Skip to main content

Muuno Miiggane Q3aad (Sheeko taxana ah)


                                  Image result for somali tradition lady
“Hoogayoo ba’ayeey, la ii soo galyoo guraygay ba’yeey, gabalkay dunyoo lafdheer baan ka jabayeey” erayadaas ayay muna afka kaga qaylinaysaa, illin kulul iyo duuf wada socda oo ka soo haajiray caasimada hmuragada iyo tiiraanyada ee ku taalla wadanka hantaaqo iyo hagardaamo, ayaa wadooyin ka samaystay dhabanadeeda, ilaa gadhka ayay illintii sii qulqulaysaa. Saacadu waa waxay ku taagnayd labada duhurnimo markii muno taleefan loogu soo sheegay geerida walaalkeed Warsame Miigane. Warsame labaatan iyo saddex gu ayuu afka ka jaray, kii afar iyo labaatanaad ayaa u bilowday.
Warsame wuxuu ku dhashay iska galaha Koonfurta iyo Galbeedka Gobolka Gedo, maalintuu Warasme, todoba jir gaadhay adeerkii Cabdulaahi Warfaa Axmed (dhiig-sokeeye), ayaa reer Miigane, oo baadiyaha dagan booqasho ugu tagay, wuxuu walaakii Miigane iyo dumaashidii Saxarla, ka codsday in wiilkaas yar ee Warsame ah isaga faraha looga qaado, si uu wax u baro mustaqbalkiisana meel uga soo saaro. Sidaas ayuu Warsame, magaalada ku yimid, waxbarasho daba dheerna ku bilaabay, wuxuu ku noolaa xaafadda adeerkii Dhiig-sokeeye.

 

Dhiig-sokeeye, waa ganacsade heer dhexaad ah, suuqa badhtankiisa ayaa dukaan uga furanyahay, dukaankaas wax walbaa waa lagu gadaa, bur, bariis, sonkor, dhar, dhir, elektarooniga, qablabka dhismaha, qalabka lasyku qurxiyo, kuwa la isku cadeeyiyo kuwa laysku madoobeeyo, daawooyinka nooc walba, ta dadka iyo ta duunyada, waxaas iyo waxyaaba kale iyuu isku dhex gadaa, marna isku dhex walaaqaa. Diig-sokeeye, xalaal iyo xaaraan ma kala yaqaano, ribo, wax isdaba marinta, beeca xaaraanta ah intaba wuu ku dhaqmaa, wuxuu si dhab ah u aaminsanyahay maahmaahdii odhanaysay “ rag xalaal ah iyo xoolo xalaal ah midna xero ma buuxshaan” waa nin go’aan ku gaadhay in aan shilin dhaafin, sida bisadu jiirka u eryato ayuu isna lacagta u eryadaa.
Waa nin dabeecad xun, macaamiisha sida loo soo dhaweeyo iyo sida loogu adeego waxba ugama bilowna, maalin walba qof kastamkiisa ka mid ah ayey inta isku dhacaan kala dhintaan qofkaasina ka tagaa, dib dambana wax ugama gato. Dhiig-sokeeye, waa nin qabyaaladda si kal iyo laab ah u aaminsan, taasi se ma ceebaa?!!so dadka deegaankub ma wada aaminsana?!! dukaamada magaalada ku yaalaba sow reer reer looma saarna oo biilka loogama qaato?!.
 Dhiig-sokeeye, hadduu qof reerkooda ah oo dukaan kale wax ka gadanaya arko gaastariga iyo dhiigga ayaa ku kara, af-lagaado iyo cay ayuu qofkaas ku quluulixiyaa hadhowna inta qofkaas meelaha ka raadsado ayuu shir hoose la galaa “ doqon yohow aan dhiiga lahayn, ma intaad dukaankayga dhaaftay ayaad ninkaas reer #Carrab Yaxaas, Dukaankiisa wax ka gadatay” sidaas ayuu ku daldalmaa, haddii qofkaasi diido soo jeedintiisa inta xanaaqo ayuu qofkaas iyo sinjigiisaba higaadiyaa, wuxuu meelahaa uga sheekeeyaa in qofkaasi reerka dheeri ku yahay oo uu san reerkaba ka dhalan ee uu sheegadnimo ku soo galay waa hore.

 

Dhiig-sokeeye, dukaan-kan kaliya kama shaqeeyo ee kun arrimood oo wada xaaraan ah ayuu qabta, isku dirka, kala dirka, isku dilka kala dilka, iska horkeenka bulshada, qabyaalad kicinta iyo fidna abuuridda, waxaas iyo wax xil leh oo dhan ayuu ku dhaqdaa. wuxuu isu muujiyaa nin wadaad ah, hadduu doono dadkuu wacdiyaa, Qur’aanka ayuu soo daliishada markay xaajo adag meel marinteedu ku istaagto. Dadku waxay ku xantaan in maalintuu dan leeyahay sikala ugu suuragali waydo oo kaliya uu dhiig-sokeeye Qur’aanka maciin bido xaqiiqadu se waxay tahay in dhiig-sokeeye diinta iyo dhaqankeedii waa hore baal maray oo uu san shuqul ku lahayn.

 

Xaafadda ninkaas adeerkiis ah ee noocaas ah ayuu Warsame wax ku bartaa, intii uu dugsiga hoose dhexe iyo sare ba uu dhiganayay adeerkii ayaa waxbarashada ka bixinayay, maalintii uu dugsiga sare dhameeyay ayuu adeerkii ku yidhi in badan baan adeer kuu soo dadaalay hadda wixii ka dambeeya waa adiga iyo raganimadaada.

 

Warsame, baadiye ayuu aaday, hooyadii iyo aabihii ayuu waqti fiican la soo qatay. Warsame waa nin baarri ah oo xoog furan, inta uu booqashada ku joogo reerkooda wixii howl ah oo reerka ka jira kaalin lixaadle ayuu ka qaataa. xoolo raacid, dhaamin, xero u dhigid, soo xerayn, soo lisid iyo wixii la mid ah looguma tii-tiileeyo. Markuu todoba bari reerka joogay ayuu habaynkii dambe hooyadii iyo aabihii si fiican ugu xog waramay, wuxuu aabihiis ka codsaday in uu xoolaha u gadgado oo jaamcada kaga bixiyo maadaama uu iskuulkii dhameeyay si uu san asaagiis uga hadhin. Miigane, arrintaas wiilkiisu u soo bandhigay wuu ka aqbalay. Wuxuu ugu bishaareeyay in uu garabtaaganyahay inta karaankiisa ah. Miigane wax qoodh iyo xeraala ahba laba wiil ayuu ka dhalay. Midi waa guhaad, waa geel jire, aan waligii xariiqanin xaraf cilmiya iyo Warsame, sidaas daraadeed aad buu ula dhacsanyay wiilkiisa Warsame in uu waxbarashada heer ka gaadho oo uu dhal magaalo noqdo ka dibna shaqaysto reerkana anfaco ayuu ku taamayaa.

 

Warsame jaamacad ayuu Muqdusho ka bilaabay, qaybta dhaqaalaha iyo maamulka Ayuu galay, waa nin aad u fahmo badan, durba simistarkii koobaad ayuu wacdaro dhigay. Imtixaankii ayuu buundo sare ka keenay. Aabbihii oo baadiye jooga ayaa kharashka jaamacada la daalaa dhaca simistar walba qaalin Geel ah ayuu gadaa, oo uu jaamacada kaga bixiyaa. Warsame waa nin akhris badan buugta jaamacada lagu dhigo kaliya kuma kaaftoomo, maktabada jaamacada wixii buug yaalay ayuu mudo kooban ku dulmaray dhamaantood, mowduuc walba iyo fanni walba ayuu si iskii ah u daalacday, ka dibna maktabadaha caasimada ku yaala u fooftaantagay, heer wuxuu gaadhay, hadalku ku yaaraday oo akhriska la jeclaysiiyay dartii uu buugta un la sheekaysto. Muddo yar ka dib wuxuu is arkay isaga oo macallimiinta jaamacada ka aqoon badan kun jeer, wuxuu indhaha saaray iyada oo ninman professaro lagu sheego su’aal inta la waydiiyay ay si khaldan uga jawaabeen, ama kaga bataq-bataqsiiyeen uu layaabay, wuxuu ogaaday in shahaado la qaato oo Professor iyo Dr la sheegto aanay aqoon ahayn ee aqoontu buugta iyo kutubta ku dhex jirto halkaas in laga doonana ay u baahantahay.

 

Warsame waa nin aftahan ah, doodaha, bandhigyada jaamcadu qabato, barnaamijyada jaamacada dhammaantood wuu ka qayb qaataa, wuxuuna ka muujiyaa wacdaro. Waa nin marka uu hadlayo hadalkiisa u yeela maraajic, buug hebal baa sidaa yidhi, kitaab hebal baa sidaa qoray, Dr heblaba sidaas halkaas ku qoray ayaa afkiisa ku badan. Sida soomaalida dhaqankeeda ah hadal badan oo aan hal marjic lahayn kama tororogsiiyo. Dadkii oo dhan baa alle jeclaysiiyay, macallimiintii, maamulkii jaamacada, ardaydii asxaabtii ehelkiisii ayaa wada caashaqay, afcaashiisa yaa laga wada raalli noqday. Warsame jaamcadii wuu dhameeyay, hadda wuxuu agaasimayaa xafladii qalin jabinta, diyaar garow wacan ka dib xafladu waxay dhacaysaa taariikh: 01/01/ 2018 hoolka wayn ee jaamcada ka dhacaysaa. waxaa ka soo qayb galay madax badan, madaxda dawlada, madaxda sharikadaha, ganacato, ururada bulshada. Halkaas waxaa ka dhacay xaflad la yaable, si fiican oo xiisa leh ayay ku soo dhamaatay.
Warsame wuxuu galay kaalinta hoobaad ee kuliyada sidaas darteed wuxuu mutaystay abaal marin wayn, madaxdii dawladda ayaa abaal mariayay,dadkii xaflada ka soo qayb galay ayaa u soo kala tartamay annaguu noo shaqayn iyo annaguu nala shaqayn ayay dhurayaann, ugu danbaytiina waxaa hadlay madaxa bangiga qaranka oo xaflada ka soo qayb galay wuxuu yidhi “ warsame wuxuu hadda laga bilaabo ka mid noqonayaa shaqaalaha bangiga qaranka” Marakay xafladii soo dhamaatay Warasme gurigii uu daganaa ayuu xagiisa u dhaqaaqay, xoogaa yarba hadduu ka soo yara durka afaafka hore ee jaamacada inta aanu laamiga soo dhaadhin ayaa laba wiil oo yar yar oo iska laafyoonaysa ka daba yimaadeen markay ku soo dhawaadeen mid baa u dhawaaqay “warsamow warsamow” sidaas ayuu laba goor yidhi wiilkii yaraa.
Warame oo aad u mabsuud ah, farxada iyo jibaduna ka muuqato foolkiisa ayaa dib u jaleecay codka dib ka yeedhaye, labada wiil midka xagga midig xiga ayaa codka ku qaylinaya, wiilkii ayuu indhaha ku taagay, wiilku qiyaas ahaan waa ilaa iyo sideed iyo toban jir, surwaal kaaki ah oo madow iyo shaad cad ayuu qabaa, labaduba way ku dhagan yihiin, judhii hore wuxuu garan waayay ninka magaciisa ku dhwaaqaya ee uu san wajigiisa garanayn, shaki ayaa durba dhex yaacay kun su’aalood ayaa hal mar ah maskaxdiisa ku soo wada dhacday, intuba inta ka dhakhsa lehe wiilashii ayaa afar tilaabo xagiisa u soo qaaday ka dibna kii midigta xigay ayaa gacanta midig wuxuu la aaday kobta kallida iyo sintu iska glaan ee raggu suunka ka xidho, bustoolad ayuu kala soo baxay, xabbadu horay ayay u raacsanayd oo shaqo badan ugama baahnayn, inta uu la fiirsaday, ayuu halkaas labada indhood dhexdooda ah xabbadii koobaad kaga dhuftay, markii madaxa inta sare kor u duushayna, laabta ayuu laba kale kaga shabaaxay. Intaas ka dibna waxaa aakharo u galbaday warasme miigane, waa wiilkii ummada u soo baxay waa hal-abuur, higsi fog lahaa, waa cabqari rabbi garasho ku manaystay, waa aqoonyahankii ummadu sugaysay. gacan ku dhiiglihiina aayar buu si tamashle iyo kibir ku jiro isaga dhaqaaqay inta bostooladiisii xaraystay, lurba kuma taagna oo shidanaaba shidan.

 Maxaa Warsame, lagu dilay? Muxuu sababbsaday? Oo maxaa loo diliwaayay sow hal-yay soo baxay ma aha, sow kitaab aan la aqoon cid qortay oo yaala meel aan la aqoon faqradiisa dadka ha la laayo, qodbkiisa inta bulshada ugu fiican xasuuqa kuma taallo in ay dil ku xukumantahay dhammaan bulshada inta tayada leh! Kii wax fahma dila, culimada laaya, waxgaradka laaya, aqoonyahanadu aakahro fuudka haka cabeen, dhalinyarada xasuuqa, maxastu xajuubka ha u galbato. Horta dadka gacan ku dhiigalayaasha ah maa la soo qabto oo la maxkamadeeyo? Oo maxaa loo soo qaban oo loo maxkamadayn? sow wuxuba wax la isla ogyahay ma aha. mayee dadka in la dhameeyo sow qorasha hoose ma aha? Sow haddii la soo qabto oo la xidho xildhibaanno ordahaya imaanmahayaan oo damiinan mahayaan, sow tuugga iyo gacan ku dhiigluhu tol fiican ma laha oo difaaci mahayaan? sow tuugga qabiiladiisu babul kacsanamayso oo dawlada soo weerari mahayso? Mayee sababtu waa bulshadan doqonta ee maalinba mid lagala baxayo oo hortooda lagu cunayo iyagoo daawanaya. bulshadan hal doorkeedii horteeda lagu dubanayo iyaduna aan ka dhiidhiyayn.
 W/Q: M. Rashaad Muxyadiin.
              saajid4045@gmail.com

Comments

Popular posts from this blog

Taariikh Nololeedkii Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf

  28/12/2023 waxaa geeriyooday sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf oo ka mid ahaa culimada Soomaaliyeed marna ahaa hoggaamiyihii Imaaradii Gedo. Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf Aw Axmed Ismaciil Mubaarak sheekh Cabdiraxmaan sheekh Samantar,  waxaa uu ku dhashay qiyaastii 1938-kii, meel lagu magacaabo Buuro oo galbeedka uga beegan magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud. Sheekha waxaa uu ahaa Marreexaan, Cali Maxammed (Cali-dheere), reer Sheekh reer Mubaarak.  Sheekh Maxammed waxaa uu ku barbaaray guri aqoon iyo Diin. Sida aad ka arki kartaba abtirkiisa aabbihii iyo awooyaashii waxaa ay ahaayeen culimo. Sheekha Maxammed Allaha u naxariisto e (AUN),  waxaa uu Qur’aanka kariim ka ah dhammeeyay isaga oo aad u da’ yar. Intaa ka dib waxaa uu u jeestay barashada caqiidada, fiqhiga iyo Shaaficiga isaga oo kutubtaas ka qaatay aabbihii. Sidii uu dhaqanku ahaa, sheekh Maxammed  waxaa uu xiraystay sannadka markii uu ahaa 1956-kii ilaa 1961-kii  goortaas oo uu cilmi u raadsaday magaalooyinka Beledwayne,

Maxaa ka run ah warbixinnada foosha xun ee laga qoro Soomaalida Qurbaha?

Warbixin ka ay daabacday Boomerg oo looga hadlay waxtarka muhaajiriinta Maraykan  tago ayaa lagu sheegay in Kiinyaanku yihiin dadka saddexaad ee ugu shaqada iyo waxtarka badan soogalootiga Maraykanka. Gaana oo Afrika ah ayaa qaadatay kaalinta koowaad waxaan labo noqday Bulgeeriya oo Yurub ah. Waxaa sidoo kale toban hore soo galay dalalka Itoobiya oo afar gashay, Masar oo shan gashay, Nayjeeriya oo siddeed gashay iyo Laybeeriya oo sagaal gashay. Toban qowmiyadood ee ugu shaqada badan muhaajiriinta ku nool Maraykanka lix ayaa kasoo jeedda Afrika. Waxaan tobanka hore soo galin Soomaalida. Sidoo kale soomaalidu safka hore oogama jirto muhaajiriinta ugu aqoonta badan. Afrika Masar iyo Natjeeriya ayaa kaga jiro tobanka hore xagga aqoonta. Marka walba oo lasoo hadal qaado Soomaali waxaa lagu xariiriyaa, faqri, burcadnimo, aqoon la'aan, argagixisonimo iyo shaqo la'aan baahsan. Warbixin laga soo saaray waddamada Galbeed oo sawir quruxsan ka bixiso Soomaalida in la helo ma dhacd

Hal ku dhigga halaagga noo horseeday: "Xoolaha dad weynaha ayaa ganacsi loo baddalay"

Ilaa shalay waxaa baraha bulshada lagu faafinayay in isbitaalki Jaalle Siyaad ee dagmada Garbahaareey loo rogay meel ganacsi. Saaka warki asaga ahaa waxaa qoray qaar ka mid ah mareegyada warfaafinta ee Soomaalida. Dadka qoray warkaan qaar waxay isticmaaleen erayo adag sida 'dhiig miirato', 'furasho' iyo 'boob'.  Inkastoo aan la xariiray qaar ka mid ah dadka qoray farriimahaan aana isku dayay inaan si hoose xal ugu helo warkaan aan salka lahayn, haddana waxaa ii muuqato inuu dhawaqu meel fog gaaray hoos u hadlidna aysan ku filnayn. Sidaa darteed waxaan go'aansaday in si muuqato wax ooga dhaho warkaan oo aan ahayn kii ugu horreeyay ee noociisa ah.  Muxuu yahay Isbitaalka Jaalle siyaad? Jaalle Siyaad waa isbitaal weyn oo ku yaal Garbahaareey. Waxaa dhismihiisa bilowday dowladdii dhexe isagoo qaybo ah ayayna dhacday. dhowr iyo labaatan sano ayuu qabyadaas ahaa oo arigu u xaroon jiray. Waqti aan fogayn ayay gabdho qurbajoog ah isu xilqaameen inay

Contact Form

Name

Email *

Message *