Saboolnimadu waa mid dhib badan waxayna geysataa dhaawacyo kala duwan. Waxay bahdishaa qofkeeda. Waxay baabi'isaa karaamada shaqsiga waxayna dadka ku jarribtaa wax uusan doorteen. Sayid Cali Allaha ka raali nodee ayaa la sheegay inuu yiri "Faqrigu haddii uu qof ahaan lahaa, madaxa ayaan seef ooga goyn lahaa".
Hasa ahaatee, dhaawacyada uu gaysto faqrigu waa kala dhib iyo dhibaato badan yihiin. Midka ugu dhibka badan maahan mid muuqdo ama fool ku yaal ee midka qarsoon oo qofka laabtiisa ku baaqi ah. Ma jiro dhaawac ka weyn in qofku dareemo inuu faqiir yahay. Haddii uu sabool yahay balse uusan dareensayn inuu faqiir yahay wuu caymo qabaa, noloshiisana horumar ayay yeelan.
Keith Payne waa borofeesar ku taqasusay kasmo-nafeedda. Wuxuu macalin yahay jamaacadda North Carolina. Keith waxaa uu xasuustaa is badalki ku dhacay maalintuu saboolnimada dareemay. Waxaa uu yiri isagoo ka warramayo arrintaas:
Waxaan kasoo jeeday qoys dan yar ah sidaa darteed waxaan xaq u lahaa cunti bilaash ah inaan iskoolka ka cuno. Gabdhaha ka shaqeeyo maqaayadda iskoolka way i wada yaqaanneen sidaa darteed markuu safku isoo gaaro xigtayda ayay i jillaabi jireen wax kalana ima waydiin jirin. Subax ayaa waxaa timid maqaayaddi gabar cusub oo aan war u hayn xaaladdayda.
Marki aan cuntada qaado is iri ayay tiri keen doolar iyo rubuc. Indhaha ayaan cirka u taagay, geesaha iyo gadaal ayaan fiiriyay mise canug walba doolar ayuu gacanta ku haystaa. Waabaa igu baryay waana baraarugay. Waxay noqotay inaan xaaaladayda sharraxo sidaasna anoo ceebaysan quraacdi la igu siiyo.
Maalintaas wixii ka danbeeyay waxaan billaabay inaan u fiirsado caruurta dharka ay qabaan, qabaha ay xiran yihiin, buugaagta iyo qalimaanta ay sitaan. Waxaa isoo baxday inay ka wada duwan yihiin. Waxaan noqday qof si kala ah. Waxaan dareemay hoosayn. Waxaan billaabay inaan caruurta kale iska aruuriyo ilaa aan gooni u baxay, sheegadi iyo hadalkina iska daayay.
Subaxa uu Keith cudurkaas ku dhacay iyo subixii ka horreeyay reerkoodu isku jeeb ayuu ahaa. Is baddalka dhacay ayaa ah kaliya inuu dareemay hadda inuu sabool yahay halka shalay uusan taas dareensanayn.
Dareenka faqiirnimadu kuma dhamaado intaas kaliya ee wuxuu qofka ku riixaa wax yaabo aan habboonayn. Qofku markuu aamino inuu sabool yahay wuxuu u bareeraa qataro badan. Waxbo kama naxo waxna uma aabo yeelo. Tusaale, suuragalnimada in qof ku guulaysto khamaarka loo yaqaan Powerball ee Maraykanka laga cayaaro waa hal qof sadexdii boqol oo milyanba (one in three hundred million). Saas oo tahay wax yar mooyee waxaa iibsado waa dan yarta.
Cilmi-baaris Kanada lagu sameeyay ayaa sidaas oo kale tustay. Baarayaasha ayaa marki hore su'aalo badan oo dakhliga ka qayb galayaasha ku saabsan waydiiyay. Ka dib, waxay ku yiraahdeen ka qayb-galayaashi, qof kasta liiskaan meesha uu kaga jiro ha isaga qoro. Liisku waa mid bug ah oo ay baarayaashu sameeyeen. Wuxuu tusayaa mushaaraadka dadka isku deegaanka iyo isku xirafadda ah iyo sida ay u kala korreyaan.
Laakiin ka qayb-galayaasha run ayaa looga dhigay. Qof kasta isagoo ku jaangoonayo waxa soo galo ayuu liiska isku qoray. Ka dib, waxaa loo qaybiyay labaatan labaatan doolar. Waxaa lagu yiri saad doontaa ka yeela. Kuwii liiska ka galay meel kore oo dareemay inay xoogaa dadka kale xoolo dheer yihiin labaatanki jeebka ayay ku riteen. Kuwii dareemay inay dadka ugu jeeb hooseeyaan labaatanki mid khamar ku cayaaro iyo mid si kale u dubto ayay noqdeen oo midna meeshi lama dhaafin. Sababtu way iska caddahay. Faqiirku wuxuu is yiri labaatan kaligeed gaajo kaa saari maysee iska jajabso, halka midka kale uu is yiri meel ku habboon u isticmaal.
Waxaa laga yaabaa in aad is tiraahdo arrintaan waa mid ku dhisan dhaqamada Galbeedka innagana nama qusayso oo fuqaradeennu waxaas kuma kacaan. Mar kale aan ku xasuusiyee waxa laga hadlayo maahan faqiir ee waa midka dareemo inuu faqiir yahay iyo sida uu u dhaqmo inta badan. Intaas adigoo maanka ku hayo, xasuuso oraahdi ilaa waa dhow dhagaheennu maqlayeen ee ahayd "maxaan ka dhimanayaa".
Inta aan maqal ama ilowday haddii aan u sharraxo, oraahdaan waxay ahayd mid ay isticmaali jireen mooryaanti isbaarooyinka koonfurta Soomaaliya u yeelleen. Marki uu is adkeeyo qofka wax laga rabo ayay ku dhihi jireen, anigu inaan dhinto ma kala jecli waayo wax aan haysto oo aan isagu adkeeyo adduunkaan ma yaalaan, mark adigu haddaad haysato wax aad ka naxayso oo aad rabto inaadan ka dhiman is furo haddii kale aan isla dhimanno.
Halkaas waxaa kaaga muuqato in mooryaantu qatartaas u qaadanayaan kaliya inay dareemeen inay sabool yihiin. Arrintaas kuma koobna mooryaanta ee waa mid ku baahsan bulshada dareento saboonimada. Xasuuso gabaygii AUN Dhoodaan ee ahaa "Naftu inay maqnaatiyo inay mahad ku noolaato, Maaweelis weeyaan haddii aad mid u dhaxaysaaye". Halkaan wuxuu gabyaagu cabbirayaa in qatar badan la qaato si looga baxo saboolnimada.
Sidoo kale, erayada aadka ay u isticmaalaan dadka tahriibo iyo kuwa dukaamada ka furto meelaha qataraha badan ee inta badan soomaalida lagu laayo ayaa ah "duruuf ayaa nagu kaliftay iyo sidaan ayaan dhaanto sidaan ku noolayn". Dadkaan isku jeeb ma wada aha laakiin waxay ka siman yihiin dareenka saboolnimada.
Yaa faqiir ah, maxaa keenayo is qofku dareemo inuu sabool yahay, caddad intee la eg ayaase looga baxaa saboolnimada? Ha ka hordhicin qaybta xiga Eebe idinkii
Ibrahim Aden Shire
ishire86@gmail.com
kala soco: https://ibrahim-shire.blogspot.co.uk/
Comments
Post a Comment