Skip to main content

Jubaland: Candhalaa Curatay


waxaan marka hore caddaynayaa inaanan siyaasi ahayn, arrimaha siyaasadda ee socdo dhulkeennana aanan aad u danayn. Waxa iga quseeyo, halkaanna aan ooga hadli doono waa wixii la xariiro horumarka oo ah mid aan daneeyo xiiso badanna aan u qabo la socodkiisa.

Waxaa maalintii shalay ahayd la daah-furay xarunta khilaafaadka ee dagmada Garabahaareey. Xaruntaan ayaa noqonayso madal ay fadhiistaan odayaasha matalo qabaaillada dago dagmada Garbahaareey. Shaqada odayaasha ayaa ah inay xalliyaan wixii khilaaf ah ee ka dhex dhaco dadka ay mataalaan si looga maarmo maxkamad. 

Xarunta oo hadda lagu billaabay guri kiro ah ayaa waxaa maal-galin doono maamulka Jubalad. Maamulka oo gacan ka helayo hayado caalami ah ayaa wado inuu dagmo walba ka sameeyo xarun noocaan ah oo la shaqayso waaxda caddaaladda. Waxaa la filayaa in sanadkaan gudahiisa la dhisi doono xarun ay madashu leedahay odayaashuna ay qaadan doonaan mushaar joogta ah. 

Hadda, sidaan xogta ku helayo, waxaa la siin doonaa shaah iyo gunno yar marki ay ku jiraan xalin khilaaf. Inkastoo laga yaabo shaaha ku xiran qabashada shaqo inuu kordhiyo khilaafaadka jiro, maadaama ay suuragal tahay inay iyaguba abuuraan khilaaf si ay u xaliyaan ama mid jiray ay daba dheereeyaan, haddana waa bilow fiican. 

Xarunta Xalinta Khilaafaadka, waxaa garab socday dhisidda maxkamadaha iyo yagleelidda waaxda caddaaladda oo aan horay gobalka ooga jirin. Wasiirka caddaaladda Jubaland Aadan Aw-xirsi oo ayaantaan suknaa Garbahaareey ayaa howshaas si wacan u dhaqaajiyay. Waxaa la shaqo galiyay shan qof oo kusoo baxday imtixaanaadki la qaaday.

Tallaabooyinkaan ayaa ah kuwo muhiim ah saamayn wanaagsanna ku yeelan doona gobalka. Waxay shaqo u abuurtay dhalin yaro aqoonyahanno ah. shaqaalaynta dhalinyada ayaa horseedi doonto inay dhalinti gobalka shaqo la'aanta ooga haajirtay dib ugu soo noqdaan, kuwa hadda joogana ay rajeeyaan inay shaqo heli doonaan.

Sidoo kale, waxay shaqo u abuurtay odayaashi dhaqanki ee camal la'aantu indho tirtay. Waxay noqoynaysaa marki ugu horraysay ee odayaal mushaar qaato Gedo kasoo toosaan, waa haddii laga dhabeeyo ballanqaadka. 

Isku darkoodu wuxuu qayb weyn ka qaadan kobaca dhaqaalaha gobalka waxaana kordhi dakhliga shaqsiga iyo iibsiga alaabaha raaxada. Kobaca dhaqaalaha wuxuu abuuri nabad iyo xasillooni taasoo na gaarsiin doonto barwaaqo iyo baraare.

Imaanshaha wasiirka iyo shaqada uu ka qabtay Garbahaareeyba waa kuwo cusub horayna aan looga baran maamulka Jubaland. Muddoo badan ayay reer Gedo shakiba ka qabeen inay ka mid yihiin maamulka iyo inkale waayo maamulku uma dhaqmayn sidii inuu ka taliyo Gedo.

Maxaa keenay isbadlkaan?

Su'aalo badan ayaa la iska waydiinayaan sababta hadda gobala loo xasuustay. Dad badan ayaa rumaysan in culayska ka soo foodsaaray Axmed Islaan beeshisa oo doonayso inay kurisga ka tuuraan ay keentay inuu isku dayo inuu kasbado reer Gedo si uu garab ooga helo. Dad kale ayaa qabo, in khilaafka dhex qarxay wasiirada Jubaland ee Gedo kasoo jeedo uu abuuray tartarn dhexdooda ah. Dadkaan ayaa qabo, in halka Adam AW-Xirsi iyo Kaliil ay Garbahaareey ay wax la rabaan Cabdi janan uu Doolow wax la doonayo, tartankaasna uu abuuray faaiidadaan.

Qolo sadexdaad waxay leeyihiin, wax weyn ma jiraane waa hafaryo iyo af-dufan isu marin lagu doonayo in lagu galo doorashada soo dhawaatay ee Jubaland. Koox afaraad waxay ku doodayaan in arrintaan uu keenay Aw-xirsi oo hadda usoo jeestay la xisaabtan Jubaland doonayana inuu saxo khaladaadki hore. 

Kay tahayba, anigu waxaan qabaa in tallabadaan horumar tahay Aw-xirsina ammaan ku leeyahay ujeedkuu rabo ha ka lahaadee. Waxaan kaloo qabaa inaysan nagu filnayn shaqada hadda la qabtay oo ah mid aan xaq u lahayn dagmooyinka kale iyo gobollada kalana ay nala wadaagaan.

Waxaa Gedo ka maqan maqaam iyo mansab. Sidaan mar hore sheegay, gobalku wuxuu ka kooban yahay sadex gobal. Mid wuxuu helay caamisimaddi (Bu'aale) midna wuxuu helay caasimadda ganacsiga (Kismaayo) midna lama soo hadal qaadin (Gedo) sidaa darteed waxaan qabaa in Gedo laga dhigo xarunta cilmiga oo laga furo jaamacadda gobalka ugu muhiimsan, maktabka ugu weyn iyo gaar ahaan kulyadda tababarrada macalimiinta Jubaland.

Ugu danbayn waxaa leeyahay, madaxda noo timid waa mahadsan yihiin, waana bogaadinaynaa shaqada ay noo qabteen balse wali cad aan leenahay ayaa naga maqan ee noosoo dhacsha.

Ibrahim Aden Shire
ishire86@gmail.com

Comments

Popular posts from this blog

Gorfeyn: Buugga Adkaysi ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur

  Adkaysi waa buug cusub oo soo suuqa imaanaya kowda Disember 2024. Waxaan nasiib u yeeshay in aan ka mid noqdo dhowrkii qof ee ugu horreysay ee buugga la siiyo inta uusan suuqa imaan. Fiidnamdii Isniinta taariikhdu ahayd 18/11/2024 ayuu xildhibaan Cabdiraxmaan i guddoonsiiyay buugga goor aan ugu tagay gurigiisa Muqdisho. Fiidnamdii talaadada oo aan Ingiriiska safar u soo ahaa ayaan ku billaabay akhriska. Wehel waddada ila mara ayuu ii noqday. Qormadaan gaaban waxaan uga faalloon doonaa buugga.  Adkaysi oo 318 bog ah waxaa qorey xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Tafatirka iyo quraaradyntu (typesetting) waa heersare (laba meelood ayaan ka arkay wax aan is iri quraaradaynta ayaa geftay).  Waa buug xogwarran ah, xambaarsan taariikh, wacyigelin, waxbarid iyo waana-qaadasho. Waxaa uu si gaar ah u abbaarayaa waayihii Cabdiraxmaan, dhalashadiisii, korriinkiisii, waxbarashadiisii, shaqooyinkiisii ilaa siyaasadda oo uu hadda ku jiro. Sida ka muuqata ciwaankaba qoruhu b...

Maxaa ka run ah warbixinnada foosha xun ee laga qoro Soomaalida Qurbaha?

Warbixin ka ay daabacday Boomerg oo looga hadlay waxtarka muhaajiriinta Maraykan  tago ayaa lagu sheegay in Kiinyaanku yihiin dadka saddexaad ee ugu shaqada iyo waxtarka badan soogalootiga Maraykanka. Gaana oo Afrika ah ayaa qaadatay kaalinta koowaad waxaan labo noqday Bulgeeriya oo Yurub ah. Waxaa sidoo kale toban hore soo galay dalalka Itoobiya oo afar gashay, Masar oo shan gashay, Nayjeeriya oo siddeed gashay iyo Laybeeriya oo sagaal gashay. Toban qowmiyadood ee ugu shaqada badan muhaajiriinta ku nool Maraykanka lix ayaa kasoo jeedda Afrika. Waxaan tobanka hore soo galin Soomaalida. Sidoo kale soomaalidu safka hore oogama jirto muhaajiriinta ugu aqoonta badan. Afrika Masar iyo Natjeeriya ayaa kaga jiro tobanka hore xagga aqoonta. Marka walba oo lasoo hadal qaado Soomaali waxaa lagu xariiriyaa, faqri, burcadnimo, aqoon la'aan, argagixisonimo iyo shaqo la'aan baahsan. Warbixin laga soo saaray waddamada Galbeed oo sawir quruxsan ka bixiso Soomaalida in la helo ma dhac...

Hal ku dhigga halaagga noo horseeday: "Xoolaha dad weynaha ayaa ganacsi loo baddalay"

Ilaa shalay waxaa baraha bulshada lagu faafinayay in isbitaalki Jaalle Siyaad ee dagmada Garbahaareey loo rogay meel ganacsi. Saaka warki asaga ahaa waxaa qoray qaar ka mid ah mareegyada warfaafinta ee Soomaalida. Dadka qoray warkaan qaar waxay isticmaaleen erayo adag sida 'dhiig miirato', 'furasho' iyo 'boob'.  Inkastoo aan la xariiray qaar ka mid ah dadka qoray farriimahaan aana isku dayay inaan si hoose xal ugu helo warkaan aan salka lahayn, haddana waxaa ii muuqato inuu dhawaqu meel fog gaaray hoos u hadlidna aysan ku filnayn. Sidaa darteed waxaan go'aansaday in si muuqato wax ooga dhaho warkaan oo aan ahayn kii ugu horreeyay ee noociisa ah.  Muxuu yahay Isbitaalka Jaalle siyaad? Jaalle Siyaad waa isbitaal weyn oo ku yaal Garbahaareey. Waxaa dhismihiisa bilowday dowladdii dhexe isagoo qaybo ah ayayna dhacday. dhowr iyo labaatan sano ayuu qabyadaas ahaa oo arigu u xaroon jiray. Waqti aan fogayn ayay gabdho qurbajoog ah isu xilqaameen inay...

Contact Form

Name

Email *

Message *