Skip to main content

Waxbaa Isoo Hari Waayay: Hal ku dhigyada Halaaga noo Horseeday


Qormadaan middi ka hooraysay https://ibrahim-shire.blogspot.co.uk/2018/03/hal-ku-dhigga-halaagga-noo-horseeday.html waxaan kaga sheekaynay jumlooyin noqday halqabsi lagu weeraro dadka u shaqeeyo bulshada kuwaas oo waqtigoodi iyo maalkodiba galiyay caawinta dan yarta iyo hurumarinta bulshada. Hal ku dhigyadaas waxaa ka mid ahaa: 'Hantida dad weynaha ayaa goob ganacsi loo baddalay'; 'Qandaraas ayuu nagu soo qaatay'; 'Lacag ayuu nagu cunaa'; Magaceenna ayuu rabaa inuu ku qaraabto' iyo kuwo kale oo badan.

Qormadaan waxaan kusoo qaadanaynaa kuwo kale oo u gaar ah Soomaalida qurbaha ku nool gaar ahaan kuwa Yurub ku nool.

Waxaan fadhinnay biibito, waqti casar hore sanadki 2006di. Waxaa na soo ak fadhiistay nin soomaali ah da' dhexana ku jiro. Wuxuu yiri waxaa la isoo sheegay inaad ka shaqaysaan halkaas oo aniga shaqo la iigu diray. Barri inaan shaqo tago ayaan rabaa carradana waan ku cusabahay oo ma aqaan meesha aan rabo. Marka inaad meesha i tusataan ayaan rabaa, gaarina waan wataa oo anaa in sii qaadi haddii aad rabtaan.

Aqbalnay waana soo dhawaynay. Maadaama aniga iyo ninka markaas ila fadhiyay isku gurina aan daganayn uusan midkeenna gaari wadan meel fogna loo shaqo tago helidda nin gaari wato oo nagu soo biiro waa war farxad leh. Sidaas awgeed ninki waji furan ayaan ku qaabilnay is waraysi ayaana galnay markii danbana gurigi aan daganayn ayaan isu raacnay si aan u sheeko boganno.

Wuxuu noo sheegay inuu London ka yimid. Lix caruur ah iyo hooyadoodna ay London u dagan yihiin, halkaanna uu shaqo kaliya u yimid. Waxaan rabaa inaan shanta bari halkaan ka sheeqeeyo labada cisho ee asbuuca u danbaysana aan caruurta aado. Waxaan waydiinnay inuu waayay meel halkaan London ooga dhow oo uu ka shaqeeyo ama uu London gudaheedaba shaqo ka waayay.

Wuxuu noo billaabay sheeko dheer oo uu kaga warramay inuu London ka shaqayn jiray iyo siduu ooga tagay. Wuxuu noo sheegay inuu ka shaqayn jiray boostada shaqo joogta ahna ka haystay. Goobta shaqada gurigiisa aad ayay ugu dhawayd oo lug ayuu ku tagi jiray. In muddo ah ayuu meeshaas ka shaqayn jiray oo shaqaalaha oo dhan way is barteen.

Wuxuu noo sheegay in ku dadaalay in shaqadaas laga cayriyo. Dhib badan ayuu sameeyay si loo qoonsado shaqadana looga cayriyo laakiin kuma uusan guulaysan dadaalkaas siduu noo sheegay. Ugu danbayn wuxuu yiri waxaan la hadlay nin Hindi ah oo maamule meesha ahaa. Wuxuu u sheegay inuu rabo in shaqada laga cayriyo. Hinddida iyo Soomaalidu arrimo badan ayay saaxiibbo ku yihiin marki la joogo Ingiriiska. Wuxuu yiri Hindigi ayaa ii fududeeyay in la i cayriyo sidaas ayaana shaqadi ooga tagay.

Ma la yaabtay nin dadaalkaas u galay in laga cayriyo shaqo joogta ah oo guriiga kaadkiisa ah ka dibna boqol mayl u doontay mid la mid ah ama ka liidato? Sidaas oo kale ayaan innaguba u yaabnay. Waliba shirakadda boostada ee uu sheegay inuu shaqayn jiray waa shirakadda ay ku tamaan inta muruq maal ah. Waqtigaas aniga iyo saaxiibka ila joogayba inaan shaqo ka helno riyo ayay noo ahayd.

Annagoo yaaban ayaan niri oo maxaad rabtay oo aad shaqada ooga tagtay? Wuxuu ku jawaabay "WAXBAA ISOO HARI WAAYAY".  Marka waxaan rabay inaan reerka iskala qorno, anigoo shaqaynayo haddii aan sidaas yeelana mushaarkayga ayaa caruurta lacag looga jari. Sidaas darteed waxay noqotay inaan marka hore shaqada ka tago, ka dib aan xoogaa anoo shaqo la'aan ah caruurta cayrta la qaato ka dibna aan is kala qorno.

Inta aanan la fahmin is kala qoridda aan u sharraxo ujeedka. Waddamadaan sida dunida kale dadka iyagaa naftooda ka masuul ah. Biilka caruurta waalidka ayaa laga rabaa inay la baxaan. Haddii aysan ku filnayn waxa ay helaan waa la kabaa oo waxa ka dhiman ayaa loogu daraa. Laakiin haddii aad shaqayso wax kugu filanna kusoo galaan laakiin aysan waxba kasoo harayn biilkaadi dowladdu ku kaalmayn mayso waayo shaqada dowaladda maahan inay ku siiso wax aad meel dhigato ee waa inay ka dadaasho inaadan gaajo ku seexan.

Ninkaan wuxuu ku jiray xaaladda ah in mushaar biiliisa kaafiya uu soo gali jiray laakiin aan waxba laga dhigi Karin. Sidaas awgeed subax walba waa uu shaqo tagaa akoonkana waxba uguma haraan oo wixii soo galo oo dhan caruurta biilkooda iyo kirada guriga unbaa loo qaata.

Maxaa xal ah oo taas looga baxaa? Waxaa jiro jidid qaab daran oo la maro waana jidkaas midda uu raadiyay macalinkaan. Jidkaas ayaa ah in caruurta iyo hooyadood looga dhex baxo dowalada iyadoo gabadhu ay sheeganayso inuu ninki ka tagay meel kalana ku nool yahay wax xariir ahna ka dhaxayn xataa meeshuu jiro aysan war ka hayn.

Marki ay taas dhacdo, dowladu waxay bixin kirada guriga iyo biilka caruurta oo shaqada aabaha ayay la wareegi. Dhinaca kale aabihii sida ninkaan ayuu waddanka dhinac ka joogi ama gurigaba uu dhinac ka daganaan isagoo shaqeeyo. Wixii soo galo kiro kama bixiyo, caruur kama biilo ee meel ayaa lagu guraa. Nolosha noocaas waxaa loo yaqaan "kala dhiibnaansho ama kala noolaansho". In kastoo nidaamka jiro loo sheegay in uusan reerka isla noolayn, haddana reerku waa mid dhaqmayo oo ilmo dhalayo.

Arrintaan maahan mid ku kooban dadka reeraha leh balse xata doobabka ayay ka dhacdaa inay raadiyaan cudur daarro ay shaqada isaga daayaan si ay u helaan xigta yar ee loogu talagalay masaakiinta tabarta daran ee aan shaqaysan karin. hal ku dhigyada waayo dhexe caan baxay waxaa ka mid ahaa 'WAXAAN SHAQEEYO KIRAA LOO QAATAA'; KIRO AYAAN U SHAQEEYAA. Taas oo loola jeedo kirada kuriga ayaa bixiyaa marka mushaarkayga haddii aan kiro ka bixiyo wax naf leh kama soo harayaan.

Waxaa is waydiin leh, meesha loo wado lacagta la rabo inay soo harto. Haddii loo diiday caruurti markay u baahnaayeen goormaa la siin doonaa? Kirada kuriga aad daggan tahay haddii aadan doonayn inaad bixiso sidee mid aan dagganayn looga damaaciyaa inuu ka bixiyo? Dowladdu xagee ka keenaysaa lacagta ay ku daboolayso baahidaada?

Su'aalahaas maahan kuwo ay iswaydiiyaan dadkeennu. Qaar badan oo naga mid ah qiil diimeed ayay u dooneen ilaa ay gaartay in lagu tilmaamo qiyaanadaas qaniimo lagu yaraynayo xoolaha gaalada. Hasa ahaatee dhabta ayaa ah in waxa aan ugu bareernay fool xumadas ay tahay jeceylka ku noolaanshaha nolol aan loo dhibtoon.

Sidaan qormadi hore kusoo tilmaanayba, dadkeennu wuxuu rabaa nolol raaxo leh balse uusan isagu u dhibtoon. waxaan rabnaa inay dad kale noo shaqeeyaan, caruurta noo koriyaan, adeegga aasaasiga ah noo keenaan, innaguna aan cay iyo durid ugu filnaanno. Fursad walba oo aan si bilaash wax ugu heli karno na dhaafi mayso xataa haddii ay tahay mid aan noo bannaanayn.

Sanadi 2005ti ayaa waxaa tagay magalaada Minyaabulis ee dalka Maraykana xubin ka tirsan baarlamaanka Norway. Qorshaha masuulkaan ayaa ahaa inuu bal arko sida ay u nool yihiin soomaalida Maraykanka maadaama kuwa Norway ay caan ku noqdeen ku noolaanshada dowladda. Marki uu dalkiisa kusoo laabtay masuulkaas hadal uu ka jeediyay baarlamaanka dalkaas ayuu ku yiri sidatan labo unbay mid tahay: kow inaan innagu nahay dad xun oo Soomaalida curyaamiyay iyo labo in soomaalidi inteedi xumayd innaga lanoo soo soocay. Waxaan soo arkay soomaali shaqaysto, ganacsiyo haysto dowaladdana aan culays badan ku hayn. Halka kuwa nala nol looga samray inay hal subax shaqo tagaan.

Labada arrimood ee uu masuulkaas xusay midkoodna maahan mushkiladdu ee dhibka ayaa ah caawinta deeqsinimada leh ee ay Norway bixiso iyo dad aanan fahamsanayn sababta waxaan loo bixiyo balse ku sasay xoolo bilaash lagu qaybinayo. Maraykanku dadka raashin ayuu siiyaa halka Yurub lacag caddaan ah dadka la siiyo si ay ugu iibsadaan waxay u baahan yihiin.

Yurub waxay ixtiraamtay karaamada masaakiinta sidaas ayayna waxooda oo caddaan ah gacanta uga saartay una aamintay inay yihiin dad damiir leh balse baahida ay u gaysay inay dowladda wax waydistaan. Halka Maraykanku uu u arko maskiin inuusan damiir lahayn sidaas darteedna haddii lacag caddaan ah la siiyo uu caruurta gaajo u dilayo lacagtana si kale yeelayo sidaas ayuuna badeeco ugu siiyaa waxay ku noolaan lahaayeen. Marka aad fiiriso sida ay ku nool yihiin qaar badan oo masaakiinta ka mid ah waxaad is leedahay Maraykanka ayaa sax u dhow.

Hab dhaqanka caynkaas ah waa mid khliaafsan shareecada iyo dhaqanka Islaamka. Waa arrin u baahan sixid dag dag ah iyo wacyi galin balaaran. Halka shareecadu na amartay inaan shaqaysanno, xooggeenno maalno xalaalna quudanno, innagu waxaan doorannay inaan qotoqto ku noolaanno, gacmaha aan hoorsanno qaylo dhaan iyo yaa na caawiyana aan bannaanka la istaagno.

Axaadiista tilmaamayso xaraantinimada in tuugsi wax lagu kororsado xad ma lahan iskaba daa in aan musuq iyo is dabamarin lagu sii daree. Mar suubannuhu SCW wuxuu yiri ciddii xoolo kororsi gacmaha u hoorsato waxay guranaysaa dhimbilo naar ah. Ama ha badsato ama ha yaraysato. Mar kale, wuxuu yiri axadka dadka wax waydiisto aakhiro wuxuu imaan isagooo waji muruxsan oo cad hilib ah saarnayn. Mar ay labo nin oo dhalin yaro ah waydiisteen inuu sakada wax ka siiyo wuxuu ku yiri waan idin siin haddii aad doontaan laakiin xoolahaan uma bannaana qof xoog uu ku shaqaysto leh. 

Saxaabadi Allaha ka raali noqdee waxay ku camnal faleen wacdigii suubbanaha SCW waxaana dhici jirtay inay wax ay xaq u leeyihiin isaga tagaan baryo ka carar darteed. Maalin ayuu suubbanuhu SCW Xakiim Ibnu Xisaam ka wacdiyay baryada, intaas wixii ka danbeeyay Xakiim xataa wuxuu diidi jiray inuu qaato qoondada uu ku lahaa dowladda. Mar kale saxaabi ayaa ka warramay sida ay saxaabadu u qaadan jireen wacdiga waxaa uuna yiri Suubbanaha ayaa naga wacdiayay baryada. Waxaan arkay raggii wacdigaas joogay oo aan cidna wax waydiisanayn. Xataa hadii uu jeedalka dhulka ooga dhaco iyagoo farasaka saaran ma dhici jirin inay ku yiraahdaan qof dhulka taagan igu caawi balse iyagaa soo dagi jiray inti ay qof kaamlo waydiisan lahaayeen.

Isu fiiri qofka shaqadiisi oga tagay tuugsi qiyaamo lagu xoojiyay iyo raggaan. Waa wada muslim isku waajibaad ayaana saaran, dabcan isku janno ayay rajaynayaan. Sidee ayay ku hormari kartaa ummad rabto inay bilaash ku noolaato iyaduna aysan waxba bixin? Sidee ku hormari kartaa ummad doonayso inay iyadu wax walba qaatado laakiin aysan waxba soo celin? Xaqiiqdi is xisaabin ayaan u baahannahay.

Ibrahim Aden Shire
ishire86@gmail.com
kala soco: https://ibrahim-shire.blogspot.co.uk/

Comments

Popular posts from this blog

Taariikh Nololeedkii Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf

  28/12/2023 waxaa geeriyooday sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf oo ka mid ahaa culimada Soomaaliyeed marna ahaa hoggaamiyihii Imaaradii Gedo. Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf Aw Axmed Ismaciil Mubaarak sheekh Cabdiraxmaan sheekh Samantar,  waxaa uu ku dhashay qiyaastii 1938-kii, meel lagu magacaabo Buuro oo galbeedka uga beegan magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud. Sheekha waxaa uu ahaa Marreexaan, Cali Maxammed (Cali-dheere), reer Sheekh reer Mubaarak.  Sheekh Maxammed waxaa uu ku barbaaray guri aqoon iyo Diin. Sida aad ka arki kartaba abtirkiisa aabbihii iyo awooyaashii waxaa ay ahaayeen culimo. Sheekha Maxammed Allaha u naxariisto e (AUN),  waxaa uu Qur’aanka kariim ka ah dhammeeyay isaga oo aad u da’ yar. Intaa ka dib waxaa uu u jeestay barashada caqiidada, fiqhiga iyo Shaaficiga isaga oo kutubtaas ka qaatay aabbihii. Sidii uu dhaqanku ahaa, sheekh Maxammed  waxaa uu xiraystay sannadka markii uu ahaa 1956-kii ilaa 1961-kii  goortaas oo uu cilmi u raadsaday magaalooyinka Beledwayne,

Maxaa ka run ah warbixinnada foosha xun ee laga qoro Soomaalida Qurbaha?

Warbixin ka ay daabacday Boomerg oo looga hadlay waxtarka muhaajiriinta Maraykan  tago ayaa lagu sheegay in Kiinyaanku yihiin dadka saddexaad ee ugu shaqada iyo waxtarka badan soogalootiga Maraykanka. Gaana oo Afrika ah ayaa qaadatay kaalinta koowaad waxaan labo noqday Bulgeeriya oo Yurub ah. Waxaa sidoo kale toban hore soo galay dalalka Itoobiya oo afar gashay, Masar oo shan gashay, Nayjeeriya oo siddeed gashay iyo Laybeeriya oo sagaal gashay. Toban qowmiyadood ee ugu shaqada badan muhaajiriinta ku nool Maraykanka lix ayaa kasoo jeedda Afrika. Waxaan tobanka hore soo galin Soomaalida. Sidoo kale soomaalidu safka hore oogama jirto muhaajiriinta ugu aqoonta badan. Afrika Masar iyo Natjeeriya ayaa kaga jiro tobanka hore xagga aqoonta. Marka walba oo lasoo hadal qaado Soomaali waxaa lagu xariiriyaa, faqri, burcadnimo, aqoon la'aan, argagixisonimo iyo shaqo la'aan baahsan. Warbixin laga soo saaray waddamada Galbeed oo sawir quruxsan ka bixiso Soomaalida in la helo ma dhacd

Hal ku dhigga halaagga noo horseeday: "Xoolaha dad weynaha ayaa ganacsi loo baddalay"

Ilaa shalay waxaa baraha bulshada lagu faafinayay in isbitaalki Jaalle Siyaad ee dagmada Garbahaareey loo rogay meel ganacsi. Saaka warki asaga ahaa waxaa qoray qaar ka mid ah mareegyada warfaafinta ee Soomaalida. Dadka qoray warkaan qaar waxay isticmaaleen erayo adag sida 'dhiig miirato', 'furasho' iyo 'boob'.  Inkastoo aan la xariiray qaar ka mid ah dadka qoray farriimahaan aana isku dayay inaan si hoose xal ugu helo warkaan aan salka lahayn, haddana waxaa ii muuqato inuu dhawaqu meel fog gaaray hoos u hadlidna aysan ku filnayn. Sidaa darteed waxaan go'aansaday in si muuqato wax ooga dhaho warkaan oo aan ahayn kii ugu horreeyay ee noociisa ah.  Muxuu yahay Isbitaalka Jaalle siyaad? Jaalle Siyaad waa isbitaal weyn oo ku yaal Garbahaareey. Waxaa dhismihiisa bilowday dowladdii dhexe isagoo qaybo ah ayayna dhacday. dhowr iyo labaatan sano ayuu qabyadaas ahaa oo arigu u xaroon jiray. Waqti aan fogayn ayay gabdho qurbajoog ah isu xilqaameen inay

Contact Form

Name

Email *

Message *