Waxaa dhawaanahaan
nagu soo batay maqalka dhul la siiyay shirkad ama shaqsiyaad lagu sheegay inay
maal galinayaan. Dhulkaan wuxuu ku yaal magaalooyin waxaana bixiyo maamulka
markaas magaaalada gacanta ku hayo. Asbuucii lasoo dhaafay ayay ahayd markaan maqlaynay
hooyooyin leh meeshi aan daganayn ayaa xoog la inooga raray. Kuwaas waxaa ka
horeeyay kumannaan masaakiin ah oo dhul Xamar ku yaallo laga barakiciyay.
Waxbo ka
oran mahayo dhulalka aan kor ku xusay waayo xaqiiqdooda hoose waxba kalama socdo
saxna maahan inaan go’aamiyo wax aanan ogayn. Laakiin waxaan halkaan idin kula
wadaagi dhibaatooyinki ay dhaxleen dalalki horay ooga kireeyay dhulkooda
shirkado maalgashanayo.
Dhulka yaa leh?
Sidaan qormo
hore https://ibrahim-shire.blogspot.co.uk/2018/01/dhul-boobka-iyo-cawaaqibta-ka-dhalan_22.html
ku sheegay dhulka Eebaa leh, aadanahana waa u wakiishay. Intii meel kuwada nool
waxaa ka dhaxeeyo dhulka wixii kasoo haro intuu qof walba shaqsi ahaan u
leeyahay. Tusaale, Soomaali way wada leedahay dhulka. Qofka ku dhashay Wajeer
Wajaale waxbuu ku leeyahay, kan ku dhashay Jabuutina Jammaame wax ayuu ku
leeyahay laakiin haddii baahidu sinnaato kan meesha dagan ayaa la hormarin.
Yaa bixin karo dhulka?
Dunida casriga
ah, dowlado ayaa gacanta ku hayo maamullada. Dowladahaan dadka ayay matalaan
qasab ama ogolaansho middood. Dowladahaan ayaa go’aan ka gaaro waxa dadka dantu
ugu jirto hadba sida ay u arkaan maslaxada dadkoodana u isticmaalo dhulka.
Dalalka
Galbeedka ee dowladaha lasoo doorto ma sahlano inay dowladdu dhul say rabto ka
yeesho. Marar badan iyadoo masalaxada dalka iyo dantu ku jirto ayaa waxaa is
hortaago dad yar oo ay si gooni ah u saamaynayso. Tusaale, ayrpoorka ugu weyn
Ingiriiska ayaa la damcay in la balaariyo. Soo jeedinta balaarinta waxaa la
sameeyay 2006-di, waxaana soo dhaweeyay dhammaan qaybaha ugu muhiimsanaa ee
matali karay shacabka.
Laakiin waxaa
ka gows adaygay xildhibaanno laga soo doorto aagga uu ku yaal ayrpoorka iyo
kuwa aydhiyooloji ahaan ooga soo horjeedo. 11 sano ka dib, wali waxaa socdo
wada xaajoodki iyo dadaalki lagu qancin lahaa dadka diidan. Si ka duwan
Galbeedka, waddamada soo korayo ma eegaan rabitaanka shacabkooda iyo saamaynta
uu ku yeelan karo dadka dan yarta ah.
Dhul Boobka
Adduunyada waxaa
si aad ah u kordhayo tirada dadka ku nool. Gaar ahaan waddamada Aasiya ku yaal,
dhulka ay haystaan iyo tirada dadku isuma dheeli tirra marki hunguri wayninka
aadanaha lagu saleeyo. Baahidaas dhuleed ayaa keentay in dowlado badan ay
bannaanka ka doontaan dhul ay beertaan si ay dadkooda u quudiyaan.
Waddamada laga
kiraysto dhulalka ayaa ah kuwa sabool ah dadkoodana aan dan ka lahayn. waxay
bixiyaan dhul balaaran oo ay dagan yihiin masaakiin ree miyi ah. Lama siiyo
dhul kale, mag dhow iyo meel ay aadaan toona.
Itoobiya
Dadlalka sida
aadka ah dhulkooda u kireeyay waxaa ka mid ah Itoobiya. Itoobiya ayaa ilaa 2000
aragtay horumar balaaran iyo kobac dhaqaale oo aan horay ooga dhicin qaaradda Afrika.
Taliski waddanka haystay ayaa ku fekaray inay si walba oo ay dalka ku haysan
karaan kuna hormarin karaan sameeyaan.
Waxay heshiisyo
la galeen waddamo badan oo ay ka mid yihiin Hindiya, Sacuudi Carabiya iyo
Imaaraatka. Waddamadaan ayaa la siiyay dhul baaxad weyn oo laga kireeyay muddo
boqol sano ah si ay oogu beertaan cuntooyinka ay u baahan yihiin.
Waxaa xusid
mudan in Itoobiya boqol milyan kuwaad ku nooshahay dadkeeduna dhulku ku
yaryahay. Laakiin taasi lama eegin ee waxaa loo xishay yaa lacag haysto iyadoo
la isticmaalayo shaatiga horumarin iyo maalgashi.
Dadki dagganaa
dhulkaas xoog ayaa lagu raray. Addunyada iyo idaacadaha waxaa loo sheegay in
dadka la rarayo magaalooyin la dajin doono, caruurta iskoollo loo gayn doono,
nolol iyo caafimaad bilaash ah ay heli doonaan, lacagta lagu hormarinayana ay
ka imaan doonto maalgashiga caalamiga ah. Hal milyan iyo bar dad gaarayo ayaa
laga raray dhul Hindiya kaliya laga kireeyay. Wixii xigay waa sheeko taariikha
gashay.
Sidoo kale
dalka Baraasiil ayaa isna barakiciayay boqollaal kun oo ah dadkii dhulka lahaa.
Kaymaha Amazon iyo dhul kalaba waxaa laga kireeyay shirkado waaweyn iyadoon la
eegin saamaynta ay ku yeelan karto dadka deegaanka. Lama yaqaan inta uu la
egyahay dhulka laga boobay masaakiinta laakiin qaarka mid ah cilmi-baarayaasha
ayaa xaqiijiyay in inta la hubo uu gaaray 34 milyan oo hektar.
Dhibaadatada
ugu weyn waxay gaartaa dadka dhulkaas lahaa oo kumannaan sano kusoo noolaa. Dhibka
nololeed ka sakow, waxaa gaaro mid dhaqan waayo waxaa la baabi’iyaa dhammaan
wixii hiddo u ahaa iyo caalamad walba oo muujin karto inay dhulkaas lahaayeen
si aysan dib danbe ugu sheegan.
Intaas waxaa
sii dheer, waxa laga soo saaro dhulkaas, dalka ma galaan ee waxaa loo dhoofiyaa
dalalka beertay. Raashinka kasoo baxo Itoobiya, dadkeeda oo baahan ayaa loo
raraa Hindiya iyo Sacuudi Carabiya.
Maxaa ka dhashay?
Dhul boobkaan
wuxuu abuuray dhibaatooyin waaweyn oo waqti badan jiri doono. Wuxuu barakiciyay
malaayiin qof kuwaas oo faqrigi ay qabeen kusii kordhay. Wuxuu dhaawac xooggan
u gaystay bey’ada wuxuuna sababay nabaad guur aan laga soo kaban karin. Waddamada
Laattin Ameerika, dhibka ugu badan wuxuu noqday in dadkii soo barakacay ay buux
dhaafiyaan caasimadaha oo awalba la il-darnaa nolol xumo iyo adeeg la’aan
arrintaas ayaana abuurtay dib u dhac dhaqaale iyo mid bulsho oo ballaaran.
Itoobiya
dhibki ay abuuratay waa kan maanta ay mirihiisa cunayso. Dhibaatada Oramadu
waddo wuxuu ka bilowday isbalaarinti shirkadaha iyo dhulkii la rabay in lagu
daro Adisababa. Inta badan shacabka Itoobiya wuxuu colaad xooggan u qaaday
dowladda waxayna isku raacsanyihiin inay xukuumadda baddalaan.
Nacaybkaas waxa
ugu badan ee abuuray waa dhul boobki ay dowladdu samaysay iyadoon fulin wixii
ay ballan qaadday. Dadka waxaa u cunnami la’ in qamadiga dhulkooda ka baxo ay
gaajo uga dhintaan, caruur dal kale ku noolna lagu quudiyo.
Gunaanad
Dhibaatooyinka
dhulalka waxay ahaayeen kuwa ilaahay naga koriyay. Intii dhibka dhulku adduunka
ka socday innagu waan ka raaxaysannay. Wali nama soo gaarin shirkadaha
shisheeye ee dhul doonka ah laakiin waxaa bilow u ah kuwa soomaalida ee
billaabay inay maamullada dhul na siiya yiraahdaan.
Ninkii lacag
haysto ee doonayo inuu dhul maalgashado waa inuu iibsadaa dhul xalaal ah oo la hubo cidda leh.
Dadka xoogga lagu barakicinayo waxay bilow u tahay cuquubooyin waaweyn oo sanka
isku hayo kuwaas oo noo horseedi doono caaqibo aanan la mahdin.
Dowladda dhexe
waxaa saaran in ay soo saarto sharci cad oo qeexayo xeerarla dhulka iyadoo
eegayso hab nololeedka soomaalida iyo saamaynta ay uu dhul boobku nagu yeelan
karo.
Culimada iyo
ururada bulshadu waa inay u doodaan kana dhiidhiyaan ku xadgudubka lagu hayo
masaakinta iyo dhulboobka loo gaysanayo kuwa laga xoog badan yahay.
Waxa la
kaliya ee laga dhaxlo dhulboobka waa qalalaase siyaasadeed, amini xumo, faqri
kordho, colaad fogaato iyo dhaqan guur. Biyo inta aysan kusoo gaarin ayaa la
iska moosaa
Ibrahim Aden
Shire
Kala soco: https://ibrahim-shire.blogspot.co.uk/
Comments
Post a Comment