Skip to main content

Mashaariicda Horumarineed ee ka fulay gobalka Gedo sanadka 2017. Q2

                                                                                                             Image result for Gedo region
Waxaan qaybti hore kaga warrannay mashaariicdi sanadkaan ka hirgashay magaalooyinka Baardheere iyo Garbahaareey. Waxaan qormadaan ku eegaynaa dagmooyinka Buurdhuubo, Ceelcadde iyo Luuq. Halkaan ka akhri haddi ay qaybti hore ku dhaaftay. https://ibrahim-shire.blogspot.co.uk/2017/12/mashaariicda-horumarineed-ee-ka-fulay.html


Buurdhuubo

Magaalada Buurdhuubo waxay ka mid tahay meelaha ay Shabaabku go’doomiyeen sidaa darteed dad badan oo maalgashan lahaa iyo hayado mashaariic ka fulin lahaa ayaa ka cabsaday. Hasayeeshee waxaa jiro dhowr mashruuc oo ka suura galay qaarkoodna baahida magaalada wax weyn  ka badaleen.

Mashruuca ugu muhiimsan ayaa ah garoon diyaaradeed oo dadka deegaanku dhisteen. Awal dagmadu waxay lahayd garoon fiican laakiin magaalada bannaankeeda ku yaalo. Garoonkaas waxaa loo isticmaali waayay cabsida shabaabka magaalada hareerahooda dhooban laga qabo. Dhowr sano oo garoon la’aan ah ka dib, shacabka ayaa is xilqaamay iskoodna u dhagax dhigay garoon cusub oo magaalada aad ugu dhow cabsina aan laga qabin inay Shabaab wax yeeleeyo.

Garoonka oo ay ku baxday lacag ku dhow $40,000 (afartan kun) ayaa si caadi ah u shaqeeyo waxaana isticmaalo diyaaradaha rakaabka ah iyo kuwa ay leeyihiin hayadaha samafalka. Hadda waxaa socdo wajigi labaad ee garoonka kaasoo lagu balaarinayo laguna qurxinayo.

Dhinaca biyaha ayaa iyana shaqo weyn laga qabtay. Buurdhuubo waxaa maro wabiga Jubba dadkuna isaga ayay ka cabbi jireen. Biyaha wasaqda ah ee wabiga toos looga cabbo ayaa keeni jiray xanuunno badan sida shuban biyoodka. Sidoo kale biyaha waxaa lagu dhaansan jiray gaari-dameerro taasoo dadku aad ugu dhib qabay.

Baahidaas ayaa hadda la daboolay ka dib markii hayadda NCA ay samaysay biyo galin wada gaartay xaafadaha. Biyahan ayaa soo maro filter kasaaro shaqinka iyo wasaqda ka hor inta aysan gaarin guryaha. Mashruucaan ayaa noqday mid aad loo mahdiyay horayna aan usoo marin dagmada.

Dhinaca waxbarashada iskoolladi hore ee furnaa waxaa lagu soo kordhiyay shan iskool hoose oo ay hirgalisay HIRDA. Iskoolladaan ayaa la mid ah kuwaan kaga soo sheekaynay qormadii hore, iyada faahfaahin ugu noqo.

Si guud Buurdhuubo sanadkaan uma xumayn marki loo eego xaaladda xayiraadda ee ay ku jirto.

Ceelcadde

Dagmada Ceelcadde waxaa ilaa sanadki 2016ki gacanta ku hayay xarakada Shabaab. Ilaa waqtigaas waxaa ka mamnuuc ahaa hayadaha samafalka iyo howlaha ay dowladdu qabato. Sidoo kale, waxaan ku dhiirran waayay gacansatadi maalgashan lahayd. Laakiin waxaa jiray howlo muhiim ah oo ay qabteen dadka deegaanku.

Magaalada oo ah mid da’ yar aadna loo dagay wixii ka danbeeyay dhicitaanki dowladda dhexe ayaa baahi weyn u qabtay waddooyin waasac ah oo magaalada isu furo. Waxaa jiray xaafado badan oo isku raran noqday dadkana ku adkeeyay inay si fudud meesha ay rabaan ay ku gaaraan.

Dhibkaas muddada taagnaa ayaa xal laga gaaray waxaana la bixiyay siddeed waddo oo magaalada dhex maro mid ka mid ahna uu yahay jid sidi goobadi magaalada ku wareego (ring road). Mashruucaan oo ay lacag badan iyo muruq xooggan uu u baxay ayaa waxaa gabi ahaanba fuliyay dadka deegaanka oo ay odayaashu hormuud ka yihiin, waxaana injineer ka ahaa Bashiir Jarato oo ah injineer ku xeeldheer howlahaan. Injineer Bashiir iyo injineero kale oo isaga la socday ayaa Xamar ooga soo safray naqshadaynta jidadkaan iyo fulinta mashruucaan. Dhak sii link-iga hoose si aad u daawato warbixin ku saabsan jidadkaan.





Waxaa kaloo jiro in qaarka mid ah qurbajoogta dagmada iyo shaqsiyaad kale ay dhisteen guryo casri kuwaas oo door muhiim ah ka cayaaray bilicda dagmada.





Luuq

Dagmada Luuq oo ah magaalada ugu qaddimsan gobalka Gedo guud ahaanna ku jirto magaalooyinka ugu faca weyn dalkeenna ayaa muddo dheer helin maalgashi iyo mashaariic horumaneed. Dhawaanahan, ayaase, waxaa kor u kacay howlaha horumarka ee ka socdo dagmada. Xasiloonida ka jirto iyo beeraha liinta ee aad ooga baxo ayaa ah sababta ugu weyn ee soo jiitay maalgashadayaasha.

Ganacsato badan ayaa maalgashatay dagmada kana fuliyay mashaariic muhiim ah. Nasiib darro aqoonta aan u leeyahay dagmada oo yar awgeed, dadaal kasta oo aan sameeyay, waan heli waayay xog rasmi ah oo aan ku kalsoonaan karo kuna saabsan howlaha ay sanadkaan ganacsatadu kusoo kordhisay dagmada. Haseyeeshee waxaa ii suura gashay inaan helo mashaariicda ay fuliyeen hayadaha samafalku.

1: Waxaa la dayac tiray qalabkeedina loo dhamays tiray xarunti dagmada oo muddo burbursanayd. 2: Waxaa la dhisay lana xardhay garoonka kubbada kacta. 3: Waxaa la dhisay xarun ay leeyihiin ururada bulshada dhalin yaraduna qayb ku leedahay. Mashaariicdaan waxaa fulisay hayadda IOM.

Xarunta dagmada Luuq

4: Tuulada Garboolow oo Luuq hoos timaado ayaa laga hirgaliyay ceel biyood solar ku shaqeeyo. Ceelkaan ayaan suura galiyay inay tuulado hesho biyo joogta oo nadiif ah kuwaas oo guri walba u socdo 24ka saacba. Waa mashruuca iila qiimaha badan intii sanadkaan Luuq laga qabtay. Soolarka ayaa looga maarmay matoorki dhalin jiray quwada biyaha soo saarto. Soomaaliya oo ilaahay qorrax ku mannaystay ayaan ka faaidaysan cadceedda, isha ay ka dhaliso quwadda korontada ayaana ah matoorro yar yar oo naafto ku shaqeeyo.

Matoorrada ayaa waxyeello balaaran u gaystay hawada iyo bay'ada, hirgalinta soolarrada ayaana keeni doonto inay yaraato wasaqda halista ah ee ka dhalato qiiqa matoorrada. Mashruucaan waxaa maalgaliyay dowladda Norway waxaana wada fuliyay hayadaha NCA iyo CERID.
                                          Soolarrada ceelka
                                                     Haanta keydka biyaha Garboolow
                                                 
Sidoo kale HIRDA ayaa iskoolladi aan horay usoo sheegnay oo kale ka dhistay dagmada iyo tuulyiinka hoos yimaado.

Si guud sanadkaan gobalka Gedo wuxuu u ahaa mid wanaagsan. Inkastoo maamulka Jubbaland iyo dowlada dhexe labaduba ay hagradeen, haddana dadaalka dadkeeda dantu bartay inuu isu tashado ayaa keenay in mashaariic muhiim ah la fuliyo. Waxaa socdo dadaal maamul loogu dhisayo gobalka. Haddii lagu guulaysto dhisidda maamul hoosaadyada dagmooyinka waxaa la rajaynayaa in gobalku heli doono mashaariic badan iyo maalgashi bareefat ah.

Ibrahim Aden Shire




Comments

Popular posts from this blog

Taariikh Nololeedkii Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf

  28/12/2023 waxaa geeriyooday sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf oo ka mid ahaa culimada Soomaaliyeed marna ahaa hoggaamiyihii Imaaradii Gedo. Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf Aw Axmed Ismaciil Mubaarak sheekh Cabdiraxmaan sheekh Samantar,  waxaa uu ku dhashay qiyaastii 1938-kii, meel lagu magacaabo Buuro oo galbeedka uga beegan magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud. Sheekha waxaa uu ahaa Marreexaan, Cali Maxammed (Cali-dheere), reer Sheekh reer Mubaarak.  Sheekh Maxammed waxaa uu ku barbaaray guri aqoon iyo Diin. Sida aad ka arki kartaba abtirkiisa aabbihii iyo awooyaashii waxaa ay ahaayeen culimo. Sheekha Maxammed Allaha u naxariisto e (AUN),  waxaa uu Qur’aanka kariim ka ah dhammeeyay isaga oo aad u da’ yar. Intaa ka dib waxaa uu u jeestay barashada caqiidada, fiqhiga iyo Shaaficiga isaga oo kutubtaas ka qaatay aabbihii. Sidii uu dhaqanku ahaa, sheekh Maxammed  waxaa uu xiraystay sannadka markii uu ahaa 1956-kii ilaa 1961-kii  goortaas oo uu cilmi u raadsaday magaalooyinka Beledwayne,

Maxaa ka run ah warbixinnada foosha xun ee laga qoro Soomaalida Qurbaha?

Warbixin ka ay daabacday Boomerg oo looga hadlay waxtarka muhaajiriinta Maraykan  tago ayaa lagu sheegay in Kiinyaanku yihiin dadka saddexaad ee ugu shaqada iyo waxtarka badan soogalootiga Maraykanka. Gaana oo Afrika ah ayaa qaadatay kaalinta koowaad waxaan labo noqday Bulgeeriya oo Yurub ah. Waxaa sidoo kale toban hore soo galay dalalka Itoobiya oo afar gashay, Masar oo shan gashay, Nayjeeriya oo siddeed gashay iyo Laybeeriya oo sagaal gashay. Toban qowmiyadood ee ugu shaqada badan muhaajiriinta ku nool Maraykanka lix ayaa kasoo jeedda Afrika. Waxaan tobanka hore soo galin Soomaalida. Sidoo kale soomaalidu safka hore oogama jirto muhaajiriinta ugu aqoonta badan. Afrika Masar iyo Natjeeriya ayaa kaga jiro tobanka hore xagga aqoonta. Marka walba oo lasoo hadal qaado Soomaali waxaa lagu xariiriyaa, faqri, burcadnimo, aqoon la'aan, argagixisonimo iyo shaqo la'aan baahsan. Warbixin laga soo saaray waddamada Galbeed oo sawir quruxsan ka bixiso Soomaalida in la helo ma dhacd

Hal ku dhigga halaagga noo horseeday: "Xoolaha dad weynaha ayaa ganacsi loo baddalay"

Ilaa shalay waxaa baraha bulshada lagu faafinayay in isbitaalki Jaalle Siyaad ee dagmada Garbahaareey loo rogay meel ganacsi. Saaka warki asaga ahaa waxaa qoray qaar ka mid ah mareegyada warfaafinta ee Soomaalida. Dadka qoray warkaan qaar waxay isticmaaleen erayo adag sida 'dhiig miirato', 'furasho' iyo 'boob'.  Inkastoo aan la xariiray qaar ka mid ah dadka qoray farriimahaan aana isku dayay inaan si hoose xal ugu helo warkaan aan salka lahayn, haddana waxaa ii muuqato inuu dhawaqu meel fog gaaray hoos u hadlidna aysan ku filnayn. Sidaa darteed waxaan go'aansaday in si muuqato wax ooga dhaho warkaan oo aan ahayn kii ugu horreeyay ee noociisa ah.  Muxuu yahay Isbitaalka Jaalle siyaad? Jaalle Siyaad waa isbitaal weyn oo ku yaal Garbahaareey. Waxaa dhismihiisa bilowday dowladdii dhexe isagoo qaybo ah ayayna dhacday. dhowr iyo labaatan sano ayuu qabyadaas ahaa oo arigu u xaroon jiray. Waqti aan fogayn ayay gabdho qurbajoog ah isu xilqaameen inay

Contact Form

Name

Email *

Message *