Skip to main content

Sirta Hadalki Keating: Madaxa UN-ta ee Soomaaliya

                                                     Image result for keating somalia                                                                                                              Maalmo ka hor waxaa war qoraal ah soo saaray madaxa UN-ta u joogo Soomaaliya. Warkaan ayaa ku saabsanaa wixii soomaaliya u qabsoomay sanadkaan iyo sida uu xaalkeedu yahay. Hadalka mudane Keating ayaa labo waji lahaa. Meel wuxuu ku sheegay in wax badan oo horumar ah la sameeyay. Dhinaca kale wuxuu tilmaamay inuusan xal dhawayn. Wuxuu si gooni u far-fiiqay musuq baahansan iyo dhibaatooyin maamul xumo ku qotomo.


Somaalidi qolaba inti ay jeclayd ayay ka qaadatay hadalkaan. Qolyaha mucaaraadka ahi iyo shacabkoodu waxay meel walba ku faafiyeen inta dhibka sheegtay si ay u muujiyaan in dowladdu waxba aysan qaban.

Dhinaca dowladda taageersan waxay soo xigteen inta ammaanta ah aadna u faafiyeen si ay u tusaan inaysan dowladdaan oo kale horay aysan noo soo marin. Labada dhinacba iskuma aysan shuqlin nuxurka hadalkaan iyo sababta qaabkaan loogu qoray. Dadka aan siyaasadda ku jirin sidayda oo kale ayaa ku wareeray halki ay u raaci lahaayeen hadalkaan iyo waxa uu ka dhiganyahay.


 Maxay ahayd warbixintaan?



Warbixintaan maahan mid cusub. Dhammaan kuwii Keating ka horreeyay sidaan ayay uso saari jireen sanad walba dhammaadkiisa. Warbixintan waxay kaga warraamaan waxa ay iyagu qabteen iyo halka ay marayaan howlahoodu. Waxay kula hadlaan dadka ay qusayso oo ay u horreyaan kuwa iyaga maalgaliyo iyo dowladaha daneeyo arrimaha Soomaaliya.

In la sheego labada waji ee arrin leeyaahay waa mid caadi ah qasabna ku ah cid walba oo wax qorayso haddii aysan dano gaar ah u qarsoonayn. Sidoo kale inaad wax un wanaag ah sheegto waxay xoojinaysaa inay dadku ku rumaystaan. Laakiin sababta uu Keating sidaan ugu qoray maahan inuu soomaali qanciyo.

Xafiiska UN-ta waxaa ku baxo tobannaan milyan oo doolar. Isaga keating ah waxaan hubaa inuu ka mushaar badan yahay raysulwasaaraha dalkiisa Ingiriiska. Waxaa lacagta sidaas u badan loo siiyo waa inuu xal helaa horumarna sameeyaa. Hadii uu yiraahdo meesha waxba kama socdaan wax walbana waa sii xumaadeen, waxaa lagu dhihi iska bax waxba waad qaban waydaye cid kaa fiican ayaa la keeniye.

Hadii uu yiraahdo howshu waa hagaagtay, waddadi nabadda ayaa cagta lala helay, dowladdu waddanka waa ku filnaan rabtaa, waxaa lagu dhihi shaqadi dhammaataye soo laabo. Sidaa darteed sidi shaqadiisu ku socon lahayd ayuu warka u dhigay: Wax badan ayaan qabannay, inkaloo badanna waa noo harsantahay. Innagu waxaan ku murmayno waa howl aanba na qusayn.


UNSOM iyo dowladda sidee isku yihiin


Haddii ay cid dowladdu wax u dhintay, xafiiska UN-ta un weeye. Ilaa iyo dowladdii Cabdullahi Yuusuf allaha u raxmadee, hadba qofka xafiiska UN-ta joogo ayaa Soomaaliya madexweyne ka ahaa. Wixii mashaariic la fulinayo waxaa la marin jiray UNSOM heshiiskana waxaa saxiixi jiray madaxa xafiiskaas.

Tusaale, Maraykanku wuxuu sheegtay inuu Soomaaliya ku bixiyay adduun ka badan hal bilyan dhowrki sano ee lasoo dhaafay. Dhammaan lacagtaas waxaa maareeyay UNSOM iyo hayado ka farcamo ama ay qandaraas hoose siiyeen. Sidoo kale, Ingiriisku wuxuu waaxda caafimaadka Soomaaliya ugu talagalay 64 milyan muddo sadex sano ah. Lacagtaas waxaa maamulayo hayado hoos yimaado UNSOM wax talo ahna lagama waydiin dowladda Soomaaliya.

Laakiin taas is badal ayaa ku yimid. Waxa kaliya aan hubo inay dowladaan qabatay waa inay gacan dhaaftay UNSOM. Waxaan wada ognahay in ay bishii hore heshiis labo geessod ah la gashay maraykanka oo sheegay inuu bixin doono 300 oo milyan. Heshiiskaas waxaa saxiixi lahaa Keating laakiin, inti ay sii socon doontaba, dowladdu waxay muujisay inay wixii la siiyo maaraayn karto. Sabab keentayba dowlado badan oo Maraynka iyo Qatar ka mid yihiinna waa ku aamineen.

Halkaas waxaa ka fahmi karnaa in UNSOM cabsi weyn ay dareentay, dabcan inay danaheeda difaacan doontana ma moogin. Marar badan waxaa hubaal ah inaan maqli doonno Keating iyo saaxibadii oo hadal qaraar badan noo sheegayo xaqiiq aan aragnana isku dayayo inay si kale nooga dhigaan.

Sidaa darteed waxaa nala gudboon inaan u daymo lahaanno hadallada ay noo sheegayaan diblomaasiyiinta shisheeyo. Noogama xogogaalsano waxa ka socdo dalkeenna, nagama run badno, nagama daacadsano nagama jeclo wanaagga dalkeenna ee maxaa keenayo inaan warkooda si weyn u aaminno ama aan qaadqaadno ilaa aan ka dhiganno daliil biyo kama dhibcaan ah?

Sanadkaan wuxuu sanad dhib badan, farxad iyo murugo labaduba nasoo mareen. Siddeedi Feebaraayo Soaamli oo dhan ayaa wada faraxday. Arrintii Qalbi-dhagax ayaa niyad jab nagu ridday 14ki Octoobarna uur ku taallo ayuu nagu reebay. Laakiin waxaan nahay dad dhib yaqaan ilaahayna siiyay adkaysi ay kaga gudbaan culaysyada adduunka.

Waxaan hubaa inaan leenahay mustaqbal qurux badan waddadi lagu gaari lahaanna aan saarannahay. Sidaa awgeed qof walboo naga mid ah haka qayb qaato horumarka iyo wanaaga isagoon cidna ugu danaynayn ee naftiisa iyo tan qoyskiisa u danaysanayo. Ilaahay sanadkaan cusub ha noo dhigo kii aan ku illaawi lahayn wixii nasoo maray sodonki sano ee aan soo dhaafnay.



Ibrahim Aden Shire

Ishire86@gmail.com

Kala soco: https://ibrahim-shire.blogspot.co.uk/




Comments

Popular posts from this blog

Gorfeyn: Buugga Adkaysi ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur

  Adkaysi waa buug cusub oo soo suuqa imaanaya kowda Disember 2024. Waxaan nasiib u yeeshay in aan ka mid noqdo dhowrkii qof ee ugu horreysay ee buugga la siiyo inta uusan suuqa imaan. Fiidnamdii Isniinta taariikhdu ahayd 18/11/2024 ayuu xildhibaan Cabdiraxmaan i guddoonsiiyay buugga goor aan ugu tagay gurigiisa Muqdisho. Fiidnamdii talaadada oo aan Ingiriiska safar u soo ahaa ayaan ku billaabay akhriska. Wehel waddada ila mara ayuu ii noqday. Qormadaan gaaban waxaan uga faalloon doonaa buugga.  Adkaysi oo 318 bog ah waxaa qorey xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Tafatirka iyo quraaradyntu (typesetting) waa heersare (laba meelood ayaan ka arkay wax aan is iri quraaradaynta ayaa geftay).  Waa buug xogwarran ah, xambaarsan taariikh, wacyigelin, waxbarid iyo waana-qaadasho. Waxaa uu si gaar ah u abbaarayaa waayihii Cabdiraxmaan, dhalashadiisii, korriinkiisii, waxbarashadiisii, shaqooyinkiisii ilaa siyaasadda oo uu hadda ku jiro. Sida ka muuqata ciwaankaba qoruhu b...

Hal ku dhigga halaagga noo horseeday: "Xoolaha dad weynaha ayaa ganacsi loo baddalay"

Ilaa shalay waxaa baraha bulshada lagu faafinayay in isbitaalki Jaalle Siyaad ee dagmada Garbahaareey loo rogay meel ganacsi. Saaka warki asaga ahaa waxaa qoray qaar ka mid ah mareegyada warfaafinta ee Soomaalida. Dadka qoray warkaan qaar waxay isticmaaleen erayo adag sida 'dhiig miirato', 'furasho' iyo 'boob'.  Inkastoo aan la xariiray qaar ka mid ah dadka qoray farriimahaan aana isku dayay inaan si hoose xal ugu helo warkaan aan salka lahayn, haddana waxaa ii muuqato inuu dhawaqu meel fog gaaray hoos u hadlidna aysan ku filnayn. Sidaa darteed waxaan go'aansaday in si muuqato wax ooga dhaho warkaan oo aan ahayn kii ugu horreeyay ee noociisa ah.  Muxuu yahay Isbitaalka Jaalle siyaad? Jaalle Siyaad waa isbitaal weyn oo ku yaal Garbahaareey. Waxaa dhismihiisa bilowday dowladdii dhexe isagoo qaybo ah ayayna dhacday. dhowr iyo labaatan sano ayuu qabyadaas ahaa oo arigu u xaroon jiray. Waqti aan fogayn ayay gabdho qurbajoog ah isu xilqaameen inay...

Dhalinyarada gobalka Gedo waxay la mid yihiin biyaha maro boholaha gobalka Gedo

Ayaanle Macalin Cabbeey oo ka mid ah dhalinyada firfircoon ee gobalka Gedo ayaa isoo diray farrintaan su'aasha ah ee hoos ku oqran: Masuul waxaan rabaa inaan kula wadaago dhallinyarada gobalka gedo Masiibada goonida u haysato oo naga reebtay goballada kale ama Xamarta an maanta ku suganahay aan kaga duwannahay annagoo haysanno dhul dihan oo dekad ah haddana maankeenna kuma fooraro wax la xariir o hanaqaad horumareed dhanka siyaasadana kuma jirno oo xaquuq xitaa kama helno. Adiga oo ah aqoonyahan wax badan ka qoro siyaasadda iyo arrimaha Somalia,sideen ku heli karnaa fakar mideysan oo wax baddala ama aan wax is bedal ah ku sameyn karno? Laga billaabo degmo ilaa iyo tuulo malahan wax xariir siyaasadeed ah iyo dano isku dhafan,anagoo ku dhex nool marxaladda aad marqatiga ka tahay sideen ku heli karnaa fursad an kaga gudubno meesha maanta an naalno oon ubeegsan karnaa halka nalaga doonayo inaan ka muuqanno oon ka dhallinyara ahaan ku muujin karnaa doowrka anku leen...

Contact Form

Name

Email *

Message *