Dadnimada
haweenka soomaaliyeed waa mid horay loo sajalay. Caddaan iyo madow, gaal iyo
islaam cid walba oo u kuur-gashay nolosha dadka soomaaliyeed waxay qarrireen in
haweenka soomaliyeed raggooda ka waxtar badan yihiin.
163
sano ayaa laga joogaa marki Richard Burton, oo maray bariga Afrika, uu qoray
sidatan “awoodda jireed iyo adkaysikaba, haweenka Soomaaliyeed aad ayay ooga
sarreeyaan raggooda. Guriga marki la joogo waxay qabtaan dhammaan howlaha guriga…
marki la guurayo shaqadooda kala duwan oo mid buux dhaaftay. Waxay raraan
awrta, garwadaan ugu danbayna ka furaan [heeryada marki la gaaro meeshi loo
guurayay]. Waxay dhisaan aqallada, waxay soo guraan xaabada, waxay soo arooraan
biyaha waxayna kariyaan cuntada”.
Inta
uu sheegay dhul mareenkaas waa mid aan anigu soo gaaray ilaa maantana ay la
noolyihiin inta miyaga wali joogto. Marki ree baladka la noqday
howl-karnimadaas ma noqon mid miyigi looga yimid balse way sii korortay. Qaybtoodi
iyo tii raggaba iyagaa isku qabtay. Iyagaa qabto dhammaan shaqada gurigiga.
Iyagaa soo saaro biilka reerka, iyagaa la macaamilo macallimiinta dugsiyada
waxbarashada. Haddii qurbaha ku taqaannay iskoollo hooyooyin kaliya lagu arko
dalkina waa la mide la soco. In haweenku noqodo kuwa nolosha reerka soo saaro
waxay sii korortay wixii burburka ka danbeeyay oo raggu camal la’aantiisu toban
jibbaarantay. Doorkaan ayaa si gaar ah loo diiwaan galiyay laguna daabacay bogagga
hayadaha gargaarka iyo kuwa ka faallooda arrimaha bulshada.
Waxaase
aniga si gaar ah isoo jiitay sida uusan mashquulkaan ooga reebin inay naftooda
hormariyaan. In ay bartaan aqoon ay rabbigood ku caabudaan. Inti aan joogay
Garbahaareey waxaan ogadaay in hooyooyinka ku nool dagmada intooda badan ay
dugisiyo dhigtaan si ay u bartaan Qur’aanka kariimka ah. Waxaa dagmada ka furan
13 dugsi oo u gaar ah haweenka. Dhammaan dugsiyadaan waxaa dhigato tiro ku
filan oo aan in kale loogu ciil qabin.
Hooyooyinka
ayaa isku dayo inay waqti u helaan barashada Qur’aanka. Wax walba oo uu
camalkoodu yahay, mashquul kasta oo u yaal iyo howl walba oo ku xariirto kama
hor istaagin helidda waqti ay ku aadaan dugsiyada. Dumarka dugsiyadaan dhigto waxay
u badan yihiin kuwo aan helin fursaddaan yaraantoodi. Laga yaabo inay miyi ku
koreen iyo meel uusan dugsi ka jirin, laga yaabo in waalidkood uusanba malcamad
gayn iyagoo awoodo, laga yaabo in waalidkood ka hormariyay wiilasha oo ay walaalohood
oo dugsi dhigto jikada ugu jireen. Wax sabab u ahaaba, waxaa u muuqday
haweenkaan in ay wali fursad haystaan wixii tagayna aysan waqti ku lumin.
Hooyooyinka
suuqa fadhiisto ee oogta waabari iyo gabbal-dhaca inta u dhaxayso qalcadda
joogo, sidaasna aysan suuragal ugu ahayn inay waqti kale helaan, qudhooda lama
illaawin. Gabdho kheyr jecel ayaa dadaal galiyay in gabar walba oo waxbarsho
rabto aysan waqti la’aan darteed uga baaqan. Waxay suuqa dhexdiisa ka asteeyeen
goob waxayna qabteen macallin. Hooyada suuqa yaanyada ku iibisa waxaa u suura galay
inay daqiiqado cashar yar lagu siiyo ay hesho iyadoon aad uga fogayn miiskeeda.
Inta badan casharrada suuqa waxay baxaan inta u dhaxayso kow’da iyo labada duhirnimo
waqtigaas oo ah mid wax iibsugu yaryahay maadaama qorraxda laga harsi tagay.
Waqtiga
ay waxdhigtaan oo yar, carraabkooda oo adkaaday da’da awgeed iyo inaysan horay
wax usoo baran waxay sababeen in haweenkaas Qur’aanku ku adkaado. Laakiinse arrintaas niyad jab kama aysan qaadin
malcamadaha kama aysan cararin, baddalkeedi waxay ka qaadeen dadaal waxayna ka
dhigteen waddo kale oo ajar lagu kasbado. Hooyo ka mid ah kuwa dhigto
dugsiyadaas ayaa igu tiri “sagaal sano ayaan ku jiraa dugsi. Hadda waxaa ii
dhammaaday juska afraad.” Caruurteeda qaar ayaa iyadoo dugsiga ku jirto
billaabay oo dhammeeyay Qur’aanka. Hadda kuwii ay iyadu dhashay iyadoo ardayad
ah ayaa dhaafay. Haddana amuurahaasu ma aysan niyad jabin waxaana ka go’an inay
dhammayso hadduu mowdku daayo sideey ii sheegtay.
Si
aan u fahanno ahmiyadda dadaalka gabdhaha, bal aan barbar dhigno ragga la mid
ah. Waxaan soo sheegnay in howshii raggu lahaa sida soo saaridda biilka ay
haweenki hayaan. Halkaasi waxaa kaaga muuqan karo in raggu firaaqo badan uu helay.
Saas oo ay tahay dagmada waxaa ka furan hal dugsi oo loogu talagalay
aabbayaasha isaguna waxaa uu qarka u saarnaa inuu xirmo dad la’aan owgeed halka
13 ay u furanyihiin haweenka walina ay sii kordhayaan.
Waxaa
laga yaabaa inaad is dhahdo raggu yaraanti ayuu Qur’aannka bartay oo hadda
dugsi uma baahna. Sababta ay u imaan la’yihiin sidaasi maahan. Waayo waxaa jiro
kuwo badan oo aan Qur’aanka aqoon. Inta yaraanti malcamad lagu geeyay waxay u
badan yihiin kuwo aanan dhammayn ama illaaway. Sidaas darteed dib u barasho ama
taxfiid ayayba ugu baahan lahaayeen. Baddalki ay taas samayn lahaayeen waxay
cammiraan maqaahiyaha shaaha. Waxaad arkaysaa iyagoo raxraxan u fadhiya,
sheekaysanaya, ka doodaya ciyaraaha, falanqaynaya siyaasadda adduunka, ku
fadhidiraya qabyaaladda ama kasii xun oo qayilaad u fadhiya.
Haweenka
soomaaliyeed waa soo saaraha biilka, koriyaha iyo tarbiyeeyaha ilmaha,
maamulaha howlaha reerka, la macaamilaha kuwa caruurtooda waxbaro iyo u
khidmeeyaha raggooda. Marki aad eegto mashquulka ay ku jiraan, duruufaha adag
ay ku noolyihiin iyo rafaadka ay ku ilma dhalaan kuna korinayaan is oran maysid
waxay helayaan daqiiqad ay wax ku bartaan. Haddana intaas oo dhib iyo mashquul
ah kama weecin gaaridda hankoodi iyo hiigsashada fursadihi ay yaraanti ku
waayeen.
Ibrahim
Aden Shire
Kala
soco: https://ibrahim-shire.blogspot.com/
Qormo aad u qiima badan. .runtiii sidaas ayaa kajirta dhmmn intaan ogahy gobalka Gedo. ..xitaa dadka dukaaamaha waa wayn leh waxa lashaqeeyo oo ay shaqadii kulahysteen haweenkoodda. .....
ReplyDelete