Skip to main content

Madasha Dhaqaalaha Adduunka (World Economic Forum)



Sanad walba bisha janaayo dhammaadkeeda waxaa magaalada Davos ee dalka Iswiisarland isugu tago wafti ballaaran oo ka wada hadlo dhaqaalaha adduunka iyo sida loo kobcin lahaa. Waftigaan ayaa ka kooban madax waddameed, madax shirkadeed iyo milkiilayaasha shirkadaha adduunka ugu waaweyn iyo waliba tujaar maalgashato meelo kala duwan.

Shirkaan wuxuu soo jiitaa indhaha hayadaha horumarinta iyo la dagaalanka gaajada ka shaqeeyo kuwaasoo soo saaro warbixinno ay ku iftiiminayaan caddaalad darrada maanshaysay dhaqaalaha adduunka iyo sida dadka saboolka ugu dulmanyahay dunida sii hodmaysa.

Hodantinnimada saafida ah ee adduunku aad ayay u kobacday. Ilaa sanadki 2000, hodantinnimada saafida ah (net wealth) waxay korortay qiyaasti $114 tiriiliyan waxayna gaartay guud ahaan $280 tiriiliyan.

Maraykanka ayaa dhaqay waddan walba waxayna gaartay hodantinnimadiisu $93 tiriiliyan. Midda Shiinaha ayaa korortay 300% muddadaan waxayna gaartay $29 tiriliyan taasoo ka dhigtay waddanka labaad ee adduunka ugu hodansan. Afrika oo shacab ahaan dheer Shiinaha 200 oo milyan oo qof ayaa hantideedu tahay $2.5 tirilyan kaliya.

Sawirka waxaa sii foolxumeeyay in 1%-ka ugu qanisan dunida ay hantidoodu la simantahay 99%-ka kale. Hantida guud ee adduunku waxay korortay in ka badan $9 tiriliyan inti u dhaxaysay 2016 iyo 2017. 82% xoolahaan waxay si toos oogu dhaceen 1%-ka dunida ugu qanisan. 50%-ka ugu saboolsan dunida wax u kordhay ma jiraan muddadaan.

Warbixin ay daabacday hayadda OXFAM waxaa lagu sheegay in shanti doolar ee dunida kusoo siyaaddayba ay afar qaateen kuwii markii horaba qaniga ahaa. Haddaba tani maxay ooga dhigan tahay dad kala duwan ee adduunka ku nool?

Xaqiiqdu waxay tahay, taajiriinta ayaa si waalan u faaiidayo. Bilyanneerrada adduunka oo 90% ay yihiin rag caddaan ah, ahna kuwa hadda ku shirsan Davos aad ayay ugu faraxsan yihiin xoolaha jeebabkooda ku aruurayo. Hadba inta uu dhaqaalaha dunida kordho ayuu kooda sii laba-laamayaa. Suuqa u xiran (monopoly) ee aysan cid kale kula tartami karin ayaa u sahlay inay si fudud u qaataan wixii xoolo dunindu abuurto. Asbuucaanna waxay u shirsan yihiin sidii arrintaas loo sii adkayn lahaa.

50%-ka dunida u saboolsan ayaan wax hanti-koror ah helin sanadkii tagay, inkastoo ay ahaayeen kuwa sida dhabta u xamaalay. Xamaali xoolo dhalin waayay. Dunida soo korayso, dadka shaqeeyo haddana faqrikoodu sii kordhayo ayaa aad u kobcay.

Waxaa kaaga sii daran, shaqaalaha dunida sadexaad xamaaliga waxaa u dheer, caddaab xagga shaqada ay kala kulmaan, sida haybsooc, lacag yaraan, in loo diido waxay shaqaysteen, cay iyo aflagaado ay kala kulmaan kuwa ay u shaqeeyaan iyo waliba gacanqaad mararka qaar jareexooyin u gaysto. Waxa ay soo saaraan xamaalatadaan waa xoolaha ku dhaco jeebka kuwa ku shirsan Davos.

In kastoo ay hoos u dhacday tirada guud ee dadka ku nool faqriga xaddhaafka ah ee dunida, haddana horumar badan la gaari mahayo inta xoolaha dunida si aan caddaalad ahayn dad yar joobkooda ugu dhacayso. Waxaa si xowli ah u ballaaranayo farqiga u dhaxeeyo qaniga iyo saboolka. Dhibkaasna waxaa asal u ah nidaamka aan caddaaladda ku dhisnayn ee lagu saleeyay dhaqaalaha dunida.

Waxa socdo foolxumadooda waxaa kaaga filan in kuwii ay ahayd in lala xisaabtamo xoolaha ay dulmiga ku sameeyeenna qaar masaakiinta looga qaado laga sugayo inay shirkooda ka soo saaraan ajandayaashi dhaqalaaha adduunku ku shaqayn lahaa sanadka soo socdo!

Ibrahim Aden Shire





Comments

Popular posts from this blog

Taariikh Nololeedkii Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf

  28/12/2023 waxaa geeriyooday sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf oo ka mid ahaa culimada Soomaaliyeed marna ahaa hoggaamiyihii Imaaradii Gedo. Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf Aw Axmed Ismaciil Mubaarak sheekh Cabdiraxmaan sheekh Samantar,  waxaa uu ku dhashay qiyaastii 1938-kii, meel lagu magacaabo Buuro oo galbeedka uga beegan magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud. Sheekha waxaa uu ahaa Marreexaan, Cali Maxammed (Cali-dheere), reer Sheekh reer Mubaarak.  Sheekh Maxammed waxaa uu ku barbaaray guri aqoon iyo Diin. Sida aad ka arki kartaba abtirkiisa aabbihii iyo awooyaashii waxaa ay ahaayeen culimo. Sheekha Maxammed Allaha u naxariisto e (AUN),  waxaa uu Qur’aanka kariim ka ah dhammeeyay isaga oo aad u da’ yar. Intaa ka dib waxaa uu u jeestay barashada caqiidada, fiqhiga iyo Shaaficiga isaga oo kutubtaas ka qaatay aabbihii. Sidii uu dhaqanku ahaa, sheekh Maxammed  waxaa uu xiraystay sannadka markii uu ahaa 1956-kii ilaa 1961-kii  goortaas oo uu cilmi u raadsaday magaalooyinka Beledwayne,

Maxaa ka run ah warbixinnada foosha xun ee laga qoro Soomaalida Qurbaha?

Warbixin ka ay daabacday Boomerg oo looga hadlay waxtarka muhaajiriinta Maraykan  tago ayaa lagu sheegay in Kiinyaanku yihiin dadka saddexaad ee ugu shaqada iyo waxtarka badan soogalootiga Maraykanka. Gaana oo Afrika ah ayaa qaadatay kaalinta koowaad waxaan labo noqday Bulgeeriya oo Yurub ah. Waxaa sidoo kale toban hore soo galay dalalka Itoobiya oo afar gashay, Masar oo shan gashay, Nayjeeriya oo siddeed gashay iyo Laybeeriya oo sagaal gashay. Toban qowmiyadood ee ugu shaqada badan muhaajiriinta ku nool Maraykanka lix ayaa kasoo jeedda Afrika. Waxaan tobanka hore soo galin Soomaalida. Sidoo kale soomaalidu safka hore oogama jirto muhaajiriinta ugu aqoonta badan. Afrika Masar iyo Natjeeriya ayaa kaga jiro tobanka hore xagga aqoonta. Marka walba oo lasoo hadal qaado Soomaali waxaa lagu xariiriyaa, faqri, burcadnimo, aqoon la'aan, argagixisonimo iyo shaqo la'aan baahsan. Warbixin laga soo saaray waddamada Galbeed oo sawir quruxsan ka bixiso Soomaalida in la helo ma dhacd

Hal ku dhigga halaagga noo horseeday: "Xoolaha dad weynaha ayaa ganacsi loo baddalay"

Ilaa shalay waxaa baraha bulshada lagu faafinayay in isbitaalki Jaalle Siyaad ee dagmada Garbahaareey loo rogay meel ganacsi. Saaka warki asaga ahaa waxaa qoray qaar ka mid ah mareegyada warfaafinta ee Soomaalida. Dadka qoray warkaan qaar waxay isticmaaleen erayo adag sida 'dhiig miirato', 'furasho' iyo 'boob'.  Inkastoo aan la xariiray qaar ka mid ah dadka qoray farriimahaan aana isku dayay inaan si hoose xal ugu helo warkaan aan salka lahayn, haddana waxaa ii muuqato inuu dhawaqu meel fog gaaray hoos u hadlidna aysan ku filnayn. Sidaa darteed waxaan go'aansaday in si muuqato wax ooga dhaho warkaan oo aan ahayn kii ugu horreeyay ee noociisa ah.  Muxuu yahay Isbitaalka Jaalle siyaad? Jaalle Siyaad waa isbitaal weyn oo ku yaal Garbahaareey. Waxaa dhismihiisa bilowday dowladdii dhexe isagoo qaybo ah ayayna dhacday. dhowr iyo labaatan sano ayuu qabyadaas ahaa oo arigu u xaroon jiray. Waqti aan fogayn ayay gabdho qurbajoog ah isu xilqaameen inay

Contact Form

Name

Email *

Message *