Skip to main content

 




Halista ku jirta isticmaalka weedha “Soomaalida-Itoobiya”

Waxa dhegaheenna ku batay weedha “Soomaalida-Itoobiya”. Madaxda dalka u sarreysa, culimo caan ah iyo idaaacadaha ugu waaweyn dalka ilaa saxafiyiin madaxbannaan ayaa si maalinle ah u isticmaala weedhaas gurracan. Waa weedh ku cusub qaamuuskeenna. Taas oo nagu soo gashay mashruucii Tigreega ee la soo dhexmariyay gacanyarayaashii Itoobiya. Ogaal la’aan ayay weedhaasu noqotay mid caadi ah oo dareen la’aan nagu dhex faafayso. Sidaa darteed waxaa muhiim ah in aan ku baraarugno halista ay ay xambaarsantahay iyo caaqibada ka dhalantooda caadiyeynteeda. 

Soomaalidu waa dad ku midoobay abtirsiinyo, af, dhaqan, taariikh, diin, iyo dhul ay wadaagaan. Ka hor inta aysan xuduudaha gumeysigu kala qaybin Geeska Afrika, bulshooyinka Soomaaliyeed waxay ku noolaayeen dhul baaxad leh oo isku xiran, waxayna isu arki jireen xubno ka tirsan hal qoys. Qoysaska xoolo-dhaqatada ahi waxay u guuri jireen raadinta daaq iyo biyo; ganacsigu wuxuu isku xiri jirey degmooyinka fog, shabakadaha qaraabaduna waxay ka gudbi jireen gobollo goor danbe loo qoondeeyey dawlado kala duwan. In kastoo xuduudaha siyaasadeed ay kala qaybiyeen dhulalka Soomaalida, ma aysan tirtirin midnimada aasaasiga ah ee shacabka Soomaaliyeed. Sababtan awgeed, ku sifaynta Soomaalida ku nool Soomaaligalbeed inay yihiin "Soomaali-Itoobiyaan" ma aha doorasho eray oo dhexdhexaad ah. Waxay halis ku tahay inay wiiqdo dareenka wadajirka Soomaaliyeed iyo walaalnimada lagu muujiyo Somalinnimo.

Xudduudaha casriga ah ee Geeska Afrika si dabiici ah ugama soo bixin bulshada Soomaaliyeed. Waxaa qaabeeyey heshiisyadii gumeysiga, ballaarinta boqortooyooyinka, iyo danaha istiraatiijiyadeed ee quwadaha shisheeye. Xudduudahani waxay kala gooyeen qaraabo, kala qaybiyeen dhul daaqsimeed, xadeeyeen dhaqdhaqaaqa, waxayna hoos geliyeen bulshooyinka Soomaaliyeed maamullo siyaasadeed oo kala duwan. Hal qoys ayaa isku arki kara inuu u kala qaybsan yahay dhulal ay maamulaan Ingiriiska, Talyaaniga, Faransiiska, iyo Itoobiya. Si kastaba ha ahaatee, Soomaalidu waxay sii wadatay inay wadaagaan afkooda, suugaantooda, caadooyinkooda, diintooda, iyo xusuustooda guud. Khariidadda siyaasadeed way is beddeshay, laakiin walaaltinnimadii, wadajirkii iyo isweheshigii isma beddelin.


Aqoonsiga umadeed wuxuu qeexayaa xiriir qoto dheer oo ku dhisan af, dhaqan, abtirsiinyo, taariikh, iyo islahaansho. Soomaaligu wuxuu haysan karaa dhalashada dal qalaad isagoo qaran ahaan iyo dhaqan ahaanba Soomaali ah. Aqoonsiga dhalashada xaqiiqo sharci ahaan uma baahna in laga dhigo astaanta ugu muhiimsan ee qeexaysa aqoonsiga qofkaas. Halistu waxay imaanaysaa marka summad dawladeed la dhigo meel ku dheggan "Soomaali" taas oo si tartiib tartiib ah uga dhigaysa aqoonsiga Soomaalinimo mid u muuqda mid labaad oo aan dhammaystirnayn, ama ku tiirsan dawladda maamusha dhulka.

erayadu ma qabtaan sharaxaadda xaqiiqada oo keliya ee sidoo kale waxay qaabeyaan fahanka laga haysto xaqiiqda iyo aragtida laga qaadanayo. Isticmaalka eraybixin aan sax ahayn marka la caadiyeeyo waxay beddeli karaan xusuusta guud ee jiilalka soo socda. 

Isticmaalka “Soomaalida-Itoobiya” waxay sidoo kale qarin kartaa xiriirka asal ahaaneed ee ka dhexeeya Soomaalida iyo dhulkooda. Dadka Soomaalidagalbeed ma aha muhaajiriin dhowaan “deegaanka” meel kale kaga yimid. Soomaaligalbeed waa dhul iyo dad Soomaaliyeed oo gardarro nin aan lahayn uu ku bixiyay haddana xoog lagu haysto. Ugu yeerista "Soomaali-Itoobiyaan" iyadoon la sharxin taariikhdan waxay abuuri kartaa aragti marin-habaabin ah oo ah in aqoonsigooda Soomaaliyeed uu yahay qowmiyad la soo dhoofiyey oo ku dhex jirta meel taariikh ahaan Itoobiyaan ah. Qaab-dhismeedkani wuxuu halis ku yahay tirtiridda xusuusta sida gobolku u galey xaaladda siyaasadeed ee hadda jirta.


Jiilka koraya ee maalin walba maqlaya Soomaalida-Itoobiya waxay aakhirka aaminayaan in reer Soomaaligalbeed yihiin dad Soomaaliyeed oo deggan Itoobiya taas aan ka sooceyn Soomaalida deggan Yurub, Emeerika ama kuwa dhalashada ka qaatay Carabaha.

Sidoo kale summadani waxay abuureysaa laba Soomaali oo mid loogu yeero "Soomaali," halka mid kalena lagu sifayn karo "Soomaali-Itoobiyaan," sidii oo xudduuddu soo saartay qaran gooni ah. Tani waxay wiiqaysaa fahamka ah in Soomaalida labada dhinac ee xuduud-beenaadku kala qeybiyay ay wadaagaan hidde isku mid ah, iyo in kala go'goodu yahay mid gardarro iyo qiyaano ku dhacey ilaa haddana xoog ku dhisan. 

Sumadaynta noocan ahi waxay sidoo kale wiiqi kartaa isku-xirnaanta. Somalinnimo macneheedu ma aha oo keliya ku hadalka af Soomaali ama lahaanshaha abtirsiinyo Soomaaliyeed. Waxay u taagan tahay is-aqoonsi laba-geesood ah, mas'uuliyad la wadaago, iyo daacadnimo ku aaddan bulshada guud ee Soomaaliyeed. Waxay dhiirrigelisaa Soomaalidu inay isu arkaan walaalo inkastoo ay kala duwan yihiin gobol ahaan, qabiil ahaan, dhalasho ahaan, ama maamul siyaasadeedba. Marka summadaha siyaasadeed loo oggolaado inay ka miisaan cuslaadaan xiriirka dhalasho, welwelka laga qabo in uu go’o isu hiillintii dhiigga ku dhisnayd ayaa kor u kacaya. 

Eray-bixin sax ah ayaa ilaalin karta runta iyo wadajirka Soomaalida. Weedho ay ka mid yihiin "Soomaaligalbeed", “Ogaadeeniya” "Soomaalida hoos tagta maamulka Itoobiya," ama "dhulka ay haysato Itoobiya" ama qofkii doona ismaamulka Soomaalida ayaa habboon in la isticmaalo halkii dhegaheenna la maqashiin lahaa erayo  jiritaankeennana dhaawacayo. 

Ha u qaadan in qormadani ku doodeyso raadinta Soomaaliweyn ama Soomaaligalbeed Xamar laga xukumo. Taasu waa arrin kale iyo dood kale. Qormadu waxa tilmaamaysa halista ku jirta isticmaalka weedha “Soomaalida-Itoobiya” iyo in caadiyeynta weedhaasu halis ku tahay raadinta aaya-ka-tashiga reer Soomaaligalbeed. Waa waajib saaran Soomaali walba in uu afkiisa ka dhowro eray u sharciyeeya Itoobiya dhulka ay xoogga ku haysato. Inta ugu yar ee qof walba uu awoodo waa in uu magaca deegaanka iska saxo. 


Ibrahim Aden Shire

ishire86@gmail.com




Comments

Popular posts from this blog

Hal ku dhigga halaagga noo horseeday: "Xoolaha dad weynaha ayaa ganacsi loo baddalay"

Ilaa shalay waxaa baraha bulshada lagu faafinayay in isbitaalki Jaalle Siyaad ee dagmada Garbahaareey loo rogay meel ganacsi. Saaka warki asaga ahaa waxaa qoray qaar ka mid ah mareegyada warfaafinta ee Soomaalida. Dadka qoray warkaan qaar waxay isticmaaleen erayo adag sida 'dhiig miirato', 'furasho' iyo 'boob'.  Inkastoo aan la xariiray qaar ka mid ah dadka qoray farriimahaan aana isku dayay inaan si hoose xal ugu helo warkaan aan salka lahayn, haddana waxaa ii muuqato inuu dhawaqu meel fog gaaray hoos u hadlidna aysan ku filnayn. Sidaa darteed waxaan go'aansaday in si muuqato wax ooga dhaho warkaan oo aan ahayn kii ugu horreeyay ee noociisa ah.  Muxuu yahay Isbitaalka Jaalle siyaad? Jaalle Siyaad waa isbitaal weyn oo ku yaal Garbahaareey. Waxaa dhismihiisa bilowday dowladdii dhexe isagoo qaybo ah ayayna dhacday. dhowr iyo labaatan sano ayuu qabyadaas ahaa oo arigu u xaroon jiray. Waqti aan fogayn ayay gabdho qurbajoog ah isu xilqaameen inay...

Maxaa laga filan karaa Imaaraatka, ka dib xariirka xumaaday ee Soomaaliya

Dalka Imaaraadka Carabtu waa dal bad ahaan aad u yar, dadkiisu dhowr milyan uusan dhaafsiisnayn, xadaarad hooseeye ilbaxnimadiisuna boqol sano aysan ka shishayn. Saas oo ay tahay sanadahaan danbe awoodiisa aad ayay usoo shaac baxay. Isaga iyo dalalka kale ee Khaliijkuba waxay ku amar taagleeyaan dowlado waaweyn, una yeeriyaan waxa ay doonaan. Dhawaan ayay ahayd marki ay soo baxday in Imaaraatku codsaday in la baddalo wasiirka arrimaha dibada ee Maraykanka, codsigoodina dagdag ayaa loo ajiibay. Kaligood maahaan. Sacuudiga ayaa dalbaday in wasiirka arrimaha dibada loo magacaabo kolin Bowel waqtiguu Buushki yaraa waana laga yeelay si qasab ah. Sidoo kale, waxay dowladaha waaweyn ee reer Galbeedka ku qasbaan inay u hadlaan sida ay iyagu rabaan. Sanadki hore Taraam oo ku hadlayo afka waddamada Khaliijka ayaa sheegay inuu jabin doono heshiishki Nukliyeerka ee Iiraan kala dhaxeeyay. dowlado dhowr ah oo arkayay sida masuuliyad darrada ah ee ay wax u socdaan Faransiiskuna ka mi...

Warbixin Kooban. Safarkaygi Gobalka Gedo. Q4

Waxaa ku jirnaa arrimaha bulshada. Tii inoogu danbaysay waxaan soo taabannay adeegga caafimaadka kaas oo sawir taban aan ka bixinnay. Hasa yeeshee meelo badan oo waxaa jiro horumar fiican uu ka jiro sida isboortiska. Garbahaareey waxaa ka dhisan siddeed naadi oo heer koowaad ah. Si joogta ah ayaa loo cayaaraa oo markuu xilli dhammaadaba dib ayaa loo billaabaa. Kooxaha koob ayaa loo dhigaa lacag ah. Inta badan waa $100 qiimaha abaalmarintu marmarna inuu ka bato ayaa laga yaabaa. Kooxdi qaaddo koobka ayaa meel fagaare ah lagu guddonsiiyaa abaal marinta. Ciyaarahaan waxay ka dhacaan garoonki kubbadda kacta ee dagmada oo saddex sano ka hor la dayac tiray. Garoonka oo loo dhisay darbi daawadayaashu fadhiistaan ayaa aad loo soo cammiraa. Maalinta ay jirto cayaarta kama danbaysta ah waa la buux dhaafiyaa. Waxaa xusid mudan in dad ugu badan ee cayaaraha daawado ay ka mid yihiin ciidanka. Waxaad arkaysaa iyagoo tuutahooda xiran qoryana sito oo shacabka dhex fadhiya. Dadka u...

Contact Form

Name

Email *

Message *