Madaxweyne,
raysulwasaare iyo wasiir kasta wuxuu leeyahay lataliyayaal farabadan.
Lataliyayaashu waxay qabtaan howlo kala duwan. Qaar ayaa magaca lataliyo sito
laakiin madaxweynaha boorsada kaliya u qaado, qaarka albaabka gaariga iyo
ganjeelka guriga kaliya ayay furan halka qaar ay yihiin kuwa go’aannada masiiriga
ah wax ka gaaro. Lataliyayaashu waxay mararka qaar madaxdooda ku matalaan shirar,
waxay diyaariyaan dukumiintiyo ama waxay wakiil ooga noqdaan shaqo muhiim ah.
Lataliyayaashu
shaqada kuma helaan tartan ay u galeen mana aha jago dadku u simanyahay.
Baddalkeeda waxaa lagu helaa sida uu ruuxu daacad ugu yahay ruuxa uu latalinayo
iyo saaxiibtinnimada kala dhaxayso. Inta badan madaxda ayaa lataliye u magacawdo
shaqsiyaadki ugu kaalmeeyay inay xilka ku guulaystaan.
Lataliyayaashu
kala awood badan una kala dhow madaxdooda. Tusaale, Karl Rove waxaa laga
aaminsanaa inuu ahaa maskaxdi uu ku shaqaynayay madaxweyne Buushki yaraa. Si la
mid ah Faarax Cabdulqaadir soomaalidu waxay ka aaminsanayd inu yahay ruuxa hagi
jiray siyaasaddi madaxweyne Xasan sheikh Maxamuud. Si kasta oo ay tahayba,
lataliyayaashu way ka saamayn badanyihiin inta aan filayno. Tusaalooyinkaan
hoose ayaa noo caddayn doona.
Mucaawiye
Binu Abii-Sufyaan Allaha ka raalli noqdee (ARN) wuxuu ahaa khaliifki
muslimiinta muddo 20 sano ah. Marki uu gaboobay una caddaatay inuu waqtigiisi
dhowyahay ayuu ka fakeray ciddii isaga baddali lahayd. Talada uguma jirin inuu
magacaabo qof qoyskiisa ka mid ah. Mar ay talo ku cakirantahay ayuu u yeeray
nin la oran jiray Muqiire oo ahaa waaligi Kuufa kana mid ahaa lataliyayaashiisa
gaarka ah waana uu talo waydiiyay. Muqiira isagoo la daahin ayuu soo jeediyay
in Mucaawiye wiilkiisa Yaziid ah xilka loo caleemo saaro. Yaziid wuxuu ahaa
wiil dhalin yar haddana calooshiisa la cayaar ah.
Mucaawiye
ARN waxaa u ahaa caaqil, indheer-garad maamul yaqaan ah. Waxaa u saadaalin
karay dhibka uu kala kulmi karo magacaabidda wiilkiisa. Waxa uu ogaa sida
muslimiinta arrintaas ooga hor imaan doonaan. Waxaa uu la socday inuusan jirin
khaliif ka horreeyay oo wiilkiisa isku baddalay. Sidoo kale waxaa uu ogaa in
wiilashii khulufadi ka horraysay oo ka qiimo iyo karaamo badnaa kiisa ay
joogaan hunguri siyaasadeedna qabaan. Sidaa darteed sinnaba uma sawiran karin
sida ay suuragal ku noqon karto inuu Yaziid magacaabo.
Muqiira ayuu
su’aal ku celiyay oo ku yiri sidee taasi lagu suuragalin karaa. Muqiire waxaa
uu bixiyay sharraxaad dheer oo Mucaawiye ku qancisay inuu willkiisa magacaabo.
La calla haddii laga horyimaado, waxaa uu yiri Muqiire qasab ayaan ku
meelmarinaynaa waayo afarta gobal ee ugu muhiimsan (Mako, Medino, Basra iyo
Kuufa) dhulka muslimiinta xagga siyaasadda innagaa gacanta ku hayno (yacni dad
daacad kuu ah). Mucaawiye hadalki madaxa ayuu u ruxay waxaa uuna ku dhaqaaqay
taabbagalintiisa sidaas ayuuna Yaziid ku noqday khaliifki muslimiinta.
Tusaalahaan
waxaa uu na barayaa saamaynta uu leeyahay lataliyuhu iyo sida madaxdu ugu
nugulyihiin dhagaysiga kuwa ku xeeran. Hal figrad oo ka timid qof qur ah ayaa si
taban u saamaysay dhammaan muslimiinta oo dhan. Figraddaas midda ah ayaa
baddashay nidaamki siyaasadeed ee muslimiinta oo dhan kana dhigtay mid
boqortooyo oo sidii xoolo ruux leeyahay wiil iyo aabbihii kala dhaxlaan.
Tusaalaha
labaad waxaa uu na tusayaa in la taliyuhu ku beeri karo hammi iyo hunguri
madaxtinnimo oday gaboobay oo xanuunsanayaa oo dunida ka maryo aruursaday. Marwaan
Binu Xakam ARN waxaa uu cidan u sii watay dhinacaas iyo Mako oo Cabdullahi binu
Subeer ARN khilaafo ka aasaastay, marki loo sheegay geeridi Yazid binu
Mucaawiye. Marwaan maadaama uu da’ ahaa kuma jirin qabashada xil sare. Sidaa
awgeed waxaa uu waraaq u qoray Cabdullahi oo uu sheegay geerida khaliifka iyo
inay diyaar u yihiin inay isaga Cabdullahi ah raacaan hadduu Dimishiq yimaado.
Laakiin Cabdullahi waxaa uu diiday inuu Dimishiq usoo guuro waayo waxaa uu ka
cabsi qabay in taladau tahay dabin loo dhigayo.
Marwaan
waxaa taladi uu la wadaagay mid ka mid ahaa lataliyaashiisi. Wuxuu ku yiri
Muslimiintu maanta Khaliif ma leh cabdullahina waa uu diiday inuu Mako soo
dhaafo ee maxaynu yeelnaa. Lataliyihi ayaa markiiba yiri “oo yaa kaa xigo adiga
maad is magacowdid markaad dad kale ku baryayso”. Marwaan jarriidka ayuu ka
qoslay halkaas ayuuna taajki muslimiinta madaxa ku saartay.
Hasa yeeshee,
Marwaan waxaa ka horyimid kacdoon xooggan. Waxaa ku kacay qabaaillo badan
waxaana dagaalki uu xilka ku difaacayay ku dhintay kumannaan kun oo muslimiin
ah. Markuu sida xaaladdu tahay, Marwaan waa uu niyad jabay oo walwalay. Da’da
uu jiro iyo dhiigga uu u qubayo kursi dartiis ayaa isu qaban waayay. Waxaa uu
go’aansaday inuu Cabdullahi Mako ugu tago kuna daba faylo. Laakiin fakerkaan
waxaa ku diiday lataliyayaal qoyskiisa ahaa oo ku dhiirrigaliyay inuu is xajiyo
kurisgana difaacdo ilaa uu ka dhinto ama guulgaaro. Mar labaad ayuu taladaas
qaatay waxaa uuna galay dagaal xooggan oo uu ugu danbayn ku guulaystay.
Marwaan ma
guran mirihii uu abuuray oo sanad gudihiisba waa uu dhintay. Ha yeeshee,
wiilashiisi ayuu xilal muhiim ah u magacaabay wiilkiisa Cabdimalik-na wuxuu ku
qoray inuu isaga xilka ka dhaxlo. Halkaas ayaa waxaa askummay boqortooyadi ree
banuu Marwaan oo muddo dheer muslimiinta u talin jirtay.
Tusaalaha
saddexaad waxaa uu na barayaa manfaca lataliyaha wanaagsan. Marki sulaymaan
binu Cabdimalik binu Marwaan oo xilka hayay uu xaqiiqsaday in lagu soo
dhowyahay waxaa uu magacaabay wiilkiisa. Laakiin wiilki ayaa dhintay Sulaymaan
oo wali nool. Wiilasha kale waxay ahaayeen kuwo aad u yaryar oo aan xil qaadi
karin. Sulaymaan talo ayaa ku cakirantay. Dad badan ayaa fayl ugu jiro inay
xilka dhaxlaan miduu doortana garan waayay. Sulaymaan wuxuu u yeeray Rajaa binu
Xayaan oo ahaa cabsi-badane qiimo badan. Sulaymaan Rajaa ayuu ku yiri ila tali,
maxaan yeelaa.
Wada hadal
dheer ka dib, Rajaa waxaa uu Sulaymaan ku qanciyay inuu khilaafada u dardaarmo
Cumar Binu Cabdi-Casiis oo ay ilma adeer ahaayeen laakiin ahaa nin Ebbe yaqaan.
Cumar waxaa u noqday mid caddaalad badan iyo khaliifki ugu wanaagsanaa ree
Marwaan. Sidoo kale waxaa loo yaqaan khaliifki shanaad oo Cumar binu Khataab iyo
Abuubakar ayaa qaanad lala galiyaa.
Halka uu
Muuqiire Mucaawiye kula taliyay inuu wiilkiisa magacaabo sidaasna uu ku furay
albaab musiibo, Rajaa waxaa kula taliyay Sulaymaan inuu magacaabidda ku saleeyo
caddaalad, Alle ka cabsi, karti iyo daacadnimo. Muqiire waxaa u rabay inuu
raalli galiyo Mucaawiye oo madaxdiisa ahaa. Waxaaba la sheegaa in Mucaawiye uu
doonayay inuu xilka ka qaado Muqiire inta uusan talada siin ka hor balse markuu
taladiisa la dhacay uu booskiisa u daayay. Waxaa laga yaabaa in Muqiire horay
usii maqlay go’aanka xil ka qaadista sidaasna uu ugu talagalay inuu muujiyo
sida uu daacadda ugu yaay Mucaawiye. Dhinaca kale, Rajaa wax dan ah kama uusan
lahayn Sulaymaan oo ka raalli noqdo ama u caroodo balse dantiisu waxay ahayd
horumarka muslimiinta meel walba oo ay joogaan iyo sidii ay ku heli lahaayeen
qof si caddaalad ah u hoggaamin karo. Tani waxay si cad u qeexaysaa farqiga u
dhexeeyo lataliye xun iyo mid fiican. Waa halki uu suubbanuhu SCW ka yiri
“ruuxuu Eebbe libin la doono waxaa uu siiyaa lataliye wangaasan oo xasuusiyo
hadduu khaldamo”.
Dunida
casriga ah kama duwana middaan kasoo sheekaynay. Ilaa maanta lataliyayaashu
waxay leeyihiin saamayn weyn waxaana suuragal ah inay iyagu meel ku xirtaan
madax si dimuquraadi ah loo soo doortay. Alistair Campbell waxaa uu lataliye u
ahaa raysulwasaarihii hore Ingiriiska Tony Blair. Jaalle Campbell waxaa uu ahaa
ninki diyaariyay dukumiintigii lagu sheegay caddaymo waajib ka dhigaya in
Ciraaq la weeraro.
Marki uu soo
dhammeeyay dukumiintiga Campbell waxaa ku yiri Blair baarlamaanka u yeer una
sheeg inaad dagaal galayso. Blair arringtaas aad ayuu uga cagajiday waxaa uuna
ku dooday inuusan wali ahayn caddaymo ku filan oo baarlamaanka lala hortago
laakiin waxaa socotay middii Campbell. Blair waxaa uu hortagay baarlamaanka.
Sidoo kale waxaa uu shirayay golohiisa wasiirrada isagoo hayn wax uu u sheego
laakiin Jaalle Campbell uu ka dhex hadlayo. Taladi gurracnayd ee Jaalle Campbel
waxay qayb weyn ka qaadatay dabkii ka holcay Ciraaq ilaa maanta gubanayo oo
dunida dacalladeedana gaaray.
Gabagabadii,
lataliyayaashu waxay saamayn weyn ku leeyihiin go’aannadu madaxdu gaarto. Marar
badan talo iyaga ka timid ayaa lagu go’aan qaataa. Sidaas darteed waxaa muhiim
ah in la iska hubiyo ruuxa laga talo qaadanayo. Magacaabiddiisu waa inaysan
noqon mid ku timaadda waji karad kaliya ee ay noqoto mid lagu saleeyay
daacadnimo, dal jeceyl, karti iyo qab. Gaar ahaan dal soomaaliya oo kale ah oo
faragalin shisheeyo faro kulul ku hayso waxaa ka suuragal ah in jaajuus dal
kale u shaqeeyo uu noqdo lataliyaha madaxweynaha ama raysulwasaaraha. Marka
aqoonis iyo kursi buu igu caawiyay ma noqon karto mid ku filan ilaalinta
maslaxada masriiga ah ee dadka iyo dalka Soomaaliyeed.
Ibrahim Aden
shire
Comments
Post a Comment