Skip to main content

Warbixin Kooban. Safarkaygi Gobalka Gedo. Q5


Qormadi inoo danbaysay waxaan ku sheegnay inaan ku xijin doonno adeegyada biyaha iyo korontada. Waxaan si gaar ah ugu xusayaa labadaan adeeg muhiimmadda gaarka ah ee ay u leeyihiin nolosha aadanaha iyo inay halbeeg u yihiin horumarka ummadi samaysay. 

Dabka

Gobalku horumar muuqdo ayuu ka sameeyay xagga quwadda dabka. Inta badan magaalooyinka waaweyn waxay leeyihiin koronto joogta ah oo hal shirkad ay bixiso. Baladxaawo iyadu waxaa ka howl galo labo shirkadood oo marki hore hal ahaa haddase labo u kala baxay. Shacabku wuxuu helaa koronto joogta ah oo la isku hallayn karo.

Sidoo kale, dagmada Luuq ayaa iyaduna intaan gobalka joogay loo dhammaystiray galinta dabka iyadoo heshay quwad koronto oo si joogta ah la isugu hallayn karo. Garbahaareey oo muddo dheer qabtay baahi koronto ayaa iyaduna hadda shaqo wanaagsan ka socotay. Waxaa gabo gabo marayay xiridda koronto saacad walba ah. Awal (xataa intaan anigu joogay) korontadu waxay joogtay saacado kooban oo waliba aad u yar. Arrintaas shacabku aad ayuu ugu dhib qabay gaar ahaan ganacsatada iibiso waxyaabaha qaboojiyaha u baahan. 

Shirkadda Luuq galisay korontada oo lagu magacaabo Raasamaal Electricity (Shirkadda Dabka ee Raasamaal) ayaa Garbahaareeyna ka wadday. Waxaa xusid mudan in shirkaduu ay ku dadaashay yaraynta khatarta korontada. Raasamaal waxay keentay tiirar aad u dhaadheer oo dhinaca Kiinya laga keenay. Tiirarkaan ayaa waxay baddalayaan birihii baalllyooinka ee leyrarka lagu xiri jiray. 

Baallooyinkaan cusub ayaa ah kuwa aad uga dheer kuwii hore meel fogna geeyay fiilooyinka dabka wada oo awal gaari jiray madaxa baabuurta rarka waddo. Baallooyinkaan waxaa ku baxay qarash aad u badan waxaana laga soo safriyay cirifka fog ee Kiinya. Taasi waxay caddayn u tahay in Raasamaal aysan faaiido doon kaliya ahayn ee sidoo kale masuuliyad iska saarayso khatarta la socoto adeeggeeda. 

Meesha dhaliisha leh waa in ilaa hadda lagu tiirsanyahay matoorro naafto ku shaqeeyo. Matoorradu waxay dhib weyn ku hayaan bi'ada iyo fayo-dhowrka. Waxaa fiicnaan lahayd in la helo soolar taasoo qiimaha, caafimaadka iyo bi'adaba u fiican.

Biyaha 

Biyuhu waa halbowlaga nolosha aadanaha. In biyuhu nadiif yihiinna waa mid ka mid ah halbeegyada ugu muhiimsan ee lagu cabbiro horumarka aadanaha. Tobanki qofba saddex (2.1 bilyan) dadka dunida ku nool ayaan haysan biyo nadiif ah. Gobalku wuxuu ka midyahay meelaha dadka aan haysan biyo nadiif ah ku noolyihiin. Baladxaawo waxaa laga cabbaa booyado ilaa hadda oo biyo galin ma leh. 

Meesha kaliya ee ka duwan waa Garbahaareey. Dagmadu maanta waaxaa lagu tirin meelaha biyaha nadiifka ah laga cabbo. Waxaa loo sameeyay biyo-galin gaartay qoys walba oo iska bixin karo. Waxaan ogahay in dad badan wax tabanayaan balse inta aadan ka faalloon akhri qormadi inaan isku soo dhacno ayay u badan tahaye.

Muddo labo asbuuc ah ayaan isu dayay inaan fahmo sida Raasamaal u anfacday baladka. Labo arrimood ayaa keenay inaan xil gooni ah iska saaro biyaha. Tan hore, safarkaan kii ka horreeyay dadku washaaqo ayuu ka cabbahayay marka bal in laga raysatya washaaqadi iyo in loo darsaday inaan kala fahmo ayaan rabay. Labo, Sheekh Xasan Axmed Nuur oo ah madaxa shirkadda Raasamaal Garbahaareey ayaa iga codsaday inaan u ku guurgalo shaqada shirkadda iyo sida dadku u arkaan.

Si aan u helo xog waafi ah, waxaan waraystay dhammaan qaybaha bulshada oo ay ku jiraan garabyada kala duwan ee culimada, iskoollada, hooyooyinka iyo dhalinyarada iyo waliba madaxa caafimaadka ee dagmada. Xog aruunintaan ka dib waxaa isoo baxay in imaanshihi Raasamaal lagu raystay. 

Biyo-galintu waxay qayb muhiim ah ka qaadatay koritaanka dagmada. Xaafado marki hore in la dago laga fogaan jiray ayaa maanta noqday kuwa ugu dhul qaalisan. Tusaale, 3 sano ka hor mar aan tagay dagmada, dhulku wuxuu qaali ahaa dhinaca galbeed, dhinaca bari ayaana ahaa kan ugu jaban. Sababta ayaa ahayd in washaaqada laga cabbo ay ku taal daanta galbeed ee dagmada. Karreetada biyaha soo qaaddo qiimaha ay ku iibiso waxay ku salaysnaan jirtay hadba inta masaafaudu u jirto ceelka ay biyaha kasoo qaadday. Sidaas awgeed, qoyska daggan ceelka korkiisa haddii uu karreetada ku shuban jiray hal doolar kan ku daggan daanta bari wuxuu ku heli jiray doolar iyo bar. 

dhibki noocaas ahaa maanta meesha wuu ka baxay oo biyo-galintu waxay gaartay cirifyada dagmada (togga ayaan wali la goysiin oo cillad farsamo u xayiran). Bari iyo galbeed isku qiimo ayay ku helaan biyaha sidaas ayaana keentay in dhulki ku yaallay bariga dagmada iyo kii u yaallay dhinaca koofureedba uu qaali noqdo.

Biyagalintu sidoo kale waxay door muhiim ah ka cayaartay fayo-dhorka dad weynaha. Shuban biyoodki dillaaci jiray waqtiga kulaylaha ayaa meesha ka baxay tan marki biyaha la sifeeyay. Waxaa laga raystay biyihii badna ee qaarba meel loo dooni jiray. Dhaqtar ka mid ahaa dadkaan waraystay ayaa igu yiri "Raasammaal ka hor waxaan shubi jirnay afar biyo oo kala jaad ah. Kuwo matoorka ka yimaado oo dharka kaliya lagu dhaqdo maadaama aysan cabbitaan galin. Kuwa washaaqada oo dadka waaeyn iyo caruurtu ay cabbaan, kuwo caagadaysan oo aan u iibin jiray ilmaha lixda bilood ka yar si caanaha loogu qaso iyo ceel la yiraahdo afweyne oo haweenku si gooni ah biyihiisa u cabbaan."

Anigu intaan joogay naftayda ayaan u dareemay faaiidada biyuhu ay keenaan. Safarkaan kii i xigay ee aan carrada ku tagay waxaa i dilay oon. Ma jirin biyo la cabbi karo oo aad aktaada ka helaysay. Mar walba suurgal ma noqon karin inaad haysato biyo caagadaysan oo aktaada yaal. Safarkaan waxaan ka cabbayay fuustada hooyaday u tiillay waayo waxaa ku jiray biyo jidiinka mari karo oo nadiif ah. Si kooban shirkaddu waxay soo kordhisay biyo macaan, nadiif ah, qiimo jaban oo gurigaada kuugu yimaado. 

Ha yeeshee, tabasho waa jirtaa. Dad badan oo aan la hadlay ayaa ka cowday in adeeggu xunyahay. Maahan shirakdda iyo biyaha waxa xun ee waa macaamilka dadka gacanta ku hayo sida ay ku andacoodeen. Arrintaas ma beenin karo mana rumayn karo laakiin waxaan la wadaagay xogteeda oo faahfaahsan maamulaha guud ee shirkadda inuu wax ka qaban doonana way rajaynayaa Eebbe idinki. 

Dareen kale oo jiro ayaa ah in badan aaminsayihiin in shirkaddu ay isticmaalayso ceelki dagmada ee ay dowladdi dhexe qodday. Dadkaas waxay u arkaan in hanti dad weyne loo gacan galiyay shirkad gaar loo leeyahay sirkadduna ay faaiido xad dhaaf ah ka doonayso dadki ceelka lahaa. Doodda noocaan waa mid xaqiiqda ka fog. 

Ceelku muddo dheer ayuu meesha ku yaallay dadkuna ka oommanaa. Maalka maanta sida uu yahay looga dhigay maahan mid caqliga dadka hadda qaylinayo ay sawiran karaan. Nus malyuun lacag ku dhow ayaa lagu soo gaarsiiyay meesha uu maanta joogo. Lacagtaas oo lafaha ah in laga helo biyaha  waxay qaadan sanado badan. Midda labaad ceelku inuu shaqeeyo wuxuu u baahanyahay bil walba adduun gaarayo dhowr iyo toban kun oo doolar oo isugu jiro shidaal iyo shaqaale. Haddii aysan jirin cid si gooni gacanta ugu hayso suuragal ma noqoteen in lacagtaas loo helo ceelku si uu u shaqeeyo. 

Ugu danbayn dhibka ugu badan ee hadda shacabka haystay waa xaabada. Keenidda xaabada waxaa monobili ku haysto dadka yar. Dadkaas markay rabaan ayay keenaan. Waqtiyada beero gurashada ilba lama saaro. Intaan joogay waxaan arkay dad dariiqyada baladka laga soo galo u taaggan xaabada soo galayso si aan looga hormarin. Waxaan hubaa haddii shirkad dhibkaas dadka ka saarto la helo in sida Raasamaal loo hiifi lahaa. "AADMIGU WAA DAKANE ABAAL"

Ibrahim Aden Shire

ishire86@gmail.com


Comments

Popular posts from this blog

Taariikh Nololeedkii Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf

  28/12/2023 waxaa geeriyooday sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf oo ka mid ahaa culimada Soomaaliyeed marna ahaa hoggaamiyihii Imaaradii Gedo. Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf Aw Axmed Ismaciil Mubaarak sheekh Cabdiraxmaan sheekh Samantar,  waxaa uu ku dhashay qiyaastii 1938-kii, meel lagu magacaabo Buuro oo galbeedka uga beegan magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud. Sheekha waxaa uu ahaa Marreexaan, Cali Maxammed (Cali-dheere), reer Sheekh reer Mubaarak.  Sheekh Maxammed waxaa uu ku barbaaray guri aqoon iyo Diin. Sida aad ka arki kartaba abtirkiisa aabbihii iyo awooyaashii waxaa ay ahaayeen culimo. Sheekha Maxammed Allaha u naxariisto e (AUN),  waxaa uu Qur’aanka kariim ka ah dhammeeyay isaga oo aad u da’ yar. Intaa ka dib waxaa uu u jeestay barashada caqiidada, fiqhiga iyo Shaaficiga isaga oo kutubtaas ka qaatay aabbihii. Sidii uu dhaqanku ahaa, sheekh Maxammed  waxaa uu xiraystay sannadka markii uu ahaa 1956-kii ilaa 1961-kii  goortaas oo uu cilmi u raadsaday magaalooyinka Beledwayne,

Maxaa ka run ah warbixinnada foosha xun ee laga qoro Soomaalida Qurbaha?

Warbixin ka ay daabacday Boomerg oo looga hadlay waxtarka muhaajiriinta Maraykan  tago ayaa lagu sheegay in Kiinyaanku yihiin dadka saddexaad ee ugu shaqada iyo waxtarka badan soogalootiga Maraykanka. Gaana oo Afrika ah ayaa qaadatay kaalinta koowaad waxaan labo noqday Bulgeeriya oo Yurub ah. Waxaa sidoo kale toban hore soo galay dalalka Itoobiya oo afar gashay, Masar oo shan gashay, Nayjeeriya oo siddeed gashay iyo Laybeeriya oo sagaal gashay. Toban qowmiyadood ee ugu shaqada badan muhaajiriinta ku nool Maraykanka lix ayaa kasoo jeedda Afrika. Waxaan tobanka hore soo galin Soomaalida. Sidoo kale soomaalidu safka hore oogama jirto muhaajiriinta ugu aqoonta badan. Afrika Masar iyo Natjeeriya ayaa kaga jiro tobanka hore xagga aqoonta. Marka walba oo lasoo hadal qaado Soomaali waxaa lagu xariiriyaa, faqri, burcadnimo, aqoon la'aan, argagixisonimo iyo shaqo la'aan baahsan. Warbixin laga soo saaray waddamada Galbeed oo sawir quruxsan ka bixiso Soomaalida in la helo ma dhacd

Hal ku dhigga halaagga noo horseeday: "Xoolaha dad weynaha ayaa ganacsi loo baddalay"

Ilaa shalay waxaa baraha bulshada lagu faafinayay in isbitaalki Jaalle Siyaad ee dagmada Garbahaareey loo rogay meel ganacsi. Saaka warki asaga ahaa waxaa qoray qaar ka mid ah mareegyada warfaafinta ee Soomaalida. Dadka qoray warkaan qaar waxay isticmaaleen erayo adag sida 'dhiig miirato', 'furasho' iyo 'boob'.  Inkastoo aan la xariiray qaar ka mid ah dadka qoray farriimahaan aana isku dayay inaan si hoose xal ugu helo warkaan aan salka lahayn, haddana waxaa ii muuqato inuu dhawaqu meel fog gaaray hoos u hadlidna aysan ku filnayn. Sidaa darteed waxaan go'aansaday in si muuqato wax ooga dhaho warkaan oo aan ahayn kii ugu horreeyay ee noociisa ah.  Muxuu yahay Isbitaalka Jaalle siyaad? Jaalle Siyaad waa isbitaal weyn oo ku yaal Garbahaareey. Waxaa dhismihiisa bilowday dowladdii dhexe isagoo qaybo ah ayayna dhacday. dhowr iyo labaatan sano ayuu qabyadaas ahaa oo arigu u xaroon jiray. Waqti aan fogayn ayay gabdho qurbajoog ah isu xilqaameen inay

Contact Form

Name

Email *

Message *