Skip to main content

Maxaan kusoo Arkay Xamar?




Xamar ayaan tagay 18'ki July 2018. waxaan ka dagay garoonka caalamiga ah ee Adan Cadde. Laga billaabo markaan diyaaradda ka dagay ilaa maalintaan soo baxay waxaan la kulmayay waxyaabo i cajab galiyo oo yaab iyo faraxba leh. Waxaan jeclaystay inaan idinla wadaago waaya-aragnimadi aan kala soo kulmay Xamar waa intaasoo ay wax un tartaaye.

Markaa diyaaradda kasoo dagato oo aad garoonka gudaha usoo gasho waxaa taagantahay qaybta socdaalka (immigration). Diyaaradda halka la dhigo iyo xafiiska socdaalka waxaa u dhaxeeya oo kaliya derbiga hoolka. Taasi waxay muujinaysaa yaraanta garoonka.

Saf baan galnay, muwaadin iyo ajaanib baa ku kala qoran. Laakiin intii meesha socotay oo aan anigu ku jiro muwaadinba kuma jirin oo wada ajaanib ayay ahaayeen inkastoo dhalasho ahaan ay Soomaali ahaayeen.

Qaybta socdaalka waxaa yaal qalab casri ah. Waxaa ka mid ah qalabkaas digital camera iyo digital finger printer. Taasi waa tilmaan tusayso horumarka garoonku sameeyay iyo la mid yahay garoomada kale ee Afrika.

Dadki safka iiga horeeyay ayagoo hawsheedii loo dhammeyn oo dhinac taagan baa la ii yeeray. Waan u tagay sargaalki socdaalka. Gabar beey aheyd, basaboorki baan u dhiibay waa eegtay, waxeeyna tiri faraha halkaan saar, waan saaray, waxeey tiri kameradda fiiri waan fiiriyay waxeey tiri lacagti keen waa dhiibay halkaa istaag beey igu tiri waana istaagay.

 Saraakiisha socdaalka ee hubiso baasaboorrada looma ogola lacag qabashada sidaa darteed baasaboorkeygi iyo lacagtii ayeey u dhiibtay wiil gadaasheeda fadhiyay oo u shaqeeya wasaaradda maaliyadda. Dadkii iga horeeyay ayaa oo geeskeyga taagnaa baa loo yeeray waxaana la siiyay basaboorradoodi. Aniga sidaan halkii u taagnaa ayaa la ii yeeray basaboorkii ayaa la iisoo celiyay "welcome home" ayeey igu tiri. Mar aan bax is iri ayaan waxaa arkay qolo kale oo hubin labaad sameyneysa oo kaa hubineysa in aad lacagta bixisay oo fiise lagu siiyay iyo kale.

Qoladi baan basaborki u dhiibay waa iga fiiriyeen waana isii daayeen. Waxaan la yaabay sedex qeybood baa hal shaqo isla qabaneysa taas oo ah fiise bixinta. Aduunka kale markaa tagto saraakiisha socdaalka markaa lacagta u dhiibto iyo basaboorka iyagaa shaqada wada qabanaayo laakiin Soomaliya waa 3 qof shaqadooda: 1: waaxda socdaalka 2: qof matalayo wasaaradda malaayidda  3: madaxa socdaalka. Arrintaan maahan  mid taban meelo lagu ammaano ayayna leedahay. Kow, waxay ka qayb ka tahay shaqo abuurka oo seddex ruux ayaa ku nool. Labo, waa arrin yarayn doonta musuqi waaxda socdaalku caanka ku ahayd.

Waxaa horay u jirtay in marka sargaalka socdaalka kaa qaado khidamada fiisaha uu yiraahdo shaahi kusoo dar. Halkaas oo ay ku xisaabtameen lacag ka badan mushaarkooda inay baad ooga qaadaan musaafirinta. Habka hadda wax yihiin, lacag kale kuma waydiisan karo haddu qaadana qolada ka danbayso ayaad u sheegi inta lagaa qaaday. Ma hubo inta ay wanaajisay hab dhaqanka saraakiisha socdaalka laakiin waxaa hubaal ah inaysan fududayn inay markaan qof laaluush waydiisataan.

Bannaanka aan usoo baxay waxaa jooga xamaali qaas ah oo u shaqeeya shirkada Fevori oo ah qolada maamusha ayrboorka. Waa Turki shirkaddu boorsooyinka ayagaa qaadaya ilaa bannaanka lacag shaah ah aa bixinee. Albaabka inta aadan ka bixin oday waxaa taagan boolis ah waxaa lagu leeyahay soo tuur shaah haddaa diido kastam been ah aa lagu marinaa oo lacag canshuur lagu sheegay ayaa lagaa qaadi. Halkaan waxay u baahantahay tallaabo la mid ah midda gudaha laga qaaday si loo yareeyo laaluushka iyo baadda ay qaadanayaan kuwa illinka loo dhigay ilaalinta amniga kaliya.

Taksi baan ka raacnay bannaanka garoonka. Gawaarida sharci kala haga maleh. Nin walbo halkii bannaan ayuu ku wadaa gaariga. waddada sidii loo kala xoog badanyahay ayaa leyskugu banneeyaa. Tusaale, haddi aad bajaaj wadato caasi iyo baabuurta yar yar ayaa kaa xoog badan oo haddaad waddo iskugu timaaddaan adaa dib u noqonayo. Sidoo kale haddii loori ka horyimaado caasi waxba sheegi maayo oo waa inuu dib u laabtaa haddii kale wuu ka dul tallaabsan.

Askarta iyo dadweynaha iyaguna waa isu xoog sheegtaan xagga waddooyinka. Hadii gaari boolis ama military wato kaa horyimaado waa in aa banneysaa waddada. intaas waxaa dheer dhibka askartu ku hayso shacabka. Hadii adoo gaari wato istaag lagu yiraahdo oo aad arki weyso ama aad diiddo xabbad baa kor loo ridayaa markaa istaagto waxaa laga rabaa xabbadi kor loo riday in aad lacagteeda bixiso ama haay ama ha haaynin. Haddii iyada oo xabbad kor loo riday aad sii socoto tan labaad adeey kugu taal.

Baraha kontaroollada magaalada markaa timaado shardi waxaa ah in aad istaagto oo askariga ilaalinaayo uu wejigaaga arko halkaas buu fadhiyaa markuu wejigaaga arko asigoo ku baarin ayaa iska moodee madax u lux lee. Arrintaan waa halisteeda leh oo sahli karto inay gudbaan dad badan dhib gaysan karo. Waa arrin fiican sida loo sahlayo inay dadku dhib la'aan gudbaan haddana khatarta Xamar ka jirta maahan mid sidaa u sahlan. Waxaan kaloo la yaabay 3 ama 4 asakri ayaa ilaalo haya tatobada bari ee asbuuca habayn iyo maalin lama baddalo, saacaddi aad martabi waa afarti. Waa arrin tilmaamayso inay wali wax ka noolyihiin habdhaqanki mooryaanti isbaarada dhigan jirtay.

In afar ama tiro sidaas u yar ay hal meel muddo intaas la eg joogaan waxay keeni kartaa khatar amni oo xad dhaaf ah. waayo way sahlantahay inay ku heshiiyaan qaadasho laaluush oo ay ku gudbiyaan qaraxyo. Sidoo kale, kooxaha dhibka gaysto way u sahlantahay inay helaan meelo ay kala xariiraan dadkaan si ay ugu caga-jugleeyaan ama ugu sheegaan inay la shaqeeyaan. Intaas waxaa sii dheer afar qof oo aan nasan iyagaaba khatar ku filan, sababtoo ah inta daalku ka bato ayay iyagoo sanifsan xabbado iska furi karaan dad ku dhibaatoobo. Ubixii shalay lagu dilay Xamar in mid kuwaan oo kale ah dilay u badi!

Xamar qof walbo canshuur aa laga qadaa, canshuurta guryaha (council tax) tan gaarida (road tax) kan ganacsatada (business rate) IWM waxaana u sii dheer baadda askarigu kaa qaadanaayo. Saas eey tahay waddooyinki waa burbursanyihiin kuwii la dhisay lama nadiifiyo bacaad ayaa buux dhaafiyay, isla xisaabtan ma jiro qofka hadduu madaxyahay ama dowladdaba shaqaale u yahay waxuu rabo ayuu sameynaa cid la hadleyso ma jirto, Maalin waxaa usoo joogay nin gaari loori ah waddada dhaxdeeda dhigtay cidna eeysan laheyn war ka qaad qof walbo waa la wareegayaa.

Gawaarida caasida BL-ka ah waxaa loo kala fariistaa sidaan. Shirka waxaa fadhiista ciddii usoo hormarta, rag ama dumar. Kursiga hore nimanka ayaa fadhiista labada kursi ee gadaal ka jirtaa waa dumarka kursiga ugu dambeeya waa rag ama dumar kii ku hormara waxaana laga soo galaa albaabka danbe. Waxaad arki islaan xagga gadaal ii fur leh aan ka galee.

Lacagta waa shilin Somali ama EVC dollar. Shilin Soomaaliga kun aa u yar wax kale ma jiro haddaadan kaash wadan iisoo tuur waaye. xataa qolada tuugsato waxeey wataan EVC halkaas iigu dir baa lagu leeyahay. Qiimaha sarifkuy waa $1 = 24kun oo shilin Soomaali ah.

  Waxaan tagay suuqa Bakaaraha waxaan arkay gawaaridan TM-ka ah oo la raraayo. Sharci waxaa u ah in gaariga dhabal loo raro inta uu waado kabadan in lagu raro sababtoo ah ganacsatada waxeey bixiyaan lacago baad ah oo isbaaro ayaa jidka taal kuwa dowladda ama alshabaab marka ninka badeecada iska leh waxaa u raqiisisan in uu wax badan halmar raro si uu wax uga helo inay gaarigu dhex ku rogmado oo dad iyo maalmo galaaftana waa suuragal.

Maciishada waa qaali Xamar waxaana dareemi kara qof meesha daggan laakin dadkaan Holidayda ku taga lacag beey wataan waxba ma dareemaan.

Xamar waxaa iguu danbaysay 1995'ti. Muddadaas 22 sano ah waxaan ku noolaa qurbe. Waddamada nabadda ah ee quruxda badan ee aan joogay saamayn weyn ayay ku yeelatay sidaan u arko xaaladda Xamar. Sidoo kale, waxaan iga bixin sawirki Xamar ayaamahaan ka tagayay.

Maalinti iigu danbaysay iyo maanta waa labo aan la isu ekeeysiin karin. Xagga amniga, quruxda, dhisamaha, nolosha iyo rajada la qabo intaba maanta ayay fiicantahay. Hasayeeshee, shaqo badan ayaa dhimman. Askarta iyo waddooyinka ayaana ugu badan meelaha u baahan haggaajin dagdag ah.


W/Q Cabdikariin Cabdullahi Fiiqow.


Comments

Post a Comment

Popular posts from this blog

Taariikh Nololeedkii Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf

  28/12/2023 waxaa geeriyooday sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf oo ka mid ahaa culimada Soomaaliyeed marna ahaa hoggaamiyihii Imaaradii Gedo. Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf Aw Axmed Ismaciil Mubaarak sheekh Cabdiraxmaan sheekh Samantar,  waxaa uu ku dhashay qiyaastii 1938-kii, meel lagu magacaabo Buuro oo galbeedka uga beegan magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud. Sheekha waxaa uu ahaa Marreexaan, Cali Maxammed (Cali-dheere), reer Sheekh reer Mubaarak.  Sheekh Maxammed waxaa uu ku barbaaray guri aqoon iyo Diin. Sida aad ka arki kartaba abtirkiisa aabbihii iyo awooyaashii waxaa ay ahaayeen culimo. Sheekha Maxammed Allaha u naxariisto e (AUN),  waxaa uu Qur’aanka kariim ka ah dhammeeyay isaga oo aad u da’ yar. Intaa ka dib waxaa uu u jeestay barashada caqiidada, fiqhiga iyo Shaaficiga isaga oo kutubtaas ka qaatay aabbihii. Sidii uu dhaqanku ahaa, sheekh Maxammed  waxaa uu xiraystay sannadka markii uu ahaa 1956-kii ilaa 1961-kii  goortaas oo uu cilmi u raadsaday magaalooyinka Beledwayne,

Maxaa ka run ah warbixinnada foosha xun ee laga qoro Soomaalida Qurbaha?

Warbixin ka ay daabacday Boomerg oo looga hadlay waxtarka muhaajiriinta Maraykan  tago ayaa lagu sheegay in Kiinyaanku yihiin dadka saddexaad ee ugu shaqada iyo waxtarka badan soogalootiga Maraykanka. Gaana oo Afrika ah ayaa qaadatay kaalinta koowaad waxaan labo noqday Bulgeeriya oo Yurub ah. Waxaa sidoo kale toban hore soo galay dalalka Itoobiya oo afar gashay, Masar oo shan gashay, Nayjeeriya oo siddeed gashay iyo Laybeeriya oo sagaal gashay. Toban qowmiyadood ee ugu shaqada badan muhaajiriinta ku nool Maraykanka lix ayaa kasoo jeedda Afrika. Waxaan tobanka hore soo galin Soomaalida. Sidoo kale soomaalidu safka hore oogama jirto muhaajiriinta ugu aqoonta badan. Afrika Masar iyo Natjeeriya ayaa kaga jiro tobanka hore xagga aqoonta. Marka walba oo lasoo hadal qaado Soomaali waxaa lagu xariiriyaa, faqri, burcadnimo, aqoon la'aan, argagixisonimo iyo shaqo la'aan baahsan. Warbixin laga soo saaray waddamada Galbeed oo sawir quruxsan ka bixiso Soomaalida in la helo ma dhacd

Hal ku dhigga halaagga noo horseeday: "Xoolaha dad weynaha ayaa ganacsi loo baddalay"

Ilaa shalay waxaa baraha bulshada lagu faafinayay in isbitaalki Jaalle Siyaad ee dagmada Garbahaareey loo rogay meel ganacsi. Saaka warki asaga ahaa waxaa qoray qaar ka mid ah mareegyada warfaafinta ee Soomaalida. Dadka qoray warkaan qaar waxay isticmaaleen erayo adag sida 'dhiig miirato', 'furasho' iyo 'boob'.  Inkastoo aan la xariiray qaar ka mid ah dadka qoray farriimahaan aana isku dayay inaan si hoose xal ugu helo warkaan aan salka lahayn, haddana waxaa ii muuqato inuu dhawaqu meel fog gaaray hoos u hadlidna aysan ku filnayn. Sidaa darteed waxaan go'aansaday in si muuqato wax ooga dhaho warkaan oo aan ahayn kii ugu horreeyay ee noociisa ah.  Muxuu yahay Isbitaalka Jaalle siyaad? Jaalle Siyaad waa isbitaal weyn oo ku yaal Garbahaareey. Waxaa dhismihiisa bilowday dowladdii dhexe isagoo qaybo ah ayayna dhacday. dhowr iyo labaatan sano ayuu qabyadaas ahaa oo arigu u xaroon jiray. Waqti aan fogayn ayay gabdho qurbajoog ah isu xilqaameen inay

Contact Form

Name

Email *

Message *