Skip to main content

Waxba ha la yaabin Baarlamaanka Soomaaliya, Baarlamaan oo dhan waa sidaase


Dhawaqa kasoo yeerayo baarlamaanka Soomaaliya iyo habdhabqankiisa waa kuwa dhagaha u daran qalbigana walwal galinaya. Musuqmaasuq xad dhaafay, dhuuninimo, waxtarxumo xagga wanaagga ah iyo wax dhibaal ay u hagar baxaan ayaa noqday astaamaha lagu garto xubnaha na matalo. 

Haddii mikrafoon lala dhex maro dadka Soomaaliyeed oo la wayddiyo dalka yuu ka socon la'yahay jawaabta ugu badan waxay noqon baarlamaanka. Sidoo kale, haddii la waydiiyo adduunka yaa ugu baarlamaan xun, waxaa hubaal ah in dadka intooda badan ay lasoo boodi lahaayeen Soomaaliya. 

Hasa ahaatee, dhammaan waxa loogu yeero baarlamaan oo dhan ayaa sidaas ah. Dhammaan astaamaha xun ee kan Soomaaliya uu caanka ku noqday way wada wadaagaan. Sida aan qadyaanka ooga taagannahay ayuuna adduunka oo dhan qadyaan ooga joogaa. 

Dalka Ingiriisku wuxuu sheegtaa inuu leeyahay baarlamaanka ugu qaddiimsan dunida. Waxay ku andacoodaan in siddeed boqon oo sano uu jiro baarlamaankooda. Sidoo kale waxay sheegtaan inay leeyihiin baarlamaanka ugu sumcadda badan dunida. Laakiin markaan si hoose u fiiriso waxaad ogaanaysaa inuu ceeb la feero buuran yahay, qaris iyo dabool iyo is moogaysiinna lagu wado. 

Musuqu waa mid si xooggan oo jira aqalka baarlamaanka. Xubnaha baarlamaanku ma cafiyaan fursad walba oo ay lacag ku samayn karaan. Iyagoo xildhibanno ah ayay lacago badan ka qaataan shirkado shisheeyo si qandaraasyo ay ooga dhammeeyaan dowaladda. Taasi waa i qarso. 

2009ki waxaa soo shaac baxday fadeexado fara badan oo qarsoonaa. wargaysyo ayaa codsaday inay wax ka ogaadaan gunnaayinka ay qaataan xildhibaanadu. Arrintaas waxaa is hor istaagay golaha baarlamaanka. Waxaa la galay dacwo socotay muddo sanad ah oo gaartay ilaa maxkamadda sare. Maxkamadda ayaa xukuntay in la fasaxo xogta laga hayo gunnooyinka ay isticmaalaan xildhibaanada.

Baarlamaanku wuxuu mar kale isku dayay inuu kala qabbeeyo xogta rasmiga laakiin in badan ayaa laga soo xaday. Waxaa soo baxday in xildhibaanadu boob ba'an oo iimaan la'aan iyo dareen la'aan isku darsaday shacabka xoolahooda ku hayeen. Waxaa la daabacay liis aad u dheer oo ku saabsan qaababka ay lacagaha ku qaataan. Qaar ka mid ah waa kuwaan:

Xildhibaanada maadama ay iyagu yihiin kuwa jaangooyo mushaaraadka iyo gunnoyinka iyo waliba sharciyada dalka waxay qorteen mushaar xad dhaaf iyo gunnoyinka fara badan. Gunnooyinka waxaa ka mid ah in xildhibaanka loo ogolyahay guri labaad oo ku yaallo London. Sababta ayaa ah in xildhibaanadu ka shaqeeyaan London oo ah xarunta baarlamaanka laakiin laga soo doortay magaalooyin fof-fog. Sidoo kale waxaa loo ogol yahay in loo celiyo qarashadaad kaga baxo hagaajinta guriga labaad, in laga dhaafo canshuurta dowladda hoose, iyo wixii ku baxo tirsibootkiisa iyo raashinka uu cuno waqtiga shaqada.

Haddaba iyagoo isticmaamalyo sharciyadaan ayay labo gacmoodiyeen xoolaha shacabka. Kuwa waxaa lagu qabtay iyagoo lacag ku qaato guri labaad oo aan jirin. Qaar inta ay qaraabadooda la dagaan ayay lacag ku qaataan guri baa ii kiraysan, qaar inta kireeyaan kii labaad ayay saxiibbo ku hoydanaan, qaar waxay soo dallacdaan qarash dayac tir oo aan jirin iyo tirisboor been ah. Qaar waxaa la ogadaay in qaadan jireen lacagta tirisboorka iyagoo daggan kaatka golaha baarlamaanka. Foolxumada ayaa socotay ilaa la qabtay mid soo dallacday sadex shilin oo uu ku kiraystay filin ah kuwa sinjiga. Kuwaan oo busaaradda kala mid ah kuwa Soomaaliya sidee u dhaqmi lahaayeen?

Xagga dhaqan xumada waxay ku fiican tahay inaan daboolka laga qaadin. Golaha shacabka gabdhaha usoo shaqo tago howshoodu waa "safraayoow waxna gado waxna garo". Sanadkan dhexdiisa ayay ahayd marki aan maqlanayn faraxumaynta ay odayaashu ku hayaan gabdhaha shaqo doonka ah.

Intaas waxaa dheer sarqaanka waqtiyada ay joogaan golaha shacabka. Baararka ku yaal gudaha dhisamaha baarlamaanka ee loogu talagalay inay ku nastaan xildhibaanada iyo shaqaalaha golaha, waxaa la raqiisiyay khamriga. Saas oo ay tahay sanadki 2016ki wargayska Mirror ayaa daabacay in khamriga uu cabbay baarlamaanka Ingiriisku uu gaaray 1.2 milyan oo gini.

Dhinaca kale, waxay kordhiyeen canshuurta la saaro khamriga iyagoo ku doodayo waxaan rabnaa in la dhimo dadka cabbayo maadaama uu khatar ku yahay noloshooda. Halkaas waxaa kaaga muuqato in sharcigu yahay hadba sideey iyagu dantooda ku jirto.

Xagga wax tarka, xildhibaanada Ingirrisku iyo kuwa kale ee reer Galbeedku waxay noqden caqabad laga dhaqaaqi la'yahay. Waxay is hortaagaan horumar walba iyo mashruuc kasta oo la isku dayo. Muddo 20 sano ku dhow Ingiriiksu wuxuu isku dayayay inuu dhiso tareenka dheereeyo laakiin waxaa laga dhaqaajin la'yahay xildhibaanno dano kala duwan leh. Sidoo kale ayrboorka ugu weyn dalkaas ayaa lagu dari la'yahay hal jid oo kale dooddisuna socotaa labaadatan sano ku dhawaad.

Maraykanku waxba ma dhaamo. Lixdi bilood ee ina dhaaftay labo jeer ayay shaqada dowaladdu hakat gashay waayo xildhibaanada mucaaradka ah oo u caraysan madaxweynaha ayaa diiday inay anixiyaan miisaniyaddi dowladdu ku shaqaynj lahayd. Obama sidoo kale ayaa ku dhacday. Mashaariicda horumarineed taako ayaa u wada taal.

dhinaca musuqa iyo laaluushka waa safka hore inkastoo magacyo kale loo bixiyay. Tusaale, waxay sharciga ku dhigteen in qofkii mar un noqda xildhibaan inuu waligiis xariir dhow la yeelanayo golaha shacabka. Taas oo ka dhigan waxaa u furan inuu yimaado, la kulmo xildhibaanada, la shiro, talo soo jeediyo IWM. Taasi waxay keentay in golaha labada aqal ee Maraykanku lacagta ugu badan ka sameeyaan waxa loo yaqaan 'lobbying' oo ah in dano cid kale, shirkad ahaatayaa ama dowlad ahaatayaaba laga dhaadhiciyo maamulka jiro.

Sida loo kala lacag badan yahay ayaa loo kala iibsadaa xildhibaanada Maraykanka. Yuhuudda ayaa ugu lacag badan iyadaana leh tirada ugu badan ee labada aqal. Khaliijka ayaa soo raaco oo inta kale daro ku hayo. Sanadki hore innaga mid ayaa wax naga soo doonay oo la sheegay in madaxweyne Farmaajo u ogolaaday labaatan kun oo doolar sanadki si uu danaha Soomaaliya u hor geeyo madaxda sare ee dalkaas.

Haddii labadi dal ee adduunka ugu baarlamaanka wanaagsanaa sidaas yihiin Hindiya iyo Bakistaan maxaad ka filan? Kiinya iyo Nayjeeriya waa xagee keennase maxaa u yaal oo aan ka ahayn isbaaro, baad iyo cirbado xadid.

Xaqiiqdu waxay tahay in qaarada Afrika filin dhamaaday tigid u goosatay. Baarlamaanadi shucuubti adduunku waa kasoo istaageen. Shacabka ku nool Galbeedka waxay fahmeen in nidaamyada hadda jiro ay yihiin kuwo fashilan oo u adeegayo danaha madaxda kaliya. Baarlamaanka ay doortaan waxtar koodu ma dhaafo hadal idaacad laga sheego iyo taako loo dhigo howlaha dowladda.

Dalalka maanta horumarka balaaran samaynayo waa kuwo aan lahayn baarlamaan ama leh mid maqaarsaar ah. Tusaale, Shiinaha oo ah waddanka ugu kobaca badan dunida sida xooliga ahna u koray sodonki sano ee tagay ma lahan baarlamaan lasoo doorto iyo xisbiyo iyo barbar yaacayo. Ruwaanda oo ah dalka maanta hormuudka u ah Afrika waxay leedahay baarlamaan mgac u yaal ah. Waxaa la mid ah Itoobiya.


Warki oo dhan baarlamaan waxaan dhib ahayn lama joogo. Hasa ahaatee wax dhaamo lama hayo waqtiga hadeer ah. Sidaas awgeed waxba yaannan la yaabina aan baranno sidaan ula noolaan lahayn waxna ooga sixi lahayn.

Farqiga u dhaxeeyo baarlamaaneenna iyo kan dunida kale waa kaliya in kuwaas muddo badan ay soo jireen nidaamka dowliga ahna uu shaqayn karo isagoo caqabado badan haystaan ama aysanba dowlad jirin. Biljam dhowr sano ka hor 7 bilood ayuu dowlad la'aan ahaa saas oo ay tahay wax walba sidii hore ayay u socdeen. Iswisarlaan ayaa sidaas oo kale ka dhacday haddana Jarmalka ayaa dhisi la'a dowlad maadaama uusan hal xisbi ku guulsayn codka hanashada kursiga. Innaguna, Eebbe idinkii, halkaas oo waan gaari doonnaa. Inta ka horrayso Alla bariga iyo taageerada aan haynno, niyaddana aan wanaajinno.


Ibrahim Aden Shire
ishire86@gmail.com
kala soco: https://ibrahim-shire.blogspot.co.uk/

Comments

Popular posts from this blog

Taariikh Nololeedkii Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf

  28/12/2023 waxaa geeriyooday sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf oo ka mid ahaa culimada Soomaaliyeed marna ahaa hoggaamiyihii Imaaradii Gedo. Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf Aw Axmed Ismaciil Mubaarak sheekh Cabdiraxmaan sheekh Samantar,  waxaa uu ku dhashay qiyaastii 1938-kii, meel lagu magacaabo Buuro oo galbeedka uga beegan magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud. Sheekha waxaa uu ahaa Marreexaan, Cali Maxammed (Cali-dheere), reer Sheekh reer Mubaarak.  Sheekh Maxammed waxaa uu ku barbaaray guri aqoon iyo Diin. Sida aad ka arki kartaba abtirkiisa aabbihii iyo awooyaashii waxaa ay ahaayeen culimo. Sheekha Maxammed Allaha u naxariisto e (AUN),  waxaa uu Qur’aanka kariim ka ah dhammeeyay isaga oo aad u da’ yar. Intaa ka dib waxaa uu u jeestay barashada caqiidada, fiqhiga iyo Shaaficiga isaga oo kutubtaas ka qaatay aabbihii. Sidii uu dhaqanku ahaa, sheekh Maxammed  waxaa uu xiraystay sannadka markii uu ahaa 1956-kii ilaa 1961-kii  goortaas oo uu cilmi u raadsaday magaalooyinka Beledwayne,

Maxaa ka run ah warbixinnada foosha xun ee laga qoro Soomaalida Qurbaha?

Warbixin ka ay daabacday Boomerg oo looga hadlay waxtarka muhaajiriinta Maraykan  tago ayaa lagu sheegay in Kiinyaanku yihiin dadka saddexaad ee ugu shaqada iyo waxtarka badan soogalootiga Maraykanka. Gaana oo Afrika ah ayaa qaadatay kaalinta koowaad waxaan labo noqday Bulgeeriya oo Yurub ah. Waxaa sidoo kale toban hore soo galay dalalka Itoobiya oo afar gashay, Masar oo shan gashay, Nayjeeriya oo siddeed gashay iyo Laybeeriya oo sagaal gashay. Toban qowmiyadood ee ugu shaqada badan muhaajiriinta ku nool Maraykanka lix ayaa kasoo jeedda Afrika. Waxaan tobanka hore soo galin Soomaalida. Sidoo kale soomaalidu safka hore oogama jirto muhaajiriinta ugu aqoonta badan. Afrika Masar iyo Natjeeriya ayaa kaga jiro tobanka hore xagga aqoonta. Marka walba oo lasoo hadal qaado Soomaali waxaa lagu xariiriyaa, faqri, burcadnimo, aqoon la'aan, argagixisonimo iyo shaqo la'aan baahsan. Warbixin laga soo saaray waddamada Galbeed oo sawir quruxsan ka bixiso Soomaalida in la helo ma dhacd

Hal ku dhigga halaagga noo horseeday: "Xoolaha dad weynaha ayaa ganacsi loo baddalay"

Ilaa shalay waxaa baraha bulshada lagu faafinayay in isbitaalki Jaalle Siyaad ee dagmada Garbahaareey loo rogay meel ganacsi. Saaka warki asaga ahaa waxaa qoray qaar ka mid ah mareegyada warfaafinta ee Soomaalida. Dadka qoray warkaan qaar waxay isticmaaleen erayo adag sida 'dhiig miirato', 'furasho' iyo 'boob'.  Inkastoo aan la xariiray qaar ka mid ah dadka qoray farriimahaan aana isku dayay inaan si hoose xal ugu helo warkaan aan salka lahayn, haddana waxaa ii muuqato inuu dhawaqu meel fog gaaray hoos u hadlidna aysan ku filnayn. Sidaa darteed waxaan go'aansaday in si muuqato wax ooga dhaho warkaan oo aan ahayn kii ugu horreeyay ee noociisa ah.  Muxuu yahay Isbitaalka Jaalle siyaad? Jaalle Siyaad waa isbitaal weyn oo ku yaal Garbahaareey. Waxaa dhismihiisa bilowday dowladdii dhexe isagoo qaybo ah ayayna dhacday. dhowr iyo labaatan sano ayuu qabyadaas ahaa oo arigu u xaroon jiray. Waqti aan fogayn ayay gabdho qurbajoog ah isu xilqaameen inay

Contact Form

Name

Email *

Message *