Skip to main content

Dhul Boobka iyo Cawaaqibta Ka Dhalan Doonto


Tobanki sano ee lasoo dhaafay waxaa si xawli ah u kordhay dhulka bannaan ee dad iska oodanayaan. Magaalooyinka inta la iskala baxay ayaa dhulki xooluhu daaqi jireen la laan goostay iyadoo ka quud-darraynayo in maalin eegaas magaalo noqon doono.

Eebe ayaa dhulka uumay sida uu ku sheegay aayadaha 25-26 ee suuratul Mursalaat waxaa uu dhulka ka dhigay mid ku filan aadanaha inta nool iyo inta dhimatayba. Laakiin basharka oo ah mid lagu imtixaamay hunguri weynin iyo dhuuninimo ayaa aaminay inuusan dhulku la ekayn sidaas awgeedna ootay intuu u baahan yahay in ka badan.

Tirada dadka adduunka ku nool oo dhan waxaa lagu qiyaasaa 7.4 bilyan. Haddii sida New York looga dago, shucuubta adduunka oo dhan waxaa ku filan gobalka taxes oo Maraykanka u yaallo. Taxes inyar ayay Soomaaliya ka weyn tahay. Bal qiyaas haddii dadkoo dhan hal gobol la isugu geeyo inta dhul soo hari lahayd iyo sida looga faaiidaysan lahaa!

Saas oo ay tahay adduun meel walba dhul la’aan ayaa ka jirto. Wax la haysto dhulbaa u qaalisan, isagaa ugu adag wax la helo, waxa mushkilad jirtana dhul ayaa sabab u ah. Dhibaatadaan waxa abuuray waa dhuuninnimada dadka oo boobay dhul aysan u baahnayn si ay oogu addoonsadaan inta kale.
Oodashadu dhulku waa mid guun ah oo quruumo badan soo jirtay. Waa xeelad lagu addoonsado dadka saboolka ah waana awood lagu hanto xukun iyo boqortooyo. Waqtiga loo yaqaan quruumahi dhexe (middle Ages) waxaa dalalka Yurub ka jiray qaab nololeed loo yaqaannay Feudal System. Dhulka waxaa lahaa boqorka. Boqorkuna wuxuu ka kirayn jiray inta maal qabeenka ah oo ahaa dad fara ku tiris ah.

Maal qabeennadu dhulka waxay boqorka ooga baddalan jireen ciidamo ay usoo qoraan. Kuwa dhulka qaatay, waxay kasii kirayn jireen dhulka dadka saboolka ah oo ahaa mujtamicii waddaankaas ku noolaa oo dhan. Waxaa loo ogal yahay masaakiinta dhulka inay ku noolaadaan, beertaanna si ay quud ay cunaan u helaan.

 Taas badalkeedi waxay shaqaale u yihiin milkiilaha oo ay siiyaan dheef uu cuno iyo dad u shaqeeyo. Si kale haddii loo yiraahdo shucuubtu waxay addoomo u ahaayeen dad yar oo fara ku tiris ah kuwaas oo ku addoonsaday dhulki ilaahay oo ay xoog ku qabsadeen. Qofku wuxuu ku qasbanaa inu yeelo waxa uu rabo mulkiilaha waayo ma heli karo meel kale oo uu u guuro, taako walba oo dhulka ka mid ah qof ayaa lahaa. Taasi waxay dhashay kacdoonno lagu rogmaday taariikhdana galay.

Dhaqankaan wuxuu sidoo kale ka jiri jiray Hindiya ilaa haddana waddamada Pakistaan iyo qaybo ka mid ah Hindiya wali waa ka jiraa. Ilaa maantada la joogo waddamada soo korayo wax yaabaha ay dhibaatada ka taagan tahay waa sharciyaynta dhulka iyo dib u hayabtiisa (land reforms), walina masaakiinta ayaa dulman.

Islaamka iyo dhul boobka

Diinta islaamku si waadax ah ayay dhulka ooga hadashay. Dadka waxaa loo ogolaaday inay dhul yeeshaan ay ku noolaadaan, beertaan, ama ay xoolaha ku foofsadaan. Sidi ay diintu qarirtay waxay aad u shabahdaa sidii waagii hore ay soomaalidu u noolayd. Qof walba dhulka wuxuu ka dagi jiray inti baahidiisa ku filan.

Miyi iyo magaalo toona, ma jirin qof dhul uusan u baahnayn iska oodan jiray. Haddii uu qof magaalo soo dago, meeshi bannaan ee aan cidu markaas lahayn ayuu iska dagi jiray. Sidaas ayayna nusuustu tilmaantay. Fuqahada shaaficiyadu labo shardi ayay u xireen in dhul la dago. Kow, qofka dagayo inuu muslim yahay (waa haddii baladku mid islaam yahay) iyo labo in aysan cid kale horay u daganayn.

Kan dagayo waxaa qasab looga dhigay inuu dagaan rasmi ah u yeelanayo sida dhisme aqal noocuu rabo ha noqdee (cariish, mudul, dhagax ama hoori). Xadiis uu Bukhaari wariyay ayaa macnihiisu ahaa qofkii dhul camiro, qof kale uusan horay u lahayn isagaa u xaq leh. Macnaha isagaa ooga xaq leh dadka kale.

Culimadu waxay yiraahdaan haddii qof dhul ood marsado laakiin uusan dhisan, qof baahi u qabo oo markaas inuu dhisto diyaar u ahna yimaado, kan dhisanayo ayaa u xaq yeelanayo. Ood iyo laan gooyo dhul laguma milkiyo lahaanshana ma tusiyaan. Dabcan mas’aladu intaan waa ay ka murugsan tahay dhul cayiman ama qadiyad gooni si gooni ah ayaa loo xukumi laakiin guud ahaan islaamku ma ogala dhul la iska ooto oo aadanaha laga curyaamiyo iyadoo kan ootay uusan wax qorshe ah u hayan oo aan ka hayn rajo mustaqbal fog.

Caaqibada dhul-xirashada.

Marki Guumaytihii reer Yurub Afrkica qabsaday wuxuu isku dayay inuu dadka baro dhaqankii dhul boobka ee waddamadiisa ka jiray. Meelihii uu u ukomo dillaacsaday sida Kenya iyo Koonfur-afrika si fudud ayuu ooga suura galiyay. Waddamadaan dhulka oo dhan waxaa leh dowladda qof aysan iyadu waraaq siinna sinnaba dhul kuma yeesho xataa hadduu 100 sano dagan yahay.

Taasi waxay keentay in abuurmaan xaafadaha isku raranka loo yaqaan (slums) kuwaas oo sixo ahaan aad u liito. Tusaale, Suweeto oo ku taal magaalada Joonisbeeg ee dalka Koonfur-Afrika, waxaa ku nool in badan 3 milyan oo ruux. Waa isku raran ammaan darro, nadaafad xumo, faqri iyo foolxumo ku kulmeen. Waxaa la mid ah Kibera oo ku taal Nayroobi, iyaduna waxaa ku nool hal milyan oo qof sifaadkana waxay kala mid tahay Suweeto.

Dadka ku nool xaafadahaan waa ficii labaad, qaarna waa kii sadexaad. Laakiin dhulka iyagu ma lahan, ma dhisan karaan mana iibin karaan wallow ay boqol sano daganaayeen waayo sharci lahaansho ma haystaan.
Waddamada Galbeed qaar badan oo ka mid ah dhulka waxaa leh dad yar iyaga ayaana sii kireeyo oo ama dowladda ka kireeyo ama shirkado. Tusaale, Dhulka Ingiriiska 70% waxaa leh 36000 oo qof kaliya taas oo tirada guud ka ah 0.6% bas ah. Dadkaan waxay ka danbeeyaan qoysaski dhulka lahaan jiray qurumihii dhexe.

Dhibaatada noocaas Ilaahay Soomaali waa ka badbaadiyay, dhulakna waa loo sinnaa. Sababta ugu muhiimsanna waxay ahayd in Soomaalidu iimaan qabtay xagga dhulka. Haddii waagii Talyaaniga iyo Ingriiska la billaabi lahaa in dhulka la ooto, manta xaafado la mid ah Kibera ayaa meel walba ku yaali lahaa.

Arrimaha hadda soo cusboonaaday ee shaqsiyaad dhul baaxad weyn iska xiranayaan waxay keentay in la waayo dhul la dago. Dhibaatadi maalin dhaweyd ka dhacday Xamar ee dadka barakacayaasha ah xoogga dhula looga raray taas ayaa sabab u ah waayo waxay waayeen meel aysan cidi lahayn oo ay dagaan.

Dhibku Xamar iyo magaalooyinka waaweyn kali kuma ah ee wuxuu gaaray xataa tuulooyinki. Reer miyigi ayaa billaabay inay dhul balaaran iska ootaan. Xoolihii ayaa la la’yahay meel lagu foofsado iyadoo dhulki oo dhan bannaan yahay. Masaakiinti iyo barakacayaashi ayaa la’ meel ay dagaan dhulki oo haawanayo. Maalin walba dhiig ayaa ku daato dhul la iksu haysto dhulkeenni oo lala’yahay cid dhisato sbabtu waa in shaqsiyaad yar ay xirteen dhul aysan u baahnayn.

Maxaa talo ah

Dhihi mayo dadka dhulka ha dayeen waayo dhici mayso. Waxaa si dhaqso ah isu baddalay qaab nololeedkeenni dadkina wuxuu noqday ree balad. Sidaas darted waxaa muhiim ah in la dadajiyo sharciyada dhulka ee dalka ilaa heer dagmo.

Culimada iyo ururada bulshadu waa inay u istaagaan difaacidda masaakiinta la doonayo in dhulkoodi lagu addoonsado. Waa inaan samaynaa wacyi wagalin wax barid balaaran oo la wada garsiinayo bulshada oo dhan. Qof kasta oo naga mid ahna waa inuu xil iska saaraa dulanka dhulka. Sida uu noo sheegay suubanahu SCW “qofkii taako dhul ah gardarro ku qaato, waxaa qoorta loo suri todobada dhul maalinta qiyaamaha”.

Ibrahim Aden Shire
ishire86@gmail.com

kala soco: https://ibrahim-shire.blogspot.co.uk/


Comments

Popular posts from this blog

Gorfeyn: Buugga Adkaysi ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur

  Adkaysi waa buug cusub oo soo suuqa imaanaya kowda Disember 2024. Waxaan nasiib u yeeshay in aan ka mid noqdo dhowrkii qof ee ugu horreysay ee buugga la siiyo inta uusan suuqa imaan. Fiidnamdii Isniinta taariikhdu ahayd 18/11/2024 ayuu xildhibaan Cabdiraxmaan i guddoonsiiyay buugga goor aan ugu tagay gurigiisa Muqdisho. Fiidnamdii talaadada oo aan Ingiriiska safar u soo ahaa ayaan ku billaabay akhriska. Wehel waddada ila mara ayuu ii noqday. Qormadaan gaaban waxaan uga faalloon doonaa buugga.  Adkaysi oo 318 bog ah waxaa qorey xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Tafatirka iyo quraaradyntu (typesetting) waa heersare (laba meelood ayaan ka arkay wax aan is iri quraaradaynta ayaa geftay).  Waa buug xogwarran ah, xambaarsan taariikh, wacyigelin, waxbarid iyo waana-qaadasho. Waxaa uu si gaar ah u abbaarayaa waayihii Cabdiraxmaan, dhalashadiisii, korriinkiisii, waxbarashadiisii, shaqooyinkiisii ilaa siyaasadda oo uu hadda ku jiro. Sida ka muuqata ciwaankaba qoruhu b...

Maxaa ka run ah warbixinnada foosha xun ee laga qoro Soomaalida Qurbaha?

Warbixin ka ay daabacday Boomerg oo looga hadlay waxtarka muhaajiriinta Maraykan  tago ayaa lagu sheegay in Kiinyaanku yihiin dadka saddexaad ee ugu shaqada iyo waxtarka badan soogalootiga Maraykanka. Gaana oo Afrika ah ayaa qaadatay kaalinta koowaad waxaan labo noqday Bulgeeriya oo Yurub ah. Waxaa sidoo kale toban hore soo galay dalalka Itoobiya oo afar gashay, Masar oo shan gashay, Nayjeeriya oo siddeed gashay iyo Laybeeriya oo sagaal gashay. Toban qowmiyadood ee ugu shaqada badan muhaajiriinta ku nool Maraykanka lix ayaa kasoo jeedda Afrika. Waxaan tobanka hore soo galin Soomaalida. Sidoo kale soomaalidu safka hore oogama jirto muhaajiriinta ugu aqoonta badan. Afrika Masar iyo Natjeeriya ayaa kaga jiro tobanka hore xagga aqoonta. Marka walba oo lasoo hadal qaado Soomaali waxaa lagu xariiriyaa, faqri, burcadnimo, aqoon la'aan, argagixisonimo iyo shaqo la'aan baahsan. Warbixin laga soo saaray waddamada Galbeed oo sawir quruxsan ka bixiso Soomaalida in la helo ma dhac...

Hal ku dhigga halaagga noo horseeday: "Xoolaha dad weynaha ayaa ganacsi loo baddalay"

Ilaa shalay waxaa baraha bulshada lagu faafinayay in isbitaalki Jaalle Siyaad ee dagmada Garbahaareey loo rogay meel ganacsi. Saaka warki asaga ahaa waxaa qoray qaar ka mid ah mareegyada warfaafinta ee Soomaalida. Dadka qoray warkaan qaar waxay isticmaaleen erayo adag sida 'dhiig miirato', 'furasho' iyo 'boob'.  Inkastoo aan la xariiray qaar ka mid ah dadka qoray farriimahaan aana isku dayay inaan si hoose xal ugu helo warkaan aan salka lahayn, haddana waxaa ii muuqato inuu dhawaqu meel fog gaaray hoos u hadlidna aysan ku filnayn. Sidaa darteed waxaan go'aansaday in si muuqato wax ooga dhaho warkaan oo aan ahayn kii ugu horreeyay ee noociisa ah.  Muxuu yahay Isbitaalka Jaalle siyaad? Jaalle Siyaad waa isbitaal weyn oo ku yaal Garbahaareey. Waxaa dhismihiisa bilowday dowladdii dhexe isagoo qaybo ah ayayna dhacday. dhowr iyo labaatan sano ayuu qabyadaas ahaa oo arigu u xaroon jiray. Waqti aan fogayn ayay gabdho qurbajoog ah isu xilqaameen inay...

Contact Form

Name

Email *

Message *