan  tago ayaa lagu sheegay in Kiinyaanku yihiin dadka saddexaad ee ugu shaqada iyo waxtarka badan soogalootiga Maraykanka. Gaana oo Afrika ah ayaa qaadatay kaalinta koowaad waxaan labo noqday Bulgeeriya oo Yurub ah. Waxaa sidoo kale toban hore soo galay dalalka Itoobiya oo afar gashay, Masar oo shan gashay, Nayjeeriya oo siddeed gashay iyo Laybeeriya oo sagaal gashay. Toban qowmiyadood ee ugu shaqada badan muhaajiriinta ku nool Maraykanka lix ayaa kasoo jeedda Afrika. Waxaan tobanka hore soo galin Soomaalida. Sidoo kale soomaalidu safka hore oogama jirto muhaajiriinta ugu aqoonta badan. Afrika Masar iyo Natjeeriya ayaa kaga jiro tobanka hore xagga aqoonta. Marka walba oo lasoo hadal qaado Soomaali waxaa lagu xariiriyaa, faqri, burcadnimo, aqoon la'aan, argagixisonimo iyo shaqo la'aan baahsan. Warbixin laga soo saaray waddamada Galbeed oo sawir quruxsan ka bixiso Soomaalida in la helo ma dhacd

Hal ku dhigga halaagga noo horseeday: "Xoolaha dad weynaha ayaa ganacsi loo baddalay"

Ilaa shalay waxaa baraha bulshada lagu faafinayay in isbitaalki Jaalle Siyaad ee dagmada Garbahaareey loo rogay meel ganacsi. Saaka warki asaga ahaa waxaa qoray qaar ka mid ah mareegyada warfaafinta ee Soomaalida. Dadka qoray warkaan qaar waxay isticmaaleen erayo adag sida 'dhiig miirato', 'furasho' iyo 'boob'.  Inkastoo aan la xariiray qaar ka mid ah dadka qoray farriimahaan aana isku dayay inaan si hoose xal ugu helo warkaan aan salka lahayn, haddana waxaa ii muuqato inuu dhawaqu meel fog gaaray hoos u hadlidna aysan ku filnayn. Sidaa darteed waxaan go'aansaday in si muuqato wax ooga dhaho warkaan oo aan ahayn kii ugu horreeyay ee noociisa ah.  Muxuu yahay Isbitaalka Jaalle siyaad? Jaalle Siyaad waa isbitaal weyn oo ku yaal Garbahaareey. Waxaa dhismihiisa bilowday dowladdii dhexe isagoo qaybo ah ayayna dhacday. dhowr iyo labaatan sano ayuu qabyadaas ahaa oo arigu u xaroon jiray. Waqti aan fogayn ayay gabdho qurbajoog ah isu xilqaameen inay

Contact Form

Name

Email *

Message *