Skip to main content

Faqrigu Inaad Aragto Ayuu Kugu Dilaa

                                                  

Qormadaan waxay daba socotaa middii asbuucii hore aan kaga hadlay faqriga dhibka uu leeyahay marki aad aragto https://ibrahim-shire.blogspot.co.uk/2018/03/dhaawaca-ugu-weyn-ee-saboolnimadu-ay.html  

Markaan akhriyay faallooyinki ay dhiibteen akhrisristayaashu waxaa ii muuqatay in akhristayaasha intooda badan ay u fahmeen si ka duwan sidaan u waday. Sidaas awgeed ayaan qormadaan oo ah qaybtii labaad ee tii hore u baddalay ciwaankeeda. 

Ujeedka qormada ayaa ahayd inay iftiimiso dhibka uu leeyahay faqriga marki aad dareento inaad faqiir tahay. Waxaan soo tilmaannay in dadka faqriga arko ay noqdaan qar-iska-tuuro u bareero qataro badan. Waxaan soo sheegnay in qofka dareemayo inuu faqiir yahay uusan waxba meel dhigan kana fakerin waxa barri imaan doono. 

Haddaba yaa faqiir ah? Waa sidee dareenka kuwa wax haysto? Ma jiraa caddad hantiyeed oo haddii la helo laga baxo faqriga? Maxaa keeno in qofku arko ama dareemo faqriga? Su'aalahaan ayaa isku dayi doonaa inaan kaga jawaabo qormadaan anigoo aad usoo gaagaabin doono si aan loogu caajisin.

Yaa Faqiir ah?

Guud ahaan nolosha aadanaha ayaa ku dhisan kala korrayn xagga maalka ah. Waa sunno Rabbaani ah haddi la waayana aysan socon karin nolasha aadanuhu. Kala sarrayntaan ayaa keento in la isu shaqeeyo, la is caawiyo, la isku soo hirto, la iskuna tiirsanaado. Baahidaan keentay isku xirnaashaha ayaa ah midda waddo nolosha aadanaha. 

Qiyaas dadka oo wada siman oo isku jeeb ah. Yaa beeraha fali lahaa, baabuurta samayn lahaa ama guriga kuu waardiyayn lahaa? Taasi waxay ku tusaysaa in kala korraynta xagga maalka ah ay tahay nicmo Eebbe aadanaha ku deeqay waana sababta uu ugu manno sheegtay markuu yiri: waana ka kor yeelnay qaarkood qaarka kale darajooyin si la isugu shaqeeyo (Zukhruf 32). 

Hasa ahaatee taasi macnaheedu maahan in faqrigu wax fiican yahay. Sidoo kale macnuhu maahan in kuwa shaqaalaha ah ay yihiin fuqaro, kuwa loo shaqeeyana ay yihiin hodan. 

Faqri hantiyeed waxaa lagu qiimeeyaa dalkiisa iyo deegaankiisa, aad ayaana loogu kala duwan yahay. Tusaale, qoyska ku nool miyiga Soomaaliya ee leh 100 neef oo geel ah iyo tiro ari waxaa lagu tiriyaa taajiriinta. Laakiin intaas haddii uu la yimaado magaalo wax badan qaban mayso, qarashaadka joogtada ah ee loo baahan yahay ayaana fuuqsan waxa uu wato oo dhan muddo kooban gudaheed.

Waddamada adduunku dalka kasta waxaa uu leeyahay soohdin go'an oo qofkii ka hooseeyo loo aqoonsado inuu faqiir yahay. Tusaale, Ingriiska qoyski ka kooban labo waalid iyo labo canug, waa in ay soo gashaa 1738 oo gini. Haddii uu intaas ka hoos maro waxaa lagu tiriyaa fuqarada. ilaa 14 milyan oo qof oo ka hooseeyo soohdintaan ayaa ku nool Ingriiska, Soomaalida ku nool Ingiriiska inteeda badanna dadkaan ayay ku jiraan. Sacuudiga waxaa soohdin u ah $17 maalinki ama $510 bishii. Guud ahaan dunida, UN-tu waxay jaan-goysay in qoyski ku nool labo doolar wax ka hooseeyo maalinki uu hayo faqri ba'an. 

Hase yeeshee qoyska ku nool Ingriiska ee bishii soo gasho $2800 (£1700 ayaa Doolar u rogay) iyo kan ku nool Sacuudiga ee helo $400 iyo kan ku nool Soomaaliya ee bishii cuno $50 intaba waa fuqaro marki lagu jaan-gooyo mid walba meesha uu ku nool yahay. Laakiin haddii la isuu keeno midba kan kale inuu u qiro inuu sabool yahay isna taajir isu arko ayaa la fili lahaa. Laakiin dadku sidaas uma fakeraan waan su'aasha labaad ee aan ka jawaabayno.

Waa sidee dareenka kuwa aan u aragno maal qabeenka?

Borofeesarad, wax ka dhigto jaamacad ku taal New York taqasuskeeduna, sidi Payne, yaahy kasmo-nafeed oo lagu magacaabo Rachel Sherman, ayaa isku dayday inay wax ka ogaato nolosha kuwa maal qabeenka ah. Waxay la kulantay waxaysan filayn. Dhibki ugu horeeyay ee ay aragtay wuxuu noqday in dadki ay rabtay inay warasato diideen inay la hadlaan iyagoo u sheegayo cudur daarro kala duwan.

Muddo markay daba socotay waxay heshay xayn la hadasho oo waraysi siiso. Waxay tiri maal qabeennadu ma doonayaan in la barto ama dadku ogaadaan waxa ay haystaan. Waxay qabaan walwal badan oo xagga amniga ah. Sidoo kale waxay ogaatay inay dadki ay waraysatay aysan ka run sheegin xoolaha ay leeyihiin balse ay qayb ka qariyeen cabsi ay ka qabaan inuu dhib ku dhaco haddii ay sheegaan waxa ay haystaan darteed. Arrintaas ayaa keentay inay qorto buug ay u bixisay Walbahaarka Hodanka (The Anxieties of Affluence). 

Arrinta kasii yaab badan ee ay la kulantay ayaa ah in kuwa ay ku xisaabsanayso inay qani yihiin iyagu isu arkaan inaysan hodan ahayn ee haystaan nolol ku filan kaliya. Tusaale, kala bar dadki ay waraysatay waxay ahaayeen dad dakhligoodu sanadki ka badan yahay nus malyuun doolar, halka barka kale uu dakhligoodu ka badan yahay milyan doolar ama ay leeyihiin hanti ma guurta ah oo qiimaheedu yahay siddeed milyan ama ka badan. Haddana dadkaan waxay isku tiriyeen inay ka mid yihiin dadka dhexdhexaadka ah.

Sababta keentay inay isu arkaan sidaas ayaa ah inay ka cabbir qaadanayaan kuwa iyaga ka korreeyo ee aysan eegayn maalka ay haystaan iyo kuwa iyaga ka hooseeyo. Nin ka mid ah ka qayb-galayaasha oo oo leh labo guri oo kiiba dhowr milyan oo doolar yahay sidoo kalana uu soo galo dakhli ka badan labo milyan oo doolar sanadki ayaa yiri taajir maahi ee waxaan ahay dhexdhexaad waayo waxa jiro dad haysto intaan haysto boqol jibbaarkeed, kuwaas ayaa taajiriin la dhahaa.

Sidoo kale haweeneey aan ninkaas waxba ka hoosayn xagga maalka ayaa tiri: nolosheennu waa caadi. Lama dhihi karo waxaan tihiin maal qabeen. Waxaa jiro dad saacado ku kasbado waxa bil dhan nasoo galo. Haweeneey kale oo labada hore kasii maal badan ayaa tiri: inaad hodan ku tilmaanto innaga oo kale maahan. Hodantinmadu maahan mid qof kasta la isaga yeero. Saaxiibaday waxay dal xiis ku aadaan diyaarad qaas ah aniguse ma awoodo. Kuwaas ayaa qani ah. 

Dhammaan dadkaan waxay ka siman yihiin jaangooyada ay nolosha ku jaangooyeen dadka ku xeeran. Taasi waxay ka jaawabaysaa su'aasheenni sadexaad ee ahayd "ma jirtaa soohdin faqriga looga gudbo". Xaqiiqda ayaa ah in faqrigu ka bilowdo markaad aragto uusanna ku xirnayn soohdin ay dowladu samayso iyo sida dadku u yaqaannaan toona. Haddii adigoo milyan haysto aad isu aragto inaad faqiir tahay, faqiir ayaa tahay. 

Payne, Rachel iyo cilmi-baarayaal kale oo badan waxay go'aamiyeen in dhibku yahay eegmada dadku ay eegayaan waxa ay haystaan dadka kale. Waxay ku tala bixiyeen, inay dadka aysan ku mashquulin jeebka kuwa ka xoolo badan ee ay noloshooda iyo dantooda eegtaan. Waxay yiraahdeen sidaas kaliya ayuu qofku ku gaari karaa inuu ku qanco noloshiisa. In ay gaaraan xaqiiqdaan, waxay ku qaadatay cilmi-baarayaashaan tobonnaan sano oo xog aruurin ah, tobonnaan kun oo lacag ah, bilooyin soo jeed ah iyo kumannaan warqadood oo ay qoreen. 

Hase ahaatee, arrinta intaas ku qaadatay, 1400 oo sano ka hor ayuu Suubanahu ku sheegay sadex kalmadood kaliya. Wuxuu yiri SCW  انظروا إلى من هو أسفل منكم ولا تنظروا إلى من فوقكم فإنه أجدر أن تزدروا نعمة الله عز و جل. fiiriya kuwa idinka hooseeyo ee ha fiirinnina kuwa idinka korreeyo. Hubaashi sidaas ayaa keenayso iniidan xaqirin galladda Eebe.

Soomaaliduna waxay ka tiri faqriga midka ku arko waxaa ka daran kaad aragto. Tijaabooyinka ay sameeyeen aqoonyahanniintaan iyo tajribooyinka lagu bixiyay lacagaha badan waa kuwo loo baahan yahay. Inkastoo xadiisku sheegay, warka Suubanuhuna yahay mid dhab ah, haddana in dadka lagu tuso ficil ahaan wax diidayo ma lahan. 

Waxaase nasiib darro ah in iyadoo mushkiladdi lana tusay, xalkina la noo qoray aan ku guul darraysannay isticmaalkeedi kaliya. Inta badan aqoonta aan ugu tiirsannahay reer Galbeed gaar ahaan midda kasmo-nafeedda waa mid tif ka ah kutubteenna la qoray boqollaal sano ka hor. 

Gunaanad

Faqrigu waa mid dhib badan. Waa arrin aysan jirin cid doorato laakiin qaddar Eebbe ku timaado. Wuxuu gaystaa wax yeellooyin badan laakiin dhibka ugu weyn wuxuu u gaystaa kuwa isaga arko. In faqriga la arkana waxaa keeno isku garab dheerarinta dadka kale. Sidaa darteed had iyo jeer eek kuwo aad wax ku dhaanto.

Ku dadaal inaad ka baxdo faqriga adigoo marayo waddo sax. Isticmaal xirfad, xeel iyo xariifnimo aan xaaraan ahayn si aad ooga gudubto marxaladda faqriga. Marnaba ha quusan hana isu dhiibin haswiga shaydaanka ee ku leh si aad u gaarto kuwa kaa korreeyo qaad jid walba oo aad maal ku tabci karto. waxba ha ku daalin kuwa kaa maal badan waayo in dhib ugu filan ayaa haysato.

Haddii waagu kuu baryo adoon haysan wax aad caruurta siisato laakiin ay kuu caafimaad qabaan, xasuuso inuu jiro mid aan u hayn wax uu siiyo xanuunna usii dheer yahay. Haddii aad u heli karto wax aad siiso laakiin aadan u hayn wax aad ku bixiso waxbarashadooda xasuuso inuu jiro mid waxbarsho iska daaye la' wax uu ku seexiyo. Xaalad walba oo aad ku jirto waxaa jiro ruux ku jiro mid ka daran. 

Ibrahim Aden Shire

ishire86@gmail.com

kala soco: https://ibrahim-shire.blogspot.co.uk/


Comments

  1. Ibraahim waa runtaa nolosha aadanaha ayaa ku dhisan kala duwanansho saga hantida sidas ayanna ah sababaha in qofka faqiirkaa uu u bareero caqabado naftiisa haligi kara ama Qatar galin kara Su aashu waa side sida Saxdaa ee Looga hortagi karo faqriga

    ReplyDelete

Post a Comment

Popular posts from this blog

Taariikh Nololeedkii Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf

  28/12/2023 waxaa geeriyooday sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf oo ka mid ahaa culimada Soomaaliyeed marna ahaa hoggaamiyihii Imaaradii Gedo. Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf Aw Axmed Ismaciil Mubaarak sheekh Cabdiraxmaan sheekh Samantar,  waxaa uu ku dhashay qiyaastii 1938-kii, meel lagu magacaabo Buuro oo galbeedka uga beegan magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud. Sheekha waxaa uu ahaa Marreexaan, Cali Maxammed (Cali-dheere), reer Sheekh reer Mubaarak.  Sheekh Maxammed waxaa uu ku barbaaray guri aqoon iyo Diin. Sida aad ka arki kartaba abtirkiisa aabbihii iyo awooyaashii waxaa ay ahaayeen culimo. Sheekha Maxammed Allaha u naxariisto e (AUN),  waxaa uu Qur’aanka kariim ka ah dhammeeyay isaga oo aad u da’ yar. Intaa ka dib waxaa uu u jeestay barashada caqiidada, fiqhiga iyo Shaaficiga isaga oo kutubtaas ka qaatay aabbihii. Sidii uu dhaqanku ahaa, sheekh Maxammed  waxaa uu xiraystay sannadka markii uu ahaa 1956-kii ilaa 1961-kii  goortaas oo uu cilmi u raadsaday magaalooyinka Beledwayne,

Maxaa ka run ah warbixinnada foosha xun ee laga qoro Soomaalida Qurbaha?

Warbixin ka ay daabacday Boomerg oo looga hadlay waxtarka muhaajiriinta Maraykan  tago ayaa lagu sheegay in Kiinyaanku yihiin dadka saddexaad ee ugu shaqada iyo waxtarka badan soogalootiga Maraykanka. Gaana oo Afrika ah ayaa qaadatay kaalinta koowaad waxaan labo noqday Bulgeeriya oo Yurub ah. Waxaa sidoo kale toban hore soo galay dalalka Itoobiya oo afar gashay, Masar oo shan gashay, Nayjeeriya oo siddeed gashay iyo Laybeeriya oo sagaal gashay. Toban qowmiyadood ee ugu shaqada badan muhaajiriinta ku nool Maraykanka lix ayaa kasoo jeedda Afrika. Waxaan tobanka hore soo galin Soomaalida. Sidoo kale soomaalidu safka hore oogama jirto muhaajiriinta ugu aqoonta badan. Afrika Masar iyo Natjeeriya ayaa kaga jiro tobanka hore xagga aqoonta. Marka walba oo lasoo hadal qaado Soomaali waxaa lagu xariiriyaa, faqri, burcadnimo, aqoon la'aan, argagixisonimo iyo shaqo la'aan baahsan. Warbixin laga soo saaray waddamada Galbeed oo sawir quruxsan ka bixiso Soomaalida in la helo ma dhacd

Hal ku dhigga halaagga noo horseeday: "Xoolaha dad weynaha ayaa ganacsi loo baddalay"

Ilaa shalay waxaa baraha bulshada lagu faafinayay in isbitaalki Jaalle Siyaad ee dagmada Garbahaareey loo rogay meel ganacsi. Saaka warki asaga ahaa waxaa qoray qaar ka mid ah mareegyada warfaafinta ee Soomaalida. Dadka qoray warkaan qaar waxay isticmaaleen erayo adag sida 'dhiig miirato', 'furasho' iyo 'boob'.  Inkastoo aan la xariiray qaar ka mid ah dadka qoray farriimahaan aana isku dayay inaan si hoose xal ugu helo warkaan aan salka lahayn, haddana waxaa ii muuqato inuu dhawaqu meel fog gaaray hoos u hadlidna aysan ku filnayn. Sidaa darteed waxaan go'aansaday in si muuqato wax ooga dhaho warkaan oo aan ahayn kii ugu horreeyay ee noociisa ah.  Muxuu yahay Isbitaalka Jaalle siyaad? Jaalle Siyaad waa isbitaal weyn oo ku yaal Garbahaareey. Waxaa dhismihiisa bilowday dowladdii dhexe isagoo qaybo ah ayayna dhacday. dhowr iyo labaatan sano ayuu qabyadaas ahaa oo arigu u xaroon jiray. Waqti aan fogayn ayay gabdho qurbajoog ah isu xilqaameen inay

Contact Form

Name

Email *

Message *