Skip to main content

Fadlan Badda Xaggee Loo Maraa by Nuuraddiin Faarax


Waxaan jeclaystay inaan turjumo qormo ku saabsan sababta Soomaaliya ay u noqotay goolka quwadaha adduunka iyo sida ay Itoobiya waligeed uga quusan inay qayb ka hesho badda Soomaaliya. Maqaalkaan waxaa afka Ingiriiska ku qoray Nuuradiin Faarax oo ah qoraa Soomaaliyeed oo dunida caan ka ah. Wuxuu daggan yahay Koonfur Afrika wuxuuna dhige ka yahay jaamacad ku taal Maraykanka. Maqaalkan waxaa la qoray dhammaadki 1978di waxaadse mooddaa farriinta uu gudbinayo mid maanta la qoray. Qoramada waxaan kasoo dheegtay Hiiraan.com halkaan ayaana laga heli karaa: https://hiiraan.com/op4/2018/mar/157315/which_way_to_the_sea_please_horn_of_africa_journal_oct_dec_1978.aspx. 

Boqollaal sano ayaa lagu dirirayay Soomaaliya iyo hanashada baddeeda. Qarniyaal badan ayay quwadaha adduunku kusoo duulayeen Soomaaliya, qabsanayeen dhulkeeda dadkeedana guumaysanayeen. Khilaafadii Cuthmaaniyiinta, Khedifkii Masar ee wakiilka u ahaa Cuthmaaniyiinta kasoo qabsaday Soomaaliya oo dhan ilaa Eritareeya, Boortiqiiska, Faransiiska, Talyaaniga, Ingriiska, Ma jiro guumaysto adduunka soo maray oo aanan Soomaaliya cagta galin. Maxay rabeen guumaystayaashaan oo Soomaaliya iyo siyaasaddeeeda u walaaqeen ilaa maanta lugaha ugala jifraan? 

Mugdiga waxaa ka muuqdo humaalka, Yohannis, Menelik and Haile Selassie. Waa ay cod jilicsan yihiin aad ayayna u taxaddarayaan iyagoo gaagaatamayo. Hadda waxaad la kulmaysaa Menelik oo taagan irridda boqorrada Yurub. Waxaad arkaysaa iyagoo guddonsiinayo hub iyo baaruud aad u badan. Bal aan yara nasanno su'aalna aan is waydiinno. 

Dagaalka maanta ka jiro geeska Afrika miyuu aad ooga duwan yahay kuwii hore ee quwadaha adduunku ku loolamayeen hanashada Geeska Afrika?

Aan soo jeediyo in boqorradi Itoobiya ay muska ka soo baxaan naftoodana u hadlaan, annaguna aan daawanno oo aan dhagaysanno iyagoo isburinayo. Laakiin inta aannan istaagin meel aan ku iftiimin karno isbanaabarka boqorrada xabaishada, Soomaaliya gar ma u leedahay inay ka cabsato in Itoobiya oo ay taageerayaan quwado shisheeyo ay ku duusho xeebaheedana qabsato. 

Haddii si kale loo dhigo, Itoobiya waligeed ma sheegatay lahaanshaha xeebaha Soomaaliya, mase jirtaa sabab looga shakin karo in Itoobiya ay damaaci ka qabto qabsashada xeebaha Soomaaliya? Itoobiya waqti dhow iyo mid dheerba ma isku dayday inay kaalmaysato dowlado kale si ay u qabsato xeebo dalal kale leeyihiin? Waligeed may qorshaysay inay ka faaiidaysato duruufaha waqtigaas taagan si ay qayb ooga hesho xeebaha Soomaaliya? Si aan ooga jawaabo su'aalahaan waxaan u oggolaan madaxda Itoobiya inay iyagu isu hadlaan afkoodana ku sheegaan jiritaanka arrimahaas.

Showa waa goob yaraanteedu la egtahay midda taallada boqorkeeda. Boqor bidhaan ahaan yar laakiin hammi fog leh damaacigiisuna aysan waxba xaddidin. Showa qarniyo badan waxay ahayd meel go'doon ah, dhexdana ugu jirto dhulka sare ee buuralayda ah. Waxaa hareereeyay boqortooyadi Gondor, Gojam iyo Tigre. Waxaa dhex mari jiray daggaallo umulo doox ah kuwaas oo ruxay seeska boqortooyadaas. 

Taariikhdu waxay bartay boqorradii boqortooyooyinkaas dhowr shay: In qofki haysto taageerada ree Yurub iyo baaruud uu had iyo jeer leeyahay gacanta sare. Yohannis oo ahaa boqorki Tigre ayaa tusaale u ah middaas. Boqortooyadiisa waqti ayay ahayd midda carrada ugu xoogga badan waayo waxay hub iyo saanad ciidan ka helaysay boqortooyadii Ingriiska iyadoo ooga baddalatay adeeg iyo ballaan qaad ahaa inuu siin doono jid uu u maro badda.

Laakiin badda uu ballan qaadayo waxaa had iyo goor haystay dad kale ama quwado kale oo qabsaday Soomaalidi iyo Canfarti baddaas lahayd. Waxaan xusaynaa in boqorradii Abbasiiniya ay badbadali jireen istiraatijadda ay wax ku doonayeen, codka ay ku hadlayeen iyo codsigooda ilaa ay mararka qaar gar iyo lowyaha qabsanayeen kuwa ay wax ka rabaan. 

Waxaan maqlaynaa, tusaale ahaan, iyagoo raadinayo midnimada masiixiyiinta reer Yurub marki ay Turkida iyo Masaaridu gacanta ku hayeen xeebaha badda Cas. Ka dib waxaan maqlaynaa iyagoo jeedinayo sheegasho aan sal lahayn taaso ah lahaanshaha xeebaha Soomaaliya marki ay guumaystihii reer Yurub ka caajiyeen isticmaalka badda Soomaaliya. Menelik iyo Yohannis waxay ogaayeen in hadba cidda marriin u hesho xeebaha ay tahay cidda heli karto hub sidaasna ay noqonayso midda qabsato xeebahaas ugu danbayn.

Yohannis iyo Manelik waxay sameeyeen wax walba oo suuragal ahaa oo ay ku heli kareen marriin badeed. Xagga sare waxaa fadhiyo madaxda ree Yurub oo kala taageero maamulladi ka jiray Abbasiiniya oo marba mid hubeeyo si uu kan kale u jilciyo iyagoon la tashan dadka kuwaas ay xoogga ku haysteen iyo sidoo kalana hub ka ilaaliyay dadyowgi (Soomaalida) ay duullaanka ku ahaayeen. 

Ha noqdo amiirkii Tigre, kii Showa ama mid sheegtay imbiridooriyad, waxay dhammaan u ciil qabeen inay qayb ka helaan xeebaha Bariga Afrika. Haddii ay Yuribiyaanku yara hilmaamaan, xabashidu waxay si buuxdo usoo bandhigi saliibka si ay u muujiyeen qaraabanimada kala dhaxayso Yurub. 

Haddaan ku billaabo xigasho Manelik "Waddankaygu wuu ka fogyahay kiinna. Marriinkayga Zaylac, Tajura iyo Cadan waxaa haysto muslimiin. Waxay hortaagan yihiin cunnadi, hubki, farshaxanki, agabka beeraha iyo xataa farriinsidaha Baybalka ee waddankayka imaan lahaa. Si xushmad leh ma ka hadli kartaa arrintaan adigoo isticmaaalyo awooddaada si jidkaan la iigu furo. Dalkaygu wuxuu u xiiso qabaa inuu qaato ilbaxnimada, aqoonta iyo farshaxanka ree Yurub".

1878di Menilik oo ahaa boqorki Showa wuxuu waraaq u qoray madaxdi Faransiisk, Ingiriiska Talyaaniga iyo Jarmalka isagoo ka cabanayo in muslimiinti qabsadeen dhammaan dhul xeebeedki iyo marinnadi muhiimka ahaa sida Babel Mandab, Xaafuun, iyo Saylac kuwaas caqabad ku noqday xabashidu inay helaan waxay ooga baahnaayeen dunida kale.

Laakiin markaas ma uushan sheegan lahaanshaha xeebaha Xamar, Marko iyo Baraawe kuwaas oo ahaa kuwo ay aad u yaaqaanneen dhul-boobyadii adduunka oo dhan. Laga yaabo inuusanba waligiis maqal sida uu u maqlay Saylac, Tajuura iyo Xaafuun maadaama alaabo ooga soo dageen marar hore. 

Manilik hortiis qiyaasti rubuc qarni 1827di siyaasi Tigree ahaa oo aad loo yaqaannay magaciisuna ahaa Dajazmach Sebagadis Weldu ayaa waraaq u qoray Joorjki 3aad ee Ingirriska. Waraaqdaas wuxuu ku yiri dalkaygu wuxuu u baahan yahay inuu hub kala soo dago Masawa hubkuna gacanta ree Yurub kaliya ayuu ku jiraa.

Haa haddana hub ayuu codsanayaa loo soo mariyo Masawa oo ah  Eritereeya Turkiduna gacanta ku hayeen. Wuxuu yiri Weldu Masawa kala soo wareega Turkida ka dibna aniga ayay horay iiga luntaye i siiya ama adina gacanta noogu hayo. 

Inkastoo Manelik hurdo ku riyaaday markuu toosay riyadii run ma noqon waayo Masawa iyo Casab waxaa qabsaday Talyaani, Obaq iyo Tajuura waxaa qabsaday Faransiis, Saylac iyo Barbarana waxay gacanta u gashay Ingiriis. Arrintaas madax xanuun ayay ku noqotay Manilik. 

Manilik waa ayaa ku baryay. Dadkii uu ku tashanayay ayaa qabsaday dhulkuu ii qabta lahaa. Bad kama uu maarmo, waa in uu helaa laakiin markaan farsamo kale ayay rabtaa. Wuxuu ku billaabay Faransiiska wuxuu u sheegay inuu rabo inuu siiyo Harar oo mararkaas ka qabsaday Soomaalida baddalkeedana uu Faransiisku bixiyo daket. Faransiisku ma aqbalin soo jeedintaas laakiin wuxuu u sheegay inuu hub badan ka iibin doono si uu meelo ugu qaraab tago.

Manilik oo muujinayo dalkiisa masiixiga ah dhibka haysto si uu beer jileec ooga helo walaalihiisa Yurub wuxuu yiri inaan caro u baqtiyo ayaan ka baqayaa. Waxaan ahay in isagoo xoog leh xabsi ku jiro. Waxaa la iga go'doomiyay waxaan heli lahaa oo hub ah. Faransiiska oo waqtigaas hubka faaiido badan ku qabay ayaa Manelik ka iibiyay 24000 oo qoryo kala duwan ah.

Hubkaas ayaa siiyay gacanta sare. Wuxuu noqday ninka kaliya ee carrada baaruud ka haysto. Soomaalida iyo Canfarta oo ahaa musliinta kaliya ee ka hortagi kartay damaaciga Manelik waxaa laga iliaayay hub oo dhan waxaana laga dhigay sacabbooleey. Hadda waxaa is hortaagan Soomaali faro maran iyo Xabashi wadato hub iyo rasaas casri ah oo dhowr mitir wax ka dhiso. 

Menilik waa xoogaystay. Talyaani waa iska dhiciyay, dhulkiisi waa ballaariyay, boqortooyooyinki kale waa jabiyay dhulkoodina kiisa ayuu ku darsaday. Hadda waa boqor xoog badan dhul ballaaran qabsaday, awoodo badan muquuniyay sidaas darteed kibir iyo santaag ay u bannaan tahay. Laakiin wali bad ma hayo wuxuu ku tiirsan yahay Jabuuti oo Faransiisi haysto. Waa inuu helaa bad uu isagu u madax bannaan yahay.

Dhinaca kale Yohhanas boqorki Tigree waa waa taagan yahay oo Manelik ma qabsan. Waa hammi weyn yahay bad inuu helo ayuu isna rabaa. Masawa Talyaani ayaa haysto. Wuxuu ku yiri Talyaani ma rabo inaan Masawa qunsilyad ka furto waxaa rabaa inaan Masawa helo. Haa nafteeda inaan gacanta ku dhigo mo ogiye wax kale ima anfacaan ayuu leeyahay. 

Laakiin marki uu Yohhanas waraaq u qoray boqoraddi Ingiriiska sidaas uma cad caddo. Waa mid daggan oo is liidayo. Wuxuu ku brayo tagayaa magaca masiixiyadda isagoo leh waxaan ahay masiixi ay hareereeyeen musliin cawaan ah. Nasiib daaro reer Yurub barayada uu badda ku doonayo Yohhannas qadyaan ayay ka istaageen dhagaha ayayna ka furaysteen.

Dhinaca kale, Yohannas iyo Manelik waxaa isugu dhiman dagaal. Wali ma kala bixin. Talyaanigu wuxuu rabaa inuu iyaga isku jabiyo. Wuxuu usoo bandhigay Manilik inuu siinayo shan kun oo qori bishardi inuu ku duulayo Yohannas. Waxay ku heshiiyeen in Yohannas lagu duulo dhulkisana ay kala goostaan.

Qaybtaan aan ku xirno Manilik oo ku leh ree Yurub haddii aan Tujuura badda xageeda ka qabsan waayay iguma cusla inaan dhinaca barriga ka qabsado laakiin waxaan rajaynayaa in walaalaha Yurub ee ilbaxa ii caddaalad samayn doonaan na qancin doonaanna intii aan isku dhici lahayn. Wax yar ka dib isla waraaqdaas wuxuu ku yiri waxaan rajaynayaa in aysan caruurta Muxammed (muslimiinta) dumin doonin taajkayga. isagoo sii wado calaacal iyo codsina u dirayo ree Yurub wuxuu yiri haddii aad tihiin kuwa dhab u ilaaliyo masiixiyadda maanta ayay idiin baahan tahay oo la idin kala ogaan.

Marki la soo gaaray qaybsigii qaaradda Afrika ay reer Yurub ku qaybsadeen dhul waynihii dadka madow, Itoobiya dhinaceeda ayay qaybta ka gashay waxaana xubin loo siiyay dhilki Soomaaliyeed ee ilaa maanta ay haysato. Laakiin taasi nasiib xumadiisa bad kuma jirin walina baahidii badda ma dhammaan. Markaas ayuu hungurigii sii waynaaday una hanqal taagay dhul uusan waligiis ku hammin ilaa uu sheegtay Khartuum oo Suudaan ah iyo qaybo ka mid ah Yugaandha ilaa bariga Afrika.

1891di wuxuu qoray Menelik waaraaq kale oo caan noqotay kuna socotay dalalka Ingiriiska, Faransiiska, Jarmalka, Talyaaniga iyo Ruushka. Waxaa xusid mudan inuu markaan is baddalay codkiisu waayo wuxuu noqday nin kale codsigiisuna wuxuu ka turjumayaa ninka uu yahay. Waraaqdaan wuxuu ku caddeeyay meelaha uu rabo inay noqdaan xudduudaha Itoobiya. Wuxuu yiri: Itoobiya waxay boqollaal sano ku dhex taallay muslimiin cawaan ah. Xuddaheennu waxay ahaayeen xeebo. Xeebahayagi waxaa qabsaday muslimiin. 

Wuxuu yiri xudduudaha Itoobiya waxay ahaayeen badda. Goorma ayay ahayd? baddee ayay ahayd? Goormayse muslimiintu qabsadeen xeebihii Itoobiya lahayd? Wuxuu yiri isagoo sii wado waraaqdiisi hadda ma doonayno inaan dib u qabsanno xuddadaheeni hore innaagoo xoog adeegsanayno balse waxaan rabnaa in walaalaheenna kirishtaanka ah ay noo soo gacan galiyaan furimihii aan lahayn si xuddeedkeeninu meeshiisi hore uu gaaro. Hadduu Eebbe xoog na siiyo waxaan Itoobiya gaarsiin doonaa xuddeedaheedi hore ilaa Khartuum, Lakta Nyanza dhulka Oromada oo dhanna uu ku jiro. 

Ilaa laga soo gaaray geeridii Menelik arrimihu wax badan kuma kala duwanayn ilaa laga soo gaaray xukunkii Xayle Salaase. Xayle wuxuu caddeeyay inuu yahay xariif waqtiga kaga faaiidaysan yaqaan danihiisa siyaasadeed. Waa kan isagoo 1948di ka hor hadlayo Qaramada Midoobay: Inti aysan ree Yurub kala jarjarin qaaradda Afrika Itoobiya waxay lahayd xeebo dhaadheer oo badda Cas iyo midda Hindiyaba leh. 15ki sano ee u danbaysay qarnigii sagaal iyo tobnaad ayay Itoobiya waysay baddeedi Eritariyaanka iyo Soomaaliduna qaadateen. Tillaabadi ugu horraysay qaadashadaan waxay ahayd in Talyaanigu qabsaday Masawa [Eritareeya] 1885ti iyo xeebaha Banaadir ilaa ugu danbaynti uu wada qabsaday koonfurta Soomaaliya .

Xayle Salaase wuxuu meesha ka saaray sheegashadi Khartuun iyo Lakta Nyanza wuxuu kusoo koobay dhulka Soomaalida. Sidoo kale, kuwii hore waxay sheeganayeen in dhowr oo boqol oo sano ka hor dhulka ay muslimiintu ka qabsadeen laakiin isagu wuxuu eedda dusha ka saaray Talyaani, waqti yar ka horna inuu dhulkaan isagu lahaa ayuu ku doodayaa. Wuxuu sidoo kale baddalay luuqadi ay ku hadli jireen kuwii ka horeeyay ee ahaa habar wacashada diinta. Maadaama Qaramada midoobay lagu saleeyay cilmaaniyad wuxuu ogaa in diin cidna, ugu yaraan, si muuqato ugu taageeri doonin.

Marki uu isku daykaas ku guul darraystay una caddaatay in Qaramada Middoobay aysan Soomaaliya siin karin wuxuu arrinti u weeciyay Eritareeya oo yiri Eritareeya waa in Itoobiya la siiyaa. Sida uu Mangiiste ka yiri shir jaraaid waqtigii uu xukunka hayay 1970aadki dagaalka xeebahu wuxuu socon laakiin ciyaartooyda ayaa is badbadali. Sheegashada Itoobiya iyo damaacigeeda ku saabsan inay qayb ka helaan badda Soomaaliyana wuxuu jiri doonaa. 

Anna waxaan iri Soomaalidu sidii waqtigii gacmaha laga xiray, hubki laga ilaaliyay adduunkoo dhanna isugu tagay iyadoo waliba guumaysi jiray ay isu difaacday badaheedana loo qabsan waayay ayay ilaa qiyaamaha is difaaci doontaa dhulkeedana aan taako laga qaadan doonin.

Ibrahim Aden Shire
ishire86@gmail.com
kala soco: https://ibrahim-shire.blogspot.co.uk/




Comments

Popular posts from this blog

Gorfeyn: Buugga Adkaysi ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur

  Adkaysi waa buug cusub oo soo suuqa imaanaya kowda Disember 2024. Waxaan nasiib u yeeshay in aan ka mid noqdo dhowrkii qof ee ugu horreysay ee buugga la siiyo inta uusan suuqa imaan. Fiidnamdii Isniinta taariikhdu ahayd 18/11/2024 ayuu xildhibaan Cabdiraxmaan i guddoonsiiyay buugga goor aan ugu tagay gurigiisa Muqdisho. Fiidnamdii talaadada oo aan Ingiriiska safar u soo ahaa ayaan ku billaabay akhriska. Wehel waddada ila mara ayuu ii noqday. Qormadaan gaaban waxaan uga faalloon doonaa buugga.  Adkaysi oo 318 bog ah waxaa qorey xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Tafatirka iyo quraaradyntu (typesetting) waa heersare (laba meelood ayaan ka arkay wax aan is iri quraaradaynta ayaa geftay).  Waa buug xogwarran ah, xambaarsan taariikh, wacyigelin, waxbarid iyo waana-qaadasho. Waxaa uu si gaar ah u abbaarayaa waayihii Cabdiraxmaan, dhalashadiisii, korriinkiisii, waxbarashadiisii, shaqooyinkiisii ilaa siyaasadda oo uu hadda ku jiro. Sida ka muuqata ciwaankaba qoruhu b...

Maxaa ka run ah warbixinnada foosha xun ee laga qoro Soomaalida Qurbaha?

Warbixin ka ay daabacday Boomerg oo looga hadlay waxtarka muhaajiriinta Maraykan  tago ayaa lagu sheegay in Kiinyaanku yihiin dadka saddexaad ee ugu shaqada iyo waxtarka badan soogalootiga Maraykanka. Gaana oo Afrika ah ayaa qaadatay kaalinta koowaad waxaan labo noqday Bulgeeriya oo Yurub ah. Waxaa sidoo kale toban hore soo galay dalalka Itoobiya oo afar gashay, Masar oo shan gashay, Nayjeeriya oo siddeed gashay iyo Laybeeriya oo sagaal gashay. Toban qowmiyadood ee ugu shaqada badan muhaajiriinta ku nool Maraykanka lix ayaa kasoo jeedda Afrika. Waxaan tobanka hore soo galin Soomaalida. Sidoo kale soomaalidu safka hore oogama jirto muhaajiriinta ugu aqoonta badan. Afrika Masar iyo Natjeeriya ayaa kaga jiro tobanka hore xagga aqoonta. Marka walba oo lasoo hadal qaado Soomaali waxaa lagu xariiriyaa, faqri, burcadnimo, aqoon la'aan, argagixisonimo iyo shaqo la'aan baahsan. Warbixin laga soo saaray waddamada Galbeed oo sawir quruxsan ka bixiso Soomaalida in la helo ma dhac...

Hal ku dhigga halaagga noo horseeday: "Xoolaha dad weynaha ayaa ganacsi loo baddalay"

Ilaa shalay waxaa baraha bulshada lagu faafinayay in isbitaalki Jaalle Siyaad ee dagmada Garbahaareey loo rogay meel ganacsi. Saaka warki asaga ahaa waxaa qoray qaar ka mid ah mareegyada warfaafinta ee Soomaalida. Dadka qoray warkaan qaar waxay isticmaaleen erayo adag sida 'dhiig miirato', 'furasho' iyo 'boob'.  Inkastoo aan la xariiray qaar ka mid ah dadka qoray farriimahaan aana isku dayay inaan si hoose xal ugu helo warkaan aan salka lahayn, haddana waxaa ii muuqato inuu dhawaqu meel fog gaaray hoos u hadlidna aysan ku filnayn. Sidaa darteed waxaan go'aansaday in si muuqato wax ooga dhaho warkaan oo aan ahayn kii ugu horreeyay ee noociisa ah.  Muxuu yahay Isbitaalka Jaalle siyaad? Jaalle Siyaad waa isbitaal weyn oo ku yaal Garbahaareey. Waxaa dhismihiisa bilowday dowladdii dhexe isagoo qaybo ah ayayna dhacday. dhowr iyo labaatan sano ayuu qabyadaas ahaa oo arigu u xaroon jiray. Waqti aan fogayn ayay gabdho qurbajoog ah isu xilqaameen inay...

Contact Form

Name

Email *

Message *