Skip to main content

Kan ka Qaado Kaasna ka Qaado Waa Wixii Godka Nagu Riday


Dunida casriga waa mid isku tiirsan oo aan kala maarmin. Isku tiirsanaantu waa mid labo gees ah. Dhinac wuxuu isu muujiyaa in isaga lagu tiirsan yahay gacanta sarana leeyahay walow dhabti ahaanti uusan maarmi karin. Dhinaca kale wuxuu u muuqdaa mid baahan oo gacan qabasho kan hore uga baahan walow haddu is adkeeyo kan sida dhabta ah loogu baahan yahay uu noqon lahaa.



Qaybta wax ku tiirsan waxay u kala baxdaa labo. Koox cir yar oo dal iyo labo waxay ka helaan iyo xariir ay la yeeshaan ku filan. Kooxdaas waxay xoojiyaan xariirka kala dhaxeeyo dalalka ay ku tiirsan yihiin meel aan kuwaas ahayna wax uma doontaan. Waddamada caynkaas waa kuwo had iyo jeer nabdoon. Tusaale, Sacuudiga iyo Maraykanku waa isku tirsan yihiin. Maraykan wuxuu u baahan yahay lacagta iyo batroola Sacuudiga, Sacuudiguna wuxuu u baahan yahay awoodda Maraykan inay ka ilaaliso ciddii kusoo duusho.

Kooxda kale waa waddamo fara ku tiris ah. Waxay isku dayaan inay badsadaan irdaha wax imaanayaan. Waxay isku qaadaan meel walba oo ay isleeyihiin wax kororsi ayaad ka heli kartaan. Waxay heshiis la wadi galaan dalal is diiddan oo hardan adag ka dheexyo. Kama fakaraan caaqibada ka dhalan karta baryada badan. Ma qiimeeyaan dhibka uu horseedi karo heshiisyada wajiyada badan ee ay galayaan. Sideed wax ku waddaan haddii la yiraahdo waxay ku doodaan xor ayaan nahay cidna meel ugu xirnaan mayno.

Soomaalidu kooxdaan danbe ayay ku jirtaa. Waxaa la sheegay in marki la go'aamiyay in Soomaaliya xornimada la siiyo loo soo bandhigay inay kala doortaan sadex dal oo gaarsiiyo dowladnimada. UN-ta, Ingriiska iyo Talyaaniga. Raggii Soomaaliya matalayay waa showreen go'aan ayayna soo gaaraan. Waxay lasoo noqdeen inay sadexdaba iyo kuwo kalaba wada rabaan. Gaaladi oo yaaban baa tiri maxaad ku keenteen warkaas. Waxay ku jawaabeen reer sadex halaad u irmaan tahay ka nolol fiican mid hal kaliya u irmaan tahay.

Madaxda maalinkaas Soomaaliya matalaysay waxay eegeen kaliya dhaqaalaha ka imaan karo dal walba oo Soomaaliya gacanta kula jiro balse ma aysan eegin shisheeye loo ogolaaday inuu maamulo dalkaada dano isdiiddana leh sida uu u qarribi karo nolosha dadka oo dhan. 

70 sano ka dib maalinti Soomaalidu sidaasi u fekaraysay waxaad mooddaa in wali halki aan taagannahay. Jabuuti waa dal soomaaliyeed dad soomaaliyeedna daggan yihiin. Waxaa ku nool nus malyuun kaliya, bad ahaanna gobalka Gedo ayaa labo jeer iyo bar ka weyn. Haddana waxaa sal dhigyo ku leh Shiinaha, Maraykanka, Jabbaan, Faransiiska iyo Sacuudi Carabiya. Wuxuu noqday dalka kaliya ee ay wada daggan yihiin Shiine iyo Maraykan oo waqtigaan ah jiir iyo bisad. 

Dhammaan dalalkaan midba mar ayuu heshiis la galay waqti dheer ah sanad walbana wuxuu ka qaadaa lacag malaayiin ah. Dhammaan dalalkaan waxa meesha ka joogo waa ciidamo dagaal u diyaar ah oo haysto hub aad u culus qaarkiisna wax gumaado. Madaxda Jabbuuti marnaba isma waydiin dhibka ka imaan karo mustaqbalka fog dalalkaan meesha lagu soo kuusay.

Sidaas si la mid ad, Soomaalilaan ayaa martay. Waxaan ogayn inay Imaaraat siisay saldhig ciidan muddo sodon sano ah. Hadda waxaa soo baxday inay wada hadal kula jirto Ruushka oo rabo isna saldhig ciidan. Itoobiya iyadu dalka ayayba nala leedahay ayaad is leedahay sida ay ciidamadeedu noogu dhex jiraan. 

Waxaan ka duwanayn dowladda dhexe. Waqtigii madaxweyne Xasan laga soo billaabo, Xamar waxay isu baddashay xero ciidamo. Waxaa ku kulmay, Jarmal, Holandiis, Ingiriis, Maraykan, Turki iyo Imaaraad iyo waliba Afrika oo ku dhan AMISOM oo intuba sheeganayo inay ciidamo tababaraan. Ma jiraan wax wada shaqayn ah oo tababarayaashaan ka dhaxeeyo mid walba dano gooni ah ayuu leeyahay. Waxa kaliya ee ay ka siman yihiin ayaa ah in mid walba xisaab laga qaaday loona fasaxay inay dalka say rabaan u joogaan. 

Maamulka Farmaajo inuu qaar kale soo kordhiyo way dhici kartaa laakiin inti hore qaar ayuu ka dhimay. Jarmal iyo Honlandiis waa joojiyeen tababarki ciidan iyagoo sheegay cudur-daaro isu eg halka Imaaraad dagaal ku baxay. Ma hubo dhimitaan inay ku talagal xagga dowladda ka ymid tahay iyo in iyadoo ka xun laga guuray. Dowladdi dhexe iyadu rikoor ayay haysatay.

Madaxda Soomaalida hadda hor taagan waa kuwo kasoo shaqeeyay dowladdi dhexe. Aqoon fiican ayay u leeyihiin dhibki uu gaystay is badbadalki badnaa ee madaxweyne Siyaad. Marki aysan talada hayn waxay si hubaal ah u qiri jireen in gacmaha badan qasaare badan ka danbeeyo. 

Dhowr  dhib oo keeno burbur iyo baahi ayaa ka dhasho heshiisyada badan. Kow dalku marki uu dalal badan oo kala dano ah mid walba heshiis gooni ah la galo waxaa loo arki mid aan la isku halayn karin saxiibna aan galin. Taasi waxay keeni in waddamadu la galaan heshiis qiyaamooyin badan ku hoos jiraan. Tusaale, waxay ku talo gali in waqti walba wax is baddali karaan sidaa darteed dhammaan wax qabad koodu noqdo mid waqti dhow ku xiran.

Haddii si kale loo yiraahdo, ma sameeyaan maalgalin waqti dheer ku salaysan. Baddalkeeda waxay bixiyaan lacago kiro ah iyo xoogaa cawimaad ah. Taasi waxay u sahli inaysan dhibtoon marki dalkaan waalan is baddalo. Tusaale, waxaa noo ah Imaaraat. Maalmo ka hor marki la isku dhacay Imaaraat shiddo la'aan ayuu boorsooyinkiisa qaatay waayo waxa Soomaaliya ka yaallayba waxay ahaayeen dhowr gaari oo qarraab ah iyo xoogaa Masaari iyo Koonfur Afrikaan ah oo tababarayaal ku magacownaa.

Taas lidkeeda waxaaa noqon lahaa haddii ay si rasmi u maal gashan lahayd dalka. Qiyaas Imaaraat oo mashaariic  mustaqbalka fog ah boqollaal milyanna ku baxayso galiyay Soomaaliya. Si walba oo la isu qoomo marnaba ma dhacdeen inuu fudaydkaas ku alaabo gurto. Sidoo kale, hadalki kasoo yeeray wasiiru dowlaha arrimaha dibada ee Imaaraatka kaasoo uu ku sheegay in Soomaalilaan aysan ku lahayn xataa qunsilyad iyagoo la galay heshiis tobonnaan sano ah wuxuu tusayaa inay hal lug ku taagan yihiin.

Waxaa hubaal ah inay qunsul, haddu rabo ha noqdo mid Soomaali ah oo ay dhalasho siiyeene, gayn lahaayeen Hargaysa si ay u ilaashaaan danahooda fog. Laakiin maadaama ay u arkaan in dad la aamini karo aysan meesha joogin waxay u muuqataa inay door bideen inay kaash la baxaan macaamilkana mid ku meelgaar ah ay ka dhigaan.

Garab dhig dalkeenna midka Kiinya. Sideey xorriyada u qaateen cid aan Ingriis ahayn lama aysan galin heshiis militiri. Waxaa soo raacay Maraykan iyo Yuhuudda oo xoogaa xariir ah oo ku saabsan la dagaalanka waxa lagu sheego argagixisada uu dhex maray. Mowqifkaas joogtada ah waxay ku heleen nabad joogta ah iyo inay ka badbaadaan faragalin shisheeye. 

Sidoo kale waxay heshay Kiinya maalgalin waqti fog ah. Waxaa si xooggan u maal gashaday wadamada Galbeedka oo u arkay in la isku hallayn karo maadaama ciidamada kaliya ee saldhig ku leg ay yihiin kuwa Ingiriiska. Ciidsamadaas waxay ilaaliyaan danaha reer Galbeed oo ah in Kiinya xasiloonaato si ganacsigoodu uusan u baabi'in. 

Dabcan Kiinya iyo Soomaaliya xagga Istaatijiyadda isku mid ahaan oo Soomaaliya ayaa qaalisan laakiin way heli kartaa fursad ay ugu yeerato dalal badan oo is diidan mid walbana ay gooni wax ooga qaadato, balse inaysan dan ugu jirin ayay u aragtay innaguna waxaan ku tilmaannay inay yihiin dad guumaysi jecel oo dal kaliya meel ugu xiran.

Dhibka labaad ee heshiisyadaan badan ay keeni karaan ayaa ah in lagu tiirsanaado dhaqaale ka yimaado dalal lug kaliya ku taagan. Arrintaan horay ayay noo soo martay. Dowladdii kacaanka waxay caan ku ahayd labo gacmoodinta waxaana u sahlay inay macaamiil badan helaan dagaalki qaboobaa. 

Is reebreebki waxaa kusoo haray Maraykan oo bixiyay dhaqaalaha ugu badan ee ay Soomaaliya heli jirtay. Mar ayay Soomaaliya noqotay dal sadexaad ee helo deeqada ugu badan ee Maraykanka ka dib Yuhuudda iyo Masaarida. Sanadki wuxuu siin jiray Maraykanku boqol milyan oo doolar marki lasoo gaaray 1988di Soomaaliya deeqda ay  ka heshay Maraykanka waxay gaartay 880 milyan oo doolar. 

Deeqda uu siiyo Maraykanku ma istaagin inkastoo Soomaaliya dhaqaalaheedu hoos u socday ilaa 1980ki. Marki lasoo gaaray 1987di Soomaaliya waxay noqotay dalka lagu leeyahay daynta ug u badan waddamadi Afrika ee heli jiray deeqda Maraykanka. Sidoo kale, dowladdu waxay ku kacaysay tacaddiyo kala duwan iyo meel ka dhacyo xuuquul insaanka ah kuwaas oo uu Maraykanku dowladaha galo cayrta uu ka jaro. Sababta uu cawimaada u joojin maahayn jeceyl iyo saaxiibtinimo ee waxay ahayd yuusan dal kale kaaga hoos marin.

Maadaama Soomaaliya Maraykanku u arkayay waddan aan aamini karin, deeqdiisu waxay ahayd cawimaad, xoogaa caddaan ah iyo qalab militiri oo aan naf badan lahayn. Dowladdu maadaama dhaqaalaheedu hoos usii dhacayay waxay magan gashay cawimaadda Maraykanka. Waxaa macruuf noqotay in raashinka loogu talagalay qaxootiyada loo qaybiyo ciidamada. Nafta iyo nolosha la hayo waxay noqotay ciwamaadda Maraykanka ilaa loo bixiyay Soomaaliya 'godka madow ee deeqda caalamiga ah' (the black hole of internal aid). Hadalkaan loogama jeedin waxba ma deeqaan ee waxaa laga waday meesha wax la geeyo cidna ma oga waayo dowladdu cidna lama hadli karin sideey doonto ayayna ugu takri fali jirtay cawimaadda loogu talagalay meelo gaar ah. 

Marki hadduu dhamaaday dagaalki qaboobaa ree Galbeedna uu waayay cid tartan kula jirto muxuu cawimaad u bixiyaa? Kongareeska Marayka 1987ki wuxuu kasoo reebay deeqdi Soomaaliya 8 milyan oo kaliya taas oo sanad ka hor ahayd 47 miyan. Deeqda yaraatay ugu danbayna go'day dad badan ayaa qabo inay tahay sababta ugu muhiimsanayd ee daciifisay ciidamada Soomaaliya taaso fursad siisay kooxihii dagaalka kula jiray ugu danbayna noo horseedday burburka ilaa maanta na hayo. Ku tiirsanaanta qof barri tagi karo cawaaqibtaas ayuu dhalaa ilaa haddana ma muuqato in cashar laga bartay.

Midda saddexaad ee wajiyada badan ay keenaan ayaa ah in aanna waligeen yeellan saaxiib la hubo. Dhammaan dalalka heshiiska nala galo waa kuwo shaki qabo naguna shaabadeeyay inaan nahay dad aan la aamini karin oo barri haddii mid kale lacag u keeno ka qaadan doono. Taas waxay keentay sidaan kor ku sheegnay in cid walba oo wax nala wadaagto ay ku meel-gaar ku talagasho taasoo ka dhigan wax kala gadasho moojiye wax kala nagama dhaxeeyaan. 

Halka ciidamada Ingiriiska ee Kiinya daggan ay heegan ugu jiraan ilaalinta danaha Ingriiska oo ay ku jirto xasilinta Kiinya haddii ay talo faraxa ka baxdo, ciidamada Imaaraatka ee Barbara dagay far dhaqaajin mahayaan haddii magaalada barqo la kala qabsado waayo wax kale oo meesha ka yaallo ma jiraan.

Bal u fiirso waddamadi carbeed ee halka meel ku dhagay sida Sacuudiga iy kuwa kale ee Khaliijka sida ay u nabad galeen xasillooni siyaasadeedna u heleen. Waa laga fiicnaa iyo si ka fiican bay ula xisaabtami kareen Maraykan waa arrin kale laakiin inay isaga ku ekeedeen waxay keentay inuu ilaashado danahiisa. Garab dhig kuwii maalinba dhinac isku qaaday sida Liibiya, Ciraaq iyo Soomaaliya.

Sawirka kusoo baxayo wuxuu noqonayaa in ay muhiim tahay in la yeesho saaxiib xoog badan oo ku difaaci karo marki lagaa xoog bato, ku caawin karo marki gudahaada dhib ka jiro, ku garab istaagi karo marki qolo kale kuu boolo-xoortayso. In la helo saaxiib caynkaas waxay u baahan tahay siyaasad daggan iyo iimaan sugan oo aan weel walba isha la raacayn.

Ibrahim Aden Shire
ishire86@gmail.com
kala soco: https://ibrahim-shire.blogspot.co.uk/

Comments

Popular posts from this blog

Taariikh Nololeedkii Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf

  28/12/2023 waxaa geeriyooday sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf oo ka mid ahaa culimada Soomaaliyeed marna ahaa hoggaamiyihii Imaaradii Gedo. Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf Aw Axmed Ismaciil Mubaarak sheekh Cabdiraxmaan sheekh Samantar,  waxaa uu ku dhashay qiyaastii 1938-kii, meel lagu magacaabo Buuro oo galbeedka uga beegan magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud. Sheekha waxaa uu ahaa Marreexaan, Cali Maxammed (Cali-dheere), reer Sheekh reer Mubaarak.  Sheekh Maxammed waxaa uu ku barbaaray guri aqoon iyo Diin. Sida aad ka arki kartaba abtirkiisa aabbihii iyo awooyaashii waxaa ay ahaayeen culimo. Sheekha Maxammed Allaha u naxariisto e (AUN),  waxaa uu Qur’aanka kariim ka ah dhammeeyay isaga oo aad u da’ yar. Intaa ka dib waxaa uu u jeestay barashada caqiidada, fiqhiga iyo Shaaficiga isaga oo kutubtaas ka qaatay aabbihii. Sidii uu dhaqanku ahaa, sheekh Maxammed  waxaa uu xiraystay sannadka markii uu ahaa 1956-kii ilaa 1961-kii  goortaas oo uu cilmi u raadsaday magaalooyinka Beledwayne,

Hal ku dhigga halaagga noo horseeday: "Xoolaha dad weynaha ayaa ganacsi loo baddalay"

Ilaa shalay waxaa baraha bulshada lagu faafinayay in isbitaalki Jaalle Siyaad ee dagmada Garbahaareey loo rogay meel ganacsi. Saaka warki asaga ahaa waxaa qoray qaar ka mid ah mareegyada warfaafinta ee Soomaalida. Dadka qoray warkaan qaar waxay isticmaaleen erayo adag sida 'dhiig miirato', 'furasho' iyo 'boob'.  Inkastoo aan la xariiray qaar ka mid ah dadka qoray farriimahaan aana isku dayay inaan si hoose xal ugu helo warkaan aan salka lahayn, haddana waxaa ii muuqato inuu dhawaqu meel fog gaaray hoos u hadlidna aysan ku filnayn. Sidaa darteed waxaan go'aansaday in si muuqato wax ooga dhaho warkaan oo aan ahayn kii ugu horreeyay ee noociisa ah.  Muxuu yahay Isbitaalka Jaalle siyaad? Jaalle Siyaad waa isbitaal weyn oo ku yaal Garbahaareey. Waxaa dhismihiisa bilowday dowladdii dhexe isagoo qaybo ah ayayna dhacday. dhowr iyo labaatan sano ayuu qabyadaas ahaa oo arigu u xaroon jiray. Waqti aan fogayn ayay gabdho qurbajoog ah isu xilqaameen inay

Maxaa ka run ah warbixinnada foosha xun ee laga qoro Soomaalida Qurbaha?

Warbixin ka ay daabacday Boomerg oo looga hadlay waxtarka muhaajiriinta Maraykan  tago ayaa lagu sheegay in Kiinyaanku yihiin dadka saddexaad ee ugu shaqada iyo waxtarka badan soogalootiga Maraykanka. Gaana oo Afrika ah ayaa qaadatay kaalinta koowaad waxaan labo noqday Bulgeeriya oo Yurub ah. Waxaa sidoo kale toban hore soo galay dalalka Itoobiya oo afar gashay, Masar oo shan gashay, Nayjeeriya oo siddeed gashay iyo Laybeeriya oo sagaal gashay. Toban qowmiyadood ee ugu shaqada badan muhaajiriinta ku nool Maraykanka lix ayaa kasoo jeedda Afrika. Waxaan tobanka hore soo galin Soomaalida. Sidoo kale soomaalidu safka hore oogama jirto muhaajiriinta ugu aqoonta badan. Afrika Masar iyo Natjeeriya ayaa kaga jiro tobanka hore xagga aqoonta. Marka walba oo lasoo hadal qaado Soomaali waxaa lagu xariiriyaa, faqri, burcadnimo, aqoon la'aan, argagixisonimo iyo shaqo la'aan baahsan. Warbixin laga soo saaray waddamada Galbeed oo sawir quruxsan ka bixiso Soomaalida in la helo ma dhacd

Contact Form

Name

Email *

Message *