Waxaan qormadi
kowaad si kooban ooga hadalnay dhibaatooyinka haysto waxbarashada adduunka iyo
sida caruur badan loo hafro. Tii xigtay waxaan ku eegnay meelaha uu farqiga
balaaran ka jiro iyo sababaha qaar ka mid ah. Middaan waxaan ku eegi doonnaa
mid ka mid xalalka ay warbixinti Bankiga Adduunku soo jeedisay oo ah Qiimayn (measurement/assessment).
Maxay u
jirtaa dhibaatada haysato waxbarashada adduunka? Maxaa keenay in ilmo afar sano
iyo ka badan fasal fadhiyay wali u yahay ummi? Maxay bahda waxbarashadu
mushkiladahaan xal ugu la’yihiin? Mid ka mid ah sababaha ugu weyn waa inta
badan waddamada adduunku aysan lahayn nidaam lagu ogaado kan waxbaranayo iyo
kaan baranayn. 121 dal oo xog-raadin lagu sameeyay, hal-sadexaad (40 dal) kaliya
ayaa yeeshay keyd-xogeedka (data centre) waxbarashada dugsiayada hoose/dhexe.
Si tani loo
xalliyo, inkastoo aysan ku filnayn inay baabi’iso dhibka oo dhan, waa in helaa
nidaam qiimayn oo sugan. Nidaamyada adduunka ka jiro hadda waxay soo gudbiyaan
is-diiwaangalinta laakiin masoo gudbiyaan barashada. Maxaa yeelay barashadu
kuma jirto xogta la hayo. Sidoo kale, tayada barashadu xisaabta uguma jirto siyaasiyiinta iyo shaqaalahooda . Taasi waxaad
ka dheehan kartaa qaabka siyaasiyiintu ooga hadlaan waxbarashada. Waxay had iyo
jeer cabbiraan tirada ee ma sheegaan tayada iyo barashada.
Waxaad
maqashaa siyaasiga oo leh waxaan dhisi iskoollo badan, fasallo ayaan kordhin, caruur badan
ayaan iskool geyn, intaas oo macallin ayaan howl galin, waxaan kordhin
mushaarka macallimiinta, laakiin maqli maysid iyagoo marna tilmaamayo waxa la
barto iyo tayada waxbarashada (innaga booska siyaasiyiinta xagga ballanqaadka waxaa noo fadhiyo hayadaha samafalka). Haddii aysan jirin qiimayn sugan oo dadkoo dhan
u furan, waligeed la ogaan mahayo tayada waxbarasho, siyaasiyiintuna sidaas
ayay dadka u harowsan. Cilmi-baaris lagu sameeyay Kiinya ayaa tusisay in in ka
yar kala bar ardayda dhigato fasallada afraad ay ka shaqayn karaan xisaabta ay
ku qaateen casharada, saas oo ay tahay, sadex-meelood labo (2/3) waalidiintu waxay aaminsanyihiin in dowladdu waxbarsho tayo badan siiso
warasadooda. Sabatu way iska caddahay; xogta kaliya ay helaan waxaa siiyo
siyaasiyiinta. Si taasi looga gudbo loona ogaado gunta barashada waa in la
sameeyaa qiimayn dhowr lakab ah.
Qiimayn fasal: qiimayntaan waxaa samayn macalimiinta waxayna
ka caawin inay ogaadaan ardayga fariidka fahamada badan ah iyo kan culaysku ku
jiro ee u baahan gacan-qabasho. Waxaa badan in arday u dhashay fahmo culays uu
qabbiro mid faahin ah si fududna meelo sare ku gaari lahaa. Baaritaan lagu
sameeyay iskoollo ku yaal Delhi (Hindiya) ayaa laga helay fasal ay wada
fadhiyaan arday qaarkood u qalanto lixaad, qaarna shanaad hadana isku cashar
qaadanayo. Tani lagama wado kii dammiin loo arko ha la tuuro fariidkuna horay
ha u socdo ee waxaa looga jeedaa caruurta ayaan la isu dabrin ee mid walba wax
uu qaadi karo ha la siiyo iyagoo isla fadhiyo. Qiimaynta ceynkaan ah waxay anfici kan fahamada yar in ka badan kan famada badan waayo wuxuu heli gacan qabasho iyo taakulayn uusan heleen markii aan xogtiisa la hayn. Haddii iskoolladu qiimaynta
ceynkaan ah sameeyaan, waxaa dhici inay si wacan u maareeyaan tas’hiilaadka ay
heli karaan iyo inay xogta la wadaagaan waalidiinta si ay cawimaad dheeraad ah
u siiyaan warasadooda.
Qiimayn Dagmo: qiimayntaan waxay noqon mid lagu sameeyo
iskoollada heer dagmo. Natiijada soo baxdo ayaa noqonayso midda go’aaminayso
martadiisa. Tallaabadaan abuuri mayso tartan fayow oo iskoollada dhexdooda ah
kaliya, balse sidoo kale waxay fursad doorasho siin waalidiinta oo warasadooda
gaysan iskoolka qiimaha leh. hadda waxaan iskoollada ku dooranna qof aan qaraabo nahay ayaa macalin ka ah iyo qolo aan isku caqiido nahay ayaa maamusho.
Sidoo kale, haddii ay jirto cid dhaqaale ku taageerto sida dowlad ama hayad, waxaa lagula xisaabtami waxqabadkooda. Haddii aysan waalidiintu hayn xogtaan lama xisaabtami karaan iskoolladooda, waxayna u haysan in kuwoodu aduunka ugu sarreeyaan. Baaritaan lagu sameeyay Yugaandha ayaa tilmaamay in sadex-afraad (¾) waalidiintu ku qanacsanyihiin tayada iskoolladooda iyadoo rubuc (¼) kaliya caruurta dhigato fasalka afraad ay ka shaqayn karaan xisaabta lagu qaato fasalka labaad.
Sidoo kale, haddii ay jirto cid dhaqaale ku taageerto sida dowlad ama hayad, waxaa lagula xisaabtami waxqabadkooda. Haddii aysan waalidiintu hayn xogtaan lama xisaabtami karaan iskoolladooda, waxayna u haysan in kuwoodu aduunka ugu sarreeyaan. Baaritaan lagu sameeyay Yugaandha ayaa tilmaamay in sadex-afraad (¾) waalidiintu ku qanacsanyihiin tayada iskoolladooda iyadoo rubuc (¼) kaliya caruurta dhigato fasalka afraad ay ka shaqayn karaan xisaabta lagu qaato fasalka labaad.
Qiimayn heer qaran ah: middaan aad ayay muhiim u tahay. Waa qiimaynta
lagu jaangooyo miisaaniyadda dowladdu ku bixinayso waxbarashada iyo gobollada
loo badinayo. Waa midda lagu dajiyo baahida waxbarsho ee uu dalku qabo iyo
meelaha u baahan in xoogga la saaro. Waa midda tusayso in madaxdu fuliyeen
ballanqaadyadoodi iyo in kale (innaga booska dowladda waxaa noo joogo hayadaha samafalka ciddii doontaba ha lahaatee). Waa midda adduunku arko laguna qiimeeyo heerka
uu waddaankaas kaga jiro waxbarshada adduunka. Haddii aysan jirin wax xog heer
qaran ah oo waddan laga hayo laguma daro qiimaynta adduunka. Waa sababta aadan
marnaba ugu arkayn dalkeenna marki laga hadlayo martabooyinka waxbarasho ee
caalamka.
Haddaba
soo tan dalkoo dhan imtixaanno laga qaado?
Qiimaynta iyo
imtixaannada hadda la qaado waa kuwo loo naqshadeeyay in caruurta lagu ciqaabo
ama lagu abaal mariyo. Waxay kala saaraan ilmaha dhacay iyo kan baasay ee ma
eegaan sababaha. Sidaa darteed waligeed wax lagama barto, waayo eedda waxaa la
saaraa ardayda iyo waalidiintood. Canugii dhaco isagaa dadaali waayay ama
waalidkii ayaa la haray oo aan siin wixii taageero uu u baahnaa ayaa lagu
doodaa. Ma jirto cid hoos u dhugato sababta dhacniinka keentay iyo cidda ka
masuulka ah. Ma jirto cid horay usii qiimaysay si loo ogaado baahidiisa iyo
kartidiisa waxbarsho. Sidaa awgeed waxaa loo baahanyahay mid taasi ka duwan oo
ujeedkeedu yahay cashar barasho iyo hagaajin. Intaas waxaa dheer ma jirto meel
dhexe oo lagu kaydiyo imtixaanada la qaado lamana martabeeyo iskoollada ee
waxaa lasoo qoraa kaliya ardaydu sideey u kala korreeyeen.
Dabcan waxaa
la iswaydiin karaa sida waalidiintu xogta ku heli maadaama aysan intooda badan
wax akhrin? Jawaabtu ma cusla. Muhiim maahan in waalid walba warqarwarqad u
arko warbixinnada soo baxo ee waxaa muhiim in inuu ogaado meesha wax marayaan. Taasi
waxay ka ogaan karaan idaacadaha dalka. Marki la daabaco warbixin cusub iyo
martabaynta iskoollada waxaa caadiyan laga sii daayaa dhamaan inta idaacad ah,
dadkeennuna waa ku fiicanyahay war dhagaysiga sidaa darteed waxba seegi
mahayaan.
Dalkeennu ma yeelan karaa nidaam caynkaan ah
waqtigaan?
Nafta looma
been sheego, waanadana waaqiciga ayaa lagu dhisaa. Duruufaha siyaasadeed, kuwa
amni iyo kuwa dhaqaale ee hadda dalkeennu ku jiro dartood suura gal maahan inuu
hadda yeesho qiimayn heer dagmo, gobal ama mid qaran ah. Laakiin waxaa sahlan
in la sameeyo mid fasal, iyadaana hadda noogu daran oo caruurta u dan ah. Haddii
maamulayaasha iyo madaxda iskoolladu ilaahay ka baqaan iskuna dayaan inay
hagaajiyaan tayada iskoolka ay gacanta ku hayaan way samayn karaan, qiimayn
fasal fasal ahna way u sahlantahay waqti iyo qarash dheeraad ahba ha u
baahaatee.
Waxaan kusoo
xirayaa qormadaan, dhammaanteen masuuliyad ayaa innaga saaran in caruurteenu
hesho waxbarsho tayo leh. Maahan inaan cid gooni ah ku hallayno mana ahan inaan
ku aaminno macalimiinta iskoollada iyo maamulayaasha kaliya. Waalidiinta waxaa saaran
inay booqdaan iskoollada ay warasadoodu dhigato, waxbixinna waydiistaan. Macalimiinta
iyo milkiilayaasha iskoolada waxaa saaran inay xalaal ka dhigtaan kasabkooda oo
ay hafaryada ka daayaan caruurta. Wixii tabar loo waayo cidna uma haysato
laakiin eedda joogtada ah ee caruurta iyo waalidiinta la saaro qayb ha qaateen
isbadalna ha isku dayeen.
Ibrahim Aden
Shire
Kala soco: https://ibrahim-shire.blogspot.co.uk/
11/11/2017
Comments
Post a Comment