Skip to main content

Lix Sano iyo Bar Shirki Koowaad oo aan Tagay Maxaan kala soo Kulmay?


Shir looga hadlayo arrimo bulsho oo aan tago waxaa iigu danbaysay bishii kowaad sanadki 2012'ki. Bishaas waxaa muddo asbuuc gudahiis ah aan tagay labo shir oo aan safar u galay. Rafaadki aan kala kulmay iyo faaido la'aan aan kala soo noqday darteed waxaan go'aansaday inaan joojiyo tagidda shirarka ceynkaas. Waqtigaas ka dib, kama qayb galin wax shir ah marki laga reebo kuwo shaqo ama ururro aan ka tirsanaa ku saabsanaa.

Sabtidi hore ayaan helay farriin casuumaad shir ka dhacayo tuulada aan daganahay. Inaan tagin ayaa markiiiba qalbigayga kusoo dhacday, laakiin ninkii isoo diray farriinta oo ah ruux aktayda xurmo ku leh dan muhiim ahna ummada u hayo oo aan isku aragnay masaajidka ayaa iga codsaday inaanan ka maqnaan shirka waana ajiibay.

Shalay oo ahayd maalinti uu shirku dhici lahaa, laga soo billaabo waqtigaan u kacay salaadda subax ilaa saacaddi uu shirku qabsoomi lahaa inti u dhaxaysay saacad aan nasto ma helin. Howlo taxan ayaan midba mar qabanayay oo ay uu danbaysay inaan madaxa soo jarto. Waxaan guriga kusoo laabtay 4.30'ki oo ah waqtigii shirku billaami lahaa. Biyo inaad isku daadiso ma gaartaa, kob qaxwo ah oo daalka kaa jabiyo ma ku dhfutaa iyo amaad habsaantaa ayaan ku tallamay. Waayo-aragnimo hore awgeed waxaan go'aansaday inaan sameeyo inti igu soo dhacday oo dhan shirkana aan aado 5:30'ka oo aan aaminsanaa inuusan billaami doonin ka hor sidi ayaana yeelay. Goobti shirka oo aan yara lumay awgeed, waxaan albaabka shirka galay 5:42 daqiiqo iyadoo khudbadi lagu furi lahaa ay socoto sidi ayaana ku fadhiistay. Shirku wuxuu qaatay afar saacadood ka badan marka waxaan halkaan kusoo koobi arrimihi isoo jiitay iyo natiijadi aan kala soo laabtay.

Hoolka shirku wuxuu ahaa mid aad u yar. Waxaa joogay dad aan ka badnayn 30 qof. Wajiga hore waxaa fadhiistay baannelka (dadka jeedinayo khudbooyinka). Baannelku wuxuu oo ka koobnaa shan ruux mid ayaa dumar ahayd midna wuxuu ahaa sheekha magaalada. Halkaas isbaddal aya muuqdo iiga danbeeyay shirarki aan tagi jiray. Inkastoo gabdhuhu doorka ugu muhiimsan ku leeyihiin qabsoomidda shirarka lama siin jirin xubinnimada baannelka ay ku leeyihiin. Horumar iyo dib u socod kay tahay ma ogi laakiin waa arrin soo korodhay.

Mowduuca gogosha loo dhigay wuxuu ahaa ka tashi caruurta soo koraysa iyo sidii looga badbaadi lahaa dhibaatooyinka ka socda London iyo Birmingham oo ah magaalooyin Soomaalidu ku badan tahay dhalin badan oo Soomali ahna lagu laayo qaar kalana xabsi ku jiraan. Martida noo timid waxay ahaayeen kuwo noogu yimid inay nala wadaagaan aqoontooda iyo khibradooda maadaama ay London iyo magaalooyin kale oo dalka ah ka qabteen shaqooyin la xariiro dhalinta Soomaalida.

Baannelku waxaa ku jiray dad xogogaal ah, aqoon durugsan u leh waxay ka hadlayaan faaiidooyin bandanna laga heli lahaa. Laakiin, nasiib darro anigu kama helin faaiidadi iyo macaanki iiga muuqday inaan muudsan karo sababo xagga gudbinta ah awgeed. Waxaa adkaatay inaan helo qof mowduuca uu billaabay dhammeeyo isagoo badweyn kale aan dhex dabbaalan. Badaha ballaaran ee la dhex muquurtay waxay keentay in ruuxi hadlayay uu illaawo wuxu rabay inuu dhaho iyo inaan innagu weyno natiijadi ararta ka danbaysay iyo sidoo kale inuu hadalki dhammaan waayo.

Arrintaan maahan mid martidi noo timid ku gaar ahayd balse waa dhib weyn oo ka haysto guud ahaan aqoonyahanniinta Soomaalida gudbinta xogaha ay hayaan iyo aqoonta ay leeyihiin. Waxaa xusid mudan in qaar ka mid ah dadka shalay hal meel ku sallimi waayay ay wateen qoraal diyaarsan oo ay ku talagaleen inay nala wadaagaan. Hasa ahaatee hab sheekoodka Soomaalida ee aan ku barannay fadhi ku dirarka ayaa ka xoog batay tababarka iyo aqoonta aan helno.

Wax badan ayaad jaajuusnimo igu xamateen

Waxyabaaha ugu badan ee dadka wanaagga jecel ka reebo inay u shaqeeyaan bulshada waa culaysada kaga yimaado bulshada dhexdeeda. Ruuxii isku daya inuu caawiyo caruurta xiran, hooyooyinka dhibban ama bulshada qaybaheeda kale ee dayacan waxaa dusha laga saaraa inu dowladda jaajuus u yahay. Arrinti iyada ahayd wali waa sidii. Qofkii saddexaad ee baannelka ka mid ahaa ee hadla wuxuu hadalkiisa ku furay in lagu xanto jaajuusnimo iyo inuu ka shasqeeyo in caruurta soomaaliyeed gaalo loo gacan galiyo halka xaqiiqdu tahay taas lidkeeda.

Isma faaninayo

waayo-aragnimada ruux leeyahay, dhib ku dhacay, nolol usoo maray ama wanaag badan oo uu sameeyay ahayaaba, oo uu bulshada la wadaago waxay ka mid tahay arrimaha ugu muhiimsan ee aadanuhu kala faaiido. Laakiin dhaqanka Soomaaliga oo ah mid ceeb ka dhigayo ka sheekaynta guulaha ruuxu gaaro waxay keentay in la waayo qof si saraaxa ah ooga hadli karo horumarka uu sameeyay.

Gabadha baannelka ku jirtay oo runtii ahayd ruuxi iigu saamaynta badnaa ayaa isku dayday inay nala wadaagto sida ay gurigeeda u maaraysay iyo guulaha ay ka gaartay balse cabsi ay ka qabtay in loo arko qof is ammaanayo darted, hadalkeedi waxaa hareeyay "isma faaninayo iyo is ammaani maayo" taaso keentay in hadalku lumo isagoon natiijadi la gaarin.

Sheekh Xassaan ayaa yiri isagoo ka hadlayo arrintaan Soomaalidu ammaanta ceeb ayay u aragtaa. Wadaaddada Carabtu marki ay muxaadaro jeedinayaan ruux ayaa istaago oo daldalo ammaantiisa isaguna madaxa ayuu gundhiyaa, halka wadaadka Soomaaliga ah haddii inyar oo ammaan laga sheego uu u dhawaanayo inuu yaxyax la suuxo hadalkana billaabo isagoo qajilayo.

Waa muhiim in qofka hadlayo si kalsooni leh u gudbiyo waxa uu hayo. Haddii niyaddaadu tahay wadaagidda khibradaada si looga faaiidaysto, maahan inaad ka walwasho sida dadku u fasiran karaan oo ah inaad is ammaanayso ama aad caruurtaada faaninayso.

Qoys wada xiran

Sheekooyinka ay nala wadaageen baannelku waxay ahaayeen kuwo argagax leh. Waxay ahaayeen sheekooyin marki ay dhagahaada ku dhacayaan ay maskaxdaadu ka fakerayso sidaad u qixi lahayd iyo meeshi aad u qixi lahayd. Waxay ahaayeen sheekooyin igu dhaliyay inaan u garaabo qoyaysas badan oo horay hadba meel cusub ugu guuray sidii iyagoo tiih ku dhacay.

Xaliimo sacdiya oo ahayd halka gabar ee baannelka ku jirtay ayaa sheegtay inay si mutatwacnimo ah u booqato xabsiyada dalka ee dhalintu soomaaliyeed ku jiraan. Waxay noo sheegtay in xabsi u jiro magaalada aan daganahay ee Northampton dhowr iyo toban mayl oo bas iyo tareen toona tagin ay ku aragtay afar wiil oo hal qoys kasoo jeeda oo ku xiran isku meel. Waxay sidoo kale tiri waxaan ku arkay 11 wiil oo magaalada Lester laga soo xiray.

Su'aalaha ay caruurta xabsiga ku jirto waydiinayeen Sacdiyo waxaa ka mid ahaa sida ay kusoo ogaatay meesha ay ku jiraan, hooyaday miyaad taqaan, aabahay miyaad taqaan, farriin ma iiga gayn kartaa. Su'aalahaas waxay tusayaan inuusan jirin waalid ka dabatagay caruurta iyo cid kale oo caawin ugu tagtay. Amuuraha kale ee ay sheegtay waxaa ka mid ahaa in maalin walba la keeno maxkamadaha London caruur Soomaaliyeed oo uusan la socon qof ehel u ah, cidda kaliya ee caawinaysana ay tahay dadka socda hayadaha xannaanada caruurta.

"Hooyadu waa weel wax lagu shubto"

Inkastoo Sacdiyo ay isxilqaantay una istaagtay horumarinta reerkeeda, caruurteeda iyo midda bulshada Soomaaliyeed haddana waxay u muuqatay mid wali aaminsan dhaqanki Soomaaliyeed ee ahaa talada reerka dumarku wax kuma laha. Waxay aad ugu soo celcelisay inay dumarku hayaan shaqadii raga, ragguna gabay masuuliyaddoodi. Dhaliishaan maahan mid tilmaamaysay in dumarku toodi kasoo baxeen tii raggana ku dareen ee waxay u muuqatay mid gabiahaanba dumarka masuuliyadda ka qaadaysay. Waxaa hadalkeeda ka mid ahaa "hooyadu waa weel wagu shubto" ee masuuliyadda reerka waxaa leh aabbaha. hadalkaas intaas ayaan kaga harayaa!

Allow yaa noo billaabo

 Marki ay dhammaadeen khudbadihii baannelka, waxaa loo gudbay in la dhagaysto waxa ay qabaan dhaystayaashi aan ku jiray. Nin ayaa istaagay wuxuuna ka hadlay arrimo dhowr ah. Waxaa mid ah arrimihi uu soo jeediyay in gabdhaha iyo wiilasha yar yar ee hadda amuurahooda laga hadlyo la keeno shirarka quseeyo danahooda. Wuxuu intaas ku daray, in isku meel shirka loogu qabto is ay isu arkaan oo isu bartaan, taasoo u sahli karto inay yeeshaan xariir shukaansi oo guur horseedeo.

Marki intaas afkiisa kasoo baxday hooli ayaa isla bullaamay waa runtiis ayaana lagu wada dhawaaqay kala har la'aan rag iyo dumar. Illeen qof walba waxay ka joogtay Allow yaa noo billaabo ayaan is iri. Waxaan halkaas ka fahmay dhib igu soo socdo oo haysto waalidiinta caruurta madaxa soo qaadday haysto. Waxaa muuqato in walwal badan ka jiro guurka dhalinta iyo cidda ay guursanayaan. In la fulin doono soo jeedinta ma hubo laakiin waxay u muuqatay inay ka mid tahay arrimaha fara ku tiriska ah ee waligeed Soomaali meel isugu ku midowday.

Midkaas intaas ayaan kaga gudbayaa

Dhammaan inti hadashay waxay ka sinnaayeen inaysan ku ekaan waqtigi la siiyay. Waxay kaloo ka sinnaayeen inay hadalkooda ku billaabaan inyar ayaan dhahayaan iyo labo qodob ayaan oranayaa. Laakiin marki ay hadalka billaan oo labadi qodon dhammaato adna aad istiri hadalka waa iga dhan yahay ayuu oran doonaa ayuu ku xijinayaa "midkaas intaas ayaan kaga baxay, waxaa iigu xigo" oo bilow u ah qodob cusub sidaas ayuuna ku wadi ilaa toban uu ku dhawaado.

Gabagabo

Shirkaas wuxuu mid muhiim oo aanan ka shallaayin tagiddisi. Wuxuu aan mid aan ka masquusady arrimihi lagu soo qaaday waxaana ka helay faaiidooyin dhowr ah oo wax ku ool. Inkastoo khibraddi iyo aqoonti dadka noo yimid sidaan rabnay aannan u helin haddana shirku wuxuu igu reebay raad iyo inaan tago shirarka looga hadlo arrimaha shirkaanu ku saabsanaa.

Ibrahim Aden Shire
ishire86@gmail.com
kala soco: https://ibrahim-shire.blogspot.com/




Comments

Post a Comment

Popular posts from this blog

Taariikh Nololeedkii Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf

  28/12/2023 waxaa geeriyooday sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf oo ka mid ahaa culimada Soomaaliyeed marna ahaa hoggaamiyihii Imaaradii Gedo. Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf Aw Axmed Ismaciil Mubaarak sheekh Cabdiraxmaan sheekh Samantar,  waxaa uu ku dhashay qiyaastii 1938-kii, meel lagu magacaabo Buuro oo galbeedka uga beegan magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud. Sheekha waxaa uu ahaa Marreexaan, Cali Maxammed (Cali-dheere), reer Sheekh reer Mubaarak.  Sheekh Maxammed waxaa uu ku barbaaray guri aqoon iyo Diin. Sida aad ka arki kartaba abtirkiisa aabbihii iyo awooyaashii waxaa ay ahaayeen culimo. Sheekha Maxammed Allaha u naxariisto e (AUN),  waxaa uu Qur’aanka kariim ka ah dhammeeyay isaga oo aad u da’ yar. Intaa ka dib waxaa uu u jeestay barashada caqiidada, fiqhiga iyo Shaaficiga isaga oo kutubtaas ka qaatay aabbihii. Sidii uu dhaqanku ahaa, sheekh Maxammed  waxaa uu xiraystay sannadka markii uu ahaa 1956-kii ilaa 1961-kii  goortaas oo uu cilmi u raadsaday magaalooyinka Beledwayne,

Maxaa ka run ah warbixinnada foosha xun ee laga qoro Soomaalida Qurbaha?

Warbixin ka ay daabacday Boomerg oo looga hadlay waxtarka muhaajiriinta Maraykan  tago ayaa lagu sheegay in Kiinyaanku yihiin dadka saddexaad ee ugu shaqada iyo waxtarka badan soogalootiga Maraykanka. Gaana oo Afrika ah ayaa qaadatay kaalinta koowaad waxaan labo noqday Bulgeeriya oo Yurub ah. Waxaa sidoo kale toban hore soo galay dalalka Itoobiya oo afar gashay, Masar oo shan gashay, Nayjeeriya oo siddeed gashay iyo Laybeeriya oo sagaal gashay. Toban qowmiyadood ee ugu shaqada badan muhaajiriinta ku nool Maraykanka lix ayaa kasoo jeedda Afrika. Waxaan tobanka hore soo galin Soomaalida. Sidoo kale soomaalidu safka hore oogama jirto muhaajiriinta ugu aqoonta badan. Afrika Masar iyo Natjeeriya ayaa kaga jiro tobanka hore xagga aqoonta. Marka walba oo lasoo hadal qaado Soomaali waxaa lagu xariiriyaa, faqri, burcadnimo, aqoon la'aan, argagixisonimo iyo shaqo la'aan baahsan. Warbixin laga soo saaray waddamada Galbeed oo sawir quruxsan ka bixiso Soomaalida in la helo ma dhacd

Hal ku dhigga halaagga noo horseeday: "Xoolaha dad weynaha ayaa ganacsi loo baddalay"

Ilaa shalay waxaa baraha bulshada lagu faafinayay in isbitaalki Jaalle Siyaad ee dagmada Garbahaareey loo rogay meel ganacsi. Saaka warki asaga ahaa waxaa qoray qaar ka mid ah mareegyada warfaafinta ee Soomaalida. Dadka qoray warkaan qaar waxay isticmaaleen erayo adag sida 'dhiig miirato', 'furasho' iyo 'boob'.  Inkastoo aan la xariiray qaar ka mid ah dadka qoray farriimahaan aana isku dayay inaan si hoose xal ugu helo warkaan aan salka lahayn, haddana waxaa ii muuqato inuu dhawaqu meel fog gaaray hoos u hadlidna aysan ku filnayn. Sidaa darteed waxaan go'aansaday in si muuqato wax ooga dhaho warkaan oo aan ahayn kii ugu horreeyay ee noociisa ah.  Muxuu yahay Isbitaalka Jaalle siyaad? Jaalle Siyaad waa isbitaal weyn oo ku yaal Garbahaareey. Waxaa dhismihiisa bilowday dowladdii dhexe isagoo qaybo ah ayayna dhacday. dhowr iyo labaatan sano ayuu qabyadaas ahaa oo arigu u xaroon jiray. Waqti aan fogayn ayay gabdho qurbajoog ah isu xilqaameen inay

Contact Form

Name

Email *

Message *