Skip to main content

Deynta Baanka Adduunku dhib iyo dheef kee u badantahay?


Maalinti shalay ahayd, Bankiga Adduunka ayaa sheegay inuu ansixiyay deynti ugu horraysay ee uu siiyo Soomaaliya muddo soddon sano ah. Deyntaan oo gaarayso 80 milyan oo doolar ayaa si ballaaran loogu dabbaal dagay. Dowladda Soomaaliya iyo Baanka Adduunka ayaa ku tilmaamay guul usoo hoyatay dowladnimada Soomaaliya. Shacabka Soomaaliyeed ayaa iyaguna u arkay tallaabo muhiim ah oo horay loo qaaday iyo calaamad muujinayso taabbagalka dowladnimada. Waxaa sidoo kale jiro dad markiiba walaac ka muujiyay shakina galiyay faaiidada ku jirto halka qaar la soo boodeen waa dhib soo kordhay. Si aan aragtiyada ooga dhiibto arrintaan waxaan halkaan kusoo gudbin qormo kooban oo cabbirayso dhib iyo dheef kan ay u badan tahay deyntaan.

Baanka Adduunku wuxuusan Soomaaliya dowlad ahaan ula macaamilin muddo sodoon sano ah. Tallaabada uu shalay qaaday waa mid muujinayso inuu Soomaaliya u aqoonsaday dowlad jirta oo mudan in loola macaamilo sida dowladaha kale. Miyaysan ahayn wax lagu farxo inuu ku aamino ruux kaa shakisnaa muddo 30 sano ah? miyaysan ahayn wax loo dabbaal dago aqoonsi kuu suuragalin doono inaad hesho deymo cusub oo ka yimaado hayado kale iyo dowlado shisheeyo? Miyaysan ahayn wax lasoo dhaweeyo in lagu siiyo lacag deyn ah oo aad ku daboosho culayska ku haysto dibna aad isaga bixisid intii sadaqo lagaaga dhigi lahaa? Jawaabaha su'aalahaan waa wada haa muran la'aan. Laakiin sidaan fudud ee loo yiri ma wada aha.

Kow, Baanku waa shirkad ganacsi. Lacagta taal waxaa iska leh waddamo doonayo faaiido xad dhaaf ah. Shaqada Baanka loo askumay waa inuu deyn siiyaa waddamada dantu hayso si looga faaiidaysto duruufaha dhaqaale ee dalkaas haysto markaasna la saaro dulsaar xad dhaaf ah oo uusan iska bixin karin. Dulsaarkaas ayaa keeno in dalkaas la dhuuqo muddo aad u dheer. Deynta maanta aan ku baryootamayno naga cafiya waxay gaaraysaa 5 bilyan laakiin asalki intaas nuskeed ma gaarayn.

Labo, waxaan wada ogsoonnahay in maanta Soomaaliya lagu leeyahay deyn badan oo dowladda hadda jirto waqti badan galisay sidii lagu cafin lahaa. Cafintaas wali lama helin oo waxaa wali la dhamays tirin shuruudihi lagu xiray. Deynta culuyskaas nagu hayso lama yaqaan cid qaadatay iyo meel lagu bixiyay. Waxaa muran lahayn dowladda hadda jirto waxaa awood badan, ka musuq yar kana dal jeclayd dowladdi qaadatay deynta hadda naloo haysto iyaduna meel ay martay lama yaqaan.

Saddex, 80'ka malyan lama siin dowladda awoodna uma laha inay u isticmaasho meesha ugu daran. Sida muuqato Baanka ayaa bixiyay isagaana go'aamiyay meesha lagu bixinayo sidoo kale isagaa maamuli doono. Inkastoo aan tafaasiil laga bixin sida loo maamulayo iyo cidda gacanta ku haynayso, sida haddalka loo dhigay waxaa ka muuqato in dowladda Soomaaliya saamayn badan aysan ku yeelan doonin maamulka lacagta. Sanad walba lacag intaas ka badan oo aan deyn ahayn ayuu ku bixin jiray Baanku Soomaaliya. farqiga u dhexeeyo kaliya waa in middaan dulsaar la korsaarto oo faaiido lagaa sameeyo. 

Afar, Baanku wuxuu sheegay in lacagtaan loo isticmaali doono xoojinta maamulka iyo maaraynta maaliyadda. Nuxurka hadalkaan waxaa weeye lacagta waxaa qaadan doono iyadoon sarrifnayn shaqaalaha Baanka iyo dad ka yimid dalalka deynta bixiyay. Ha la yaabin hadalkaan, waayo shaqada la qaban doono waa saminnaarro iyo shirar aan dhammaan oo kiiba lagu bixiyo boqollaal kun oo doolar. Shaqadaas waxaa qaban doono dad ku magacaaban khuburo iyo la taliyaaal (consultants). Dadkaasu ma naqon doonaan Soomaali. Hadday Soomaali noqdaanna waxay noqon Soomaali qurbaha ka timid oo lacagta ku celin doono dalalka ay daggan yihiin.

Qodobkaan danbe waa mid ay wada ogyihiin Soomaalidu gaar ahaan dhalinta shaqo doonka ah ee ka baxday jaamacadaha gudaha. Waa arrinta haddaba uu Baanku sameeyo oo lacagta bilyanka gaarayso ee uu ku sheegto inuu Soomaaliya siiyay lagu bixiyo. Waxaan wada ognahay in dowladda Sacuudigu siiso dowladeenna 50 milyan oo sidii ay rabto u isticmaasho. Sidoo kale, waxaan wada ognahay in Baanka Adduunku iyo dowladaha reer Galbeedku bixiyaan lacag gaarayso boqollaal milyan oo doolar sanad walba. Laakiin 50'ka Sacuudiga ayaa ka saamayn iyo waxtar badan boqollaalka Baanka la mariyo, waayo 50'ka dowladda ayaa maamusho oo u isticmaasho meelaha ugu daran sida bixinta mushaaraadka shaqaalaga dowladda, halka midda Baanka lagu cuno huteello iyo diyaarado shisheeyo.

Ugu danbayn, haddii lacagtaan aan gacata loo galinayn dowladda Soomaaliya, haddii aysan shaqo u abuuri doonin dhalinta Soomaaliyeed, haddii aanan lagu dhisi doonin kaabayaal dhaqaale, haddii aan lagu bixin doonin adeegyada muhiimka ah sida waxbarashada iyo caafimaadka, maxaan ka dheefaynaa oo aan deyn cusub iyo culays soo kordhay ka ahayn.

Ibrahim Aden Shire
ishire86@gmail.com
kala soco: https://ibrahim-shire.blogspot.com/

Comments

Popular posts from this blog

Taariikh Nololeedkii Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf

  28/12/2023 waxaa geeriyooday sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf oo ka mid ahaa culimada Soomaaliyeed marna ahaa hoggaamiyihii Imaaradii Gedo. Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf Aw Axmed Ismaciil Mubaarak sheekh Cabdiraxmaan sheekh Samantar,  waxaa uu ku dhashay qiyaastii 1938-kii, meel lagu magacaabo Buuro oo galbeedka uga beegan magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud. Sheekha waxaa uu ahaa Marreexaan, Cali Maxammed (Cali-dheere), reer Sheekh reer Mubaarak.  Sheekh Maxammed waxaa uu ku barbaaray guri aqoon iyo Diin. Sida aad ka arki kartaba abtirkiisa aabbihii iyo awooyaashii waxaa ay ahaayeen culimo. Sheekha Maxammed Allaha u naxariisto e (AUN),  waxaa uu Qur’aanka kariim ka ah dhammeeyay isaga oo aad u da’ yar. Intaa ka dib waxaa uu u jeestay barashada caqiidada, fiqhiga iyo Shaaficiga isaga oo kutubtaas ka qaatay aabbihii. Sidii uu dhaqanku ahaa, sheekh Maxammed  waxaa uu xiraystay sannadka markii uu ahaa 1956-kii ilaa 1961-kii  goortaas oo uu cilmi u raadsaday magaalooyinka Beledwayne,

Maxaa ka run ah warbixinnada foosha xun ee laga qoro Soomaalida Qurbaha?

Warbixin ka ay daabacday Boomerg oo looga hadlay waxtarka muhaajiriinta Maraykan  tago ayaa lagu sheegay in Kiinyaanku yihiin dadka saddexaad ee ugu shaqada iyo waxtarka badan soogalootiga Maraykanka. Gaana oo Afrika ah ayaa qaadatay kaalinta koowaad waxaan labo noqday Bulgeeriya oo Yurub ah. Waxaa sidoo kale toban hore soo galay dalalka Itoobiya oo afar gashay, Masar oo shan gashay, Nayjeeriya oo siddeed gashay iyo Laybeeriya oo sagaal gashay. Toban qowmiyadood ee ugu shaqada badan muhaajiriinta ku nool Maraykanka lix ayaa kasoo jeedda Afrika. Waxaan tobanka hore soo galin Soomaalida. Sidoo kale soomaalidu safka hore oogama jirto muhaajiriinta ugu aqoonta badan. Afrika Masar iyo Natjeeriya ayaa kaga jiro tobanka hore xagga aqoonta. Marka walba oo lasoo hadal qaado Soomaali waxaa lagu xariiriyaa, faqri, burcadnimo, aqoon la'aan, argagixisonimo iyo shaqo la'aan baahsan. Warbixin laga soo saaray waddamada Galbeed oo sawir quruxsan ka bixiso Soomaalida in la helo ma dhacd

Hal ku dhigga halaagga noo horseeday: "Xoolaha dad weynaha ayaa ganacsi loo baddalay"

Ilaa shalay waxaa baraha bulshada lagu faafinayay in isbitaalki Jaalle Siyaad ee dagmada Garbahaareey loo rogay meel ganacsi. Saaka warki asaga ahaa waxaa qoray qaar ka mid ah mareegyada warfaafinta ee Soomaalida. Dadka qoray warkaan qaar waxay isticmaaleen erayo adag sida 'dhiig miirato', 'furasho' iyo 'boob'.  Inkastoo aan la xariiray qaar ka mid ah dadka qoray farriimahaan aana isku dayay inaan si hoose xal ugu helo warkaan aan salka lahayn, haddana waxaa ii muuqato inuu dhawaqu meel fog gaaray hoos u hadlidna aysan ku filnayn. Sidaa darteed waxaan go'aansaday in si muuqato wax ooga dhaho warkaan oo aan ahayn kii ugu horreeyay ee noociisa ah.  Muxuu yahay Isbitaalka Jaalle siyaad? Jaalle Siyaad waa isbitaal weyn oo ku yaal Garbahaareey. Waxaa dhismihiisa bilowday dowladdii dhexe isagoo qaybo ah ayayna dhacday. dhowr iyo labaatan sano ayuu qabyadaas ahaa oo arigu u xaroon jiray. Waqti aan fogayn ayay gabdho qurbajoog ah isu xilqaameen inay

Contact Form

Name

Email *

Message *