Skip to main content

Isu Ekaa Raggii Imaaraat Aaday iyo Wang Jingwei


Khamiisti  (26/04/2018) waxaa magaalada Dubaay ee Imaaraatka shir ku qabtay Cabdi Cali Gaas hoggaamiyaha maamulka Puntland. Waqtiga ay ku beegnayd, ujeedka laga lahaa iyo sida loo dhigay intaba waxay dhabar jab ku ahayd dowladda Soomaaliya oo go'aan adag balse loo baahnaa ka qaadatay Imaaraatka. Balse mudane Gaas iyo kuwo la mid ah uma horayn hogaamiye dhabar jabiyo dalkooda waqti xaalad adag lagu jiro. Tusaalaha ugu fiican waa Wang Jingwei oo ahaa Shiinays.

Wang wuxuu ku dhashay koofurta Shiinaha 1883di. 1903di waxaa waxbarasho dibadda ah loogu diray dalka Jabaan. Waxbarashada waxaa u diray dowladdi markaas jirtay ee ay hoggaaminayeen firkii boqortooyadi Qing oo ahayd boqortooyo taag daran markaas maqaar saar ree Galbeed hoos joogto ahayd. Waqtiga Wang uu korayay waa xilligii ree Galbeedku xoogoodo faayay inta badan Shiinahana iyagaa haystay.

Intii uu Jabbaan joogay Wang wuxuu xariir la  yeeshay Sun Yat-sen oo ahaa ninki hoggaaminayay kacdoonkii looga soo horjeeday boqortooyada. Wang wuxuu lasoo baxay firfircooni iyo ragonimo. Wuxuu ahaa wiil yar oo gabyaa ah, cod kar ka hadli yaqaan fagaarayaasha, geesi aan gabban. Waxaa kasoo muuqaday sifooyinkii hoggaamiye dal badbaadin karo laga rabay oo dhan. 

Marki uu kusoo laabtay Shiinaha wuxuu xubin firfircoon ka noqday kacdoonkii uu Sun hoggaamiyay maamulka sare ayuuna ka mid noqday. Waa loo xiray inuu shirqool dil u maleegay amiir Chun oo boqortooyada ka tirsanaa. Waxay ahayd in lagu xukumo dil aan ka noqosho lahayn laakiin xabsi ayay ku xukuntay haweeneey qaali ka ahayd maxkamadda. Waxaa la sheegaa in quruxda Wang ay qalbi dillaacisay haweeneeyda qaaliga ahayd sidaas darteedna ay dilka ka lexejeclaysatay. Inay sheekadaan run tahay iyo in dagaalki raggu ku hayay haweenka tahay ma aqaan.

Si kastaba ha ahaatee Wang waxaa lasoo daayay 1910ki. Soo dayntiisina waxay shacabki Shiinihu ku qaabileen farxad iyo bishaaraysi. Wuxuu noqday geesi qaran waxayna u qaateen badbaadiyaha Shiinaha. Wang halkiisi ayuu kasii waday halgankii ka dhanka ahaa boqotooyada musuqa badanayd. 1912ki ayay dhacday boqortooyadi waxaana reerki u haray kooxdi Sun uu hoggaaminayay Wang na ka mid ahaa.

Marki uu dhintay Sun waxaa loo arkayay inuu isagu yahay dhaxlaha lama taabtaanka ah. Hasa ahaatee si qabqabsi xisbigi dhexdiisa ah ka dib jagadi ugu sarraysay waxaa ka qaaday Chiang Kai Shek oo khibrad ciidan lahaa. Chiang wuxuu ahaa nin aragti dheer oo uu wariye Ingiriis ahaa mar ku tilmaamay nin duman yaqaan saaxiibbadi laakiin kasii duman og cadowgiisa.  Chiang dowladdi uu dhisay waa uu ku daray Wang waxaa uuna ka dhigay raysulwasaare laakiin khilaafkoodu ma dhammaan mana qarsoonayn.

Waqtigaan Shiinaha waxaa inta ugu muhiimsan haystay quwadihii ree Yurub. Dowladda uu Sun hoggaamiyo Wang raysul wasaaraha ka yahay waxay wateen magaca waddani (natiolaist). Waxay aad ooga soo horjeedeen afkaarta reer Yurub iyo guumaysigooda.

Dhinaca kale waxaa taagan koox uu hoggaaminayo Moa oo qabto afkaarta hanti-wadaaga. Labadaan kooxood ayaa dalka isku haysto dagaal ba'anna dhex meraa. Wang wuxuu ahaa nin tiro badan. Dhinac Chiang maamulkiisa ayuu ka tirsan yahay dhinaca kale wuxuu xariir la lahaa kooxda guddoomiye Moa.

 Sunnada Ilaahay waxaa ka mid ah inuu ummadaha jarrabo si ay dadku u kala bartaan kan adag iyo kan daciifka ah, kan waddaniga ah iyo khaainka ah, kan la isku aamini karo iyo midka aan waxba galin. Si taasi loo tuso dadka Shiinaha waxaa dhacay dhacdooyinkaan is xigxigay.


1931 Jabbaan ayaa kusoo duulay Shiinaha. 1932di Jabbaan dhulki uu ka qabsaday Shiinaha wuxuu ka dhigtay meel uu guumaysto. Duulaanka Jabbaan ma jirin cid soo dhawaysay, Moa, Wang iyo  Chiang intaba isku mid ayay u diideen. 1937di Jabbaan wuxuu ku hamiyay inuu qabsato intii Shiine ka dhimayd dagaal buuxa ayaana qarxay. 1938 Wang wuxuu u galay Jabbaan oo haystay dhul ballaaran wuxuuna la galay heshiis ay ku dhiseen dowlad.

Muxuu isu dhiibay Wang?

Waxaa muuqatay tabar darrada Shiinaha. Jabbaanku wuxuu haystay hub casri ah iyo ciidan tababaran halka Shiinuhu ahaa maleeshiyaad aan hub haysan. Ma jirin taageero meelo kale ooga imaanaysay hiil iyo hoo toona. Waxaa si ba'an u barakacayay shacabka Shiinaha. Jabbaanku wuxuu waday xasuuq ba'aan oo uu si arxan darro ah ooga gaysanayay dhulki uu qabsanayay.

Yurub waxaa kasoo curtay dagaalki labaad ee adduunka inkastoo uusan wali qarxin. Dhinici la eegaba xaaladu waxay ahayd jiq aan lahayn irrid loo cararo. Wang wuxuu ku dooday haddaan Jabbaan la shaqayno dalku iyo dadkuba way badbaadi. Caymo iyo daba qabasho ayaa u samaynayaa sidaan. Midka mid ah raggiisi ayaa laga soo xigtay inuu yiri innaga Jabbaan la shaqaynay iyo kuwa dagaalka la galay isku si ayaan u leenahay sharafta xoraynta Shiinaha waayo in dhinac walba lug kuugu jirto waa muhiim lugtii Jabbaan ku jirtay ayaan innagu noqonay.

Intaas waxaa dheer waxaa jhirtay figrad uu Jabbaan faafin jiray horraanti qarnigii labaatanaad taasoo uu Wang la dhacay. Fekerkaas ayaa ahaa in Aasiyaanku ka sharaf badain yihiin dadka kale sidaas darteed ay waajib tahay in laga ilaaliyo afkaarta wasaqaysan ee ay wadaan reer Galbeedku. Wang wuxuu u arkayay in Jabbaanku yaahy ilaaliyaha Aasiya sidaas darteedna ay muhiim tahay in lala shaqeeyo si loo badbaadiyo qaaradda iyo Shiinahaba. (Halkaas markaan joogno ma xasuusatay waxa dadkeennu ka aaminsan yihiin Carabta?)

Hasa ahaatee waxaa dhacay wax ka duwan wuxuu watay Wang. Marki uu Jabbaan u yimid waxaa loo sheegay inuu hoggaamiyo dowladda Shiinaha laakiin dowladaasi ay tahay mid hoos timaado Jabbaan oo aan xor ahayn. Dhaqaalaha Shiinaha wuxuu hoos joogaa midka Jabbaan, ciidamada Shiinahaha waxaa amrayo saraakiisa Jabbaanka. Arrinku waa sidaas gorgortanna ma jiro ayaa lagu yiri. 30 Maarso 1940ki ayaaa Wang loo dhiibay dowlad daba-dhlif ah. raggii la jogay waxay sheegeen in marki uu qalinka qaatay si uu saxiixo heshiiska ay illin waaweyn soo dhaaftay. Dabcan maahayn illin farxadeed.

Xaqiiqda ayaa ah in waxa bannaanka lala soo istaago iyo wajiyada farxadda leh ee dadka la tuso aysan ahayn kuwa dhabta ah marki qolka lagu jiro. Daba-dhilif walba inta uu kaligiis yahay walwal iyo ciil ayaa dilay bannaankana maslaxada dadka ayaan haynaa buu lasoo istaagaa.

Waligeed doqon meel rag ka tageey jaqallo waynayd

Bishii Nofember 1943di waxaa magalaada Tookiyo lagu qabtay shirwayne loo qabtay dalalki loo baxshay dalalka bariga Aasiya ee hodanka ah laakiin dhab ahaan ahaa dalalki ku jiray guumaysiga Jabbaan. Shirkaas martidi timid waxaa ugu maamuus wacnaa Subhash Chandra Bose oo ahaa hoggamiyihii xornimo u dirirka Hindiya, waxaa ugu maamus xumaa Wang oo ku magacownaa madaxweynaha Shiinaha.

Waxa kala faddilay labadaan masuul ayaa ahayd in mudane Subhash uu kasoo baxsaday dowladdi Hindiya ee Ingiriiska xukumayay asagoo madaxweyne ka ah si uu u sameeyo ciidan xoreeyo dalkiisa. Madaxweyne daba-dhlif ah wuxuu ka doortay inuu jamhad bannaan jiif ah noqdo, Halka Wang uu madaxbannanidi dalkiisa boorso ugu keenay nin uu iska celin karay isagoo xor ah. Halkaas markaad joogto Gaas ma kugu soo dhacay!

Hoggaamiyihii xornimo u dirirka ee Barma (Minyamaar) oo shirkaas joogay ayaa yiri





Musuubada ku dhacday Shiinaha waxay ka muuqanaysay fadhi xumada Wang, iyo hadalkiisa marnaa. Erayadan ku cabbir sawirka kore.

Ugu danbayn, Wang wuxuu dhintay 1944ti waxaana lagu aasay dhulkii uu daba dhilifka ku ahaa. Sanad ka dib Jabbaan ayaa laga sifeeyay dhulwaynihii Shiinaha. Waxaa lasoo qufay qabrigii Wang lafisii ayaana madfac lagu xiray oo hawada loo gamay waayo waxaa la yiri ma astaahilo dhulka sharafta badan ee Shiine inuu ku aasnaado midkii khiyaamay ee guumaysi u dhiibay. Wang waxaa uu tusaale u noqday inta khaainu waddan ah ilaa qiyaamaha.

Wang nacasnimo ayay ku ahayd inuu aamino guumayste laakiin doodiisu waxay u muuqanysay mid macquul ah oo dakiisa badbaadinaysay.

Taariikhdu waa mid soo noqnoqoto. Wax walba oo maanta dhacayo horay ayay dhaceen mar kalana way dhici doonaan. Shiine waxaa dhiibay Wang oo kaliya waxaa badbaadiyay Moa iyo Chiang oo lid isku ahaa laakiin u midowbay inay guumaysi ka badbaadiyaan dalkooda, laakiin maanta dalkeenaa waxaa rabo inay dhiibaan oo joogo toddobo Wang marka waxay u baahannay Moa iyo Chian toboneeyo la mid ah. Daacadda iyo inta madaxa kor u qaaddo ayaa guulaysan

Ibrahim Aden Shire
ishire86@gmail.com
kala soco: https://ibrahim-shire.blogspot.co.uk/

Comments

Popular posts from this blog

Taariikh Nololeedkii Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf

  28/12/2023 waxaa geeriyooday sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf oo ka mid ahaa culimada Soomaaliyeed marna ahaa hoggaamiyihii Imaaradii Gedo. Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf Aw Axmed Ismaciil Mubaarak sheekh Cabdiraxmaan sheekh Samantar,  waxaa uu ku dhashay qiyaastii 1938-kii, meel lagu magacaabo Buuro oo galbeedka uga beegan magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud. Sheekha waxaa uu ahaa Marreexaan, Cali Maxammed (Cali-dheere), reer Sheekh reer Mubaarak.  Sheekh Maxammed waxaa uu ku barbaaray guri aqoon iyo Diin. Sida aad ka arki kartaba abtirkiisa aabbihii iyo awooyaashii waxaa ay ahaayeen culimo. Sheekha Maxammed Allaha u naxariisto e (AUN),  waxaa uu Qur’aanka kariim ka ah dhammeeyay isaga oo aad u da’ yar. Intaa ka dib waxaa uu u jeestay barashada caqiidada, fiqhiga iyo Shaaficiga isaga oo kutubtaas ka qaatay aabbihii. Sidii uu dhaqanku ahaa, sheekh Maxammed  waxaa uu xiraystay sannadka markii uu ahaa 1956-kii ilaa 1961-kii  goortaas oo uu cilmi u raadsaday magaalooyinka Beledwayne,

Maxaa ka run ah warbixinnada foosha xun ee laga qoro Soomaalida Qurbaha?

Warbixin ka ay daabacday Boomerg oo looga hadlay waxtarka muhaajiriinta Maraykan  tago ayaa lagu sheegay in Kiinyaanku yihiin dadka saddexaad ee ugu shaqada iyo waxtarka badan soogalootiga Maraykanka. Gaana oo Afrika ah ayaa qaadatay kaalinta koowaad waxaan labo noqday Bulgeeriya oo Yurub ah. Waxaa sidoo kale toban hore soo galay dalalka Itoobiya oo afar gashay, Masar oo shan gashay, Nayjeeriya oo siddeed gashay iyo Laybeeriya oo sagaal gashay. Toban qowmiyadood ee ugu shaqada badan muhaajiriinta ku nool Maraykanka lix ayaa kasoo jeedda Afrika. Waxaan tobanka hore soo galin Soomaalida. Sidoo kale soomaalidu safka hore oogama jirto muhaajiriinta ugu aqoonta badan. Afrika Masar iyo Natjeeriya ayaa kaga jiro tobanka hore xagga aqoonta. Marka walba oo lasoo hadal qaado Soomaali waxaa lagu xariiriyaa, faqri, burcadnimo, aqoon la'aan, argagixisonimo iyo shaqo la'aan baahsan. Warbixin laga soo saaray waddamada Galbeed oo sawir quruxsan ka bixiso Soomaalida in la helo ma dhacd

Hal ku dhigga halaagga noo horseeday: "Xoolaha dad weynaha ayaa ganacsi loo baddalay"

Ilaa shalay waxaa baraha bulshada lagu faafinayay in isbitaalki Jaalle Siyaad ee dagmada Garbahaareey loo rogay meel ganacsi. Saaka warki asaga ahaa waxaa qoray qaar ka mid ah mareegyada warfaafinta ee Soomaalida. Dadka qoray warkaan qaar waxay isticmaaleen erayo adag sida 'dhiig miirato', 'furasho' iyo 'boob'.  Inkastoo aan la xariiray qaar ka mid ah dadka qoray farriimahaan aana isku dayay inaan si hoose xal ugu helo warkaan aan salka lahayn, haddana waxaa ii muuqato inuu dhawaqu meel fog gaaray hoos u hadlidna aysan ku filnayn. Sidaa darteed waxaan go'aansaday in si muuqato wax ooga dhaho warkaan oo aan ahayn kii ugu horreeyay ee noociisa ah.  Muxuu yahay Isbitaalka Jaalle siyaad? Jaalle Siyaad waa isbitaal weyn oo ku yaal Garbahaareey. Waxaa dhismihiisa bilowday dowladdii dhexe isagoo qaybo ah ayayna dhacday. dhowr iyo labaatan sano ayuu qabyadaas ahaa oo arigu u xaroon jiray. Waqti aan fogayn ayay gabdho qurbajoog ah isu xilqaameen inay

Contact Form

Name

Email *

Message *